Suldaan isaga wey dhibeysaa hadalka ah Suleeqo uga sheekenayso iyo ninka leedahay jaceyl ayaa naga dhexeeya, haddana isma dareensiinayo. Markaas ayuu ku Suleeqo ku yiri Adiga Qof fiican tahay ee qofkaad Xiriirka la leedahay ku Xulo Wanaag.

Suleeqo ayaa tiri Aniga wan hubaa inuu fiican yahay, iminkana dhawaan ayuu Imaanayaa, waana ku bari doonaa, Adiga ileen Qof igu Qaaliyaa tahay Walaal iyo wehelba waad ii noqotay.

Saciid ayaa yiri isagoo niyadda ka dhaawacan Waxad jeceshahay ayaan kula jeclahay ee waan baran doonaa, Insha Alaah.

Ka dib Xilli dambe ayey noqotay markaas ayuu yiri waa Xilli dambe intuu bax is lahaa ayaa Roob aad u weyn yimid, Cabbaar ayuu sugay, balse marba marka ka dambeysa wuu sii kordhaayah Roobka.

Suleeqo siman ayaa ku tiri Caawa iska joog Xaalada ma fiicnee, Saciidna wuu ka diiday, balse Suleeqo ayaa ku adkeysatay inuu Caawa guriga joogo, wuuna ka aqbalay. Suleeqo ayaa ku tiri sii yara fadhi Qolka aan kuu diyaariyee.

Qolkii ayey u soo diyaarisay, markaas ayuu Hooyadiis wacay si uu ugu sheego inuu Cawa imaan doonin guriga uuna la joogo Wiil ay saaxiib yihiin. Haye ayey ku tiri.

Suleeqo ayaa ku tiri Waan kuu soo diyaariyay ee iska naso hadaad wax u baahatid, Guriga waa Gurigaada, Adiga is xali yaah. hadaan wax u baahdo adaa ii jooga sow Sax maaha.
Haa ayey ugu jawaabtay.

Marka qolka Saciid jiifo iyo qolka Suleeqo jiifto wey isku dhegsan yihiin, Suleeqo Saabir ayaa soo wacay, Sheeko iyo hadal ayuu maqlay Saciid, wuu Fahmay iney Call ku jirto, si fiican ayuu hadalkeeda u maqlayaa.

Suleeqo halkaas ayey Xabiibi iyo Macaane, ku heysaa, Saciidna waxaas wuu maqlaa, laakin muxuu sameeyaa, Naftiisa ayuu dagaal kula jiraa Naftu Suleeqa ayey rabtaa, isna wuxuu is leeyahay Qofkey jeceshahay iyo farxadeeda haka qasin, Habeenkii dhan muusan seexan siduu hadalkeeda u dhageesanaayay.

Markey Callka dhigtay ay Seexatay ayuu isna seexday, Habeenkii wuxuu ku Faraxsanaa inuu Caawa iyada la joogo, intaas ayaa Faraxad ugu filan, wuxuu ku Haminaayay isaga oo hantiyay Suleeqadii uu jeclaa.

Subaxdii marka la soo kacay ee uu soo baxay ayuu arkay Suleeqo oo u diyaarisay Quraac, oo ay ku tiri kaalay Quraaco

Miiska markuu soo fadhiistay oo uu quraacday ayaa Suleeqo ku tiri Intaas yar eed ila joogto Farxad iyo Wehel ayaan helaa, markaas ayuu yiri anigana balan waxaan kaaga qaaday inaan mar walba ku ahaan doono sidaas.

Suleeqo ayaa banaanka u baxday Shopping iyo Alaab ayey doonatay, iyadoo Suuqa joogta ayuu Saabir soo wacay wuxuuna ku yiri Gacalo Beri waan soo baxaa ee sidaas ula soco.

Runti farxad ayey meel is dhigto weysay, iyada oo ku leh Run ii sheeg, Saabir ayaa yiri:- Haa waa Run Gacaliso, waan sugi la’ayahay inta aan ku arkaayo.

Sucaad iyadoo Farxadeeda aan la qiyaasi karin ayey guriga tagtay, maalinti oo dhan ayey is laheyd ma Riyo baa mise Run, markaas ayey wacday Saabir iyadoo ku leh ilaa haada waan aamini la’ahay imaatinkaaga. Saabir ayaa yiri Shaqadii ayaan fasax helay, markaas inaan ku soo arko ayaan rabaa.

Saciid oo guriga ka sii baxaaya oo meel u socda ayey wacday iyadoo Qosolkeeda iyo farxadeeda laga sheekeyn karin, Saciid ayaa ku yiri Maxaa jira ee sida kaaga farxiyay?, markas ayay ku tiri kaalay anaa kuu sheegaa.

Wuu u tagay markuu Albaabka ka soo galay Hab ayey siisay iyadoo leh, maanta maalin iiga Farxad badan ma jirto, Saciid wuxuu laeyahay ii sheeg arinta. markaas ayey ku tiri: soo fadhiso. markuu soo fadhiistay ayey ku tiri Beri waxaa imaanaayo Saabir ma Qiyaasi karo Shucuurteyda.

Saciid Daqiiqad qurad ayuu is bedelay Hadalkii ayaa ka soo bixi waayay, waayo wax uusan fileyn ayuu la kulmay hadana wuu is qabtay, markaas ayuu ku yiri: Waa Arrin farxad leh.

Saciid wuxuu arkay wejiga Suleeqo farxada ka muuqata farxadeeda ayuu ku ilaawayaa wax walba.

Inyar ka dib Saciid ayaa la soo wacay markaas ayuu yiri Waan sii baxayaa Caawa Wiilal aan Saaxiibo nahay ayaa i caasuumay.

Haye ayey ku tiri, wuuna sii baxay, Suleeqo Caawa farxad kuma yara iney qaraxdo in yar ayaa uga dhiman.

Suleeqo habeenkii ayss ku dheeraday, intuu waagu beryaayo ayey Sugi la’dahay, wuxuu waqtigu socdaba Qoraxdii wey soo baxday.

Saciid habeen uga fikir badan, uguna Warwar badan ma soo marin, Suleeqana si farxad leh ayey u soo kacday is diyaarin ayey bilowday Diyaaradii Saabir la socday wey soo Cago dhigatay, Gurigoodii ayuu tagay wuu iska nastay, ka dib ayuu soo wacay Suleeqo oo uu ku yiri Waa imid Caawa ayaan is arkeynaa.

Suleeqo aad ayey u faraxsan tahay, ileen xiiso ayaa hayo, waxeyba is tiri Farxadii noloshaada aad soo weyday iminka ayaad heleysaa.

Suleeqo iyadu ma oga dhibta uu rarteeda u maraayo Saciid inu Cunto ka soomay Hurdadii uu Xamiili waayay, naftiisi ciqaab mareyso.

Habeenkii ayaa la soo gaaray Suleeqo wey is diyaarisay Casho qurux badan ayay diyaarisay,
Saabir ayaa guriga yimid halkii ayaa leysku ilmeeyay, Saacad ayaa laabta leysku haayay,
waa la soo fadhiistay Cabaar ayaa sheeko la galay, Saabir ayaa yiri Maasha Alaah waad sii Qurux badnaatay.

Kaftan yar ka dib Suleeqo ayaa ku tiri Kaalay cashee, wuu Casheeyay, haddana cabaar ayaa Waqti la sii qaatay Xilli dambe ayey noqotay Saabir damac ayaa galay Quruxdeeda markuu arkay iyo iney Keli isku yihin Shaydaankii ayaa wax u Sawiray.

Markaas ayuu Suleeqo ku yiri ma Ogatahy inaan ku Jeclahay oon rabo Xaaskeyga inaad noqotid Caawa Arrin ayaan kaa Codsanaa.

Suleeqo ayaa ku tiri Ii sheeg Codsiga. Markaas
Ayuu ku yiri Caawa Wey iga kaa heysaa aa waan kuu baahanahay. Suleeqo intey fahmi weysay ayey ku tiri Saabir bal Caadi wax iigu sheeg, Markaas ayuu arintuu doonawyay u sheegay.

Suleeqo yaab ayaa ka soo haray, ka dib ayey ku tiri Saabir waxaqsi sideen u sameyn karaa, ma ogtahay iney Sharafteyda tahay, Aniga ma Awoodo inaan waxaas sameeyo.

Markaas ayuu dhahay waad ogtahay inaan ku jeclahay, Aniga sow kuma lihi, haddii aad ii sameyn waydo ima jeclid.

Hadaba Suleeqo siman run ahaantii wey jeceshay, isagana waxey ia arkeysaa jacayl badan, waxay is tiri jaceylkiina ayaa ka weyne mar hadu dhawaan ku guursanaayo waxba ha u diidin.

Wan Ogolahay ayey ku tiri jacaylkaaga ayaa wax walba iiga muhiimsan, mar haddaan ku helaayo dhib maleh.

Howshi wey dhacday, wuxuu rabayna wey u sameeysay, Habeenki guriga ayuu seexday, subaxdii ayuuna ka tegay.

( La soco Qeybta Xigta).

Abdulkadir Uukow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

The reCAPTCHA verification period has expired. Please reload the page.