Jamiila ayaa sheeko dheer kadib ka ogolaatay dalabkii Firdowsa waxeyna ka qaadatay cinwaankii guriga, waxeyna go’aansatay iney soo raali geliso Bashiir oo ay ka codsato cafis, Jamiila ayaa guriga Bashiir soo martay galabtii markey shaqada ka timid, balse guriga albaabkiisa kore marka ay imaatay ayey wax waliba la noqdeen wax ay garaneyso oo kale.

Waxaa albaabka ka furay Hooyo Bishaaro, oo inta ay naxday afka qabsatay, lkn Firdowsa ayaa ku tiri hooyo kuuma sheegin miyaa Jamiila iney noo imaaneyso maanta.

Hooyo Bishaaro indhaheeda ku soo istaagay illin oo waxa ay la noqotay in ay gabadheedi Bushra soo hor istaagtay, balse waxay isla markiiba maqashay Firdowsa oo dhaheysa hooyo waa habo Jamiila, maanta in ay imaaneyso inaan kuu sheegay ayaan u maleynaayay, lkn waan kaa iloobay.

Jamiila markey ka soo dhaqaaqday albaabka ayey indhaha isku qabatay oo waxey qiyaastay guriga gudihiisa siduu u yaalo iyo meelaha loo leexanayo sida qolka fadhiga dhanka ay ka jiraan, qiyaasteedana run ayey noqoneysay.

Jamiila oo is leh gurigan isagoo kale inaan hadda ka hor tagay ayey ila tahay ayaa fadhiisatay qolka fadhiga, waxaana si fiican u soo dhaweeyay hooyo Bishaaro iyo firdowsa, Waxyar ka dib Firdowsa ayaa gacanta ka qabatay Jamiila oo u waday dabaqa kore si ay ugu geyso Aabaheed Bashiir.

Firdowsa waxey geysay qolka aabaheed oo wey ka soo laabatay, Jamiila ayaa garaacday qolka Bashiir, waxeyna maqashay soo gal.

Jamiila waxey gashay qolkii Bashiir waxeyna aragtay asaga oo kaligii sariirta fadhiyo oo fikirayo. Jamiila oo is weydiineysa sida uu qalbigeeda u siiyay iney u gacan qaado Bashiir ayaa waxey u soo dhaqaaqday dhankiisa waxeyna salaan ka dib soo fadhiisatay sariirtii dhinaceeda.

Bashiir waxey ku noqotay lama filaan, maxaa yeelay marnaba ma uusan fileyn iney Jamiila imaan doonto gurigiisa, mana uusan fileyn in ay mar dambe kulmayaan, Jamiila ayaa weydiisay Bashiir xaaladdisa, wuxuuna u sheegay inuu fiican yahay.

Jamiila ayaa u sheegtay in ay Firdowsa u soo sheegtay waxa jira oo ay guriga u soo tilmaamtay, waxeyna raali gelin siisay Bashiir oo ay ku dhahday, Iga raali noqo walaal aad ayaan uga xumahay wixii dhacay, waan qaldamay waxaan kuu haystay qof doonaya inuu been been iigu soo dhawaado, waxaa kaa codsanayaa inaad iga raal noqoto.

Bashiir dhib malahan aniga ayaa xadkeyga soo dhaafay, waana kaa raali galinayaa taasi, Jamiila baa giri: Maya aniga ayaa ku raali galinaya ee isaamax.

Bashiir: Raali waan ahay waana ku madahsan tahay booqashadaada wacan, waxaa la joogaa xilligaad gurigaada aadi laheyd, ina keen hoos aadnee.

Jamiila iyo Bashiir waxey ka soo bexeen qolka waxeyna u soo degeen hoos iyo dhankii hooyo Bishaaro iyo inantii yareed si ay u sii sagootiso ayaga, waxeyna Jamiila ka sii baxday guriga si ay u aaddo gudigeeda.

Jamiila waxa ay isku dayeysay maalin walba iney galabkii sii marto guriga Bashiir si ay gabadha yar iyo ayeeyadeed oo cidlo ah waqti ula qaadato, Bashiirna ay isugu daydo iney la saaxiibto oo ay ka bixiso xaaladda adag ee aamusnaanta ah uu ku sugan yahay.

Jamiila waxey intaas sii ogaaneysay qisada Bashiir iyo Bushra dhex martay oo waxaa uga sheekeynayay hooyo Bishaaro iyo inanta yar.

Jamiila waxay sidoo kale ogaatay in waalidka Bushra uu ku nool yahay magaalo kale, Bushrana ay dooneysay iney soo booqato xilligaa, hadduu waalidka Bushra arki lahaa wajigeedana uu u maleyn lahaa gabadhiisi oo uu u xiisay.

Jamiila waxey galab walba soo martaa guriga Bashiiroo waxa ay si fiican uga heshay Hooyo Bishaaro iyo gabadha Bashiir, waxeyna galab waliba isla qaadan jireen waqti qurux badan.

Jamiila waxey la yaabaneyd sababta ay wax waliba ugu muuqdaan wax ay taqaano oo ay horay u soo aragtay waxeyna ku fikireysay, sababta ay ilaa iyo haddaa u soo xasuusanin nolosheedii hore iyo waalidiinteedii.

Usbuuc markey xaaladeedu sidaa aheyd ayaa Jamiila waxey uga tagtay shirkaddeeda ku xigeenkeeda waxeyna qaadatay fasax Usbuuc ah, waxey aaday dalka India si ay ula kulanto dhaqtar wadankaas jooga si ay ugu sheegto dhibka ka haysta dhanka xasuusta.

Dhaqtarkii markey u sheegtay macluumaadkii shilkii iyada iyo labadeeda waalid ay galeen kadib, waxa uu iskaan saaray maskaxdeeda wuxuuna u sheegay in ay qeybtii xusuusta keydineysay ay jug ka soo gaartay markii ay shilka gashay oo ay tahay sababta ay u xasuusanin nolosheedii hore, wuxuuna u soo qoray daawooyin tayo sare leh, sidoo kalana u sheegay in ay booqato meelaha iyo dadka ay dareemeyso iney horay u soo aragtay, waxa uuna ka codsaday in ay maskaxda nasiino siiso oo ay shaqada ka nasato muddo, daawooyinkana ay si nidaamsan u qaadato.

Jamiila waxey ku soo laabatay wadanka, Bashiir iyo familkiisana ma ogeyn in ay wadanka ka maqneyd balse wey tabeen maqnaanshaha ay ka maqneyd muddada Usbuuca ah, Bashiir shaqadiisa ayuu aadi jiray, oo iskuma uusan mashquulin Jamiila, waxa uuna noqday mid ka fogaaday laga bilaabo habeenkii ay dharbaaxday.

Jamiila ayaa galabtii soo booqatay gurigii Bashiir, waxeyna wada hadlen hooyo Bishaaro oo ay u sheegtay ineysan wixii hore ee nolosheeda xasuusanin oo ay dooneyso iney marto wada walba oo ay xasuusteeda ku soo laaban karto, Hooyo Bishaaro oo ogeyd in ay Jamiila kaligeed ku nooshahay guri, ayaa ku tiri Hooyo maad nala soo degtid maxaa guri cidlaa ku dejiyay kaligaa.

( La soco Qeybta Xigta).

Abdulkadir Uukow

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

The reCAPTCHA verification period has expired. Please reload the page.