Sawiro ayaa la galay Baashaal ayaa lagu jiraa Music ayaa la shiday, Laba laba ayaa loo ciyaaray Marwa iyo Asad iyo Qureysha iyo Qaasim, Dhalinyaradii kale iyagana kama maqna, Waxoogaa markii Musicgii socday ayaa la joojiyay, waa la kala fadhiistay, Qof walba hadiyadii uu waday qyuu dhigay meeshi loogu tala galay, Marwa niyada ayay ka leedahay waxaan yaa kaa dhameeya.

Waxay socotaba in yar ka dib wey dhamaatay Xafladii, Dadkii wey kala tageen Marwa Qolkeeda ayaa la geeyay dharkii culayska ku haayay ayay iska saartay, wey yara nafistay Familyga ayaa cuntada isugu yimid, oo Casho qurux badan loo diyaariyay iyaga oo wada faraxsan ayay cuntadii cuneen.

Qureysha iyo Marwa oo wada jooga Qolka Marwa ayaa Asad ku soo garacay Albaabka Qureyshaa tiri Asad weeye waan sii baxayaa ee Bye qaalideydii, Marwa wey Xishoonaysaa, oo wiilkay awalba sida caadiga ula hadli jirtay ayay indhihiisa eegi weyday, makaas ayuu dhahay miyaad iga xishoonaysaa mise anaa u maleeyay ?, waxeyse ku tiri May xishood ma jiro ee maxaa iga soo doontay.

Markaas ayuu yiri Xaaskeyga sow ma tihid, hadaan kuu imaado maxaa jira ?, markaas ayay tiri Haa laakiin Inaan seexdo ayaan rabaa Beri ayaan wada hadleynaa ee bax, markaas ayuu dhahay Okay iska seexo, wuuna iska baxay.

Cabaar ka dib ayuu Asad qolkiisa soo baxay isaga oo biyo soo doontay, wuxuuna arkay qolka Marwa oo furan, wuxuu is dhahay maxa xiligan Albaabka u furay, wuu ku leexday mise Marwa ma joogto, wuxuu is dhahay malaha kor ayay joogtaa.

Wuu ka daba tagay wuxuu arkay iyada oo Cirka iska Daawaneysa, oo dharkii Hurdada xiran timaheedu furan yihiin, meeshana Hawo badan ka dhacayso, Markuu xoogaa Indhaha ku hayay ayuu u tagay, oo uu ku yiri Jawigan hadaad joogto maxaa igu yeeri weyday, waxay ku tiri iminkaba sow kumu keenin jawigu oo ma joogtid, xoogaa jawi Romantic ah ayaa la qaatay, Habeen khaas u ah ayuu ahaa.

Subaxdii markii la gaaray ayaa Asad hooyadii tiri Week ka dib safar ayaanu nahay Aniga iyo labadayda ilmood Asad iyo Marwa oo waan tageynaa, Hooyadii hablaha dhashay ayaa tiri Waa si fiican, Marwa oo Qolka fadhiga joogta, oo Hablo asxaabteeda la hadlaysa ayey u timi sodohdii oo ku tiri Inantaydii Quruxda badnayd waxaan rajeynayaa in aan kuu noqdo Hooyo fiican, oo aanad dhib kala kulmin, Aniga Hablaheyga ayaad ila mid tahay oo marna walaqlkay ayaa ku dhalay, wiilkayga iyo adiga isku mid ayaad ii tihiin, ka dib waxay u soo saartay Hadiyad ay u waday, way furtay Dahab ayuuna ahaa, markaas ayay tiri hooyo shukran.

Asad ayaa ku yiri hooyadii Aniga iyo Marwa waxaan rabaa inaan Badda dalxiis u tagno oo halkaas dhawr cisho soo joogno, markas ayay ku tiri waa si ficane soo dhaqsada, weynu noqonaynaaye maalin dhaw. Haye ayuu yiri.

Marwa wey diyaar garowday, weyna baxeen Badda hotel ku yaala ayey tageen Qol ayeyna degeen Halkii ayay waqtigooda ku qaateen.

Labadii lamaane Dalxiiskoodii ayay uga shidan tahay, Asad wuxuu ugu talo galay xaaskiisa inuu dareensiiyo Nolol cusub, maadama qalbiga xanuun hore ka soo gaaray, ka dib Marwa ayuu ku dhahay miyuu jiraa aduunka waxaad rabto inaan kuu sameeyo, haduu jiro ii sheeg si aan kugu rumeeyo ?, Markaas ayay tiri Ma awoodaa hadaan kaa codsado inad ii
sameyneyso?

Wuxuu yiri Haa waan kuu sameynaa xataa haddaan awoodin, waxay tiri keliya waxaan rabaa inaad Xaas kale ila guursan ama aanay niyadaada ku soo dhicin, intuu Indhaheeda, eegay ayuu dhahay Uma maleyn doono inaan Adiga qof labaad kugu doorsan doono, waana balan aan ka qaaday.

Qaasim ayaa soo wacay Qureysha, wuxuu ku yiri Quruxlaydaydii maalintii Arooska wixii Dad joogay goobta kaligaa ayaan ka arkayay, xitaa mar ayaan ku fikiray inaan kula baxsado, Markaas ayay tiri Hoosta ayaan kala socday, markaas ayuu yiri Haye adina xilima ayaan ku soo doontaa ii sheeg, markaas ayay tiri Arooskeenu haynoo dambeeyo walaashey ayaaba shalay la Aroosee, muddo ha ka soo wareegto.

Labadii lamaaane Week inyar dhiman, ayay joogaan hotelkii, ka dib Asad hooyadii ayaa soo wacday, waxayna ku tiri Wiilkaygii waxaan rabaa inaad maanta soo noqotaan, waayo inaan baxno ayaan rabaa reerka intaa wax ka badan Marti uma ahaan karno, Markaas ayuu dhahay Haye hooyo, caawa ayaan imaanaynaa Insha Allah, ka dib Marwa ayuu ku dhahay Alaabteena inoo diyaari weynu baxeynaaye.

Marwa ayaa soo wacday walaashed, oo ku tiri Waanu soo soconaa ee la socda, Qureysha ayaa tiri Waa si wacan Casho noo sii diyari ayay ku tiri, Haye ayay tiri.

Wey yimaadeen Reerkii ayay la caweeyeen, ka dib Hooyadii Asad dhashay ayaa tiri Beri safar ayaanu nahay ee Caawa sheeko dhameysta, Qureysha ayaa tiri iminka walaashey miyaad iga tagaysaa maad in yar nala sii joogtaan, Hooyadii ayaa tiri walaashaa meel kama ay tegin ee reerkoodii ayay qabatay, weynu wada joognaa inanteydii.

Ka dib Marwa madax xanuun ayay dareentay, qolkeeda ayay aaday sidii qof dhaxan heyso, ayay isku duubtay buste, Hooyadeed ayaa u timid markaas ayay tiri Hooyo hurdo miyaa ku qabatay, markaas ayay tiri May hooyo dhaxan badan baan dareemayaa iyo madax xanuun, markaas waan yara seexan, Hooyada ayaa tiri Haye naso Caawa waba jawi kulayl ah ee adiga xumad inay tahay ayaa laga yaabaa.

( La soco Qeybta Xigta).

Abdulkadir Uukow

2 COMMENTS

  1. Great article! I really appreciate the clear and detailed insights you’ve provided on this topic. It’s always refreshing to read content that breaks things down so well, making it easy for readers to grasp even complex ideas. I also found the practical tips you’ve shared to be very helpful. Looking forward to more informative posts like this! Keep up the good work!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

The reCAPTCHA verification period has expired. Please reload the page.