Intaas ka dib Qureysha xafiiskeedii way joogi weyday, mobilkeeda intey qaadatay ayey baxday gurigeeda ayay aaday, markiiba qolkeeda ayay tagtay intay Muurayada hor is taagtay ayay isku leedahay iyada oo isla hadleysa:- “Maxay tahay sababta aad uga cararayso wiilkan”, oo marka aad aragto Wadnahaagu saa’idka ugu shaqaynaayo mar dambe maaha inaad cararto Qof adag waa inaad iska dhigtaa, Qaasim kursi ayuu ku jiifaa Qolka Aabihiisa yaala, Wuxuu Is waydiinayaa Gabarta maxaa helay maxay ka xishoonaysaa mise wajigeyga ayeyba ka Cabsaneysa maxaa jira wuxuu Gacanta ku hayaa Buugii ay ka carartay.
Markaas ayuu furay markiiba waxaa ka soo Hor baxay Sawirkeeda oo ku dhegsan Buugga, Cabaar ayuu fiiriyay markaas ayuu is weydiyay Wejigan halkeed ku aragtay, balse wuxuu soo Xasuustay inuu u wejigan yahay gabartii ay ku kulmeen diyaarada, sawirka korkiisa sare waxaa ku qoran Dr Qureysha.
Qureysha walaasheed ayaa u soo gashay iyadoo sidii iskula hadlaysa maxaa kugu dhacay ayay ku tiri Adoo Xiiqsan (daalan) ayaad guriga soo gashee, ma dhib baa jiro?. Markaas ayay ku tiri Haa dhib weyn ayaa jira oo ah Wiilkii aan ku sheegi jiray ee diyaarada aan ku kulanay markan arko Cabsi ayaan dareemayaa Wadnaha xoog buu ii garacmaa, sababtana ma aqaan.
Walaashed ayaa ku tiri Qureysha yaraantaada ilaa hadda qofba kamaad cabsane Doctarad qalbi adagna wad tahee, “maxaa jira wiilka miyaad ka heshay ?”. Qureysha ayaa la soo booday Aniga miyaa May May sida fudud miya Iskaga jeclanayaa ?. Markaas ayay walasheed ku tiri Hadaa maxaad wajiga u siin la’dahay ee uga Carareysaa, waxaa laga yaabaa wanad is dareensanayne waad ka heshaay ee wiilka iga sheekee siduu u eg yahay.
Qureysha, oo sharaxaysa Quruxda wiilka ayaa ku tiri:- Waa Wiil aad u qurux badan, weliba oo, muruqyo waa weyn leh Steyl aad u shidan leh, lakiin aniga ma jeclaan waxaasna iguma ogid, Walasheed aya ku tiri Kolay wuxunbaa jira ee waynu eegi bal, Qureysha ayaa xasuusatay buugii inay meeshii ay fadhiday kaga soo carartay.
Markaas ayay qaylisay, Walasheed ayaa ku tiri maxaa ku helay wadba iga nixisee, markaas ayay ku tiri Koley wejigayga wuu arkay bes way i dhamaatay, Walasheed ayaa ku tiri Maad waalatay waxaan aad sheegayso horta i fahansii markaas ayay tiri Buugii Xasuus qorkeyga ee sawirkeygu ku dhagsanaa ayaan agtiisa kaga imid kolay wuu arkay. maxaan sameeya Beri sideen shaqada u tagaa.
Qaasim wuxuu soo Xasuustay habeenkii ay garabkiisa ku jiiftay iyo markay isaga aragto sababta ay uga cararto, oo mar walba Mask ka u xiran tahay, Markaas ayuu Dhoola cadeeyay Maba uu sii akhrin buugii markuu sawirkeeda arkay wuu iska ilaaway inuu sii eego buuga, Subaxdii Qureysha wey timid Hospitalkii iyado oo kolba harreraha iska eegeysa, xafiiskeeda ayay iska fadhisatay ka dib waxa loogu yeeray Qof dhaawac halis ah ku jira wey soo baxday qolkii dhawaca ayay timid Hawsheedii ayay qabsatay.
Markay ka soo baxday Saacada ayay eegtay mise waa xiligii ay dawooyinka siin lahayd Qaasim Aabahiis, waxay is leedahay armuu kii Qolka ku jiraa, Gabar kalkaaliso ah oo meesha marewsay ayay ku tiri qolka odaygu ku jiro ii soo eeg cida la joogta, Haye ayay ku tiri, weyna u soo Eegtay, waxayna ku tiri Cid lama joogto kaligiis weeyaan, haye mahadsanid ayay ku tiri.
Qolkii ayay soo gashay xaaladiisa ayay eegtay waxeyna ka waraysatay Xanuunkiisa, Odayga wuxuu inuu u sheegay inuu aad u fiican yahay, wuxuuna u sii raaciyay Inantaydiiyey waxaad tahay gabar aad u wanaagsan, si fiicana ii daryeesha, markaas ayay ku tiri adeer waa qasab inaan ku daryeelo.
Odaygii iyo Qureysha, oo iska sheekaysanaya, oo qoslaaya ayuu Qaasim oo cunto u wada Aabihiis Albaabka ka soo galay Intay naxday ayay ku tiri odaygii waan kuu soo noqonayaa, Iyada oo Qaasim eegaysa ayay baxday.
Kolba wey sii Eegtaa ilaa intay Qolka ka baxaysay, meel Cafateriyaa, oo ku dhex taal Hospitalka ayay tagtay, koob Caffe ayay dalbatay iyada, oo Caffegii Afka ku haysa ayuu Qaasim soo Ag fadhiistay, markaas ayuu ku dhahay kaliya waxaan kaa codsanayaa inaad Cararin oo aad aayar iska Cunto Cuntadaada, balse waxaas dheg umey dhigine wey kacday ka dib Markaas ayuu gacanta soo qabtay Isago oo ku leh, Hoo Buugaagii, igana raali noqo wuu iska dhaqaaqay, iyadna halkii kama ay dhaqaaqinba Ilaa intuu sii socday ayay sii eegaysay.
Waxaa la gaaray Xiligii odayga Hospitalka laga bixin lahaa waxayna u sheegtay qoyskiisa inuu uu caafimaad qabo oo ay ka saari karaan Hospitaalka oo waqtigiisii dhamaaday, sidii ayaana looga saaray Odayga. Qureysha si bey u yara Faraxday madaama ay mar dambe arki doonin Qaasim.
Qaasim markuu yimid Guriga Qolkiisa ayuu tagay Daal badan ayuu dareemayaa siduu safarka uga imid muu nasan, Intuu Sariirta Dusheeda fadhiistay ayuu soo xasuustay Qureysha, oo leh Gabartan jin miyaa ku jira maxay la carartaa jorta ? Dhawr maalmood Shaqada ma tegin, Qureysha oo nasasho ayey ku jirtay Hawshiina wey u soo dhamaatay inay Dalka ay ka timid ku noqoto ayay rabta.
Iyada oo TV-ga daawanaysa ayaa waxaa soo wacay Wiil ay qaraabo yihiin, oo ka dalbaday inay Xaflad u raacdo, iyaduna kamay diidin ee way ogalaatay, wey is diyaarisay, wayna is raaceen. Markay cabaar joogeen ayay Qureysha ku tiri Wiilkii inaan guriga tago ayaan rabaa ee adigu ii bashaal Ana Taxi ayaan u yeerane.
Wey ka soo gaxday Goobtii Xaflada Iyada, oo taagan banaanka oo Taxi sugaysa ayaa waxa soo ag maray Qaasim, oo gaari wata markaas ayuu is dhahay: Waa Xilli dambe ee caawi oo kaxee, wuu u soo degay, ka dib ayay Aragtay inuu Qaasim yahay markaas intuu istaagay ayuu dhahay Datooresa sidan filayo Taxi ayaad sugeysaa ee waxaan jeclaystay inaan ku sii qaado, oo gurigaada ku geeyo.
Qureysha Cabaar way is yara adkeysay, balse Markii dambe wey iska raacday, marky in yar socdeen, ayuu arkay in aanay hadlayn, oo ay aamusan tahay, kolkaas ayuu ku dhahay, adiga hadalka ma jeclid miyaa?, Mar walba maxaa ku aamusiiyay, Mise aniga ayaad hadalkeyga doonayn, Markaas ayay ku tiri: May Hadalka ma nacbi, laakiin Qof aan aqoon u lahayn, oo aan is dabeecad fahmin lama hadlo.
Markaas ayuu ku dhahay Waa arin fiican ee ka waran Hadaan Dad asxaab ah noqono, oo aynu is barano, Intay ka yar aamustay ayay ku tiri Waan is baran karnaa Dhib maleh, Markaas ayuu yiri: Aniga magaceyga waa Qaasim, adna magacaaga hore ayaan u arkay, Markaas ayay ku tiri Magac Qurux badan ayaad leedahay, isaguna wuxu ku yiri Adiga ayaaba iga magac shidan ee Lambarkaaga ma i siin kartaa ?.
Ka dib Numberkii ayay siisay, waxana la soo gaaray Gurigii Qureysha aad ayay ugu Mahad celisay, sida fiican ee uu u soo kaxeeyay, Markaas ayuu ku dhahay Abaal ayaan ku hayaa, waayo Aabahay ayaad Daweysay, ee intaas yar waxba hayga Mahad celin, markaas ayay ku tiri taas waa Shaqadayda.
Guriga ayay soo gashay, Walaashed ayay ku tiri caawa waxa i soo qaaday Wiilkii aan Wejigiisa ka carari jiray, saw wax la yaab leh maaha! Walaashed way war jeceshahay makaas ayay ku tiri haye maxa dhacay?, waxa ay ku tiri Waxba ma dhicin keliya wuu i soo qaaday uun Numberkaygana wuu iga qortay, lakiin Wiilkan ma aqaan intaan arkaayo wadnaha ayaa aad ii Garacma.
Qaasim isaga oo Dhoola cadeynaya ayuu soo galay gurigooda, Aabihiis ayaa ku dhahay Caawa waad Faraxsan tahay ee maxaa jira ?, markaas ayuu yiri: Waxba jawiga iska fiican caawa, Wuxuu soo qaatay Mobilkiisa, wuxuna yimid Guriga qayb Beer ah oo aad u qurux badan Layr iyo Hawo macaan ka dhaceyso, Qureysha Numberkeeda ayuu wacay,laakiin kama ay qaban Fariin ayuu u diray ka dib ayay garatay inuu Qaasim yahay sorry qof kale ayaan kuu maleynaayay.
( La soco Qeybta Xigta).
Qeybti Sadeexad Aaway
Part three