1- Si joogta ah wax uga sheeg Cunta ay kuu kariso, oo waliba in aysan aqoonin sida wax loo kariyo adna aad ku fikireysid in aad Cunto karinta darteeda u baran doontid.
2- Marka ay guriga dhan hagaajiso oo ay daasho, ka dibna fadhiisato si ay u nasato waxaad ku tiraahdaa waan daalanahay ee Biyo ii keen.
3- Markaad TV-ga daawaneysid iska dhig qof Hurdaayo oo aan daawaneyn TV-ga, markey Remot-ka taabatana ku qeyli, waxaadna ku tiraahdaa Maanta dhan ayaan Sugaayay ee ha iga beddelin.
4- Markey isku aragto in ay Cayishay oo ay rabto in ay is Caateyso Qaboojiyaha ka soo buuxi wax walba oo Mac-macaan ah, Naftuna ay jeceshahay.
5- Markaad aragto wax guriga yaal oo halaabi rabo iyada u dir, markey halaabaana ku qeyli, waxaadna ku tiraahdaa wax walba oo guriga yaala adigaa haleeya.
6- Markii dhalashadeeda la gaaro waxaad ku tiraahdaa Qaali waad sii Duqoobeysaa.
7- Markaad cadeysaneysid buraashkeeda Qoyaan ka sii dhig oo Biyo dhex geli, si ay u Shakiso oo ay u tiraahdo yaa ku Cadayestay.
8- Mararka qaar Hadiyad ahaan uga dhig kareemka Duqoowda Wejiga marsadaan.
9- Mararka qaarna madoobeyso u keen waxaad ku tiraahdaa Tintaada Cirada ayaa ku badatay, ee Madoobeysadaan marso.
10- Habeenkii idinka oo Sariirta wada saaran iyada oo ku arkeysa Mobile-ka ugu sheekee Gabar kale oo asxaabtaada Facebook ka mid ah, Adigoo weliba Qoslaayo, oo muujineysid inaad ku faraxsan tahay Sheekada gabadhaas.
hhhhhhhhhhh Waa fanny sheekadaan wlh
Hhhhhh really waali waaye
War Nio Ma Si Dadka is Qaba Aad U Kala Irdhaysaad Garan Wayday 😂😂😂