Waxey aheyd Gabar Eebbe u dhameeyay Qurux iyo Dabeecad suuban, Ruuxdii il Kalgacal ku eegtaba waxey ku beerayeen Naxariis iyo Kalgacal joogto ah.

Waxaan Nasiib u helay inaan Qoftaasi iyada ah inaan Gacanta ku dhigo oo aan Qalbigeeda dego.

Wuxuu Waqtigu socdo, Xiriirkeenuna uu jiro, waxaa Dhegahayga soo gaarayey Warar sheegaaya in la guursan rabo.

Ma Rumeysan wararkaas, waayo? Ballanteena ayey aheyd inaan Rumeysan Hadalja at la wareegaan Nacabka iyo Namiimyada jecel kala Fogaanshaheena.
Ma weydiin Guurkaas aan maqlay, balse si lama-filaan ah ayey iyadu hoosta iigu dhigtay inuu Warkaasi yahay War jiro oo Run ah.

Farxaddii wey Carartay, Qalbigii wuu jabay, Rajadii aan Naawilayeyna Hal mar ayay Bidhaanteedii Luntay, waa Quusashada ruux u hammuun qabtay Ruux kale, ma garanaayo daqiiqadahaas Wax aan ku dareenkeyga ku Cabiro halka uu maraayo.

Dibnuhu waxey muujiyeen Dhoolla caddeyn Been ah, indhuhuna ilinta ka Qubanaysa waxay ku sababeeyeen Farxad, balse dhab ahaan Farxad mey aheyn. Dhuun qallashay oo aan dhawaaqaynina, waxey Amartay duco in Guudka loo suro gaaridey Sowdkeeda ku madadaalin jirtay.

Duco, dar-daaran iyo Wanaagaba ka dib, jacaylkeedii wuu guray, marba marka ka dambaysana Ruuxda uu dilay jaceylku wey soo dawoobeysay.

Abdulkadir Uukow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

The reCAPTCHA verification period has expired. Please reload the page.