Ayuub isaga oo Waalan raba, oo oohin iyo Qeylo isku daraaya, ayaa inta la jeebeeyay, Xabsiga loo qaaday, Waqtiga markii uu madoobaaday ee uu Gabbalku dhacay ayey Amran inta aayar iska soo baxday ayey aaday gurigeeda.
Habeenkaas cabsi daran ayaa heysay, in kasta oy ogeyd in Ayuub la xiray oo xabsiga loo taxaabay, haddana waxey ogtahay wax walba inuu dhici karo. Markuu waagii baryay, ayaa loo ogoladay inuu Reerkiisa wacdo, wuxuuna ogeysiiyay inuu xabsiga ku jiro.
Odayaashi iyo waxgaradkii uu ka soo jeeday ayaa Xabsigii ugu yimaadeen, iyaga oo taliyahii Xabsiga weydiiyay sababta loo soo xiray Wiilkooda, wuxuuna u sheegay taliyihii in Ayuub isaga oo Saqraan ah uu xalay Hotel weeraray, sidaasna loo soo xiray.
Odayaashii yaab ayay ku noqotay, oo hadalkii baa ku dhegay, Isla maalintaas ayeyna damiin ku soo daayeen, balse wuxuu soo baxay isaga oo Bushinta cunaayo oo leh, Dhiig ayaan geli oo wax baan Dili.
Odayaashii yaab ayaa ka soo haray, waxey ku yiraahdeen War maxaa jira?, Bal noo waran sidee bey Wax u jiraan?, wuxuuna u sheegay Arrintu sida ay tahay, iyo sidey wax u jiraan, isagoo leh:- Naagteydii Nin kale ayaa qabo, Ninkaasna waan dili, iyadana waan Dili. (ayuu hadalkii ugu soo koobay).
Odayaashii oo ka baqaayo, inuu Ninku dhiig galo, oo gabadha dilo, ayaa Xafadiisii geeyay, Markii Xaafadiisa la geeyay, ayuu Amran ku booday, balse waa la Qab-qabtay, Caay iyo Aflagaado oo dhan waxba ma reeban.
Amran meeshaas ayay Oohin ka qabsatay, waxeyna ku tiri Odayaashii, Anigu xaafada kama baxo, cid iigu timaadana ma jirto, maalin walba Ceebtaas iyo waa lagu qabaa ayuu ila Daba taagan yahay, Aniga ayaa ka xishooda oo ka aamusan, waana Alle mahadii haddii aad ogaateen Maanta, ee Ninkan Warqadeydii iga siiya, lama noolaan karo, oo Nafteydaba kuma Amini karo.
Intaas markuu maqlay, ayuu soo xasuustay, maalintii uu dafiray Maskiintii Sharafta laheyd ee uu isagu Uureeyay, Qalbigana wuxuu iska yiri Wallee malaha wixii aad gashay unbaa lagaa jarayaa.
Mar wuxuu isku maleeyaa inuu waalan yahay, oo uuna Hagaagsaneyn, oo wuxuu leeyahay War Ninyahoow armey indhaheygu i qaldeen, misana waxaa hor imaaneysa waxyaabihii uu ishiisu ku arkaayay, malaha ma noolidba ayuu is leeyahay.
Wuu arkaa iney Xaajo ku Cakiran tahay, oo uusan u heynin Wax Caddeyn ah, Ceebta dhacday oo dhana ay isaga isugu soo biyo shubteen, Amranna ineyba rabin oo ay dabin ay Warqadeeda kaga qaadato u diyaarsatay ayuu arkaa.
Run ahantii Ayuub wuu jecel yahay oo inuu Furo ma rabo, Naftiisa ayuu Canaananayaa, marka horaba maxaad ka daba doontay, ayuu is leeyahay.
Amran sidaas kuma aamusine, Waalidkeed iyo Reerkoodii ayay u yeeratay iyada oo Ooyeysa oo leh:- Ninkaan maalin walba ayuu i Caayaa, ina Aflagaadeeyaa, wuuna i dilaa, oo wuxuu ogyahay inaan Rag la dhalan.
Labadii Reer ayaa isku Xaajo dhigtay, Maryan Walaaladeed iyo ilma Adeeradeed ayaa dhaarsan oo leh Ninka gabadheena ka Oohiyay ee Aflagaadeeyay waan dileynaa, Aabheedna wuxuu leeyahay, Gabadha waad xumayseen, oo Nin waalan ayaad u qariseen, ee Warqadeedi iska keena.
Sidii Caadada iyo Dhaqanku ahaa Ninkii iyo Reerkooda waxey leeyihiin, Xaal iyo Xumeyn naga qaada Caayda gabadha, hawshana aan Qaboojino.
Odayaashii Labada dhinac wey wada hadleen, oo si adag ayaa loo wada Xaajooday, Amran Aabaheed wuxuu yiri: Gabadheyda Ninkaas dib ugu celin maayo, waayo waa Nin waalan oo wuuba iga dilaa Gabadha.





