Dunida waxa ay dhahaan dadka is lihi isma helaan. Hadday is helaanna isma hantaan. Warkaasi run buu ku dhaw yahay marka la eego marxaladda afartaan qof ee qofba qafiska qof kale ku jiro. Si ay u xoroobaan waxaa khasab ah in qalbiyo badani jabaan. In jacaylo badani burburaan. In qaarkood khiyaamoole loo aqoonsado halka qaarkood ay hanan doonaan kuwa aan qeyrkood ka qaadan karin.

Bilaal wuxuu ku fakaray waddo walba oo uu Bushra ku dareensiin karo inuu ka mudan yahay kan ay xiriirka la leedahay. Waa nin caqli badan, sidoo kale wuu ku baraarugsan yahay in qofta uu u dan leeyahay aysan ahayn gabar yar oo lagu siran karo lacag iyo wax la mid ah. Wuu ka qiyaas qaatay in ku filan qofka ay tahay inuusan oran karin xiriirka saaxiibkay ka soo bax oo aniga ii imow. Sidee ayuu sidaa u samaynayaa? Sidee ayuu ugu muuqan karaa nin u qalma nolosheeda oo aan xiiso doon ahayn. Barwaaqo ayuu yiri. Haa Barwaaqo uyada waa inaan noloshayda ka saaro ayuu iskula faqay.

War miyaad waalan tahay? Miro gunti ku jira kuwa geed saaran looma daadsho. Ma naag aadan haysan ayaad u eryi gabadha guurka kaa sugeysa. – Maya waa inaan nin nadiif ah noqdo. Waa in aanan cidna ku daneysan ee aan Barwaaqo runta u sheego una caddeeyo in wax iska beddeleen wixii aan awal u dareemayay. Macquul maaha haddaad ku dhaqaaqdo ficilkaas, waa marka noloshaadu burburayso. Cid walba oo isku kiin taqaana maxaad u sheegi doontaa?, Maxaa iga galay waxey dhihi doonaan haddaan anigu faraxsanayn?.

Wada hadal dheer oo isaga iyo naftiisa dhex maray, gunaanadku wuxuu noqday inuu nin iska dhigo oo rabitaankiisana caddeeyo. Barwaaqana uusan waqti kale ka sii dhumin. Geesinimo waa middaas ee ma yahay nin ku dhiiran kara?.

Bushra usbuuc dheer oo ay is waydiinaysay sababta uusan fariin kale ugu soo dirin, marna ay isku canaanaysay sababta ay marka horaba farriin uga sugayso. Waxey go’aansatay iney jacaylkeeda u sheegto ineysan guur diyaar u ahayn ayada oo marmarsiinyo ka dhiganeysa xaaladda hooyadeed iyo ineysan guur ku dhiirran karin ayada oo aan wax muuqda qabsan, shaqadana heer ka gaarin. Kursi barandada isbitaalka yaalay ayay fariisatay. Niyadda ayay iska waydiisay Guurka Burhaan soo ma ahayn waxaad waligaaba sugeysay. Hadduu hadda si kedis ah ku helay fursad uu kugu aroosi karo maxaa kaa hortaagan? Maya ma geli karo guur anigoo xaalad isku qasnaan ah ku sugan. Maxaa ku qasay ma waxaad rajo ka leedahay wiilkii watay gabadhii sidaad ogayd u ekayd. Haddaad dhawr jeer si kedis ah ku kulanteen indho rabitaan saa’id ah ka muuqdana isku eegteen macnaheedu maaha inaad guurkaaga uga baxdo ayay nafta kula shawrtay.

Barwaaqo maanta gurigoodii ayay timid, Walaashiis iyo hooyadiis bay waqti wacan la qaadatay. Ayada ma waxey ka tahay dareensii reerkooda inaad naag ku haboon tahay. Dhawr jeer bay hooyadiis ku soo hadal qaaday halka wax u marayaan iyo in guurkii soo dhaw yahay. Qosol iyo dhoolacadeyn laga dheehanayo in wax walbaa soo dhaw yihiin ayay mar walba isku dhaafisaa. Barwaaqo waxey ka dhalatay reer ladan hanti ahaan ayada wax macne ah uguma fadhido gurigooda quruxda badan iyo dahabka hooyadiis qabto. Hadafkeedu maaha iney noloshiisa quruxda badan gasho. Hadafkeeda waa iney nolol qurxoon la qaato ninkaan ay jeclaatay qiimo kasta ha ugu kacdee.

Burhaan waxay la noqotay wax aan la aqbali karin in ay Bushra jawaabta aan Haa ahayn siisay. Dayntii uu bangiga ka qaatay, gurigii uu qorshaynayay inuu kiraysto xataa diyaar buu u ahaa oo mulkiilaha wuu la hadlay. Isaga qudhiisu ma yaqaan waxa sidaa u dadajiyay. Waxa ku kallifay inuu halmar gaaro go’aan guur. Loogama horeyn wada hadalkii Bilaal baqdin buu dareemay isaga oo aan garanayn halka laga soo weerarayo. Qaadan waaga ka sokow isaga waxaa khasab la ahayd in uu ogaado sababta dhabta ah ee ka dambaysa diiditaankeeda. Sow ma aha qoftii oran jirtay wax walba weynu wada qeybsan, xasiig hadday noqoto xataa waynu ku wada seexan. Jacayloow xaalkaa ba’ isbedbeddel badnidaa maxaa sugnaanshaha kuu diiday?.

Ugu dambayn kulankii ay waqtiga badan sugaysay Barwaaqo waa rumoobay. Hotel wayn bay casho u tageen. Salon wayn bay ka soo marsatay makeup quruxdeedii qurux ku daray. Waxey la tahay sidii caawa in uu u soo ballan qaadi doono guur. Qosolka iyo raynraynta qofkii arka wuxuu ugu dhaaranayaa in ay gacanta ku haysato wax ka wayn waxa dunidu bixin karto. Farxadeeda waxaa laba jibbaaray in kulanka uu Bilaal dalbay halka badi awal ay ayadu ahayd qorsheeyaha ballan walba iyo halka ay tagayaan. Niyadeedu waxa ay u sheegtay in wax wayni dhacayaan oo uusan si fudud isagu u ballamin. Guriga albaabkiisa ayuu ka soo qaaday, Goobtii ballantu ahayd ayay yimaadeen. Halmar ma uu dhoolla-caddayn intii ay soo socdeen. Waji macbuusnimadiisu wajigeedii sida ubaxa hadda dhashay u ifaayay ayay shiiqisay oo ay ka dhigtay sida ubax qalalay oo abaaruhu qalajiyeen. Ayada oo aan rajo fiican qabin ayay miiska fariisteen. Isaga laftiisu wuu gariirayaa, quruxdeeda oo uu waligeed u khushuuci jiray caawa waxbaa saa’id ku ah. Dhawr jeer buu is yiri – Niyow qof waalan oo keli ah ayaa ka taga qof sidaan u qurux badan.

Cashadii ayay caafimaad ku dhammaysteen ayaga oo aan wada hadal dheer is dhaafsan. Marka weelkii la qaaday ayuu inta gacmaheda gacmihiisa korsaaray ku yiri “Gacaliso i dhagayso.” Isaga oo aan hadalba oran ayay indho waawayn oo jacayl faro badani ka muuqdo ku soo eegtay ku tiri “Aad baan kuu jeclahay”. Xoogaa buu aamusay. Hadalkii baa ka kala lumay. Wax uu ku hadlo ayuu garan waayay. Ma qofkaagii oo sidaa u faraxsan ayaa loo quuri karaa niyad jab sidaas u wayn. Maya u dib dhig ayuu ku tashtay. Isaga oo arka in hadal laga sugayo ayuu hadalkii ku bilaabay: ” Barwaaqo intii aad noloshayda ku jirtay waxaan ahaa qofka ugu farxadda badan dadka koonka jooga adduunka ayaan kuu jeclahay.” Oo Been ah.

Ubixii haddeer qalalay farxad buu la soo baxay ilbiriqsiyo gudahood. Gurigeedii ayay ku laaabatay ayada oo is leh muxuu markii hore kaaga bajiyay oo wajiga macbuuska ah kuu tusay. Isagiina dhanka gurigiisa ayuu gaarigii u soo kaxeeyay isago fulaynimadiisa nacladaya, naftana ku canaananaya haddaad runta u soo sheegi lahayd caawa wax walbaa waa kuu kala furdaansami lahaayeen.

( La soco Qeybta Xigta).

Abdulkadir Uukow

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

The reCAPTCHA verification period has expired. Please reload the page.