Marwa iyaduna Caawa Dadka fikiraaya ayay ku jirtaa, waxa jiray Wiil ay wada sheekaysan jireen, oo dhintay Marwa Sanado ayay Qalbiga ka bugtay, Xaaladaas iyadoo soo martay ayan hadana laga dareemin, oo wejigeeda xataa laga fahmin, dareenka Xanuunka badan ee iyadu soo martay ayaa maanta Asad ku yara qaboobayaa Qalbigeeda, hadana maxay kugu taala Wiilkan walaashed ayaa lala doonayaa iyadana waxay isleedahay, malaha nasiib ma lihi.

Qaasim wuxuu soo wacay Qureysha wuxuu ku yiri: Caawa la kulankaagii aad ayuu ii bedelay damac ayaa i galay ee waxaan rabaa haddey macquul tahay inaan Xiriir sameyno. Run ahaantii Qureysha hadalkaasi muddo ayey sugeysay, Ileen wey jeceshahay oo Qaasim niyada ayay su’aalo iska waydiisay tolow maku adkaysaa yaanu ku fahmine, Mise waad iska ogolataa, markiiba Qaasim ayaa ku dhahay maxaad la aamustay Hadal khaldan miyaan ku dhahay.

Markaas ayay tiri May Hadal khaldan maaha, ee maka soo fikira qrinkaas ?, Haa ayuu ku yiri, deg-deg ma jiro xilligaad jeceshahay ayad ii jawaabi kartaa, laqkiin keliya hayga diidin, arinkaas aan kuu soo bandhigtay, Qureysha hoosta ayay ka leedahay sideen ku diidaa, anaa ku rabee, Waxay ku tiri markaan ka soo fikiro anaa jawabta ku siin, Oky ayuu dhahay markuu mobilkii ka dhigay ayay halkan farxad gashay iyadoo Rumaysan la’ arinkan, hadana waxay is leedahay yaan lagaa dareemin, oo ku yara adkee isaga.

Subaxdii markii la soo kacay hooyadii iyo Marwa ayaa ka soo Hor kacay, markaas ayay Hooyadii tiri Hooyo tii Qureysha soo kici baryahan intay shaqada ka joogtay xilli dambe ayay soo kacdaaye, Marwa haye ayay tiri qolkii waxay tagtay Qurwysha, wayna kicisay markay Marwa soo noqotay ayaa waxaa ka soo hor baxay Asad, Subax wanaagsan ayuu ku yiri, iyadoo wejigiisa fiirin karin ayay ku tiri Subax la mid ah, wayna iska soo dhaqaaqday.

Markii la quraacday Qureysha bananka ayay u baxday, Asadna Kubad ayuu iska ciyaarayaa, Marwana guriga kor ayay saran tahay, oo Gym ayay sameynaysaa. Asad kubadii ayaa guriga kor uga dhacday u soo koray, wuxuu u yimid Marwa, oo Gym Iska wadata, markaas ayuu ku dhahay kaalay ila ciyaar, Kubada markaas ayay ku tiri May ma jecli ee iga dhaaf, laakiin wuu ku adkeeyay inay la ciyaarto, weyna ka ogolatay.

Cabaar markay la ciyaartay ayay soo xasuusatay wiilkii hore ee ay xiriirka lahaayeen Isaga ayaa jeclaa kubadda markaas ayay istagtay, Asad ayaa ku dhahay maxaa ku helay markaas ayay tiri Waxba Kaliya waan daalay, Oky kaalay soo fadhiso ayuu dhahay, meel ayay fadhisteen Biyo ayay cabtay markaas ayuu dhahay Marwa adiga banaanka uma baxdiid ee maxaa guriga u dhex fadhidaa, kolkaas ayay tiri, Waa runtaa ma baxo waayo niyadba uma hqayo, markaas ayuu dhahay Caawa hadaan is raacno ka waran.

Markaas ayay tiri May Qureysha kaxeyso Ani banaan iyo waxaas lma rabo, wuxuu ku yiri wax ku dhibaaya miyaa jira, markaas ayay ku tiri Warkaas inaga xir, oo ina mari guriga sidii ayay ku soo kaceen Showerka ayay tagtay, biyaha ayay isku furtay, Oohin iyo Xasuustii jacaylkeedii hore iyo kan imika ay dareemayso waxay is leedahay kana xata hadaad hesho armuu dhintaa, mararka qaar wax walba waad ku fikiri. Asad Hooyadii ayaa tiri Waa runta weyna ka muuqataa inay dagan tahay, aadna waan uga helay Runtii, markaa ayay Hooyadii u raacisay Arinka guurka Caawa aan ka hadalno, Waqtiga aad ayuu u socdaa anigana inaan tago ayaan rabaa, markaa maxaad ka dhihi lahayd Arinka.

Hooyadii Hablaha dhashay waxay ka naxsan tahay, waxay ku jawaabi lahayd waayo inanteedu Qureysha wey ogtahay, in aanay yeelayn guurka, inay reerka ku Ceebowdana ma rabto, Hooyadii ayay ugu jawaabtay Walal waa arin fiican Hawshan aqn iska dhamayno, Caawa Qureysha markay timaado ayaan iyadana la hadli, oo aynu waqti qabsan si guurku u dhaco.

Hooyadii Asad dhashay wey Ogtahay arinka guriga ka jira, iyo Qureysha in aanay rabin guurka, oo ay Hooyaded khasbeyso Qureysha, markaas ayay ku tiri Walaal, Qureysha guurka uma jeedo xataa wiilkayga waqti ma siiso, oo lama hadashaba maaha inaynu ku qasabno, ee anigu Marwa ayaanba la rabaa wiilkeyga ka waran.

Hooyadii hablaha dhashay waxay tiri Haa Qureysha ilama eka qof aqbalaaya guurka, hadaad ila fahantay waa arin fiican, Marwana waan ku kalsoonahay inay iga diidi doonin guurka isug aan u yeero, Marwa oo Qolkeeda joogta Mobelkeeda iska isticmaalaysa ayay hooyadeed u timid, markaas ayay ku tiri inantaydiyey inaan kula hadlo ayaan rabaa ee ka waran, Hooyo kaalay ila hadal ayay ku tiri, mobelkeedii ayay iska dhigtay, Hooyadii ayaa ku tiri Hooyo Adeerkaa iyo Xaaskiisu muddo ka hor ayey arin ila yimadeen anigana kama diidin, oo waa Dad aan isku fiicanahay arinkas oo ah inaan Wiilkooda Asad Qureysha siiyo.

Kadib Wiilkii markii lagu yiri Orod soo arag inanta lagu siin rabo, oo isa soo fahma, Qureysha mar ay shaqadeeda ku mashquusho iyo mar ay qolkeeda ku jirto iyo mar ay socoto weeyaan, wiilkana ma rabto anigana inaan ku Ceeboobo Reerka ma rabo, oo waa dad Xidid ah talo Qof weyna ila yimid Anigana aan ogolaaday.

Cawa mar aan wada hadalnay Eedooda, oo Arimaha guurka igala hadleysay aad ayaan u Werweray, sababto ah Qureysha waan ogaa in aanay yeeli doonin, anoo yaaban, oo is leh maxaad sameyn ayay igu tiri taan doonayna Qureysha maaha ee waa Marwa, markas ayay yara farxay waxaan ogahay adiga in aad waxba iga diideyn, oo kalsooni ayaa i gashay ee Hooyo ka waran Arinkaas.

( La soco Qeybta Xigta).

Abdulkadir Uukow

1 COMMENT

  1. Great article! I really appreciate the clear and detailed insights you’ve provided on this topic. It’s always refreshing to read content that breaks things down so well, making it easy for readers to grasp even complex ideas. I also found the practical tips you’ve shared to be very helpful. Looking forward to more informative posts like this! Keep up the good work!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

The reCAPTCHA verification period has expired. Please reload the page.