Qaasim oo mobilkiisa iska isticmaalaya ayuu arkay Qureesha inay online tahay, markaas ayuu u Qoray Qureysha see tahay halkeed qabatay maalmahan, kuma arag adiguna isma oranaysid buukaankaagii ka war doon. Markay aragtay fariintas waxay isku aragtay dhoola cadeyn iyo Farxad badan Cabaar ayay Fariintii Eegeysay, ka dib ayay u qortay waan fiicnahay, see tahay adigu?
Laakiin aniga mar hadduu Buukaanku ka baxo Gacantayda, Xaladiisa ma ogan karo, Markas ayuu yiri gacanta Qureysha Qof ay Daawo siisay miyaa Xanuun lagu arkayaa, waxay tiri kaftanka ayaad igu soo gashay, yaah hh. Qaasim wuxuu ka codsaday Habeen dambe inay kulmaan kamay diidin waan is arkaynaa ayay tiri.
Asad Habeenkii oo dhan waxaa la yaab ku noqotay Qureysha sida ay u tahay Qof adag, oo xitaa Hadal dabacsan lahayn iyo Marwa siday u tahay Qof aad u wacan, oo soo jiidasho badan / Ma Aragtaan Asadna waxaa damac ka galay Marwa.
Subaxdii Hooyadii ayaa soo kacday Qureysha ayay kicisay, Kac Quraacda diyaari. Qureysha ayaa hooyadeed ugu jawaabtay Hooyo Aniga maa awal Quraqc diyaarin jiray, Hurda i heysaa idaa kuwa guriga jooga u dir, Markaas ayay Hooyadii ku tiri Naa bal xishoo oo aan kugu soo noqdo adoo diyaariyay, Hooyadii ayaa iska baxday, Qureysha Ciil Hurdo ayaa heysa Quraacda maba diyaarin karto.
Lakiin Marwa ayay u yeertay kaalay Marwa walaal Quraacda iga diyaari, hurdo ayaa i haysee, Marwana waaba inan aad baari u ah, Haye ayay dhahday, iyada ayaana diyaarisay, Asad ayaa ku dhahay maku caawiyaa ?, May ayay tiri anaa ku filan Intaan, Ka dib Hooyadii meeshii cuntada lagu diyaarinaqyay ayay timid waxay aragtay inay diyaar tahay, waxayna moodeysaa inay Qureysha diyaarisay.
Ka dib Cuntadii ayaa la soo waday oo Qof walba wuu yimid Miiskii, waxaa la arkay Qureysha oo ka maqan u yeer ayaa lagu yiri Marwa, markii Marwa u tagtay wey soo diiday aniga hadhow ayaan quraacanayaa ee iska cuna ayay tiri. markay Marwa u sheegtay inay tiri hadhow ayaan cunaa waxay is tiri Hooyadii wiilka idinla yaaba hadaad isku qeylisaan haye ayay tiri.
Waa xilli galab ah jawigu aad Qurux u yahay meel wada Dhir ah oo Indhaha u fiican iyo Asad oo isna Quruxda meesha u shiday, oo Kubbad ku Ciyaaraya ayaa Marwa Indhaha ku dhufatay, aad ayay ula dhacday, Indhaheedu waxay arkayaan Cabaar ayay daawasho ku jirtay Hal mar ayay isku naxday iyadoo leh:- Maxaan sameenayaa wiilkan waa wiilka walaashey guursan rabo, maxaa iga khaldan?. ka dib wey dhaqaqday Qolka fadhiga ayay tagtay, TVga ayay iska shidatay iyadoo Filim jacayl ah iska daawaneysa, ayuu Asad u yimid markaas ayuu dhahay kaligaa miyaa iska daawaneysaa, Isaga oo dhoola cadeynaaya, waana wiil iska kaftan badan, Marwana waxay tiri Kubbad ayaad Ciyaaraysay cidna guriga ma joogto cidlada ayaan isku dhaafinazyay.
Markaas ayuu dhahay Sorry Aniga ayaa jooga maaha inaad cidlootid, iminkana Anaa TVga kula daawanaya, waxooga marku fadhiyay ayay ku dhahday Caffe iyo Salool ayaan inoo soo sameynayaa i sug, Oky ayuu dhahay wey u keentay Halkii ayaa Sheeko iyo TVga daawasho lagu jiray.
Qureysha ayaa guriga timid markay sida u soo gashay jikada ayay tagtay, cabitaan ayay sameysatay, Marwa u timid iyadao leh haye Drs ugu dambeyn waa timid, Haa qaalidaydii waan imid, laakiin maad cidlootay ?, Markaas ayay tiri May Asad ayaa ila joogay, markaas ayay dhahday Haa waanba ilowsanaa inuu wiilkaas joogo waa si fiican.
Qaasim ayaa soo wacay Qurwysha isaga oo xasuusinaaya Caawa inay balansan yihiin, markaas ayay ku tiri waan ogahay waan is diyaarin marka anaa ku soo wici, qolkeedii ayay tagtay wixi Dhar u yaalay ayay soo gurtay, kolba mid ayay isku eegtaa, haddana mid kale ayay soo qaadaa, markii dambe kii Dookheeda ahaa ayey ka soo xulatay, Make up iyo perfun ayay dhac isku siisay Iyada oo quruxdeeda mid kale ku darsatay oo Maasha Allaah,
Qaasim isna sidii Boqor ayuu u soo lebistay, Gaarigi ayuu soo kaxaystay, Qureysha ayaa soo wacday, markaas ayuu yiri: Inyar ayaan kuu soo jiraa ee diyaar ma tahay ?, Haa ayay tiri, Markuu guriga soo gaaray ayey Albaabka ka soo baxday, wuxuu la Ashqararay qaabkay u taal abuurtani Quruxda iyo lebiska Indhaha ayaa diidaya in laga leexiyo, markay gaariga soo kortay ayuu ku yiri: Doctoradu Caawa aad ayay u shidan tahay, Yaah markaas ayay ku tiri Mar walba waan ahay sidan, markaas ayuu dhahay Been maaha wallee.
Markii la yimid meeshii la rabay, Intuu ka soo degay gaariga ayuu iyada ka furay Albaabka, markaas ayuu gacanta u dhiibay iyaduna iska may waaline wey qabsatay, Miis aad u qurux badan oo la sii sharaxay ayuu keenay, markay fadhisteen ayuu dhahay Caawa waan kugu Dawakhay, Calashaan Quruxdaada.
Qureysha guriga waxay timid iyada oo Happy ah, aadna u faraxsan, isla markaasna jawi fiican soo qaadatay, markay sida u timid ayay Hooyaded aragtay, hadal ayaa laga hor geeyay Xaggee tagtay Caawa, oo aad u lebisan tahay, Markaas ayay dhahday Xaflad ayan qabtay, Hooyada baa ku tiri Oo Asad maxaad u sii wadan weyday, oo u kaxeynsan weyday, Waxay tiri: Xaflad Hablo keliya ayay ahayd, Wiil looma ogolayn.
Hooyadeed Hadalkii Run ayay moodoy, way iska aamustay Qureysha Qolkeedii, ayay gashay, ka dib Qaasim ayay wacday, iyada oo weydineysa inuu nabad tagay. Waan nabad tagay ayuu yiri, anaa ku soo wacaya inyar i sug, Okay ayay tiri
Asad ayaa wuxuu is waydiinayaa labadan Hablood ee Walaalaha ah mid walba wuu arkay dhaqankeeda intuu joogayna, imtixaan ayuu ka Qaadayay, wuxuuna arkay Marwa iney ku haboon tahay inuu guursado, Iyada ayaa isaga soo jiidatay, Qureyshana wuxuu ka dareemay inay Qof jeceshahay, oo aanay isaga Waqti siinin, Mar walbana iska Fogayneyso.
( La soco Qeybta Xigta).