Markaa ayuu ku yiri dhib maleh iminka hadaad i garatay waa Khayr, waxan is lahaa markay ku garato kulama hadli doonto, garan maayo sababta aad iga Aamusto ee aad iiga cararto malaha sabab ayaa jirta.

Waxay ugu jawaabtay May sabab ma jirto, keliya aniga Ragga inaan la hadlo, ama la joogo ma jecli, intaas uun weeyaan iminkana waan ku salamayaa ee bye.

Wuxuu is weydiiyay weligaa Gabar Bye kuma dhihin, Adiga un ayaa dhihi jiray Bye maantana Qof iga adag ayaan arkay waana ka helaa Hablaha adag waa inaan ka keensada
saaxiibtinimo.

Qureysha weligeed Nin may shukansan ama xiriir iyo jacayl may samayn mana jecla xiriirka waxayse rabtaa inta ay caafimaad qabto ee Xanuunka jacaylka la yiraahdo ku dhicin Inay Qaasim ka fogaato oo halkuu joogo ka tagto.

Alaabteedii ayay diyaarsatay, si dag-dag ah ayay walaashed ugu tiri Beri Waan noqon rabaa. Qureysha waalasheed Marwa ayaa la yiraah, Marwa wey yaabtay sida deg-dega ah maxaad u bixi rabtaa ma dhib ayaa jira ayay ku tiri, May ayay ku tiri ee Hawlo ayaa isugaaya markaa waa qasab inaan tago.

Marwa ayaa ku tiri hadey sidaa tahay iminka kaalay suuqa ii raac Alaab ayaan rabaa inaan hooyo kugu dhiibee, sidii ayay isku raaceen suuqii ayay aaden Hawshoodii ayay soo dhameysteen, Habeen markay noqotay, Qureysha waxay tagtay meel xeeb ah, jawi Qurux badan iyadoo Biyaha Bada daawanaysa ayay Dhawr mar Qaasim sawiratay intay booday ayay soo carartay iyadoo carareysa ayay ku dhacday Qof laabtiisa wey fiirisay waaba isagii, intay naxday ayay is tiri malaha run maaha ee adaa is moodsiiyay, intay aad u fiirisay, ayuu ku yiri maxaa ku helay maxaa jira.

Intay wejigiisa taabatay ay aragtay inuu run u hor taagan yahay ayay carartay, Qaasim yaab Qoftan maxaa eryada ayuu is leeyahay, wuu ka daba cararay, mise maba joogto yaab!, meel ayuu fadhiistay weli wuu fahmi la’yahay waxa jira.

Qureysha cararkii ayay guriga ku tagtay iyada oo xiiqsan ayay qolkeeda tagtay, Oohin ayay Afka furatay Marwa ataa u timid oo ku tiri:- Walaal maxaa ku helay?, Walaashed ayay ku dhegtay cabaar markay Oysay ayay ku tiri:- Haye iminka ii sheeg maxaa kugu soo dhacay.

Markaas ayay ku tiri aniga xitaa ma aqaano waxa igu soo dhacay, Marwa ayaa hadana ku celisay Hadalkii oo ku tiri ii sheeg, waxa jira, markas ayay ku tiri keliya inaan seexdo ayaan rabaa ee iska tag, Haye ayay ku tiri ee iska seexo.

Hurdo qoftan kuma soo dhacayso ee Qaasim ayaa ku soo dhacaya waxay is waydiinaysaa sababta jirta ee wiilkan xasuusteeda un Dhex dhigay Gacantay Wejigiisa ku soo taabatay ayay eegtay, wey carartay Gacantii ayay Biyo badan ku dhaqday ilaa hal saac ayay gacantii Biyo kula jirtay.

Subaxdii markay soo kacday ee ay qureecatay ayay Marwa ku tiri “Wixii xalay kugu dhacay maad ii Sheegtid,” Markaas ayay ku tiri waxaa igu dhacay wiilkan kuu sheegi jiray ayaa Xasuustayda ka bixi la’.

Anigoo Xeebta jooga, oo raba inaan jawiga soo badasho ayaa qalbigayga isaga un i hor waday markii aan xamili waayay anoo soo cararaaya ayaan isagoo meel uu ka yimid aan garanayn laabtiisa ku dhacay.

Marwa ayaa ku tiri “Qaalidaydiiyey ma laga yaabaa inaad jeceshahay Wiilkan”, intay Indhaha taagtay ayay ku tiri Aniga May May ma jecli. Marwa ayaa haddana tiri “Wadnaha ayaa ku garaacma waa calamaad ka mid ah Calaamadaha jaceylka ee iska Aqbal.

Qureysha wax ayy ku hadasho intey garan weyday ayay ku tiri Marwa waxaas na jiraane waan Habsaamay ee ina mari, waxayna u socdaan Airpotka waa xiligii Qureysha bixi lahayd, Okay ina mari ayay ku tiri, weyna soo baxeen intay dhexda soo socdeen Qureysha Qalbigeedu joog ayuu leeyahay, naftuna ha joogin ee tag ayay ku leedahay.

Wadadu waa ciriiri oo ma socon karo Taxigu iyadana Intaas Fikir ayay ku jirtaa, Cabaar markay soo dhaqaaqeen ayaa jidka waxaa ka dhacay Shil, waxaana Shilka galay Qaasim, Qureysha waxay maqlaysaa inay dadku leeyihiin Shil ayaa dhacay Marwa ayaa ku tiri kaalay soo deg aan soo fiirinee markaas ayay ku tiri May Adiga soo eeg walaalo.

Marwa ayaa dagtay narkaa soo eegtay way iska soo noqotay markaas ayay ku tiri Kaalay soo caawi Wiil ayaa saa’d u dhiig socdee, adaa Dr’s ahe Qureysha caawitaan miyay ujeeda Moralka ayaa ka xune dhawr jeer ayay ku cel celisay Marwi kaalay soo caawi Wiilka.

Qureysha wey soo degtay meesha dad ayaa ku soo ururay, Markii la yiri Dadkii u baneeya ee laga leexday ayay Qureysha aragtay qofkan inu yahay Qaasim, naxdin meel ay joogto ayay garan weyday.

Wey soo carartay iyadoo illin ka socoto markaas ayay Marwa ku tiri gaarigeena halkan keen si aan u qaadno Qaasim, Marwa wey yaabtay, Qureysha maxay ugu Ooyaysaa ee jira Wiilkan aqoon miyay u ledahay sidii ayaa Qaasim Hopitalka lagu geeyay.

Markii la keenay Hospitalka Qurwysha isla markiiba Dharkii Hospitalka ayay xiratay, xaaladiisa qofna kuma Aminayso, iyadaa gacanteeda howsha la gashay, waxay aragtay dhawac sida u sii weyn inuusan ku dhicin, keliya Madaxa nabar yar kaga dhacay, gacantana wuu ka jabay, laakiin koomo ayuu ku jiraa.

Marwa, oo iyaduna joogta Hospitalka ayaa la yaaban Qureysha markay aragtay, Wiilkan dhawaca ah sida ay isku beddeshay dartiina ay safarkeedii u joojisay, iminkana ay isaga u daaweynayso. Qureysha intey gacantiisa qabatay oo agtiisa fariisatay ayay ku tiri “Si Walba aan kaaga cararo Runtaa ah inay wax jiraan, Naftayda iyadaa iga saxsan oo ii sheegeysa inaan ku rabo laakiin anaa iska indha tiraaya dareenka jira.

Qaasim weli koomahii ayuu ku jiraa, oo waxan ma naqlaayo ay Quretsha sheegayso Iyada oo gacantiisa heysata Madaxana saartay micnaha Gacantiisa ku jiifta, ayuu Qaasim soo kacay aayar ayuu indhaha kala qaaday, wuxuuna arkay inuu hospital jiifo qofka la joogo oo ah Qureysha way sii jeedaa, oo wajigeeda arki maayo.

Markas ayuu dhahay Waa qofma intay naxday ayay garan wayday waxey sameyso, oo hoostana ka leh yaa! dhulka ila jara tolow maxaan sameeyaa ayuu hadana ugu celiyay i soo fiiri yaa tahay.

Intay iska Calool adayg muujisay ayay kacday markas ayuu dhahay adi miya Haa ayay ku tiri see tahay waan fiicanahay ayay ku tiri, Markas ayuu ku dhahay halkan yaa i keenay waxay ku tiri anaa ku keenay, jiidka ayaan kugu arkay adoo dhaawac ah, sidaa ayaan kugu soo kaxeeyay markaas ayay ka baxday Qolkii uu jiifay .

( La soco Qeybta Xigta).

Abdulkadir Uukow

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

The reCAPTCHA verification period has expired. Please reload the page.