Suleeqo Maalinti Nolosheeda ayey iska sii wadatay Saciid ayey wacday iyadoo ku leh maxaa kugu dhacay ila soo hadli weyday ama igu imaan weyday, Saciid ayaa ku yiri iga Raali noqo Aniga maalmahaan waan isku yara buuqsana ee anaa kuu imaanaayo.

Saciid naftiisa ayuu la hadlayaa isagoo leh Suleeqo hadaan u tago, dareenka aan u haayo iyo jaceylka ayaa igu siyaadaayo, haddaan Iska Ilaaliyo Aragteedanq iyadaa ii yeereysa, Anigana hadalkeeda markaan maqlo waxba ma diidi Karo.

Saciid Saxiibkiis ayuu la wadaagalay Arrintii, Saaxiibkii ayaana ku dhahay Gabartu hadey Wiil kale is jecel yihiin Adiga magwalada ka soo tag. Saciid wuxuu ku yiri Saxiibkiisa waan rabay inaan isaga imaado, laakin waxaan sugayaa inta ay heleyso wehel la jooga ama Wiilkan Arinkoodu dhamaanaayo, waayo Cidla kagama tegi karo.

Saciid markuu guriga yimid, ayaa Suleeqo ku tiri Aniga heyga maqnaan Agjoogaga aad ayaan u jeclahay, Cidlo ayaanba dareemaa, Hadalkaas markey tiri Wuxuu iska niyeestay isagoo iyada Gacalisadiisa tahay. Isagoo fikir ku jira ayey ku tiri:- Maxaa kugu dhacay sidaa igu eegeysaa wax miyaa iska key bedelay.

Markaas ayuu dhahay Sorry anaa iska maqan, Hye daawoyinkaagi ma dhameysatay, ayuu weydiiyay, Haa ayey ku tiri.

Markaas ayey ku tiri Xalay Saabir ayaan is aragnay, Halkaan ayuuna igu yimid. Saciid markuu hadalkaas maqlo Xaaladiisa weyba is beddeshaa, isagoon rabin inuu maqlo waxaas ayuu yiri: Wow waa Arrin fiican.

Kolkaas ayey ku tiri Weliba guurna wuu ii soo bandhigay, Saciid hadalkii ayaa ku dhegay, iyaduna hadalkeedii ayey sii wadataa, Saabir waa qof jaceyl badan i siiyay dhib ayaan isla soo marnay, waxaas ayey ku waashay.

Saciid in yar ayuu aamusay oo fikir galay, ka dib Suleeqo ayaa ku tiri maxaad la aamusan tahay maanta ?. Saciid ayaa ugu jawaabay Madaxa i xanuunaayo.

In yar ka dib Saciid wuu iska baxay oo wuxuu aaday Badda agteeda, wax uu sameeyo ayuu garan la’yahay, ugu dambeyn wuxuu go’aan ku gaaray inuu iska baxo oo uu isaga laabto America, isagoo leh halkaan joogis iima taal.

Saabir ayaa Suleeqa soo wacay, wuxuuna ku yiri Caawa inaan kuu imaado ayaan rabaa ee sidaas ula soco, Oky ayeyna ku tiri.

Muddo ka dib Saabir wuu yimid markuu in badan u joogay oo uu iyadana sheeko ku Dawakhiyay ayuu waqtigii dhacay, Saabir dan kale ayuu wataa, Suleeqo hadana isla wixii uu habeen hore ka codsaday ayuu caawana ka codsaday.

Suleeqo ayaa ku tiri Saabir caadi ma tahay aniga intaan awooday waan kuu sameeyay ee inaga dhaaf waxaas. Markaas buu dhahay ma igu kalsoonid miyaa i aamin sida hore igu aamintay, na waxaad rabtaa inaan qof kale la sameeyo hadaad i diiday.

Sucaad xanaaq qof kale oo maxey ah, maxaad igula hadleysaa,?, ayey ku tiri iyadoo maseyr qaaday. markaas ayuu dhahay adaa igu kalifaaya sow maaha, inaan wax kasta kugula hadlo.

Suleeqa hadalka ayuu ka badiyay iyaduna markuu dejiyay uu Hadal macaan ku dhahay, haddana wey iska ogolaatay.

Suleeqo siman dhowr habean ayey Saabir la sameysay Xumaantaas iyadoo is leh waa qof aad is jeceshihiin.

Ka dib markey muddo ka soo wareegtay, oo uu Saciid safarkiisii isku diyaarinaayo ayuu soo wacay Suleeqo, ka dib ayuu dhahay waan kuu soo socdaa.

Saciid markuu yimid wuxuu arkay Suleeqo oo is beddeshay oo si kale noqotay, wuu yaabay, Suleeqo miyaad xanuunsatay, maxaa ku helay, ayuu ku yiri. Kolkaas ayey ku tiri Aniga waan fiicanahay ee maxaad aragtay?.

Markaas ayuu ku yiri waad is beddeshay, In yar ka dib Suleeqo dawakhaad ayey isku aragtay, iyado taagan ayay dhacday, Saciid wuu yaabay qolkeeda ayuu geeyay Biyo ayuu wejiga kaga shubay, weyna soo kacday. Iyadoo leh maxaa igu dhacay tolow ?, Saciid ayaa ku yiri miyaad xanunnsan tahay Dhakhtar maku geeyaa?. May ayey ku tiri malaha dhiig la’aan ayaan ahay, ee waxba ma jiraan.

Cabaar kadib ayey jikada tagtay isagoo taagan ayey dawaqday markay Saciid agtiisa soo fadhiisatay, Parfumkiisa ayaa dhibay markaas ayey ku tiri Saciid maanta perfum aan fiicnayn urkiisa ayaad soo marsatay.

Markaas ayuu dhahay May waa keygii aan weligayba isticmaali jiray, ma Ur xun ayuu yeeshay?, Wey iska aamustay malaha aniga ayuuu ila uray ayey is tiri sorry.

Saciid markuu la joogay waxoogaa ayuu Saabir soo wacay isagoo Hadalo kulul ku leh maxaa Mobileka iiga qaban weyday iyo wax aan meeshaba loo joogin. Saciid wuu maqlaa codka Saabir. Markay dhigtay Mobileka ayuu Saciid ku yiri muxuu sidaan kuula hadlayaa?.

Suleeqo ayaa ku tiri Maalmahanba sida ayuu iila dhaqmaaya, ma garanaayo waxaan ka sameeyay ?, laakin dhib male waa iska xaal Adduun. Saciid ayaa yiri Aniga ma jecli inaan maqlo hadal adag oo qof kugu leeyahay, xataa Hooyadey ha ahaato.

Ka dib ayuu ku dhahay waxaan rabay oo aan kugu imid inaan arin kuu sheego ee si fiican ila soco yaah. Haye ii sheeg ayey ku tiri. Wuxuu ku yiri Aniga waan iska noqonayaa Wadankan ka imid ayaan tagayaa, marka inaan kuu sheego ayaan jeclaystay inta aan bixin.

Suleeqo ayaa ku tiri aniga inta Nolol fiican i siisy ayaad iga tageysaa miyaa, wawd ogtahay cidla ayaad Wehel iiga tahay marka iska joog. Saciid wuu is heyn wsayay inuu runta u sheego ayuu go’aansaday, wuxuu dhahay Suleeqo I maqal aniga ilaa maalintaan ku arkay qof ku jecel ayaan ahaa, ma aqaan xilli aan ku jeclaaday, xataaa Hooyadey ayaa ila colowday, adiga dartaada dadkii ayaan uga go’ay, si aan adiga dhibka kaaga saari lahaa Ma ogtahay inta xaalad aan soo maray ?.

Markad Xanuunsato waan kula xanuunsadaa, nafteydii ayaan ciqaabay ma adkeysan karo, intaa ka badan, adna qof ayaad is jeceshihiin, mana rabo inaan noloshaada kaa xumeayo ee iska key fasax, waan ku baryaa.

Suleeqo siman ayaa ku tiri adiga walaalkey ayaa tahay, laakin intaas oo dhan maxaa iiga qarisay iminka xiriir ayaan leeyahay qof ayaan jeclahay, waana ka xumahay ee hadaad xal kale heynin waad iska tegi kartaa oo halkaas Nafis ka helaysid.

Marka xilimaa tageysaa markaas ayuu dhahay Laba cisho ka dib, ee wad mahadsan tahay sida aad ii fahamtay.

Saciid wuu iska ogaa hadalkaas iney Suleeqo ku dhaheyso, markwas ayuu yiri Haye iminka waan baxayaa Guriga ayaan tegayaa ee Naftaada ilaali hadaad xanuunsan tahana ila soo hadal, Suleeqaha Haye ayey ku tiri.

Suleeqo weligeed ma qrag Qof Uur leh ama Xaaladaha Uurka meysan aqoon iyo Qofka Uurka leh halka Xanuunta midna mey qoon, ilaa iminka iney Uur leedahay niyadeeda kuma soo dhicin, markuu Saciid ka tegayba Matag aan kala go’ laheyn ayaa qabsaday.

Markey adkeysan weyday Saabir ayey wacatay keliya la sheekeyso ayey isleedahay, laakiin kamuusan qaban Mobileka, dhowr jeer markay garaacday ay aragtay inuu ka qaban waayay wey iska deysay, tolow maxaa ku dhahay ayey is leedahay, ma wax baa ku rhacay, iyadoo sidii isaga uga Fikireysa ayey seexatay.

Saciid markuu qolkiisa tagay ayuu soo xasuustay Hadalka ay Suleeqo ku tiri Naftiisa ayuu la Hadalayaa, Suleeqo noloshasda ma rabto, adiga ayaa maanta eax jecel, marka waa inaad iska ilawdo.

Aroortii markii Qoraxda soo baxday Suleeqo soo kacday iyadoo jirka dhan Xanuunaayo, tabar dari dareemeyso ayey meel fadhiisatay Awood ay Quraac ku Sameeysato ayey waysay markay in badan fadhiday ayey is tiri Kac oo Quraac sameeyso, markey inyar socotay ayaa Indhaha madoobaadeen, meel ayey qabsatay.

Waxey aragty xaaladu in aaney Caadi aheyn markaas ayey is tiri Waa inaad Hospitalka aadoa, weyna baxday Hospitalkii ayay tagtay Markay Sugtay Cabaar wey u gashay doctorkii markuu weydiiyay Xanuunkeeda, oo iyadana u sheegtay, ayuu dhahay Xaas maa tahay, Maya ayay ku tiri.

Ka dib Doctorkii xaaladan wuu fahmay, ka dib Shaybaar ayuu ka qaaday, baaritaan dheer ka dibna wuxuu soo sheegay iney Uur leedahay,

Suleeqo Dhulkii ayaa ku yaraaday Naxdin Waraaqihii intey soo qaadatay ayey guriga timid, Halkan ayey Oohin qabsatay, ka dib Saabir ayey u wacday, balse taleefanka kama qaban, siday u waceysay ayey daashay, ka dib Masseg iyo Sawir ayuu u soo diray, Massegku wuxuu ahaa, Suleeqo aniga maanta waan guursaday, weyna inoo kala dhamaatay, mid kheyr qaba ayaan kuu rajeynaa inaad heshid, ee walaaleey ha i sugin. (Sawirkana wuxuu ahaa kii isaga iyo Gabadha uu guursaday,).

Amal waxey is tiri malaha waxaani runba maaha ee Riyo ayaad ku jirtaa, dhulka iyo Cirka ayaa ku Ciriiriyoobay, wax ay sameyso ayey garan weysay. Saciidna maanta waa maalintuu tegi lahaa wuu baxay Airpotka ayuu ku sii socdaa, Suleeqana markay aragtay xaaladu siday tahay iyo maanta garabka keliya inuu Saciid yahay ayey is tiri la hadal, laakin wuu xidmran yahay Mobileka Saciid, waxey soo xasusatay Xilligi iyo maalintu baxaayay iney tahay.

Iyadoo bilaa Kabo ah, Cago cad oo madaxuna Qaawan yahay, warqadihiina sidata ayey soo Carartay xataa Taksi mey raacin iyadoo Naag waalan u eg oo dhib ka muuqdo ayey wadada soo dhex carartay.

Saciid iyo Familkiisa iminka ayey yimaadeen airpotka iyago banaankq jooga oo aan weli Saciid xaroon ayuu dhahay isuga gaariga aysan wax ku soo ilaaway.

Marku soo baxay ayaa wuxuu arkay Suleeqo oo Qeylineysa, weliba Oyeysa, aad wyuu u naxay, wuxuu is yiri tolow Suleeqa miyaa mise waa indhahaaga, Markay inyar u soo jirto ayuu Caadi u arkay iney iyadii tahay.

Markaas ayey dhulka ku dhacday wuxuu arkay Warqadaha ay sidato marku eegay wuxuu arkay inay Xamiilo tahay, Wiilkii isagii ayaaba dhici gaaray Suleeqo ayuu qaday guriga ayuu geeyay.

Waa Ninkii isku diyaarinaayay Safarka ee diyaaradu sugeysay, wixiiba wuu iloobay, intaas walaalihii ayaa soo wacaaya, balse maba arkaayo

Markuu iyada guriga keenay ayey soo kacday markaas ayaa intay laabtiisa gashay ayey Oohin Afka furatay, Saciidna ma arki karo dhibteeda wuu la ilmeeyay, isagoo leh sidee wax u dhaceen Suleeqo wax ii sheeg, waxaan aad gacanta ku heyso adiga mwaha sow maaha?, Saciid wuu isku dhex qasmay, sababtoo ah Wax aanu fileyn ayuu arkay arinkan waran ku taagan ayuu noqday,

Suleeqo ayaa sidry Wax u dhaceen uga Sheekeysay inay Aamintay oo uu jacaylkeeda ka faa’idaystay, maantana uu cidla kaga tegay, ilmaha yarna uuna ogayn, laakin xilligi aan u sheegi laha igama uu sugine inuu Caruus yahay ayuu ii sheegay, sidaas ayuuna igaga tagay. Aniga maxaa ii dambeyn doona maanta Sharaf ma lihi, Qof dhintay ayaan ahay.

Saciid ayaa ku dhahay May aniga agteyda boqorad ayaad ka tahay, Hadda ka uor sidaan kugu qaaday balanta ayaan ahay oo aan garabkaaga u taaganahay, keliya waxaad ii sheegtaa Saabir halkaan ka heli karo aniga ayaa Ciqaabtiisa marsiinaayee.

Suleeqo waxay tiri maanta faa’ido iima laha inaan wax ku sameeyo, teydi ayaa igu Culus keliya inaan iska iloobo ayaan rabaa wuxuu igu sameeyayna maalin ayuu heli doonaa.

Saciid wuxuu balan uga qaaday iyada iyo ilmaha yar ee Caloosheeda ku jira in aanu cidleyn doonin, jaceylkuu u qabana uu yahay mid weyn Naftiisana uu ka jecel yahay.

( La soco Qeybta Xigta).

Abdulkadir Uukow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

The reCAPTCHA verification period has expired. Please reload the page.