Bashiir wuxuu aad u dhibsadaa joogitaanka gabadhan iyo degenaashaha ay degen tahay qolkii Bushra, maadaama qolka uu khaas u ahaa BushraA oo uu waqtiyada qaar ku dareemi jiray nafis markuu seexdo qolkaas.
Wuxuu is weydiiyaa sababta ay ula soo degtay iyaga oo ay gurigeeda uga soo taktay ayadoo ah gabar ganacsi weyn leh oo lacag leh oo heli karta in ay guri aad u weyn gadato. Balse mar walba uu Bashiir isdhaho ku qeyli Jamiila ee guriga ka saar, waxaa celisa hooyadii oo u sheegta in ay gabadhani tahay gabadheeda oo kale guriga ay degeneydna ay ku dareemeysay cidlo maadaama reerkeeda uusan joogin magaalada.
Waxaa shaqada ka timid Bushra oo waa galab gaabad, waxayna Bushra iyo hooyo Bishaaro isla fadhiisteen qolkii martida si ay u wada hadlaan oo ay cidi u maqal hadalkooda.
Bushra: Hooyo Bashiir weli uma sheegin xaqiiqda iyo cidda aan ahay, ma garanaayo siduu uga fal celin doono, waxaan rabaa inaad iiga waranto inuu sugitaanka uu sugaayay Bushra uu ka yahay jaceyl ama uu ka yahay shalaayto, uu ka shalaynaayo dhaqamadiisii iyo shilkii ay gashay kaliya.
Hooyo: Gabadheydii, i sug waxaan soo qabanayaa computarkaaga iyo falaash aan haayo si aan kuu tuso arin, (Hooyo wey soo laabatay ayadoo sidda, computerkii Bushra iyo falaash ay horay u heysay), kolkaas bey hooyo Bishaaro, tiri:-
Hooyo: falaashkan waxan ku keydiyay sawiro iyo fiidiyowyo badan oo aan duubay ka dib shilkii uu kugu waayay inankeyga, daawo hooyo xaaladiisu sida ay noqotay markuu ku waayay, wuxuu ku xernaa qolkiisa muddo 3 bilood ah oo uusan u soo bixin banaanka.
Wuxuu noqday qof aadan garaneyn bal eeg sawirkan, ma cuneyn raashin ku filan, ma aadeyn shaqadiisi, ma qabaneyn tilifoon ma hurdeyn, waxaa ku dhacay istares iyo niyadjab aad u weyn illaa dhaqtarkii lagu celiyo marar badan.
Waxaan u sheegay iney qadar ku dhacay Bushra, oo uusan dambi ku laheyn wixii ku dhacay oo aysan aheyn in uu shalaayo balse uu ku qanco qadarta rabbi.
Wuxuu ii sheegay inuu doonayay inuu la kulmo waalidka Bushra, oo uu raaligeliyo, Bushrana uu raaligeliyo una sheego inuu si dhab ah u jecel yahay uuna mar dambe dhaqan xun iyo dabeecad qalafsan kula dhaqmi doonin, Waxaa u qorsheysnaa inuu Aroos labaad oo aad u qurxoon kuugu dhigo waalidkaaga aktiisa oo uu ku hilmaansiiyo dhaqankii adkaa ee uu 3da sano kugula dhaqmaayay.
Wiilkeyga aad buu kuu jecel yahay, ilaa iyo haddana ma seexdo isagoon sawirkaaga dhigin barkintiisa oo muuqaada ku seexanin, Shalaay oo kaliya hadey ka tahay wuu ka daali lahaa shalaaynta badan, lkn jaceylka waa mid aan laga daalin si walba oo ay sanaduhu u dheeraadaan, Bashiir wuxuu kaa oohinayay 3 sano balse ilaahey ayaa kaaga aar guday oo ka oohisiiyay 6 sano.
Hadda waxaan rajeynaa inaa heshay jawaabtii uu qalbigaada raadinzayay, waxaana kaa codsanaa inaad iska saamaxdo, maadaama uu maray ciqaabtisii.
Bushra ayaa ka xumaatay wixii ku dhacay Bashiir ee uu soo maray 6dii sano oo ay ka maqneyd oo go’aan ku gaartay iney isku sheegto cida ay tahay.
Bushra ayaa inteysan seexan eegtay saacadda waxayna aragtay iney 6 maalin ka dhiman tahay sanadguuradii arooskooda Bashiir iyo iyada oo intey faraxday ku tiri waa waqtiga ugu haboon ee uu ogaan lahaa cidda aan ahay.
Waxaa la gaaray habeenkii xigay, Bashiir waxa uu fadhiyaa qolka fadhiga oo uu warqado ku kala habeysanayaa waxaana soo dhaw xilligi cashada, Bushrana waxay diyaarsatay video ay ka sameysay xilligi cilaajkeeda dhanka xasuusta oo ay u aaday Hindiya illaa laga gaarayo sawiradii ay la soo gashay Aabaheed markey xusuustu u soo laabatay.
Hooyo Bishaaro wey la oged qorshaha Bushra, waxeyba gabadhii yareyd u kaxeysay kor waxayna demisay nalalkii oo dhan, intuu Bashiir soo istaagayayna waxaa bilaawday videogi oo darbiga ka soo muuqday.
Bashiir oo intuu yaabay wali taagan ayaa daawaday videogi oo lahaa cod ay dulsaartay Bushra oo ay ku sharxeyso sawir walba iyo taariikhda ay qaadday iyo goobta ay joogtay markey qaadeysay.
Waxaa la soo gaaray sawirkii ay la gashay Aabaheed waxayna tiri: Kani waa Aabahey isma lahayn waxaa kuu nool waalidkaa, waxaa layga sheekeeyay in labadeyda waalidba ay shil ila galeen oo aysan nooleyn balse farxaddeyda ma qiyaasi karo haddaan maanta midkood heysto.
Bashiir oo isdhahaya miyaad riyooneysaa macquul ma ahan, ma gabadha guriga igula nooleyd labada bilood ayaa xaaskeygii aan 6da sano raadinaayay ah waxa uu u cararay qolkiisi, maadaama wax caqligiisa ka weyn uu arkay.
Wuxuu galay suuliga wuxuuna furay shawarkii oo wuxuu hoos fadhiistay biyihi kor ka soo daadanayay si uu u dego maadaama uu u Oynayay sidii caruur yar oo kale.
Nus saac ka dib wuxuu ku soo laabtay xaalad degen wuxuuna ka soo baxay suuligi asagoo dhaxamoonaya oo biyaha hoos fadhiyay in muddo ah.
Wuxuu galay qolkiisa oo uu soo gashtay dhar qurxoon soona aaday banaanka si uu ula kulmo Bushra.
( La soco Qeybta Xigta).