Suleeqo siman iney dadka ay dulsaarka ku aheyd ka timid ayey ku Faraxsan tahay iyo guri ay iyadu leedahay inay timid, Saabir ayey u sheegtay Wiil ay Famil yihiin inuu guri u iibiyay halkasna ay Nolol fiican ku heshay.
Saabir ayaa yiri: Waa arin fiicsn anigana inaan dhowaan imaado ayaa laga yaabaa, waxaan u xiisay Aragtidaada, inaan ku guursado ayaan rabaa oo Noloshii hore aan dib u dhisno oo Aniga agteyda Nolosha ku qaadatid. Suleeqo siman aad ayey ugu Faraxday Saabir hadalkiisa.
Saabir wuxuu kaloo yiri Murug walba waan ilaawayaa hadaad adiga Xaaskeyga noqtid, waan ku jeclahay, Ogow Aniga sidaan berigii hore ku jeclaa ayan weli kuu jeclahsy inaan Nolol wanaagsan ku siiyo ayaan rabaa weyna dhici doontaa.
Iyagoo sidii u wada sheekeysanaayo ayuu Saciid guriga soo galay, wuxuu arkay Suleeqo oo Call ku hadleysa wuu iska fadhiistay markaas ayey Suleeqo ku tiri:- Saabir hadhow ayaan kula soo hadli doona Bye bye.
Saciid ayey u tagtay weya Salaantay, ka dib Saciid ayaa yiri Malaha Cidlo ayaa dareentay Guriga kaligaa ayaad ku noqotay, waxeyna ugu jawaabtay May aniga Qalbiga ayaan kelinimo ka dareemaa tan Guriga waxba ilama aha.
Saciid ayaa hadana ku yiri Waxaan isku dayaa inaan Qalbigaada Kelinimada ka saaro oo aad noqoto Qof noloshu u dhameystiran tahay midda kale Card-ka ayaan lacag kuugu shubay ku Raaxaysto noloshada Qeyrkana ugu qurux badnow.
Aniga inta aan noolahay waxaan kuu buuxin doonaa Boos kasta oo ku banaan, gaar ahaan Booska Hooyada inkaston buuxin karin hadana waan dadaalayaa.
Suleeqo siman illin ayaa ka timid waxeyna Saciid ku tiri:- Ma aqaano si aan Abaalkaaga ku gudi lahaa. Saciid ayaa ku yiri Abaal gud waxba maahe, keliya waxaa muhiim ii ah inaad ii Faraxsanaatid. Intaas ka dib wuxuu ka codsaday iney maanta u sameyso Qadada, Suleeqo waxey gashay jikada, in yar ka dib Mobilka Suleeqo oo Saciid Agtiisa yaalay ayaa Massege u soo dhacay, markaas ayuu Saciid isagoo halkiisa fadhiya eegay, wuxuuna arkay Massege ah: Macaanteyda iminka waan yara seexanaa ee anaa kula soo hadalaayo markan soo tooso. Bye bye. waxaa ku Save garaysan lambarka Boqorkeygii.
Saciid durba wuu is beddelay dhiidiid ayaa ka yimid, xaaladiisa wuu fahmi waayay wadnaha ayaa xanuunay isago dhulka jiifa oo wadnaha gacanta ku haaya ayey Suleeqa timid waxay aragtay Saciid oo dhulka yaala, wey naxday wey soo carartay weyna u timid.
Wey soo qabatay fadhiga ayey seexisay Biyo qabow ayay u keentay, wuu soo fiicnaaday, markaas ayay ku tiri Maxaa kugu dhacay, adigoo caadiy ah ayaan kaa tagay. Saciid ayaa ugu jawaabay Waxba iguma dhicin keliya Wadnaha ayaa iyara xanunay imika waan fiicanahay.
Caadi ayuu iskaga dhigay iyada, laakin wuxuu dareemayaa xaalad aan ficneyn markaas ayuu ka codsaday iney Caffe u keento, weyna u keentay, isagoo cabaaya ayey indhihiisa illin ku aragtay, Suleeqo waa Qof Naxariis badan, oo ma oga inuu jecel yahay markaas ayey intey u soo dhawaatay illinta ka tirtay, markay wejigiisa taabatay sidii qof waalan ayuu boday oo Albaabka ka baxay, Suleeqo yaab ayaa ka soo haray.
Saciid gurigoda ayuu aaday Albaabka markuu ka soo galay, ayuu durba Qolkiisa galay oo gudaha ka soo xirtay, Hooydii ayaa Albaabka ku garaacday markaas ayuu ku yiri Madaxa ayaa i xanuunaayo ee isug anaa so baxaayo.
Suleeqo ayaa soo daba gashay oo gurigooda timid, waxaana Albaabka ka furtay Saciid Walaashiis, markas ayay ku tiri Naa maxaa naga soo doontay, hadda ayaad walaalkey Sixirtay, anaga miyaad rabtaa inaad nagu dartid.
Markaas ayey Suleeqo tiri walaal aniga waxna kuma sameynine iga leexo, horey ayey u soo dhaaftay, ka dib Saciid ayey ku Garaacday qolkiisa, iyadoo leh Saciid iga fur waa, Lama uusan hadlib oo isagaaba xaalad kale ku jira.
Markaas ayey maqashay Islaantii codka Suleeqo, yadoo Ordeysa ayey u timid, oo qolka Saciid taagan, kolkaas ayey ku tiri Naa maxaa halkan ku keenay, xataa hadduu wiilkrygu guri ku siiyay nagama dhamaaneysid miyaa ?.
Sucaad ayaa ugu jawaabtay Habaryar Aniga wax kale uma imaan ee Saciid oo aan fiicneyn ayaa iga yimid isagaan rabaa inaan ogaado xaaladiisa.
Islaantii ayaa tiri Haa oo adaa wiilkeyga kaa yimid miyaa, Naa maxaad ku soo sameeysay, maxaase ku daba dhigay, oo isaga aad ugu maran tahay, Hanti ayaad rabtaa sow mahaa inta uu ku siiyay kuguma filna miyaa. Naa oradoo Shaqo yeelo.
Suleeqo aad ayey uga carootay hadalka Maamada. Saciid ayaa maqlay in Suleeqo hadal xun lagu leeyahay, intuu u adkeysan kari waayay, wuu sooo baxay isagoo ku leh hooyadiis Hooyo hadalka Xun jooji Maskiintan dullmiga ka daa.
Ka dib ayuu Suleeqo ku yiri Iga raali noqo, aniga waan fiicanahay keliya Madaxa ayaa i xanuunay, iminkana waan fiicanahay ee ha is murjin waa inad iminkana guriga ku noqotaa aniga aya Caawa ku soo maraayo, Haye ayey ku tiri, weyna baxday.
Hooyadiis ayaa ku tiri Waaxan la yaabanahay sidaad u qancineyso, Aniga oo ila maanta ku lahaa Hooyo Albaabka iga fur ayaad ii soo bixi weysay, iyadana waad u soo carartay.
Markaas ayuu dhahay Hooyo Adiga hooyadey ayaa tahay, waana ku jeclahay ee keliya Qof hadal xun lagu leeyahy ma arki karo kaaliya waa intaas ee is daji Hooyo Mcn.
Saciid qolkiisa ayuu ku noqday Sariirta ayuu dul Fadhiistay, Naftisa Ayuu La hadlayaa isaga oo isku leh Weligay Gabar ma jeclaan, waa markii iigu horeysay, waana ku qasaaray, ma Aqaan sidaan Wax u xalin doono, Suleeqo qof ayey is jecel yihiin, maaha inaan Nolosheeda ka qaso.
Waa inaan is adkeeyaa iyada Farxadeeda ayaa Muhiim ah, mana rabo inaan aniga dhib ku noqdo Qofka ay rabto oo ay raaliga ka tahay ayaan u deynayaa.
Suleeqo gurigeedi markay tagtay ayey is weydiisay maxaa ku dhacay Saciid mida kale qolka uu furi waayay, markii hadal khaldan lagu yiri muxuu u furay, muxuu kuu difaacaa mar walba, inay wax jiraan sow lagama yaabo?
Saciid ayaa soo wacay Suleeqo siman, isaga oo u sheegaya inuu u soo socdo, Casho ayay u sii diyaarisay, Suleeqana cuntadeeda aad ayuu u jecel yahay.
Saciid durba wuu yimid, markaas ayey ku tiri:
Caawa Cashadii jecleyd ayaan kuu sameeyay markaas ayuu dhahay Mahadsanid, waadna ogtahay inaan gacantaada jeclahay
Suleeqo wey kacday oo Cashadii ayay Miiska ku soo diyaarisay intey jikada dhex istaagtay ayay isku leedahay waa inaan ogaada waxa jira oo aan Saciid Caawa ka soo saro.
Suleeqo Cashadii ayey keentay, markey cuneen in yar ka dib ayey Suleeqo weydiisay Saciid:- Horta Saciidoow Xiriir ma lihid miyaa? intaas waxay rabtaa iney hadal kala soo baxdo intuu isku naxay ayuu dhahay May aniga weli jaceyl ma sameynin.
Markaas ayay ku tiri Adoo sidan u qurux badan miya Bilaa jaceyl ah, ciyaarta iga daa.
Haa ayuu idhi Aniga Waqtiba uma helin jaceyl,
Ee iga dhaaf sheekada ee adigu iga sheekee ma leedahay Xiriir. Suleeqo Haa ayey tiri Wiil ayaan muddo wada socona oo Is jecelnahay.
Saciid maseer ayaaba galay markaas ayu is dhahay yaan lagaa dareemin jaceylkee sheekada iska xir. Suleeqo ayuu ku dhahay Adiga waad heysataa Lamane lkn aniga waan sugayaa.
La soco Qeybta Xigta
Sheekada suleyqo miyey sidan ku dhamaaty mise