Qaasim wuxuu is waydiinayaa gacantaada maxay ugu jiiftay?, mida kale siday kugu soo heshay, oo halkan kuu keentay su’aalo badan ayuu is weydiinayaa.

Marwa ayaa aragtay inay Qureysha qolka ka soo baxday, ka dib Marwa qolkii Qaasim jiifay ayay gashay, markaas ayay ku tiri Walaalo see tahay iminka ?, Waan fiicanahay ayuu ku yiri, ma soo gali kara ayay ku tiri, Haa soo gudub ayuu ku dhahay.

Marwa waxay raadinaysaa sababta meesha taala, iyo waxa ka dhexeeya Qureysha iyo wiilkan, Markaas ayay ku tiri maanta illahay ayaa walaashay kula kulmiyay, oo markiiba iyadaa ku keentay halkan, markaas ayuu dhahay walaasha Qureysha miyaa?, Haa ayay ku tiri. iyada, oo safar ah ayay dhawacaaga la kulantay Safarkiina sidii ayuu kaga baaqday, marna kaamay dul tegin ee aqoon miyaad isku leedihiin Qureysha ?.

Markaas ayuu dhahay Haa aqoon ayaan isku leenahay, waana uga mahadnaqayaa siday ii soo Caawisay, waana gabar runtii naxariis badan, adigana soo dhawow, lkn magacaa ayuu ku dhahay, Marwa ayaa ley dhahaa ayey ku tiri, isna anna Qaasim ayuu ku yiri.

Marwa iyo Qaasin oo sidaa isku wareysanaya ayay Qureysha soo gashay, Marwa baa ku tiri Qureysha ileen wiilka waad is taqaaneen, Qureysha ayaa ku tiri soo bax qofkan hadal looguma talo galine, waa qof xanuunsan, Marwa way soo baxday Qureysha waxay dawooyin siinaysaa Qaasim, lkn isaga irbada wuu ka baqaa, wuuna neceb yahay markuu arkay inay la soo baxday irbad ayuu dhahay.

May Qureysga aniga ma jecli in lay mudo, ee kiniin i sii tan iga dhaf, intay eegtay ayay ku tiri “Waxan yar miyaa ka Cabsanaysa waa qasab inaan ku mudo”, markaas ayay gacantiisa soo qabatay, irbadina way ku muday, lakiin muu dareemin iyada ayuu fiirinaayay.

Markas ayuu dhahay iminka miyaa i muday, Haa ayay ku tiri, markaas ayuu dhahay laakiin maan dareemin, markaas ayay ku tiri mid kale ma kugu mudaa aad dareentide ?, markaas ayuu ku dhahay, lakiin waxaa lay sheegay dartay inaad safarkaagii u joojisay, inaad i garab joogtay aad ayaan kaga mahad celinaya markaas ayay ku tiri Qof walba oo dhibtaas ku jira intaas waan u sameeyn lahaa, iyada oo is yara adkayneysa.

Markazs ayuu dhahay wax makaa Codsadaa, Haa ayay tiri wuxu dhahay Qoyskaygii u sheeg xaaladayda iyo inaan hospital ku jiro. Okay ayay dhahday, weyna u wacday, markaa ayay u yimaadeen, ka dib Qaasom markii hooyadiis iyo walaalahiis ku dhahen maxa kugu dhacay, siday wax kusoo gaareen ayuu uga sheekeyay isaga, oo u raaciyay gabartan doctarada ah ayaa iga soo qaaday Meeshii shilku ka dhacay, xaladaydana la socotay.

Aabahii ayaa dhahay gabartan waa qof aad u fiican anigaba intay hospitalka joogay si fiican ayay ii daryeeli jirtay, Qureysha ayaa xafiiska ugu yimaadeen Qaasim hooyadii iyo Aabihiis iyaga oo uga mahad celinaaya caawimaada wiilkooda ay u sameysay, markaas ayay ku tiri qof kale haduu booskeyga ku jiri lahaa intaan wuu u sameyn lahaa waana iska caadi.

Qureysha beryahan waxay joogtay Hospitalka, si ay ula socoto xaalada caafimaad Qaasim, Daal badan ayay dareemaysaa, Guriga ayay tagtay si ay u soo yar nafisto, Markay guriga sidaa u timid ayaa Marwa ku tiri Qureysha hooyo iyo xaafadii ayaa ila soo hadlay wayna imanayaan halkan ayeyna degaayaan.

Qureysha waxay ku tiri waa si fiicane Beri ayaynu wada sheekaysan Inaan yar seexdo rabaaye, Qolkeedii ayay timid shower ayay soo qaadatay si nafis ah ayay sariirteedii u timid, Markay madaxa dhulka dhigtaba dhoola cadeyntii Qaasim ayaa u sawirmata, Hadana dhanka kale ayay isku rogtaa, mise isaga ayuun baa hor taagan, wey fadhiisatay Shaydaanka ayay iska naartay.

Jiifkeedii ayay iskaga noqotay iyada, oo Nafteeda ku leh wax aanan awoodin haygu qasbin, Waxaan rajeynayaa in waxa aan dareemayo, inaanu run noqon wiilkaasna aan u dhawaan sidii iyada oo iskula hadleysa, ayay seexatay waxayna ku riyootay iyada, oo Qaasim meel Qurux badan la joogta jawi jacayl ay ku jiraan waxba anay ka maqnayn.

( La soco Qeybta Xigta).

Abdulkadir Uukow

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

The reCAPTCHA verification period has expired. Please reload the page.