Saciid Xaalada Suleeqo xataa inyar kama uu niyad jabin, oo waxey Suleeqo sameysay kama nixin, oo wuxuu dareemayaa maanta isaga in ay u baahan tahay, wax walba oo dhaca inuu Dhabarka u dhigan doono ayuu Suleeqo siman niyadda ugu dhisayaa, isago ku leh Adiga wax khalad ah mwad sameyn waxaan imin wey dhaceen ee ilaali Naftaada iyo tan ilmaha.

Suleeqo ayaa ku tiri Aniga waxaan khalad galayba markii aan Aaminay ninkaas mana aqaano si aan isku dejin doono, aadna waan u cabsanayaa ilmahan yar ee keligay aan ku noqday, haddii ley weydiyo maxaan ku jawaabi doonaa ?.

Saciid ayaa ku yiri Aniga ayaa Xal keenaayo, Cid ku Ogaaneysa malahan, cabsida iska dhaaf, kolkaas ayey ku tiri Saciid adiga culeys inaan ku saaro ma rabo, oo Ceeb iyo dhib kuu soo jiido.

Saciid ayaa ku dhahay May aniga wax culeys ah iyo wax kale midna iguma heysid, sidaan kuu jeclahay ayaan ilmahaaga u jeclahay, wuxuuna u sii raaciyay Daal badan ayaa kaa muuqda, wixii dhacay Riyo ka soo qaad, Nolol cusub ayaa ku sugeysa Hooyo ayaad noqotay, Qof adag iska dhig.

Markuu intaas ku yiri Suleeqo wey degtay oo warwarkiina wuu ka yaraaday. Qolkeeda ayuu geeyay, daawo hurdana wuu siiyay, si fiican ayey u Seexatay intuu agteeda fadhiistay ayuu arkay Wejigeeda Dhibka ka muuqda intuu Caloosheeda Gacanta saaray ayuu yiri: Waxaa ka sii Farxad badnaan lahaa aniga oo ilmahan Aabihiisa ah, inkasto iminkaba aan dhib la’aan dhalay.

Saciid hooyadiis ayaa soo wacday, intu dibada ula baxay ayu la hadlay, Hooyadiis oo ilaa hadda wax ku dhacay iyo meel uu qabtay garanaynin ayaa ku tiri: Wiilkaygii maxaa kugu dhacay wax ayaan soo qaadanayaa ayaad nagu tiri ilaa iminka waad ku maqan tahay inta aan ku sugaynay ma ogtahay, aaway safarkii aad u baxday ?.

Markaas ayuu ku dhahay Hooyo aad iiga raali noqda arin ayaa igu soo kordhay anigana sidaa ayaan u baxay, maadaama u iminka waqtigii iga dhacayna, dib ayaan u dhiganayaa Safarkeyga, ee waxba ma jirane hay warwarin.

Cabaar ka dib Suleeqo weyso kacday, waxey aragtay Saciid oo jikada ku jiro oo diyaarinaya Cunto, markaas ayey ku tiri Cunto badan i keen gaajo saa’id ayaan dareemaa, Labadoodba wey qosleen, markas ayuu dhahay Haye anaa kuu keenaayo ii fadhiiso adiga.

Markay Cuntada soo dhameysteen ayey Qolka TVga yimaadeen kolkaas ayey Suleeqo ku tiri Mahadsanid maanta la’aantaada wax aan sameeyo ma garan laheyn, kolkaas ayuu ku yiri Waxaad ii tahay ayaa ka weyn, waxaan kuu qabtay, wuxuuna u sii raaciyay maalin dhow Calool weyn ayaad yeelaneysaa Culays ayaw noqoneysaa, intassna Qof Xaaladaada la socoto ayaad u baahan tahay, raali maka tahay inaan kula joogo, intaad Xaaladwan ka baxeysid. Waxey ugu jawaabtay Haa wad ila joogi kartaa.

Wuxuu waqtigu is guroba waxey guda gashay bishii Shanaad, Saciid ayaa ku yiri Suleeqo aad ayaad ugu Quruxdahay Uurka. Suleeqo ayaa ku tiri Dhibka dhaaf yaah.

Mar walba Labadooda guriga dhexdiisa ayaa lagu ciyaaraa, sida ciyaalka oo kale. Suleeqo wey ilowday wixii soo maray, aadna wey u Caruur jeceshahay.

Saciid dantiisa iyo wax walba iyada darteed ayuu uga soo go’ay, waxey aragtay Saciid inuu u qalmo qof la jeclaan karo, waxey aad uga Qoomameysay maxaad isaga mar hore u jeclaan weysay.

Suleeqo siman marba marka ka sii dambeeya wey sii cuslaneysaa, Saciidna ar walba wuxuu u daryeelaa sidii ay hooyadeed ay u Baxnaanin laheyd, waxey u baahato wuu u keenaa. wuxuu ku dadaalaa sidii uu ku iloowsiin lahaa dhibta ku dhacday, wax kastoy u baahato isaga ayaa u doonaa.

Saciid marna ma uusan dhibsan Suleeqo oo wax walba wuu la soo maray, xaalad badan ayuu ka soo saaray xataa markey walac noqotay, wuxuu ka soo maray rhib badan, balse isaga Farxad ayey u tahay.

Habeen habeenada ka mid ah ayaa Suleeqo Fooshii qabatay, iyadoo ay Xilli dambe tahay oo xanuun badan dareemeysa, ayey Qolka Saciid tagtay, una sheegtay Xanun badan inuu jiro, markiiba gaariga ayuu saaray Hospitalka ayuuna geeyay.

Waa Fool ayaa lagu dhahay, markaas Suleeqo qeyladeeda ayuu maqlay, aad ayuu ula xanuun sanaayay, ka dib wuxuu ka codsaday inuu la joogo intey ka dhaleyso, waxa lagu yiri waxaa jira qol VIP ah, oo lacag badan ah kaas ayaad la joogi kartaa, qolkan dumar badan ayaa ku jira, waana Mamnuuc inuu Nin soo galo.

Saciid ayaa dhahay qolka VIP ga ah, Suleeqo hala geeyo, si aan xaaladeeda ula socdo, qolkii ayaa la geeyay, Saciidna wuu rascay Wax yar ka dib Suleeqo wey dhashay, Gabar ayeyna dhashay, dhakhaatirtii ayaa ku tiri si fiican ayaad u daryeeshay xaaskaga Dhiigeda Oky ayuu ahaa iyo awoodeeduba.

Saciid naxariis weyn ayaa u gashay Baby-da yar inuu Dhulka dhigo wuu diidayba, Laba Cisho markey joogen Hospitalka, guriga ayuu keenay Suleeqo iyo Inanteeda yar Guriga ayuu u sii Sharaxay si Farxad leh ayey ku yimaaden.

Saciid kaalin ad u weyn yuu ka qaatay Suleeqo Nolosheeda, markay dhameysatay Umushii ka dib Saciid aad ayey ugu Mahad celisay siduu u Garab joogay.

Saciid ayaa Suleeqo ku dhahay, waxaan rabaa inaan Magalada kaxeeyo oo America ii raacdo si aad nolosha halka uga bilaabato cidna yey ku ogaan inaad ilmo dhashay.

Suleeqo Haye ayey ku tiri Waa arrin fiican diyaarna waan ahay, kadib Saciid hawshii ayuu galay iyo siduu Suleeqo u kaxaysan lahaa.

Suleeqo kama qasna Hooyo ayey noqotay Inanteeda ayey ku iloowday dhibaato walba oo ay soo martay, Saciidna haddey haysato Wax ka xumaanaayo ma jiraan.

Saciid waa nin Hanti leh wuxuu rabo ayuu Awoodaa, waxna aanay ku Adkeyn Muddo la dib Passpor raadin iyo wuxuu sugaayay wuu helay Suleeqo iyo Saciid halkii ayey Wadanka kaga tageen

Suleeqo lama moodo inay Wax dhashay, Waa sideedii ka dib Saciid halkan Asxabtiisa ayaa ku badan, markaas ayey arkeen inuu wato gabar io ilmo markas ayay waydiyen isaguna si farxad ka muuqato ayuu ku dhahay waa gabartii aan jeclaa ilmahana anay i dhashay.

Wey yaabeen goormaa is guursateen, ya lagu yiri, markaas ayuu dhahay weli maan guursan laakin hadda ayaan rabsa inaan guursado, Soomaalidu wey iska su’aalo badan yihiine markaas ayay haddana ku dhaheen ilmaha idinkoo is guursan miyaad dhasheen, Saciid Haa ayuu dhahay.

Saciid ayaa Suleeqo Guur u soo bandhigtay, isagoo ku leh Suleeqo Aniga aad ayaan kuu jeclahay, waxaan rabaa inaad riyadeyda ii rumeyso oo aan ku guursado.

Sucaad ayaa ugu Jawaabtay diyaar ayaan u ahay inaan Xaaskaaga noqdo, qof aan adiga aheyn Nolosheyda kuma Aamini karo.

Saciid ayaa ku dhahay ma dareemi kartaa heerka uu Qalbigeygu Farxay, markaad intaas igu tiri Boqorad ayaa ii tahay.

Suleeqo markaas ayey tiri Dhulka markaan yaalay adaa kor ii qaaday, illinteyda adigey ku dhibi jirtay Qof Abaal leh haddaan ahay adigan riyadaada kuu Rumeeynaa.

Saciid ayaa ugu jawaabay Adiga iyo ilmaha yar aad Amaanadeyda tihiin waxadna ogaataa inaan ahay inantaada Aabaheed, balana iga qaad inaad cidna u sheegi doonin ilamaha yar inuu qof kale dhalay, xataa iyadu markey weynaato aniga Aabaheed ii aqoonsanaato.

Ugu dambeyn wey is guursadeen Suleeqo iyo Saciid, maanta waa Lamaane is qaba Caruur Lix ahna isku dhalay, Nolol Wanaagsanna ku jira oo Farxad wada ku Nool.

( DH A M M A A D).

Abdulkadir Uukow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

The reCAPTCHA verification period has expired. Please reload the page.