Ugu dambeyn hooyo Bishaaro waxay Jamiila ku qancisay in ay la soo degto oo ay gurigana soo xerto, maadaama ay alaabta oo idil soo rari karin, Hooyo Bishaaro aad bey u faraxday marba haddii gabadhan u eg gabadheedi Bushra ay la noolaaneyso, Firdowsana aad ayey ugu faraxday khabarka ah imaanshada Jamiila.

Jamiila ayaa maalinkii dambe soo qaadatay waxyaabaha aysan ka maarmeynin waxeyna soo xertay gurigeedi ay degeneyd si ay ula noolaato hooyo Bishaaro iyo Firdowsa, Jamiila waxaa la siiyay qolkii Bushra, Bashiirna warba kama uusan hayn arinka.

Caawaba waxaa soo galay Bashiir oo ka yimid shaqadii wuxuuna soo galay qolka fadhiga laakiin wuxuu arkay Jamiila oo dirac iyo go’ wadato iyo hooyadii oo isla fadhiyaan, salaan ka dib wuxuu weydiiyay Jamiila, caawa miyaad nala hoyaneysaa?

Jamiila ayaa inta ay soo istaagtay ku dhahday, ina keen, waayo waxay hooyo Bishaaro ka codsatay in ay iyada u sharxeyso sababta ay u soo degtay gurigiisa oo ma dooneyso inuu ku xanaaqo hooyadiis, iyo in uu hooyadiis ka ogaado maqnaanshaha xusuusteeda si uusan mar labaad ugu maleynin Bushra oo uusan u niyad jabin mar kale, waayo iyadu iskuma haysato Bushra iyo qof kale toona.

Marka ay barandada kore imaadeen ayey u sheegtay in ay qol ka kireysatay guriga oo ay la joogeyso iyaga.

Bashiir: oo sow ma aheyn inaad isoo weydiiso marka hore?

Jamiila: Haa lkn hooyo ayaa ii ogolaatay oo aan ka fasax qaatay maadaama ay tahay qofka ugu weyn guriga.

Bashiir: Aniga raali kama ihi in aad nagula noolaato guriga.

Jamiila: oo sabab, ogow lacag ayan bixinayaa oo bilaash kuma joogaayo.

Bashiir: wuxuu si caro leh u dhahay taasi ma soconeyso, caawa weyba dhacday, lkn birito waxaa ku laabaneysaa gurigaada.

Jamiila hadalkii kululaa Bashiir iyo wajigiisa xanaaqsan waxay dhaqaajiyeen xasuusteeda oo waxey gashay xasuus, lkn madaxa ayaa saa’id u xanuunsaday isla daqiiqaddiiba, waxa ayna fadhiisatay dhulka 8yada oo heysata madaxa labadiisa dhinac.

Bashiir oo sii dhaqaaqayay ayaa istaagay oo ku yiri: maxaa kugu dhacay.

Jamiila waxaa ka soo haray shib iyo iney dhulka fiiriso madaxana qabsato, indhahana illini ka soo daato siduu madaxa u xanuunayo dartii.

Bashiir wuu naxay oo wuxuu qabtay gacanta oo uu soo istaajiyay, lkn istaagi ay sii istaageysayba Jamiila intey wareertay ayey miir beeshay.

Bashiir ayaa ula cararay qolkiisa oo meesha ka dhawaa asaga oo hooyadii ugu wacaya cod dheer, wuxuuna biyo ku shushubay wajiga Jamiila si uu miirka ugu soo laabto.

Waxaa timid hooyo Bishaaro oo ordeysa oo leh maxaa kugu dhacay hooyo, waxeyna aragtay Jamiila oo suuxsan iyo Bashiir oo yaaban oo biyo ku firdhinaaya wajigeeda.

Wax yar ka dib Jamiila waxaa u soo laabtay Miirkii waxaana aad u xanuunayay madaxa waxeyna dhamaantood u sheegtay in ay wareertay oo ay maanta waxba cunin malaariyana ay heyso.

Bashiir wuxuu ku yiri dhaqtar ayaan kuu wadayaa, lkn Jamiila ayaa ka diiday oo ku tiri Beri ayaan aadayaa hadda kaniini ayan cunaa waan seexanaa wsan daalanahay.

Jamiila waxey si dhib leh ku tagtay qolkii Bushra, waxeyna la yaabtay waxa ku dhacay iyo sida la yaabka ee madaxa looga qabtay, waxeyna massage u dirtay digtoorkeedii waxa uuna ku yiri waa bilaw wanaagsan xasuustaadana wey kuu soo laaban doonta daawadana si fiican u qaado, si fiicana wax u cun.

Jamiila waxay joogtay guriga Bashiir muddo isbuuc ah meelna meysan aadin, oo digtoorka naso ayuu ku yiri, Bashiirna wuu ka aamusay oo guriga ka tag ma uusan dhihin oo wuxuu arkayay in ay xanuunsan tahay oo ay mar walba fikireyso.

Jamiila waxey go’aansatay in ay soo aragto Bushra halka ay ku nooleyd yaraanteedii iyo Aabaheed iyo walaalaheed, si ay u ogaato in ay talaabadaas ku saacidi doonto xasuusteedi iney soo laabato iyo in kale, waxeyna aaday magaaladii ay degenaayeen familka Bushra, waxaana arinka bixitaankeeda ogaa hooyo Bishaaro oo qura.

Hooyo Bishaaro ayaa hageysay Jamiila oo u sheegtay Bushra aabeheed iney gabar Bushra u eg soo booqaneyso, markey uga sheekeysay qisadii Bushra, jecleysatay in ay aragto waalidkeedii.

Jamiila markey diyaaradda ka degtay oo ay aragtay Bushra Aabaheed ayey illini ka soo daadatay waxeyna ku booday oo ay hab siisay Aabaha Bushra, halka aabahu uu islahaa tolow waaba gabadhaadii.

Jamiila waxey aheyd sida qof wadankiisi ka maqnaa sanooyin oo dib ugu soo laabtay waxeyna ula dhaqmeysaa adeer maxamad oo ah Bushra aabaheed sida Aabaheed inuu yahay oo ayada dhalay oo kale.

Maalmo ka dib Jamiila waxey bushra aabahed ka codsatay inuu geeyo meelihi ay Bushra yaraanteedi jecleyd sida iskuulkii ay wax ka baratay.

Waxey kala baratay magaaladii, maalinba maalinka ka dambeysa waxaa u soo laabanayay qeyb xasuusteeda ka mid ah, lkn aanan si fiican ugu muuqanin, illaa ay bil ka dib xasuusatay wax walba iyo iney tahay Bushra tahay, Waxey xusuusatay sida ay shilka u gashay iyo halka ay ku gashay intaba.

Bashiir ma uusan ogeyn in Jamiila ay u safartay reerkii Bushra, Hooyo Bishaarase waxey rumeysneyd in Jamiila ay soo ceshan doonto xasuusteeda oo ay tahay gabadheedii Bushra.

Bushra waxa ay u sheegtay Aabaheed in ay gabadhiisi tahay oo ay u timid iney xasuusta u soo laabato oo ay ka shakisaneyd cidda ay tahay, Aabahii oo awalba laga bilaabo maalintuu arkay ugu yeerayay magaca Bushra ayaa ku yiri Aabo maalinkaad timid ayaan ogaaday inaad tahay gabadheyda waxaana habeen walba Alle ka baryay iney xasuusta kuu soo laabato, maadaama aan intii ka horeysay ku duceysanaayay inaad ii soo laabato, Alle ducadii wuu ii aqbalay oo waan ku helay ugu dambeyn gabadheydiyey.

Bushra waxey la sii joogtay aabaheed Usbuuc kale, ka dib waxey soo aaday magaaladeed si ay ula kulanto Bashiir iyo hooyadiis iyo gabadheeda ay soo korineysay 4 sano.

( La soco Qeybta Xigta).

Abdulkadir Uukow

1 COMMENT

  1. […] Bushra ayaa gashay qolkii u ijaarnaa oo ay guriga ka degeneyd, balse waaba qolkii ay 6sano ka hor degeneyd, waxeyna ku soo xasuusatay waqtiyadii adkaa oo ay ku soo qaadatay dhexdiisa iyo inta jeer oo ay dhexdiisa ku soo Oysay, waxay heshay buugaagtii ay wax ku baraneysay iyo sawiradii qalin jabinteeda, ka dibna waxa ay u kacday salaaddii duhur ka dibna eey gama’day. […]

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

The reCAPTCHA verification period has expired. Please reload the page.