1- Si joogta ah wax uga sheeg Cunta ay kuu kariso, oo waliba in aysan aqoonin sida wax loo kariyo adna aad ku fikireysid in aad Cunto karinta darteeda u baran doontid.

2- Marka ay guriga dhan hagaajiso oo ay daasho, ka dibna fadhiisato si ay u nasato waxaad ku tiraahdaa waan daalanahay ee Biyo ii keen.

3- Markaad TV-ga daawaneysid iska dhig qof Hurdaayo oo aan daawaneyn TV-ga, markey Remot-ka taabatana ku qeyli, waxaadna ku tiraahdaa Maanta dhan ayaan Sugaayay ee ha iga beddelin.

4- Markey isku aragto in ay Cayishay oo ay rabto in ay is Caateyso Qaboojiyaha ka soo buuxi wax walba oo Mac-macaan ah, Naftuna ay jeceshahay.

5- Markaad aragto wax guriga yaal oo halaabi rabo iyada u dir, markey halaabaana ku qeyli, waxaadna ku tiraahdaa wax walba oo guriga yaala adigaa haleeya.

6- Markii dhalashadeeda la gaaro waxaad ku tiraahdaa Qaali waad sii Duqoobeysaa.

7- Markaad cadeysaneysid buraashkeeda Qoyaan ka sii dhig oo Biyo dhex geli, si ay u Shakiso oo ay u tiraahdo yaa ku Cadayestay.

8- Mararka qaar Hadiyad ahaan uga dhig kareemka Duqoowda Wejiga marsadaan.

9- Mararka qaarna madoobeyso u keen waxaad ku tiraahdaa Tintaada Cirada ayaa ku badatay, ee Madoobeysadaan marso.

10- Habeenkii idinka oo Sariirta wada saaran iyada oo ku arkeysa Mobile-ka ugu sheekee Gabar kale oo asxaabtaada Facebook ka mid ah, Adigoo weliba Qoslaayo, oo muujineysid inaad ku faraxsan tahay Sheekada gabadhaas.

Abdulkadir Uukow

0 0 votes
Article Rating
Subscribe
Notify of
guest
3 Comments
Oldest
Newest Most Voted
Abdi
Abdi
3 years ago

hhhhhhhhhhh Waa fanny sheekadaan wlh

SUHE DOON
3 years ago

Hhhhhh really waali waaye

Abdirahman zHaaM
Abdirahman zHaaM
3 years ago

War Nio Ma Si Dadka is Qaba Aad U Kala Irdhaysaad Garan Wayday 😂😂😂