Bashiir wuxuu raadiyay Bushra, wuxuuna ka helay barxadda kore ee guriga, Wuxuu arkay iyada oo taagan fadhiga aktiisa wuxuuna ugu dambeyn indhaha saaray xaaskiisi uu muddo 6sano ah raadinaayay, Iyadana waxaa ka dhacay culayskii ay ku heysay xaqiiqada ay muddo maalmo ah ka qarineysay.
Bashiir wuxuu dhanka Bushra u soo socdaba wuxuu soo istaagay horteeda, waxay muddo ilbiriqsiyo ah isfiiriyaanba, bashiir wuxuu isku duubay Bushra isla markiina qabsaday Oohin hor leh, iyadana sidoo kale.
Wuu rumeysan la’yahay in shakigi uu ka qabay gabadhan uu run isku badalay. Wuu runeysan la’yahay in ducadiisii uu Alle u aqbalay oo uu xaaskiisii helay rafaad badan ka dib.
Xiiso badan leysku qabo ka dib, waxay wada fadhiisteen fadhigii aktooda yaalay, waxay in mudda ah isfiiriyaan oo ay isla yaabanaadaan ugu dambeyn waxey bilaabeen in ay wada hadlaan oo ay ka sheekeeyaan waayihii ay soo mareen iyo waqtiyadii cuslaa iyo wixii ku dhacay Bushra oo xusuusta ka qaaday intaba.
Waxay inta badan habenkaas ku dhameysteen sheeko, alle ku mahadin iyo is daawasho, waxayna saacadihii dambe u hoydeen qolalkii ay kala degenaayeen.
Waxaa la gaaray subixii Bashiir wuxuu fasax ka qaatay shirkadda, waayo maantaas waxey aheyd maalin ku qaali ah, Bushrana sidoo kale ma aysan aadin shirkadeedii.
Bushra waxey quraac u diyaarisay gabadhedii waxeyna u dirtay iskuulka, Hooyo Bishaaro ayaa shaqaalihii guriga ka codsatay in ay sameeyaan Quraac qurux badan, waxeyna ugu diyaarisay meel gaar ah oo dabaqa kore ah, halkaas ayeyna ku quraacdeen labadooda, iyaga oo rumeysan la’, iney isla quraacanayaan 10sano ka dib, waxeyna waqti ay ku wada sheekeystaan oo ay isku hor fadhiistaan isku heleen 10sano oo dhib iyo murugo ah ka dib.
Bashiir, Bushra iyohooyo Bishaaro waxay maalinkaas ku qaateen guriga waxayna arinka soo laabashada Bushra u sheegeen reerkii habaryarteed ee Barni dhalay, waxayna isla maalinkii ku soo booqdeen gurigooda.
Bashiir iyo hooyadiis waxay habeenkii ka wada hadleen xafladda guurka ee loo dhigaayo bushra, waxeyna isla go’aamiyeen in arooska ay ku beegaan maalinkii sanad guuradii arooskooda oo isbuucan dhexdiisa ah kana dhiman tahay 5 maalmood, waxayna isku raaceen in howshiisa si dhaqsi loo bilaabo.
Bashiir wuxuu wacay Bushra aabaheed waxa uuna u diray lacag gaareysa,wuxuuna ku yiri waa Sooriyo iyo raaligelin aan ka bixinayo inta sano ee aan sababta u ahaa maqnaanshaha gabadhaada, haddana waxan dhigeynaa aroos Usbuucan dhexdiisa, waana inaan ku soo doonaa si aad nagala qeyb gasho farxadda oo aad gabadhaada ii siiso mar labaad.
Bushra aabaheed ayaa ku yiri:- Gabadheyda qaddar Alle ayaa ku dhacday oo adiga dembi kuma lihid, inaad isdhibtana ma ahan, Aniga gabdheyda horana waan ku siiyay, haddana waan ku siiyay, anigana dhinaceyga arooska waan dhigayaa, maadaama aad lacagtan badan ii soo dirtay kaligey ma farxaayo ee magaalada dhan iyo intii gabadheyda iney dhimatay u haysatay waan ka farxinaa oo bishaarada waan gaarsiinayaa, aroos kheyr qaba Alla ha idiinka dhigo waan idiin soo duceeyay Aabo Bashiir Wiilkeygiyow.
Bashiir ayaa galabtii Bushra u waday meelaha Dalxiiska, wuxuuna ayaa u soo bandhigtay jaceylka uu u qabo iyo in uu doonayo inuu aroos labaad u dhigo, Wuxuu u sheegay inuu san ahaan doonin Bashiirkii qeylada badnaa ee qalbiga adkaa, noqona doono Bashiirkii uu beddelay jacaylka ee naxariista iyo qalbiga jilcan leh.
Bushra ayaa ka aqbashay jaceylka uu u soo bandhigtay, una sheegtay iney iyaduba in muddo ah jeceshahay, waxayna ku tiri muhiim ma ahan inaa aroos labaad ii dhigto in aan nolosheydii hore xasuustay adigana aad i jeceshayay ayaaba hadiyad weyn ii ah oo shukri badan iiga baahan.
Bashiir ayaa ku adkeystay arooska labaad ee uu dhigaayo, kana dhaadhiciyay inuu yahay mahadcelin Rabbi iyo in uu ka tarjumayo jaceylka baaxadda weyn ee uu u qabo ayada doonayana iney beddesho maalinkey 10sano ka hor isguursadeen oo ay u noqoto maalin hilmaamsiiya kii hore oo xusuus farxad weyn xambaarsan ku beddesho.
Waxay kaloo ka wada hadleen mowduucii ninka u sababta ahaa shilkii soo gaaray, waxayna aadeen magaaladii uu ku noolaa, waxeyna ogaadeen inuu rag u dirsaday gabdhiisa balse ay ku qaldeen Bushra oo ay buurta dhinaceeda ka dhacday sidaasna ay xasuusta uga tagtay, oo uusan ku talagal dhibka u soo gaarin, kana qoomameynayo wixi uu sameeyay raaligelin iyo lacagna ka bixinaayo, balse wey saamaxeen labaduba waxeyna Bushra ku dhahday lacag kaama doonayo Cafis ayaad iga tahay adeer.
Bushra ayaa la hadashay Aabaheed, waxeyna u dirtay lacag, Aabana wuxuu u sheegay inuu u duceynaayo oo uu raali ka yahay lacagtana uu xajka ku Aadayo.
Sidaan Ognahay Bushra waxay laheyd guri aad u weyn, balse ay kaligeed ku noolaan waysay oo ay kiro gelisay, waxa ayna u hadiyeysay walaalaheed, si ay ugu noolaadaan.
Bashiir waxa uu hadiyado badan qolka ugu diyaariyay Bushra, wuxuu kaloo u diyaariyay qol aad u weyn oo leh maktabad ay Amiira shaqadeeda ku qabsan karto marka ay u baahato.
Bashiir wuxuu Bushra u iibiyay guri aad u weyn oo diyaarsan, wuxuuna qorsheeyay iney la soo degaan hooyadii iyo inantiisa, guriga kalana la kireeyo (waayo ma doonayo iney Bushra mar waliba ku soo xasuusato noloshii ay ku qaadatay 4tii sano oo ay ku nooleyd.
Bashiir wuxuu ku soo beegay arooska, 10sano ka hore maalinkii ay is guursadeen, wuxuuna u dhigay Amroos aad u weyn oo saxaafadda iyo dad badani ka soo qeyb galeen,
Bashiir waxa uu casuumay dad badan oo ganacsato ah iyo dad qaraabada Bushra ah, sida Bushra habaryarteed oo ah Barni hooyadeed oo aad ugu faraxsaneyd in gabadhi ay habar yarta u aheyd ee gabadheeda yar soo korisay ay mar labaad hooyo u noqoneyso in muddo ah ka dib oo ay cidlo noqoneynin mar dambe, iyo inuu dardaarankii gabadheeda Barni uu si fiican u rumoobayo oo uu Bashiir cidloon doonin.
Bushra waxa ay soo xeratay dharkii arooska, Bashiirna sidoo kale, waxeyna ka soo degeen jaranjaradi guriga waxeyna yimaadeen hoolka dhexda ah ee guriga oo ay buuxaan ka soo qeybgalayaashi Arooska.
Bashiir wuxuu video call kula hadlay Bushra aabaheed wuxuuna tusiyay xafladda qurxoon ee uu u dhigay gabadhiisa iyo sidey u faraxsan tahay, Bushrana wey la hadashay Aabaheed, waxeyna u sheegtay in ay jeclaan laheyd inuu u la joogo Aabaheed, balse wuxuu tusay inuu imaan lahaa, balse uu jecleystay in uu ka farxiyo qoyskiisa iyo qaraabada badan ee magaalada ku nool maadaama ay gabadhiisa ay moodayeen iney dhimatay ay farxad dhiganeyso, oo uu jecleystay iney la farxaan una soo duceeyaan.
Waxaa dhacay arooskii, wuxuuna ku idlaaday farxad iyo wanaag, Bushrana waxaa loo galbiyay gurigii cusbaa ee uu Bashiir u gaday, hooyo Bishaaro iyo inanteedi yareyd iyo shaqaalihiina waxay u wareegeen gurigaas.
Isbuuc kadib Bashiir wuxuu dalxiis u waday Bushra, waxeyna aadeen maleesiya si uu arooskani aad uga duwanaado kii hore oo uu xaaskiisa u ilowsiiyo murugadii iyo dhibkii kalinimada ay soo martay, isagana uu uga soo nasto fikirkii badnaa, hurdo yaraantii iyo shaqadii.
Sanad kadib Amiira waxa ay noqotay hooyo waxeyna dhashay gabar qurux badan. Hooyo Bishaaro iyo Firdowsa farxaddooda lama soo koobi karin, Bashiirna Alle ayuu ku Shukriyay. Bushra waxey codsatay inay u bixiso inanta yar Barni oo aheyd gabadhii ka dambeysay guurkooda.
Bashiirna waxaa u soo laabatay kalsoonidii naftiisa, maadaama awal lalahaa labadiisi xaasba wey geediyoodeen oo nasiib ma leh.
Waxay labadooduba noqdeen shuraako oo
waxay ganacsigoodi ku mideeyeen hal shirkad oo qura, waxeyna u sameeyeen maamul mideysan, oo u xilsaaran hormarinta shirkada, Axmad wuxuu ka ahaa maamulaha guud ee laga qaato Awaamirta iyo saxiixyada waxayna waqtigooda badankiis siiyeen caruurtooda Amiira waxay bishiiba Hal usbuuc aadi jirtay shirkadda, maadaama ay madax ka tahay qeybteeda dharka iyo disaaynada.
Waxey qoyskaa quruxda badan ku noolaadeen Farxad, Jaceyl iyo Barwaaqo aan la soo koobi karin, sanadihii culeyska badnaana waxaa badalay kuwo qurux iyo qiimo badan.
D H A M M A A D.