Habeenkii dambe ayaa inta Laba tooreey soo iibsaday, ayuu guntiga soo gashaday, waxa uuna, soo fadhiistay, Hotelkii uu deggenaa Ninkii ilyaas ahaa ee Naagtiisa kala wareegay, balse wuu ka guuray, oo Hotel kale ayuu u guuray oo degay, Ugu dambeyntiina wuxuu raadiyo Hotelkaasi, wuu soo helay Hotelka uu deggen yahay Ilyaas.

Xilli fiidnimo ah, isaga oo ilyaas banaanka iska fadhiya, laakiin feejigan, oo ay Amran u digtay, ayuu soo gaaday, dhabarka intuu kaga imaaday ayuu Naaska korkiisa Tooreydii kala dhacay, Shuq, Shuq, Cabaad iyo qeylo ayuu isku daray, isaga oo leh, Dhimo, Dhimo, dadkii meesha joogay ayaa soo yaacay oo ka qabtay.

Ilyaas oo dhawr meelood Tooreyda laga geliyay, ayaa Hospitaalka loola Cararay, isla markiiba waxaa meesha soo gaaray Booliskii, Ayuub inta la jir dilay oo la jeebeeyay ayaa Xabsiga loo taxaabay.

Ayuub Xabsiga ayaa loo taxaabay, waxaana lagu soo oogay, Kiis isku day dil ah, Ilyaasna wuu ka diiday Odayaashii Hanad xaggiisa ka socday in Hawsha Xeer iyo dhaqan lagu dhameeyo.

Ugu dambeytiina Ayuub waxaa lagu xukumay 15 sano oo Xabsi ah, ilaa iyo maantana Xabsigii ayuu ku jiraa, Amranna maxkamadda ayaa ka Fasaqday, maadaama ay Nafteeda uga Cabsatay Ayuub, Aakhirkiina waxaa Amran guursaday, Saaxiibkeedii ay aadka u jecleyd Ilyaas.

Gabadhii Sharafta iyo Maamuuska badneyd ee Ifraaxna Ganacsigeeda ayuu Alle u barakeeyay, Nolasheeda iyo tii Qoyskeedana way ku filnaatay, Ugu dambeytiina waxey u guurtay oo ay degtay Dalka Masar, gaar ahaan Qaahira, si ay uga reysato, Af-xumadii iyo dhega hadalkii joogtada aheyd ee ay Dadka kala kulameysay,

Haddaba, muddo dabadeed oo Baqdin aad u weyn ka qabta jaceylka, isla markaana aaney jirin Cid ay ku Amini karto nafteeda, ayaa waxa jaceyl u soo bandhigtay, Wiil ay Axsaab ahaayeen, oo la yiraahdo Anwar, balse kama eysan Aqbalin oo wey la yaabtay, maxaa yeelay Ereyga jaceylka la yiraahdo ayey Sas ka qaaday.

Haddaba, Anwar oo ahaa Wiil aad u Caqli badan ayaa isku dayay, inuu hoga tusaaleeyo ineysan Raggu sinayn, wuxuuna dareensiiyay, in Qof iyada Nolasheeda soo xumeeyay, aysan Mustaqbalkeda Cabsi ku abuurin.

Wuxuu dareensiiyay in qofku haddii uu mar dhib soo maro, inaanay aheyn inuu Guurba ka quusto, Wuxuu kaloo dareensiiyay Ifraax iney tahay gabar yar oo Xaq u leh iney hesho Qoys tayo leh.

Wuxuu kale dareensiiyay, in la soo imtixaanay, balse Maanta ay taagan tahay, Xilligii wanaag lagu Abaal marin lahaa, ileen imtixaamkii wey ku soo Guuleysatay.

Ugu dambayn wey Oggolaatay, waxeyna wada dhisteen Reer Jaceyl, Diin, Ixtiraam iyo Kala dambeyn iyo Is faham ku dhisan.

Iyada oo ka sheekayneysa Nolosha ay ku jirto, waxey tiri: “Alxamdulillaah, Aniga iyo Ninkeyga sida Saxiibada oo kale ayaan u Sheekeysanaa, weligay waxaan iraahdo igama diidin, mar walba uu arko anoo Xanaaqsan Lugaha ayuu iga dhunkadaa, xataa hadaan Aniga qaldanahy wuu i raali geliyaa, saan u guursaday, kaligey Shaqo ma qabto, waxaan dareemay inaan hadda helay Lammaane nololeed oo dhab ah, Allow Mahadaas adaa leh, oo Dhibaatadeyda iigu Abaal guday Farxada aan maanta ku jiro.

Ugu dambeyntii waxaa lagu heshiiyay in Gabadha Xaal marin laga siiyo Af-xumadii loo geystay, Xaafadoodana ay iska joogto, bal inta dhan un lagu heshiinaayo.

Ayuub oo ay Ceebtii oo dhan ku cadaatay, oo Xaaskiisa aan heynin, Xoolana aan heynin oo iyada Xaal loo siiyay wuxuu isaga hayayba ayaa Ciil is heyn waayay, sidii Ruux waalan ayuu habeen iyo dharaarba bilaabay inuu iska wareego, isagoon is Ogeyn oo Miyirkii iyo Maankiisiiba ma joogo.

Maalmo ka bacdi ayuu Amran soo wacay, wuxuuna u sheegay inuu ka hayo Videow, ah iyadoo qaawan, isla markaasna haddii ay u soo noqon weydo uu faafinaayo.

Markuu la hadlaayay ee uu waxaas ku lahaa waxaa la joogay oo Codkiisa maqlaayay, Aabaheed iyo Walaalaheed. Arintii ayaana yaab ku noqtay, cidna umeyan sheegine, Laba Wiil ay Amran walaalo yihiin ayaa habeenkii baxay, waxayna aadeen gurigiisii, Wax walba Amran ayaa u sheegtay, waxayna soo heleen, Laptobkii iyo Agabtiisii falaashka iyo wixii oo dhan, weyna soo qaateen, isagi oo markaas Xaafada soo galayana inta qabteen, ayay taleefankii ka qaadeen, waxeyna u sheegeen iney maanta maqlayeen, waxa uu ku lahaa Amran, iyada oo duubana ay hayaan.

Wey heleen Videowgii uu ugu hanjabaayay, isaguna waxba ma sheegi karo oo haddii ay Odayaashiis maqlaan Gabadha sidaas ayuu ku ku yiri, weyba dilayaan, sidaas darteed wuu iska aamusay. Ugu dambeyntiina wuxuu go’aansaday, inuu ka aarsado, Ninkii saas u galay, oo uu Nafta dhaafiyo, isna haba la dilo markaas.

DHAMMAAD

Abdulkadir Uukow

0 0 votes
Article Rating
Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Oldest
Newest Most Voted
Inline Feedbacks
View all comments