Noloshu kuma siineyso jaanis badan oo aad ku kala xulato dhammaan fursadaha ku horyaal, Haddii ay ku siisana adigu u caqli badnaan meysid sidii la rabay oo waxey u badan tahay in aad dooratid waxa ugu liita waxa lagu hordhigay, ayuu niyadda iska yiri. Wuxuu is waydiiyay: Bilaalow Haddii Bushra iyo Barwaaqo lagu kala dooransiiyo tee ayaad dooran lahayd?. Ma hadda mise barashadii Barwaaqo ka hor. Barashadii Barwaaqo ka hor khasab Barwaaqo ayaan dooran lahaa waayo indhahaygu quruxda kaliya ayay wax ku qiimayn lahaayeen. Haddase Bushra ayaan dooran lahaa.

Waxaan dareemayaa indhaheeda in wax aad Sixir moodid ku jiraan. Wax ii jiidaya dhankeda, oo i leh Bilaalow, Qoftaadii waa qoftaan oo keliya. Habka ay u socoto, sida deganaanta leh oo ay wax u daawato. Waxaan dareemaa in shakhsiyad cajiib ahi ku duugan tahay jirkeedaas jabka yar.

Waqti looma siin in uu intaas ka badan isla faqo. Waxaa soo dhacay taleefankiisii, waana Bushra. Waxey hadal uga bilawday:- sow Bilaal maaha?, Waxaan rabay in aan ku waydiiyo in aad jaanis heyso oo aad dhiig bixin karto. Bukaan ayaa si degdeg ah ugu baahan nooca dhiigaaga. Kama uu fakarin ee si degdeg ah ayuu u yiri “Hadda ayaan imaanayaa.” Waxaad mooddaa Askari taliyihiisu amar siinayo sida uu ugu hogaansamay warkeeda isaga oo aan waxba iska weydiin saxnaantiisa.

Kursi barandada yaalay ayay fariisatay ayada oo nafteeda ku canaaneysa hadda maxaa beenta kugu xaqsaday, maxaa kugu kallifay in dhiig aan loo baahnayn dartiis ugu wacdid. Wax aysan aqoon ayaa gudaheeda ka shaqaysanaya, wax aysan garanayn ayaa ficiladeeda maamulaaya. Waxey dareemaysaa inay doonayso kaliya inay isaga aragto. Haddaad aragto sida ay halganka ugu jirto in ay ilaashato Burhaan oo ay nafteeda ugu celcelinayso. “Ma dhici karto isaga ayaad jeceshahay, isaga ayaa noloshaada ah, noloshaada nin kale boos ugama bannaana. Waad u garaabi lahayd, waxaad oran lahayd wax ka tan wayn ayaa maamulaya oo u riixaya dhanka nin aysan aqoon waxa ay kala kulmi doonto.

Gaarigiisii ayuu isbitaalka meel gudihiisa ah ku baakimay. Dhankii qolkii ay maalinkii hore dhiigga uga qaaday ayuu yimid. Wuxuu ka cudurdaartay inuu soo habsaamay. Gacantiisii ayuu u soo taagay, ayada oo ay jareyneesa ayay inta si dabacsan u qabatay surtay saliingihii.

Wuxuu nafta ku adkeeyay in uusan meesha ka bixin isaga oo aan waydiisan kulan ay gooni u kulmaan. Waxbaa qalbigiisa u sheegay in ay ogaan ugu yeertay oo aan dhiigiisa baahi loo qabin. Haddana gacaladiisa kama uu shakin karo isaga oo aan caddeyn hayn, taasi waxa ay gef ku tahay jacaylkiisa curdanka ah. Habka ay u eegaysay, habka gacanteedu u jarayneesay marka ay tiisa taabatay ayaa ku lahaa wax baa ku dheeri ah shaqadeeda.

Isaga oo farxad gudaha ah dareemaya, haddana aan ku kalsoonaan karin dareenkiisa gudaha ee beenta noqon kara ayuu agteeda soo istaagay markii shaqadii u dhammaatay. Waxa uu si is adkayn ku jirto u yiri: Bushra waxaan kaa codsan lahaa haddii ay macquul kuu tahay in aan caawa is aragno, in aan si wacan kuula sheekaysto anaga oo aan isbitaalka iyo urta daawada ku dhex jirin baan doorbidi lahaa. Waxa aqbal iyo ajiibay ka yeersiiyay ayada oo aan la aqoon ayay dabacsanaan ku aqbashay la kulankiisa. Maskaxdeedu waxaey ku qaylinaysaa Burhaan sidaan haku samayn waligiis kaa Cafin maayo.

Barwaaqo iyo Burhaan qaddarta iyo koonka ayaa ka soo horjeeda. Dabayshii dhaqaaqdaba waxa ay waddaa war labadooda ka nixiya iyo ficil isu soo jiida Bushra iyo Bilaal Kaafiya oo uu ka dhex jiro jacayl aan sinaba macquul ugu muuqan.

( La soco Qeybta Xigta).

Abdulkadir Uukow

1 COMMENT

  1. […] Barwaaqo waxey ku qanacsan tahay inuu dhawrkii habeen mar soo waco, inuu u sheego inuu jecel yahay, kuna sasabo inuu xad dhaaf u mashquulsan yahay. Caqligeeda ayuu dhex galay oo dhex dhigay iney tahay naagta keliya ee uu dunida ka ilaashado, hadda oo uu shaqada mashquul ku yahayna aysan cagta ku badin. Maskiinimadeedu xadka ayay dhaaftay. Habeenkii saq dhexe ayay wacdaaa. Waa Another Call. Si jacayl leh bay ugu qortaa “Mcn miyaad ku hadleysaa.”, “Haa qalbi, aniga ayaa ku soo wacaaya” ayuu ugu jawaabayaa. Habeenku wuxuu dhammaadaa ayada oo sugeysa wicitaankiisa, taleefanka codka u furatay si aysan u seegin lacalla hadduu soo waco. […]

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

The reCAPTCHA verification period has expired. Please reload the page.