Ileen Soomaalidu war kama dhamaado, wax kastana ka filo, sidey War raadis ugu jireen ayaa waxey soo heleen Xogtii Warsame inuu Cudurka waalida uu qabo, Caafimaakiisuna uusan wacneyn, intaas ka dib waxey warkii ula carareen Islaantii Saaxiibadda ahaayeen ee Canab oo ay gabadheedu u Oggolaatay in loo guuriyo Warsame.

Gabadhii Wafaa aheyd ee iyadana Warsane la siiyay warkii ayaa si toos ah loo gaarsiiyey iyo inuu Ninka iyada la siiyay ee lagu dari raba in uu Waalan yahay, isla markaasina aan nafta lagu Amini karin, Gabadhii sideey u socotay waxey Earkii ula ula timid Hooyadeed Canab, waxaana dhex maray Sheekadaan:- 

Wafaa:- Hooyo waxaan soo maqlay Ninka aad i laheyd waan ku siiyay inuu Waalan yahay, sidaas darteed Aniga Nin waalan waan ka baqaa oo Nafteyda kuma Amini karo, Hooyo ninkaas iga daa, Aniga ma rabo.

Hooyo Canab:- Hooyo waa runtaada Anigana waan maqlay Warkaas, inuu Ninku Waalan yahay, oo Shalay ayaa warkaasi i soo gaaray, hore Aniga war uma heynin, ee Hooyadiisa ayaa Saaxiibo nahay, kamana fileyn iney Saaxiibadey sidaas ay sameeneyso, balse anaa u wacaayo oo Arrintaasi la socodsiin doona.

Wafaa:- Waa yahay hooyo, koleey Aniga Nin waalan iskuma Amini karo, iga ilaali Hooyo.

Hooyo Canab:- Hooyo taas hska baqin aniga ayaa la socodsiinaayo Islaanta.

Intaas ka dib Hooyo Canab waxey u wacday, Warsame hooyadiis, oo ay ku tiri:- 

Saaxiib si dhaqsi ah iigu imoow, Arrin ayaan rabaa inaannkila socodsiiyo, Warsame hooyadiisna,wey ka aqbashay, oo durbadiiba wey soo carartay oo waxey u yimid Saaxibteed Canab, waxaana dhex martay doodan:-

Hooyo Canab ayaa tiri:- Saaxiibeey waxaa la sheegay in Wiilkaagu jiran yahay, oo aan lagu Amini karin Gabar, sababtoo ah waxaa naloo sheegay inuu Waalan yahay, Adigana Wax iima sheegin, Anigana waan iska aqbalay hadda ayaan maqalnay inuu Wiilkaagu Waalan yahay, Gabadheydana wey diidan tahay, haddaba maxaa Xal ah ?.

Warsame hooyadiis ayaa ku jawaabtay:- Ma hadda oo aan xataa Waraaqihii Xafladda aan soo sameeyay, weliba aan qeyboyay ayaad sidaa I leedahay Saaxiibeey ?.

Hooyo Canab ayaa tiri:- Haa Saaxibeey waan ku leeyahay, waayo markii hore Adiga si fiican wax iiguma sheegin, haddaad arrintaas ii sheegi laheydna maba kaa Oggolaadeena, hadda Xaafadii dhan ayaa nala yaaban oo waxey i leeyihiin Canabeey sidee wax kaa yihiin, Gabadhaada Ninka Waalan aad siisay muxuu ahaa, gabadhaada miyaad Nacday ?.

Warsame Hooyadiisa baa tiri:- Saaxibeey dad warkiis lama raaco Wiilkeyga waa Run wuu xanuunsaday, balse hadda wuu Caafimaaday oo sidii hore maaha wuu fiican yahay. 

Hooyo Canab ayaa tiri:- Saaxiibey ha fiicnaado ama yuusan fiicnaan, bal maxaa talo ah wey diiday Gabadheyda in Wiilkaaga lagu daro. 

Warsame hooyadiis ayaa tiri:- Intaanan gelin Khasaaraha maxaad mar hore iigu sheegi weysay Saaxiibey ?.

Hooyo Canab baa tiri:- Khaladka waa Adiga dhsnkaaga, waayo waad iga qarisay Xanuunka Wiilkaaga.

Warsame hooyadiis oo Niyad jabsan ayaa tiri:- Waa yahay dhib maleh haddeey Arrintu sidaas tahay, balse kaama fileyn Ogow Arrintaas.

Dhanka kale Warsan waa Aroosad Cusub oo farxad ku Naalooneysa, waxey gashay Nolol tii hore ay ku jirtay ka Qurux badan, farxad ayey dhex Dabaalaneysaa, iyadaba waxaa soo gaaray Arooskii Warsame, iyo iney Hooyadiisa wacad ku martay iney Wiilkeeda u sameyso Arooskii Warsan mid ka wanaagsan, balse Warkaasi dheg jalaq uma siin oo Reerkaas Warkoodana Xasaasiyo ayey ka qaadaa, umana aragto wax qiimo leh, waayo Warsan waa gabar go’aan leh waxey mar go’aan ka qaadato, dib uma milicsato.

Warsame hooyadiis wey yaabtay oo qaxey weysay meel ay talo ka bilowdo, Arooskii ay qabanqaabineysay ee Wiilkeeda fashil ayaa ku yimid, Qarashkii ay gelisay wey qasaareen, Alla Xageen wax ka bilaabaa, ayey ku Cataabeysay, Warsame warkiisa iskaba daa oo iyada ayaa hadda ku dhow Waali, waxey taagan tahay Alla maxaa wareerkaan i geliyay ?, oo xaggee leyga soo habaaray Aniga Taladaan Qorsheeyaba maxaa Fashiliyay ?, Alla Wiilkeygu Nasiib xumaa, Warsaneey Wiilkeyga adiga ayaa ugu wacan dhibka, war ilaah maad ka baqdid, wuu ku jecal yahay Warsame, dhibtaan adiga ayaa u sabab ah, intaad xumeysay ayaad weliba Nin kale ka raacday, oo Caawa Ninkaasi ayaad dhinaciisa hurudaa, Warsamena waa kan aad Maskaxdiisa dartaada u romantic, siduu u lahaa Warsan, Warsan.

Warsame isagu sidii hore wuu dhaamaa, balse Maskaxdiisa weli ma fadhiso, waayo Xusuusta ayaa weli aad ugu yar, oo qof dumar ah haduu arko wuxuu soo Xasuustaa Warsan oo Warsan magaceeda ayuu ugu yeeraa, mararka qaarna waa Caadi. Warsame hooyadiisa markey quus gaartay, xataa mar mar waxey is leedahay Armaad Weristii u doontaa, bal laga yaabee iney Maskaxdiisu ku degto, oo iyadu warba uma heyso Weris waxa heysta iyaduna iyo iney ilmo aan Aabo laheyn dhashay, ayna Balwad baratay, markey talo ku cadaatay Hooyadii ayaa waxey heshay Buuggii Xusuus qorka ee Warsame, waxey ka baartay Lambarkii Weris, weyna heshay, iyadoo aan ka shakin ayey u wacday Weris, waxaana dhex maray:- 

Warsame hooyadiis:- Weris ii waran Hooyo.

Weris ayaa ugu jawaabtay:- Hooyo waa Nabad

Warsame hooyadiis baa tiri:- Hooyo adiga ayaan ku rabay, inaan kula hadlo sidee u aragtaa ?.

Weris oo markaan Naf la Caari ah, oo ay ka taagan tahay mar un yaa kaa kaxeey halkaan ayaa tiri:- Hooyo waa Caadi Waad ila hadli kartaa.

Hooyadii ayaa tiri:- Hooyo waxaan jecleystay oo aan rabaa inaan Warsan iyo Adiga isku siin celiyo, diyaar ma u tahay ?.

Weris ayaa ku yiri:- Hooyo waxaad tiraahdid kaama diidaayo, diyaar ayaan kuu ahay.

Hooyadii baa ugu jawaabtay:- Hooyo waad Mahadsan tahay, Aqbalaadda aad iga aqbashay Codsigeyga, Anigana waxaan idiin balan qaadayaa inaan Aroos weyn idiib dhigo.

Weris baa tiri:- Hooyo waa Caadi waxba ha is dhibin.

Warsame hooyadiisa, meel kasta wey isku walaaqeysaa, iyada ayaaba ku dhow Waalin, intaas waxey wax kasta u sameyneeso waa Wiilkaagu Warsan iyo Reerkooda yuusan u jabin, oo ka Sare marsii, waa tan ay haddana naf ka raadisay Weristii ay Cadowtinimo ka dhexeysay.

Intaas ka dib Weris ayaa waxey bilowday iney Arrintii Gabdho badan la wadaagto, oo ugu dambeytiina Warka Magaalada oo dhan ku shaacay, haddana waxaa bilaabatay in Warsame hooyadiis loo sheego, iney Weris baratay Balwad iyo Khamri, isla markaasna ay dhashay Cunug aan Aabe laheyn.

Hooyadii haddana Naxdin bey la Suuxi gaartay, oo Cirka iyo dhulka ayaa ku ciriiriyoobay, Alla ma geedkaan qabtaba miyuu ila go’ayaa ?, waan yaabayee Bal xaggee wax ka bilaabaa?, meel kasta Aduunkii waa nalaga soo Xirxiray, mana dhaafi karo Wiilkeyga guurkiisa, sidey noqotaba ha noqoto waa inaan Adkeysi yeesho.

Weris waxey bilowday sidii maalintaasi iney xiriiriso Warsame hooyadiis, iyada oo is jecleysiineysa, Laba maalin hadey weyso, maalinta Saddexaad wey u waceysaa oo wey xaal wareysaneysaa, iyadoo ka raadsaneysa jaceyl iyo debecsanaan

Wuxuu Xaalku sidaas ahaadaba, maantaba iyagoo Guriga wada jooga Reerka oo dhan, isla markaasina ay la fadhiyaan Laba gabdho oo Adeerkooda dhalay, ayaa Warsame Hooyadiis waxey tiri:- Waan daalay Aniga sidii aan Warsame gabar ugu raadinaayey, midaan soo heloba waxey leedahay Wiilkaaga wuu waalan yahay, Aniga naftryda kuma Amini karo Nin waalan. 

Labada gabdho mid ka mid ah oo Warda la yiraahdo ayaa tiri:- Eedo ma waxey diidayaan Walaalkeey Warsan ?.

Hooyadii:- Haa, Wardo waan daalay Qarash iyo wax kasto waa diyaar.

Warda ayaa intuu dhiiga kacay, ayaa waxey tiri: Eedo Walaalkeey Naag ma diidi karto ee Aniga haleygu daro anaa guursanaayo.

Hooyadii ayaa tiri:- Afka Alla kaama gooyo, ilaah haku Sharfo Warda, wax kasta waa diyaar, Qarash anaa bixinaayo, Insha Allaah diyaar anaa kuu ah oo Wax kastoo aad u baahstid ku siinaayo, Xaflad laha Cajiiba waan kuu dhigaa.

Warda baa tiri:- Eedo waxba haka baqin anaa diyaar u ah Ina Adeerkeey Warsame.

(La soco Qeybta Xigta).

Abdulkadir Uukow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

The reCAPTCHA verification period has expired. Please reload the page.