Saciid Hooyadiis shaki markuu ku dhashay si gaar ah ayey Isha ugu heyn jirtay Suleeqo siman, ka dib Saciid ayaa Suleeqo ka codsaday iney banaanka u raacdo, iyadana horey ayey u aqbashay codsigiisa, sidaas darteed waxaa Saciid hadalkiisa maqleesay Walaashiis, wey carartay hooyadeed ayey ku tiri Suleeqo iyo Saciid meel ayey isku raaci rabaan.
Islaantii intii ayey ka carootay, Suleeqo siman ayey u tagtay oo ku tiri:- Haye intee u socotaa maanta?., Suleeqana waa iska daacad waxey tiri:- Habaryar Saciid ayaa igu yiri, banaanka ayaan isku raaceynaa. Islaantii iyadoo hadal soo wado ayuu Saciid Qolka soo galay isagoo leh soo bax Suleeqo, weyna dhaqaaqday. Islaantii yaab ay ka soo haray oo Wiilkeeda waxa uu soo wado ayey la yaaban tahay.
Saciid iyo Suleeqo siman maalintii jawi Qurux ayey soo wada qaateen, Suleeqo waxey u maleysaa si walaltinimo inuu uga farxinaayo, oo ma dareensana inuu Damac ku jiro, Waqti markey soo qaateen wey soo laabteen, iyaga oo faraxsan ayey Guriga yimaadeen, qof kasta qolkiisa ayuu tagay. Islaanti ayaa Qolka ka soo daba gashay Suleeqo, kolkaas ayey ku tiri:- Waryaa adiga Wiilkeyga maxaa ku daba dhigay Adigu Gabar ayaa tahay, hablaha raac, balse Nin waa Ceeb wax isku Fal.
Suleeqo siman intey wax ay ku hadasho garan weysay ayey ku tiri Habaryar Saciid waa walaalkey markuu dhahay bananaka ii raac waan ka diidi wayay ee xumaan kale ma jirto.
Suleeqo siman aad ayey uga Xanaaqday hadalkaasi, Islaantina Wiilkeeda ayey u tagtay oo ku tiri: Haye Saciid Maalmahan laguma Fahmaayee ee maxaa jira, Suleeqana aad ayaad uga fekertaa. Markaas ayuu ugu jawaabay Hooyo Suleeqo waa walaalshey kuwa ila dhashay ayey ila mid tahay, maalintii dhaweyd Dalxiis ayaad u baxdeen, iyadana waad ka tagteen. marka si aanay xumaan u dareenim ayaan u kaxeeyay, mana rabo iney dareento wax qaldan, idinka hadaadan wanaag tuseynin anigana miyaan idinla mid noqdaa ?. Wey iska aamustay maamadii.
Saciid wuxuu is dhahaa Suleeqo Guri iyada u gaar ah deji, si ay Nafis u hesho haddana wuxuu is dhahaa armey xumaan kuu fahantaa, Saciid isaga ma rabo Suleeqo siman oo la dhibaateynaayo inuu arko.
Suleeqo siman marmar ayey Hooyadeed ku riyoota, Habeenki markey seexatay ayay Riyaadii aragtay, Hurdadii ayey ka soo booday intay dhulka Fadhiisatay ayey Oohin qabsatay, aad ayey u oyday, Saciid oo Oohinteeda ku soo toosay ayaa u soo galay, markaas ayuu dhulka ka soo kiciyay, wuxuuna ku yiri: Maxaa kugu dhacay, yaa wax ku yeelay ?, kolkaas ayey uga sheekeysay wixii ku dhacay, Saciid intuu aad uga naxay ayuu Laabta geliyay.
Iyaga oo isku dhegsan oo Suleeqo siman ku leeyahay Niyada kheyr u sheeg, hooyana u ducee, aniga ayaa Garabkaaga ahay, waxna kuma soo gaari doonaan. Islaantii oo hadalka ku soo kacday ayaa aragtay in Laabta leysku haayo, markaas ayey qeylisay, iyadoo leh:- Ma anaa garan Naagtaani iney Wiilkeyga rabto, Xishood maleh, Saciid baa hooyadiis ku yiri:- Hooyo aamus deriska ku maqlaayo maxaa la qeylineysaa?, kolkaas ayey ku tiri War iga aamus adiga ma waxaan arkaayo ayaan ka aamusaa, Naagtan Aniga ma arki karo.
Saciid ayaa ku dhahay horta qolka uga soo bax islaanta qolkeeda ayuu geeyay, wuxuuna u sheegay sidey wax u jiraan iyo inay Suleeqo murugsaneyd oo wax kale jirin, iminkana iska seexo hooyo wax yar. ayuu ku yiri.
Islaantii habeenkii hurdo kama soo dhicin, oo mar walba waxaa u soo sawirmaayo wixii ay aragtay, islaantu waxeyba Aaminsan tahay naagtan inay rabto Wiilkeeda, Suleeqana iyada oo markii horeba murug ku jirtay ayey islaanta hadal aan ficneyn ku tiri, iyaduna habeenki ma seexan Ciil iyo murug darteed.
Saciid markuu Qolkiisa tagay Muraayada ayuu hor istaagay isagoo laabtiisa eegaya iyo siduu Suleeqo siman laabta ugu haayay, Riyo kale ayuu iska galay marna dhibka heysta ayuu ka murgaa, marba marka ka sii dambeysa wuu sii jeclanayaa, awoodna ma laha uu ugu sheegto jaceylkiisa.
Subaxdii markuu soo kacay ayuu arkay in aan Suleeqo qolkeeda weli ka soo bixin, Cabaar ka dib ayuu walaashi ku dhahay orod Suleeqo sii quraac, markas ayey ku tiri: aniga Shaqaale ma uma ihi inanta, shaqaalaha ayaan ugu sheegaa inantii markay qolka Suleeqo gashay waxey aragtay Suleeqo oo sanka dhiig ka socdo oo suuxsan, wey qeylisay markaas ayaa xafadii isku soo baxday, maxaa dhacay, Saciid oo qubeysanaayayna qayladii ayuu maqlay iyo inay Suleeqo wax ku dhaceen, isagoo aan si fiican u qubeysay ayuu ka so baxay suuliga.
Saciid markuu arkay xaladeeda iney ficneyn ayuu qaaday oo hospitaalka ula cararay.
Saciid maalin uga murugo badan noloshiisa ma soo marin, Hal mar ma uusan fadhiisan Sidu u sugayay inta uu Doctorku Qolka ka soo baxaayo kaligiis ayaa hospitalka joogaa Cid kale lama joogto. Sacaado ka dib Qolkii ayey Dhakhatiirta ka soo baxen, waxeyna u sheegen in Madaxa dhiig kaga furmay Xaladeedana ay liidato dhiigina waa laga shubay, balse weli Koomo ayey ku jirtaa.
Saciid Cunto afkiisa ma saarin Qolka Suleeqo ku jirto ayuu Hor fadhiyaa, Hooyadii ayaa soo wacday iyado leh ilaa Saaka waxba mad cunin kaalay iska naso wey iska Cafimaadiye. Saciid isagoon hadli karin ayuu hooydiisa ku yiri: Cunto uma bahni ila aan Suleeqo iyadoo Cafimaad qabto guriga keeno.
Mamada Ciil ayaaba ka haaya Suleeqo iyada iyo gabdhaheeda ayaa is leh Wiilkeena sida Quraarad oo kale ayuu Naagtan u ilaalinayaa ee Gurigeen aan ka bixino. Suleeqo un ayuu nafta nooga qaaday, xataa wuu is beddelay Hadalkeeda wax aan ahayn ma yaqaano
Suleeqo siman ilaa Laba Cisho koomo ayey ku jirtaa doctorkii ayuu ka codsaday inuu la Kulmo wana loo fasaxay, markuu dul istaagay Saciid illintu wey ka soo qabatay, isagoo leh waa balan inaan ku geyn doono meel aad ku noolato oo aan cidna kugu dhibeynin, ma rabo inaan arko dhibkaaga ee Mcn sidaada iigu soo noqo.
Doctorkii ayaa ku soo galay isagoo Oynaaya, markaas ayuu ku dhahay Xaaskaaga miyaa, waayo ilaa malintii Hospitolka la keenay kama aadan dultegin xataa naad soo nasan, Saciid ayaa ugu Jawaabay May xaaskeyga maaha, balse waan rajeynayaa iney noqoto.
Siciid wuu go’aan ku gaaray inuu Suleeqo guri u iibiyo, si ay uga baxdo dhibka ka heysta Gurigooda, maadaama uu isaga Suleeqo laabta ugu haayo jaceyl.
Saciid hooyadii ayaa Hospitalka timid, waxey ku tiri Sidaan waa waali ee Orod guriga aad, ee isk soo naso, waxna Cun, nafta maxaad u ciqaabeysa?, kolkas ayuu ugu jwaabay Hooyo Anigaiyo Suleeqo siman Isku mar ayaan ka baxayna halkaan.
Hooyadii wey isaga tagtay iyadoo aad uga careysan wiilkeeda, Saciidna Suleeqo ayuu ag Fadhiyaa isagoo dhudhunkanaayo gacanta Suleeqo, markaas ayey indhaha soo kala qaaday, Saciid aad ayuu u farxay, wuxuu u yeeray doctorkii, markii Xaladeeda la baaray wey yara fican tahay ayuu ku dhahay.
Saciid ayaa ku dhahay Suleeqo ilaahey ayaa Mahad leh, mar hadaad soo cafimaaday, Suleeqo siman ayaa ku tiri Haa Waxba ma qabo inan guriga tago ayaan rabaa aniga Hospital ma jecli.
Saciid ayaa ku dhahay Gurigaas ma kugu celinayo ee Guri Adiga kuu khaas ah ayaan ku gaynayaa si aad halkas ugu nasatid, Suleeqo ayaa ku tiri gurigaas waa maxay aad i geyn rabto, markaas ayuu ku yiri:- Adaa iska leh Gurigaas waa guri cusub oo aan dhowan iibiyay si aad ugu noolaato.
Suleeqo siman ayaa ku tiri Maxad isku dhibtay aniga idinka idinla noolan lahaaye, Saciid ayaa ku dhahay May Aniga waan ogahay Hooyadey iyo walaalahey iney Mar walba dhibtaada jecel yihiin adiga maha Ina Naftaada meel aan ku habooneyn inaad joogto go’aankaaana anaa gaaray.
Saciid iyo Suleeqo siman wey soo baxeen, waxeyna tageen Gurigii cusbaa, Suleeqo aad
ayey uga heshay guriga,kolkaas ayey ku tiri Saciid: Ma aqaan abaalkaaga waxaan ku gudo aad ayaan kaaga Mahad celinayaa. Saciid ayaa ugu jawaabay: May aniga waxba kuuma qaban, keliya waajib i saaran ayuu ahaa, wax walba adiga ayaa ka qaalisan.
Imikana naso Aniga Dharkii malintii ayaan weli xiranahay, Hooyo marar badan ayay igu tiri guriga kaalay, laakn waan ka diiday kolay wey ii carooneysaa, waa inaan u tagaa oo aan soo qanciyaa, Adigana naftaada ilaali waan kuu soo noqonaa.
Haye ayey ku tiri, laakin anaa cunto ku karin lahaa ee maad iska joogtid?. markaas ayuu Saciid ku yiri: May adiga inaad wax kariso maaha, waa inaad nasataa aniga ayaa kuu imaanaa oo cunto ku karinaa intaa sii naso.
Iyadoo dhoolacadeenaysa ayey ku tiri Haye waa Balan inaan nasto, Saciidna wuu baxay. Mobelkeedii ayey la soo baxday, Saabir ayey wacday iyadoo u sheegtay siday wax u dhaceen iyo iney xanuunsatay.
Suleeqo siman markey ka dhigtay taleefanka Saabir, waxey is weydiisay: Bal Saciid muxuu ilaa iyo heerkaan oo dhan kuu caawinayaa oo Naf iyo Maalba kuugu hurayaa?, tolow maxaa jira mise Walaaltinimada darteed ayuu kuu caawinaya, waana Wiil fiican abaal badan kugu leh.
La soco Qeybta Xigta
mahadsanid walaal
qaabka haboon ee aad sheekada u wado waan ka heley
Qeybihii kle away ustaad