Maalintaas wey casuuntay, isna Hadiyadii ayuu u keenay, Waqti badan la isuma helin, oo Ayuub ayaa la joogay, markuu sii baxaayay, ayey ku tiri: Qalbiga iga Cafi, isna Haye huuno waan ku Cafiyay ayuu ku yiri. Maalintaas inta ka dambaysa, waxay ahaayeen Dad si fiican u wada xiriira.

Haddaba, maalin kale ayay Xaafadda ku balamisay, xilli uu Ninkeeda Ayuub Xaafadda ka maqnaa, si fiican ayaa loo sheekeystay, waxaana la iska waraystay, jaceylkii soo dhex maray iyo Waqtigii la soo wada qaatay.

Lama kala fogeyn oo dhinaca ayaa la isku hayay, Taabasho jilicsan iyo Dhunkasho Romantic wadata, ayaa bilaabatay, oo sida barafkii oo kale ayaana la isku dhalaalay.

Maalintaas hawsha sidii loogu tala galay ayey ku dhamaatay, Cabsi ilaahna ma jirin, wax kale lagama baqeynin, waayo Nin ayaad leedahay, Cid ku dareemeysana ma jirto ayaa la is leeyahay.

Ninkii oo inta wejiga biyo yar isaga dhaqay ayuu Albaabka Guriga ka sii baxay, isaga oo Suunka Xiranaaya ayey iska horyimaadeen, Ninkii Ayuub ahaa ee Amran qabay. Salaan ay Shaki iyo Cuqdad ku jirto, ayaa leys salaamay.

Isaga oo yaaban, oo is leh see wax u jiraan Ninka Dharka Xiranaaya ee meesha ka soo baxay muxuu ahaa ayuu Guriga galay, durbadiibana Xaaskiisa ayuu ku yiri:- War heedhe Ninkan Surwaalka sii xiranaaya ee Guriga ka soo baxay muxuu ahaa ?.

Ileen Sir naag lama Sal gaaro, intey qosashay ayey ku tiri:- Alla Xabiibi waa Wiilkii maalintii ?, wuu i soo booqday oo Suuliga intuu galay ayuu sii baxay.

Waxooga wuu nafisay, Naftiisna wuxuu ku qanciyay, in isaga oo Suuliga ka soo baxay, oo aan weli Suunka xiran, ay kulmeen, balse aysan wax kale jirin.

Habeenkaas wuxuu dib u xasuustay, xumaantii uu soo geystay, waxaana Qalbigiisa ku soo dhacday, Aayaddi Quraanka ee dhaheysay:- (Ninka xun, Gabar xun un baa u sugnaatay).
wuxuu kaloo soo xasuustay Sheekooyinkii soomalida ee ahayd (Ninkii gabar xumeeya, gabadhiisaa la xumayn).

Maalintaas wixii ka dambeeyay Ayuub waxaa ku dhacay Shaki iyo Waswaas aad u weyn, wuxuuna bilaabay inuu daba galo, aadna ugu fiirsado Xaaskiisa, waa Cudur xun, oo Nafta iyo Nolashaba Ciqaabo.

Amran lafteeda wey dareenatay inuu Ayuub Shaki ku dhacay, balse rabitaan xoog badan uma heyso, marwalba oo ay wax ka dareento Canaan ayey dhegaha kaga Cuntaa, mar walba oo ay firaaqo heshana waxay Waqti la qaadataa Saaxiibkeeda Qurbaha ka yimid, oo malaha Qalbigeeda ayaa jaceyl u galay.

Ifraax inkasta oo ay hadda sidii hore dhaanto, haddana weli ma eysn ka bogsan dhaawacii iyo taariikh xumadii uu Ayuub baday, waxey tiri:- Nin walba oo taariikhdeyda maqla wuu imaan, wuxuuna iga rabaa, inuu xumaan, igu sameeyo, Dadkii wanaagsanaa oo dhan wey iga weecdeen, intii xumeyd unbaa i soo raadsata, marka aan diidana qaar baa i caayo oo i dhahaayo:- Waxaad tahay waan ognahaye maxaad igu diidi Aniga?, ma waxaad moodaa inaan ahay waddo Halaq mareen ah.

Mar marka qaar anoo kaligey ah ayaan Ooyaa, balse hadalka dadka dhegahaan ka fureystay oo meel kale ayaa ii muuqata.

Ifraax markey u adkeysan weyday, hadaladii Xanuunka badnaa ee sida joogtada ah loogula hadlaayay iyo murugadii waalidkeed ayey go’aansatay, iney wacdo Ayuub oo ay ka codsato, inuu Oggolaado ilmahu inuu isagu dhalay, balse guurkeeda uu diido, ugu yaraan si ilmaha waa ina hebel loo dhoho, isla markaasna looga yareeyo dheg hadalka faraha badan ee lagu hayo, xataa ilmaha bil kaama rabo oo anaa korsanaayo ayey ku tiri, balse Ayuub isaga oo aad isku xanaajinaaya, ayuu Caay iyo Aflagaado ku Canaantay, Gabadhii sida sharafta leh u xanaaneyn jirtay.

Bal fiiri maanta waxay baryeysaa iyada oo ilmeynaysa, isaguna uu u Aflagaadeynayaa inuu ilmaha isagu dhalay sheegto oo keliya, Ninku waa Abaal laawe aan Arxan laheyn.

Duruufahaas adag, iyo Xaaladahaas Qalafsan Ifraax waxay ka dhigtay qof kale, Cashar adag oo nolasha ahna way u noqotay, waxey is weydiisay, yaa kuu maqan horta?, Oohintase maxaa kuugu imaan?, Nafta inaad ciqaabto, maxaa faa’ido ah oo kuugu jirta ?.

Dadkaan ku dhibaaya, Xaqiiqada miyey Og yihiin?, haddii ilmo Alle ku siiyay, Korso oo towbad keen?, Qofna shaqo haku darsanin, ayey niyadeeda iska tiri.

Ifraax waxey go’aansatay iney sameyso isbeddel Nafsi ah, oo aysan Nafteeda intaas in ka badan sii Ciqaabin, dhowr Usbuuc ayeyna seexan oo ay Allaah SW, baryeysay iyada oo Ooyeysa.

Ifraax iyada oo sidaas u Cibaadeysaneysa ayaa waxey dhashay Wiil, waxeyna u bixisay Anwar.

Ifraax markey ka baxday umushii waxey dhaxda u xiratay, koriimada Cunugeeda, iyo iney ka dheereyso, Cunsuriyadda, ka buuxda Dadka iyo hadal xumadooda.

Kharash iyo xoolo badan ma heysato, balse waxay isku dayday iney bilawdo Gacanacsi yar-yar, guriga hortiisana ku iibiso cuntooyinka fud-fudud, ee Burka laga sameeyo.

Muddo ka bacdi waxay bilawday, iney ku darto, inay Xaafadda dhaxdeeda ku iibiso, waxyaabaha Dumarku isku Qurxiyaan, sida Cadarada, iyo Kareemooyinka.

Ugu dambeyna, waxay xaafadda dhaxdeeda ka furatay, meelaha Dumarka lagu Qurxiyo (Make up)

Ayuub iyo Amran Guri ayey dageen, Qoys ayeyna yagleeleen, si caadi ahna wey u wada nool yihiin, balse Amran waxaa Murugo ku heysa Ninkii ay muddada sheekeynsan jireen, oo biili jiray, balse ay balanta kaga baxday.

Laakin isagu wuxuu mar walba, ku oran jiray:- Qaali waan ku cafiyay, aniga ayaa eeda leh, oo ku guulaysan waayay inaan Qalbigaada jaceyl ku abuurto, balse adiga waxba kuuma heysto, jaceylka aan kuu qabana maaha mid aan iloobi doono, waqtigaan soo wada qaadanay, waa ii Xasuus igu qaali ah iyo erayo kale aad u macaan.

Maalintii dambe ayaa waxaa Magaalada soo gaaray oo qurbaha ka yimid, Ninkii ay Amran wada sheekaysan jireen, wuxuuna u sheegay, inuu yimid, Hadiyad qaali ahna uu u wado.

Waxay ku tiri: Beri Casuumaad ayaan kuu sameynayaa ee xafadda iigu kaalay, Ayuubna waxey u sheegtay, in Maanta uu xaafada ugu imaanayo Nin ay horay isku yaqaaneen, oo Qurbaha ka yimid.

( La soco Qeybta Xigta).

Abdulkadir Uukow

0 0 votes
Article Rating
Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Oldest
Newest Most Voted
Inline Feedbacks
View all comments