Subaxdii ayay soo kacday, mise wixii riyo ayuu ahaa, markaas ayay tiri Riyo xitaa muu igula joogaa, meel aan ka qabto garan maayo, Isagana kolba Albaabka qofka uga soo gala iyada ayuu moodaa, Gabar kalkaaliso ah ayaa u timid, Waxayna ku tiri: Drs Qureysha way maqan tahay waa in aan aniga ku mudo, waayo waa xiligii aad qadan lahayd daawada, Markaas ayuu ku dhahay May aniga cid aan Qureysha ahayn ima mudi karto. iyada ayaa i siin markay timaado daawada.

Gabartii kalkaalisada ahayd haye ayay ku tiri, wayna iska baxday, Qureysha ayaa hospitalka timid ka dib kalkaalisadii ayaa ku tiri bukaanka qolkaas ku jiraa cid aan Qureysha ahayn ima daawen karto ayuu dhahay, ee la soco (ayaa tiri), Oky anaa u tagi hawshada iska wado.

Qolkiisii ayay tagtay markas ayuu dhahay Ilaa Saaka waan ku sugaayay, Maxaa ku helay? Markas ayay ku tiri Guriga baan ku soo daahay ee maxaad u diiday kalkaalisada inay ku mudo
Markaas ayuu dhahay aniga gacantaada ayaan Xanun ku dareemin.

Qaasim waa wiil dhoola cadeyn badan, oo furfuran, oo dabeecad fiican, aarkaas ayuu ku yiri Qureysha meeshan gormaan ka baxayaa, waan Caajisee, intay cabaar fiirisay ayay ku tiri imikababax hadaad rabto, weyna ka baxday xafiiskeedii ayey gashay.

Ka dib Qureysha Walaasheed Marwa ayaa soo wacday, oo ku leh way imaadeen Hooyo iyo xaafadii ee hadhaw aad nala qadeyside noo kaalay, Qureysha haye ayay ku tiri, waan idiin imaanayaa, daqiiqad ka dib Qaasim ayaa soo wacay Qureysha intay sida u eegtay ayay tiri muxuu iga raba tolow kamay qaban.

Shaqadii ayaa ku badatay, oo xiligay Xaafada la balantay ayaa la gaaray, iyadoo ag maraysa qolka Qaasim ayay aragtay isaga, oo biyo Caagad ku jira furi kari la’, sababta oo ah gacan ayuu ka jaban yahay way u soo gashay keen ayay ku tiri aan kuu furee wey u furtay, wayna u dhiibtay aad ayuu u eegay markaas ayay ku tiri maxaa sida iga soo fiirin.

Markaas ayuu ku yiri Naxariistaada ayaan ka helay, waadna Mahadsan tahay, Wax hadal ah umay celin way ka soo baxday Walasheed ayaa wacday, waxayna u sheegtay inay Caawa imaan doonto, oo shaqo badan u taalo.

Habeenimadii ayay guriga tagtay Hooyo, Aabe iyo dhamaan walaaleheed ayay la caweysay, Markaas bey hooyaded ku tiri: Qureysha waad dhuubatay maxaa ku helay, markaas ayay tiri Shaqada baryahan igu badnayd ee wax kale ma jiraan Hooyo.

Hooyaded ayaa ku tiri Sidan ma qaadan karo waa inaad fasax soo qaadato, oo aad nasato waana Amarkeyga, Qureysha ayaa ku tiri hooyo ma sameyn karo, oo shaqada fasax kama qaadan karo ee iga daa, markaas ayay Hooyadeed ku tiri Beri waxaa imaan doona Asad wiilkii Adeerkaa dhalay ee fasax qaado si aad waqti noola qaadato.

Qureysha waxay ku tiri waan eegi doonaa, banaanka guriga ayay iska fadhiisatay, Marwa ayaa ka soo daba kacday markaas ayay ku tiri arin ayaan raba inaan kuu sheego, lakiin cidna iminka haku qabsan, oo yaan ley ogaan inaan kuu sheegay. Qureysha ayaa ku tiri: ii sheeg arinkaa cidna qabsan maayee.

Markaas ayay ku tiri waxan maqlaayay Hooyo iyo Aabo oo la hadlaaya Adeero Asad aabihiis, waxayna ka hadlayeen in la rabo in laysku kiiin daro Adiga iyo Asad. Qureysha yaab iyo naxdin ayey wehel la noqotay, markaas ayay ku tiri:- Mayga hubtaa hadalkaas, Haa ayay Marwa tiri.

Qureysha Hadalka Marwa wqx lama filaan ah ayuu ku noqday, ka dib waxay Marwa ku tiri Iminka iska deexo oo Arinkan Qof aan Ogayn iska dhig, markii lagula soo gaado un ka hadal Anna si aan ley ogaan inaan ku sheegay.

Markaas ayay Qureysha ku tiri Haye kuma sheegayo Arinkana xilligiisa ayaan ka hadli doonaa, habeenkii oo dhan ayay fa fikiraysay Arinkan, Guurka xilligana waa xilli ay qalbiga Qof kale ku heyso, way iska seexatay .

Subaxdii way soo diyaar garowday, iyada oo Shaqada u sii socota ayay Hooyadeed ku yiri Maanta shaqo na tageysid ee iska joog Qureysha ayaa tiri Hooyo shaqadeyda Sabab aan uga joogi, Markas ayay Hooyadii ku tiri Aniga dartay maanta u joog Bariba waad tegiye.

Qureysha ayaa tiri Ma joogi karo oo Hawlo Muhiim ah ayaa ii taal, Dad bukana wey i sugayaan ee Xiliga Qadada ayaan imaan Hooyadii Ayaa tiri Haye tag, laakiin kuma waayi karo xilliga Qadada, Okay ayay tiri Qureysha.

( La soco Qeybta Xigta).

Abdulkadir Uukow

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

The reCAPTCHA verification period has expired. Please reload the page.