Kulankii 3aad ayay caawa kulmayaan Bilaal iyo Bushra, waxaad moodaa in labadooduba ku jiraan ismoodsiis, midna kama hadlo xiriirkiisa, midna ma soo hadal qaado in uu jacayl kale leeyahay, ayagoo is og ayaa hadana la is moogeysiinayaa. Waxaa laga sheekaysanayaa Filimaanta ay ugu jecel yihiin, Heesaha, iyo buugaagta.

Mid walba wuu ku raaxaysanayaa marka uu shakhsiyaddiisa qeexayo, Xaqiiqadu mar bey soo baxeysaa, mar baan laga fursaneyn in waaqaca la waajaho, in lagu dhiirado wada joog, lagana tago qalbiyo noloshooda ku xiray, ama in la joojiyo xiriirkan xargaha goosanaya. Bushra ayadu warkeeda wey caddeysatay.

Wey joojisay iney Burhaan ula hadasho sidii hore, si toos ah ayaa dabcigeeda looga dareemayaa in wax cusubi jiraan, taleefanka ma qabato, maseejka kama soo jawaabto shantii wicitaan mid ka mid ah ayay farriin ahaan u soo qortaa Waan u mashqulsanahay. Waa maxay mashquulka xilligaan soo baxay? Burhaan dadaal kuma yara, naftiisa su’aal kama daayo. Maxaan hagraday? Maxaan ka gaabiyay? Maxaa sababay isbaddalkeeda ?, ayuu naftiisa ku daaliyay. Wuu dareemayaa in jacaylkeedii wax jiidanayaan, haddana ma yaqaano dhanka laga jiidanaayo. Aad bay u xanuun badan tahay, marka aad wax walba siiso qofka aad jeceshahay waqti iyo maskaxba geliso hanashadiisa, haddana ilbiriqsiyo gudahood wax aan la aqoon ku soo weeraraan oo kaala wareegaan jacaylkii aad muddada deyrka adag ku xeeraysay.

Barwaaqo waxey ku qanacsan tahay inuu dhawrkii habeen mar soo waco, inuu u sheego inuu jecel yahay, kuna sasabo inuu xad dhaaf u mashquulsan yahay. Caqligeeda ayuu dhex galay oo dhex dhigay iney tahay naagta keliya ee uu dunida ka ilaashado, hadda oo uu shaqada mashquul ku yahayna aysan cagta ku badin. Maskiinimadeedu xadka ayay dhaaftay. Habeenkii saq dhexe ayay wacdaaa. Waa Another Call. Si jacayl leh bay ugu qortaa “Mcn miyaad ku hadleysaa.”, “Haa qalbi, aniga ayaa ku soo wacaaya” ayuu ugu jawaabayaa. Habeenku wuxuu dhammaadaa ayada oo sugeysa wicitaankiisa, taleefanka codka u furatay si aysan u seegin lacalla hadduu soo waco.

Habeeno badan ayay ku gama’day sugitaan subixiina wax fariin ah wayday. Qalbigeedu wuu u sheegayaa in ninkaani uusan dareenka ay u hayso oo kale uusan u hayn, haddana kuma dhiirran karto in ay xaqiiqda waajahdo ee cudurdaar ayay u samaynaysaa. Lafteedu waa ku baraarugsan tahay in cududaar u samayntu illaa meel tahay intaa ka badanna ay xaqiiqda iney wajahdo ku khasbanaanayso.

Bushra sax iyo khalad kala garan meyso, jacayl iyo khiyaano uma kala soocna. Jacayl ugub oo u eg kii ay Burhaan u qaadday labo sano ka hor ayay cirka la maraysaa. Talefanka gacanta kama dhigto, shaqaalihii isbitaalka, hooyadeed iyo cid walboo u dhawayd si la yaab leh ayay u daawanaysaa iyada oo la dhawrayo halka ay dhaanka ku furto.

Bilaal wuxuu dareensiiyay wax walba oo jacayl ah isaga oo aan ku oran Waan ku jecelahay, Hadiyado ubaxyo u badan, Shukulaatooyin iyo buugaag ayuu si kedis ah ugu keenaa. Fariimo qurux badan ayuu u soo diraa. Caqligeeda ayuu xadayaa isaga oo aan si sax ah ugu qiran waxa uu ka damacsan yahay. Ayadu ma garan iska hubi, ma garan haddii aad bohol ku dhaceyso ha noqoto bohol aad fileysay. Ee waxey ku dhex noolaatay janadii uu u yaboohay, waxey dareemaysaa in haddii ay bilawga ka heshay aysan u baahnayn in ay isku murjiso dhamaadku wuxuu noqon doono, waxey nafta been ugu sheegtay, Wax walba oo gadaal ka yimaada waa qaddar, haddase waxaan ku noolahay nasiibkii.

Caawa saansaanta jawiga ayaaba madmadow ah, Roob ayaa daqiiqado ka hor qaaday, sida nolosha afartaan qofi mugdiga u tahay si u eg. Burhaan waxa uu soo qaatay gaarigiisii isaga iyo saaxiibkiis Maxamed ayaa u soo casho doontay makhaayad magaalada banaankeeda ah, wuxuu is leeyahay xoogaa isa soo xasili. Labo bilood noloshiisu waxa ay ahayd mid aan la aqoon halka ay ku socoto. Jacaylkiisii ayaa qiiq madow ka noqday isaga oo aan aqoon waxa gubay, sababta loo gubay iyo waxa isaga loo abbaaray. Maxamed oo sheeko yaqaan ah caawa shaqada kaliya oo uu hayaa waa inuu saaxiibkiis qalbigiisa rajo nolosha u geliyo, kana dhaadhiciyo in wax walbaa qaddar yihiin, dumarkuna sida jawiga isku bedbeddalaan, aysanna mudnayn wax loo walwalo.

Barwaaqo ayadana waxaa la socota saaxibted Bahja iyo wiil ay Bahja la sheekaysato, waxey iyaguna soo abaareen makhaayaddii burhaan iyo saaxiibkiis yimaadeen. Markey iridda ka soo galeen ayay dareemeen in goobtu buux u egtahay oo aan meel la fariistaa banaanayn. Ayaga oo quus ku dhaw ayay arkeen miis dhinaca ku haya kii Burhaan iyo saaxiibkiis fadhiyeen. Way iskaga qanceen maadama aysan doorasho kale haysan. Xoogaa markii la fadhiyay ayaa Barwaaqo indhaheedu waxey milicsadeen wiilkaan dhinaceeda fadhiya. Xoogaa markii ay wajigiisa eegaysay ayay xasuusatay maalinkii kafeyga ay meesha ku aragtay. Inkasta oo indhaheeda, caqligeeda iyo qalbigeedaba Bilaal deganaa, haddana way xasuusatay inuu aragtidii koowaad ku guulaystay in indhaheedu qabtaan.

Cashadii markii la dhamaystay ayaa Bahja iyo saaxiibkeed u dhaqaaqeen dhanka maqalka. Sidoo kale waxaa isna kacay Maxamed oo suuliga aaday. Waxaa soo haray Barwaaqo iyo burhaan oo is dhinac fadhiya. Fursaddaan ka faa’iidayso ayaa wax gudaheeda hoose ka yiraahdeen oo la hadal. Cod deganaansho ka muuqdo ayay ku tiri “Walaal iska warran”, “Miyaan ku garanayaa” ayuu si adag u yiri. Sidii saaxiibtiis isu baddashay cudurka hayana uu u garan waayay lama tuso Naag iyo warkeed.

Labadii sano oo uu ayada xiriirka la lahaana cid aan ayada ahayn indhihiisu ilbiriqsina ha ahaatee ma qaban. Intay is dajisay ayay tiri. Baarkii kafeyga ee Hebel ayaan habeenkii aad Bilaal la socotay kugu arkay. Markaas buu dib u xasuustay waa qoftii quruxda badnayd ee Bilaal watay. Wax baa qalbigiisa hinjiyay oo dhankeeda u soo jiiday. Saaxiibkay miyuu kula socday ayuu waydiiyay. Maya waayahaan waan kala mashquulnay oo is maba aragno ayay tiri. Wax baa qalbigiisa ku soo dhacay. Wuxuu xasuustay maalintuu Bilaal waraysanayay. Wuxuu isku xiray xargaha ilbiriqsiyo gudahood buu ku soo saaray waxa Bushrana mashquuliyay. Alla marka wax laguu sheego ayaad wax garataa ayuu yiri. Maxaad ka waddaa ayay tiri. Maya anaa isla hadlayay. Lambarkaagii muxuu ahaa buu waydiiyay. Horay bay ka siisay ayada oo aan hakad gelin. Sidii baa makhaayadii looga kala dareeray.

( La soco Qeybta Xigta).

Abdulkadir Uukow

1 COMMENT

  1. […] Burhaan sariirtiisii marka uu tagay waxaa wajigiisa soo hormarayay oo uu qaadan waa u arkaayay, in cidda Bushra kala wareegtay ay tahay Bilaalkii uu yaqaanay ee naagaha shan shanta u beddeli jiray. In uu ka xumaaday in Xaaskiisii mustaqbalka laga dhacay waxaa uga darnayd in cidda dhacday aysan ahayn gacan aamin ah, gacan berri cidlo uga tagi doonta dabadeed ay soo noqon doonto isaga oo ka qalbi jabay, oo aan diyaar u ahayn in uu dib ula midoobo, ama iney meelahaa ku silci doonto naftii cuddoonayd ee gacalisadiisu. […]

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

The reCAPTCHA verification period has expired. Please reload the page.