Dibadda marka ay u soo baxday ayay ayada oo qoslaysa waxa ay wacday Burhaan, waxey uga sheekaysay wixii dhex maray, sidii uu u yaraaday una dareemay bahdilka iyo xanuunka ay leedahay marka qof aad jeceshahay qof kale kaa raaco. Xoogaa markii ay ku qosleen ayuu waydiiyay “Maxaa kugu kallifay beenta?” “Been igama aha oo haddaad caawa i tiraahdo aan ku guursado diyaar baan u ahay” ayay si farxadi ka muuqato u tiri. “Ma hubtaa ayuu ugu war celiyay” Haa ayay dhawr jeer ku celisay.

Saacaddiisa ayuu fiiriyay. Waa 8dii fiidnimo. Halkee joogtaa ayuu waydiiyay. Waxay u sheegtay in aysan wax sidaas ah ka fogayn halkii ay Bilaal kula kulantay. “Halkaa istaag, daqiiqado ayaan kuugu imaan” ayuu ku yiri.

Waxa ay kulmeen markii koowaad oo ay kulmaan ayaga oo damac jacayl isku haya, waana markii u dambaysay oo ay kulmaan ayaga oo xiriir jacayl oo keli ah leh. Laabta ayuu geliyay. In uu ka dhaqi doono wax walba oo aan u qalmin oo korkeeda taabtay ayuu ugu bishaareeyay, yadana iney ka ilaalin doonto dhaawac qalbigiisa gaara ayay ugu niyad qaboojisay, Intaan ka badan ma sugi karo ee Aabbahaa la hadal berri ayaan u imaanayaa aniga oo Odayaashayda wata ayuu ku yiri. Ayadoo farxad la duulaysa ayay gurigoodii tagtay. Aabbeheedna ugu bishaaraysay in berri loo imaanayo oo uu bixinteeda u diyaar garoobo.

Aroos ku dhacay degdeg ayaa la sameeyay. a Way hubtaa in uu ilaalinayo oo uusan iska guursan ugu dambayna ay heli doonto nolol is fahan ku dhisan in ka badan intey jacayl huu haa ah ku dhisan tahay. Isaga laftiisu iskama aroosin. Wuu u bogay, wuu dareemay in ay tahay naag ku habboon in uu guursado oo uu qoys la qorshaysto. Arooskii uu u diyaariyay Bushra ee uu jacaylka iyo sugi waaga ku diyaariyay ayuu Narwaaqo ku aroosay.

Bushra markey ogaatay in Burhaan aroosayo, walibana aroosayo Bilaal Saaxiibtiisii hore qoftii ay quruxdeeda la cajabtay, ee ay dareemaysay ineysan agteeda hawaysan karin ayay kun qeybood u kala jabtay. Kumanaan jeer ka badan ayay taleefankiisii wacday. Halmar ayuu ka qabtay waxey isku dayday in ay ku beer laxawsato ineysan ka maarmin, in ay weli jeceshahay iyo inuusan khaladka intaas le’eg gelin. Wax walboo ay u sheegtaba saamayn waa ku yeelan waayeen qalbigiisa. Wuxuu si degan u yiri “Waan ka xumahay, oo hadda haddii uu kusoo xumeeyo boos kuuma hayo, boqorad ayaa noloshayda ku jirta, ee waxaan Eebbe kaaga tuugayaa inuusan ku qalbi jebin.” Taleefankii ayuu ku jaray.

Xafladdii arooska ayaa bilaabatay, Music iyo cayaar ayaa is qabsaday, mashxarad ayaa samada lala galay. In muddo ka dib Khayr bey ku soo gaba-gabawday. Dhabtii labo qof oo isku qanacsan waqtiguse kala raajiyay ayaa Midoobay.

Bilaal iyo Bushra jacaylkoodii xiisihii iyo xaraaraddii baa ka tagtay. Noloshoodu waxey xiisaha lahayd intii jacaylkoodu qiimaha lahaa, intii mid walbaa ku xirnaa qafiska qof kale oo uu jecel yahay.

Bushra hadafkeeda oo dhan waxey ka dhigtay in ay isaga guursato si ay uga aargudato wasakhdii is aroostay. Ayada agteeda wasakh ayay ka noqdeen. Waxey waqti iyo lacagba galisay sidii ay muuqaalkeedii u dhisi lahayd, Sidii ay dhar iyo kabo qaali ah u xiran lahayd, si ay u dareensiiso iney u qalanto guurkiisa. Iney jacaylkiisa wax walba u mareyso. Runtii waxa ay noqotay Barwaaqo oo dharkii Bushra xiran. Qalbigii Barwaaqo oo ku dhex jira jirka Bushra.

Bilaalse waxa uu dareemayaa in aysan jirin wax gooni ah oo uu hadda ayada ku doorto. Jacaylkeedu wuxuu ololka ahaa inta qabowga iyo barafka Barwaaqo dhexdooda yaalay, hadda oo ay xor isku noqdeen isku dhadhami maayaan.

Hooyadiis baro, walaashiis la saaxiib, gurigooda tag saacad iyo layl. Waxey martay isla waddadii Barwaaqo. Ayadu waxey Bushra kaga duwan tahay Barwaaqo inaan war xumo ka soo horrayn oo jacaylkeeda aqbal loo arkaayay.

Waxey hooyadiis salaantaa ayada oo afka dadbeysa, Walaashiisna warkeeda maba xiiseyso oo Weji xirxiran ayay ku qaabishaa, Si kasta oo ay saamayn ugu yeelo maagtay way awoodi wayday, Ninkii shalay jacaylka la jareynaayay maanta barafka waa ka qabow yahay, Ninkii shalay hadiyadaha meel walba dhigaayay maanta Salaanta waa laga la’yahay.

D H A M M A A D .

Abdulkadir Uukow

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

The reCAPTCHA verification period has expired. Please reload the page.