“Qureysha” waa gabar Dhaqtarad ah, aadna loogaga dambeyo dhanka Qaliinka, maalin ayaa waxa Xanuunsaday Nin Oday ah, ka dib hospitalka la keenay, baaritaan dheer ka dib, Odaygii waxaa loo sheegay xaaladiisu iney culus tahay oo uu Qaliin u bahan yahay, ka dib reerkiisa ayaa isku raacay in Qaliinka uu galo.
Doctarkii hospitalka Madaxda ka ahaa ayaa wuxuu soo wacay Qureysha oo iyaduna joogta Magaalo kale, Markaas ayuu ku yiri waxaan u baahanahay inaad Qof qaliin ku sameeyso ee Degdeg inoogu imoow, Qureysha odaygaan Doctarka ah aad ayay isugu fican yihiin, weyna ka diidi wayday, oo wey Ogolaatay Hawshaas, waxayna u sheegtay Beri Inay imaan doonto.
Qureysha Hospital ayay Madax ka tahay oo inta badan ay joogtaa Habeenkii marki ay gaartay xilligi ay gurigeeda tegi laheyd ayay isugu yeertay Dhakhtaradii u shaqeeyn jiray iyado, u sheegtay hawl in loogu yeeray Beri ayna safar u bixi doonto.
Markuu waagu beryay Airpotka ayay timid diyaaradii markay soo kortay ee kursigeedi fadhisatay ayaa waxaa soo Ag fadhiistay Qaasim labada kursi ee isku xiga ayay kala fadhiyaan. “Qaasim” wuxuu u socda Aabihiis oo xanuunsan waana odaygan Qaliinka lagu sameeyn rabo ee Qureysha u socoto, Iyadu book bey akhrisaneysaa, isagana Music ayuu dhagaha kula jira Labadoodu midna mid ma Eegayo, Warba layskuma hayo.
Waa Xilli Habeen ah Dadkii diyaarada Saarnaa way wada hurdaan iyaga oo keliya ayaa soo jeeda Qurwysha ayaa hurdo qabatay oo caajistay, weyna iska ilaalinaysa inay seexato.
Waxey iska ilaaliso hurdo weyba seexatay Garabka Qaasim ayay ku soo dhacday isaguna intuu eegay ayuu iska leexiyay, Haddana inyar ka dib ayay garabkiisa ku soo dhacday maku kicin ee wuu iska daayay, Saacado ka dib diyaaradii ayaa soo fadhisatay markaas ayay soo booday, waxayna aragtay inay wiilkan ku jiiftay. Inta ay naxday ayay ku tiri iga raali noqo laakin lama uusan hadal wuu iska degay, iyaduna intay isla yaabtay ayay ka soo dagtay diyaaradii walaasheed oo sugaysay ayay is raaceen sidii ayay guriga ku tageen.
Qaasimna reerkoodi ayaa u yimid wayna is raaceen markuu guriga la tagay ayuu dhahay Aabahay ayaan u tagayaa hospitalkii ayuu tagay, Qureyshana Markay Inyar nasatay ayay walaashed ku tiri qaliin ayaa i sugaaya waa inaan baxaa wayna soo baxday hospitalkii ayay timid.
Markey iridda ka soo gashay ayaa dhamaan wixi dhakhaatir joogtay u wada kaceen iyada, madaama aad looga dambeyo, maamuus weyna loo hayo Dharkii ayayna xiratay, waxa ayna gashay qolkii qaliinka Qolka markey si galeysay ayey indhaheeda ku dhacen wiilkii ay diyaarada ku aragtay oo jooga hospitalka.
Qureysha saacado ayay Qolka Qaliinka kula jirtay Odaygii, markuu u dhamaaday ayay ka soo baxday qolka, Albaabka waxaa taagan Qoyskii Odayga. Qaasim ayaa isla markiiba Qureysha ku dhahay doctorayso Aabahay xaaladiisa waa sidee ?, Qureysha Face mask ayay xiran tahay oo isagu ma garanaayo inay gabartii tahay.
Ka dib auey ku tiri imika Koomo ayuu ku jiraa, lkn wuu fiican yahay, wayna iska soo baxday. Odaygii waxa laga soo saaray qolkii qaliinka oo qol caadi ah ayaa la keenay uu ku qaato Dawooyinka.
Qureysha markay Xafiiskeedi tagtay ayay soo xasuusatay inuu Wiilku yahay, Wiilkii ay hore diyaaradda ugula aoo kulantay, wayka soo baxday Qolkii Odayga la keenay ayay timid xaaladiisa si ay u eegto, Qaasimna qolka ayuu joogaa Mask ayay ku qarisay wejigeeda dawooyin ayay siisay, weynka ka soo baxday.
Qureysha Walaasheed ayaa soo wacday, way baxday Gurigii ayay qabatay walaasheed ayay yara wada sheekaysteen, Qureysha ayaa uga sheekeysay Safarkeeda, markaas ayay ku tiri Waxaa igu dhacday wiil aan wada fadhinay ayaan garabkiisa habeenkii, oo dhan ku jiifay Ceeb ayaa igu soo dhacday mida kale wiilkii waxaan ku arkay Hospitalka oo Qofkii aan u socday ee aan qaliinka ku sameenayay Aabihii ayuu ahaa, Anigana wajiga ayaan ka qarsaday si uusan ii garan.
Walaasheed ayaa ku tiri waayo maxaad Isaga qarineysaa ?. Markaas ayay tiri Inuu i arko ma rabo inaan ahay Naagtii habeenkii ku jiiftay sidaas ayaan uga Cabsanaayay.
Intaa ka dib Qureysha waxay ku tiri walaashed Waan seexanayaa Beri shaqo ayaa i sugaysa. Qolkeedii ayay tagtay wey sexatay, subaxdiina Shaqada ayey timid, waxayna u timid odaygii oo kaligiis qolka ku jira.
Waxay ku tiri Adeer Caafimaadkaaga iminka waa sidee ?, Markaas ayuu ku dhahay waan fiicanahay. Cabaar ayay la sheekaysatay daawooyin ayay siisay, ka dib Qaasim ayaa soo galay, markay sida u aragtay ayay Qolkii ka soo carartay, waxeyna u tagtay odaygii Doctarka ee markii hore u yeeray, waxayna ku tiri Waan noqonayaa, madaama qaliinkii uu ii dhamaaday. Markaas ayuu Datoorkii ku yiri Bukaanku Inta uu Cafimaadaayo adiga xaaladiisa la soco, Qureysha haye ayay ku tiri, lkn niyadda kama rabto joogista meesha.
Odaygii Xanuunsanaayay iyo wiilkiisa, oo wada hadaalaaya ayaa Qaasim Telka u soo dhacay banaanka ayuu ula baxay isagoo ku hadlaaya ayuu wuxuu indhaha ku dhuftay Qureysha oo Ilmo yar oo dhakhtarka yaala Daawo siineysa, lana ciyaareysa. Qaasim wuxuu is dhahay waa inaad la hadashaa oo aad barataa Qof fiican ayay u egtahay.
Waa Xilli Habeen ah Qireysha Shaqo badan ayaa u taala Xafiiskeeda ayay ku jirta, isagana Aabihii ayuu habeenkii la joogaa, Ka dib wuxuu arkay inay Caawa joogto isagoo ka fikiraaya siduu ula hadli lahaa ayey xafiiskeeda ka soo baxday meel yar oo lagu nasto wada Dhir iyo Geedo ah ayay tagtay iyadoo Cup Caffe ah sidata, Qaasim ayaa ka soo daba baxay wuxu arkay inay jawi yar iskaga jirto, mar walbana Book ayay akhrisataa, wuu soo Ag Istaagay markay aragtay ayay kor u booday, markaas ayuu ku dhahay maxaa ku helay aayar iska fadhi ma iga naxday sorry.
Markaas ayay ku tiri intay is yara adkeysay may kaama nixine maxaad rabtay ?, markaas ayuu ku dhahay Masoo fadhiisan karaa adoo raali ah ?, Qureysha waxay diidan tahay inuu wajigeeda arko inta ay hospitalka joogto Mask maba dhigto.
Haa soo fadhiiso ayay ku tiri markaas ayuu ku dhahay Imika hawl ma heysid meel hawo ahna waad joogtaa, ee maxaa xilligan Mask kuu xiray, markaas ayay Aamustay. Markay in yar aamusneyd ayuu ku dhahay dhib maleh iska xirnow, wuxuuna u raacinayay aan iskaa Baro Aniga Qaasim ayaa ley dhahaa Magaalada waan ka maqnahay inta badan Iminka ayaan u imid Aabahey, intuu Cafimaadaayo ayaan la joogayaa.
Qureysha weli wey qamusan tahay, isaga ayaa ku dhahay Maxaad ila hadli la’dahay ?. Intey is hayn kari wayday ayay carartay, wuu yaabay Maxaa qofta helay ayuu is leeyahay Buuggi ay wadatayna wey ka carartay, wuu arkay Buugii wuuna doo qaatay. Qureysha Xafiiskeeda ayay tagtay albaabkii ayay soo xiratay sidii qof la soo Eryaday camal Wadnaha ayaa xoog u garacaaya biyo ayay cabtay.
La soco Qeybta Xigto Ee sheekada.