Waa xilli dambe qof walba wuu iska seexday Marwa xanuun ayaa haya, Qureysha ayay wacday, laakiin way seexatay oo mobeilkeedu wuu xiran yahay, kadib Asad ayay wacday, wuu ka qaban waayay, oo wuu hurdaa, ka dib ayay soo kacday, iyadoo dirqi ku socota qolka Asad, oo u dhawaa ayay tagtay, ka dib wey kicisay, markaas ayuu ku yiri maxaa kugu dhacay ?, waxay ku tiri ma aqaano dhaxan iyo madax xanuun badan ayaa i hayo.

Markaas ayuu yiri i sug kiniin madax aan ku siiye, Daawadii ayuu soo qaaday, wuuna siiyay, markaas ayuu ku dhahay Madaxa aan ku Massage gaareyo kaalay halkan soo seexo, cabaar ayuu u Massage gareeyay, way yara seexatay, xoogaa xanuunkii ayaa ka yaraaday, Ka dib marku arkay iney seexatay ayuu isna iska seexday.

Subaxdii ayay Hooyadii hablaha dhashay soo kacday, markaas ayay is tiri bal Marwa soo eeg, qolkii ayay timid waxay aragtay inay joogin, waxay is tiri, Malaha showerka ayay ku jirtaa, wey yara sugtay, laakin wax Shanqar ah wey weysay, Qolka Qureysha ayay ka soo eegtay, waxay aragtay Qureysha inay kaligeed tahay, markaas ayay tiri Hooyo Marwa miyaad aragtay, May ayay tiri Hooyadii ayaa tiri tolow xagee ayey aaday, iyadoo xanuunsan baa igu dambeysay, markas ayay Qureysha tiri qolka Asad laga yaabaa inay joogto.

Hooyadii ayaa tiri waanba ilowsanaa halkaas ee waa runtaa, Markii la soo wada kacay ee lagu soo socdo qolka Asad, ayaa Marwa indhaha kala qaaday, markaas ayay aragtay qolka Asad inay joogto, ka dib ayay isaga kicisay waxay ku tiri oo halkan maxaa i keenay qolkayga ayaan xalay seexday, markaas ayuu dhahay oo isma ogid miyaa adaa yimid waliba madaxa ku xanuunaayay daawo ayaan ku siiyay, ka dib anoo madaxa ku massage gaareynaayo ayaad seexatay, anigana kuma kicin oo waxaan diidaayay inaan ku toosiyo.

Asad markuu u sheegay siday qolkiisa ku seexatay way iska soo baxday, iyada oo Qolka ka soo baxaysa ayay Hooyaded iska Hor yimaadeen, Marwa Xishood ayay dareentay, markaas ayay dhahday Hooyo xalay qolkaan sidaan ku seexday ma garanaayo, Hooyadii intay dhoola Cadaysay ayay tiri, inantaydiyey waa caadi waayo Asad waa ininkaagii ee waxba ha iga xishoon, Marwa intay dhoola cadaysay ayay tiri, Haye Hooyo.

Cabaar markii la Quraacday ayaa Hooyadii Asad dhashay tiri, waan baxaynaa waqti ma heysano ee Marwa iyo Asad is diyaariya, Markii Alaabtii ay soo wada diyaarsadeen, ayay Qureysha tiri: Iminka walaashay Miyey naga tageysaa, markaas ayay Asad Hooyadii tiri Marwa mqanta waa Xaas, oo gurigeedi ayay u socotaa, midda kale meesha ay u socoto waa isla gurigoodii, anaguna waxaan nahay familekeedii, Halkii ayaa laysku Nabad galyeeyay, Qureysha oo ka muuqdo jaceylka ay jeceshay walasheed oo indhaha ilmo ku taagan tahay, ayaa iyadana Nabad gelyeeysay, reerkiina way tageen.

Qaasim ayaa fariin u soo diray Boqoradiisa Qureysha isaga oo leh Macaaney Maalmahan waad Iga mashquushay ee ma Ogtahay inaan kuu xiisay?, markaas ayay tiri Haa waan kaa mashquulay, laakiin iminka Hawlihii way iga dhamadeen, igana raali noqo xabiibi anigaba Xad la’aan ayaan kugu xiisay.

Markaas ayuu dhahay Oky, laakiin waxaan rabaa Caawa Inaan is aragno haddaad waqti ii helayso Qaali, Markaas ayay tiri Qalbi Habeen dambe aan is aragno, Caawa shaqo ayaan leeyahay please, Wuxuu yiri Caawa hadaan ku arki waayo Beri anoo dhintay inaad maqasho laga yaabaa, sababto ah hadaan ku arkin Caawa ma noolan karo, waayo xiisaha jaceyl ee aan adiga kuu qabo waa mid i ilowsiiyay dhamaan nolol maalmeedkeyga, waxay tiri Mcn Oky waan arkaynaa ee happy iska dhig.

Marwa wey nabad tagtay, waxaa la keenay guriga sida Qasriga oo kale loo sii Qurxiyay, aad ayay ula dhacday guriga, Asad ayaa ku dhahay ka waran maka heshay Guriga?, Haa ayey tiri waliba aad. Markaas ayuu dhahay waxaa ii muhiim ah Farxadaada isha aan ku tamariyo ayaa ah in aan kugu arko marwalba farxad ogow Qaali farxadaadu waa farxadayda.

Qureysha ayaa soo wacday walaashed Marwa markay qabatay ayay tiri: Haye caruusa durba miyaad na ilowday ?, markaas ayay tiri Wllo Nay, laakiin waad iska fahmeysaa Mashquulka ayaa badan, ee hooyo iyo dhamaan Xaafada iga waran. Qureysha ayaa tiri Aabo iyo Hooyo wey fiican yihiin, sidao kale anagana waan fiicanahay Qaalideydii.

Waxay noqotay Habeen, waana xilligi balanta Qureysha, wey is diyaarisay guriga agtiisa ayuu ugu yimid, Qaasim wuxuu diyaariyay Hotel uu aad u sharaxay ileen waa waxa uu u diidanaa kulanka habeen dambe, waliba Miis iyaga u khaas ah oo aan caadi ahayn, marka uu soo waday indhaha ayuu ka soo xiray, waxa uu dul istaajiyay Miiska uu u diyaariyay iyada, markaas ayuu ka furay indhaha, ka dib Fargal (Faraanti) ayuu soo saaray, wuxuuna u soo bandhigtay Guur, iyada oo aad u faraxsan ayay ka aqbashay, Habeenkaas si farxad leh ayuu ugu dhamaaday meesha ay Xafladda ku qabsanayaan waa Hool aad u weyn, waxay ay qabsadeen Aroos lala yaabay oo lagu wada faraxsan yahay, indhaha dadweynahana ay aad u soo jiiteen.

Dhammaad

Abdulkadir Uukow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

The reCAPTCHA verification period has expired. Please reload the page.