Waxey Arrintu isku Cakirnaataba, Habeen dambe waa Xafladdii Arooska Warsan iyo Wahbi, dhammaan Magaalada waa laga wada Ogsoon yahay, waxaa la soo kireeyat Hotelkii lagu dhigi lagaa Xafladda, Dhamaan Dhalinyar iyo Waayeelba, waa loo wada diyaar garoobay, aad ayaa loo wada xiiseynayaa, ileen Wardi iyo Xaaskiisa Hana ayaa waxey wacad ku mareen in Hana Walaalkeed Wahbi iyo Warsan loo dhigo Aroos aan horey loo arag, oo ay Dadku la Tacajabaan.

Weris waxaa arrintaas ku wargeliyay oo u soo sheegeen Hablihii Saaxiibadeeda ahaayeen oo ay isku meel ku wada noolaayeen, Weris waxa ay dib u micsatay Taariikhdey isla soo mareen Saaxiibadeed Warsan, Wanaaggii ay u soo sameysay, jaceylka ay u qabtay iyo iyada sida ay Abaalkeeda ka dhigtay, Arooskaa markey maqashay waxaa indhaheeda buux dhaafiyay illin fara badan, waxey dib u gocatay Warsan Wanaageeda iyo sida ay iyadu ugu Abaal guday, waxey mar kasta ku Catowdaa Alla Aniga Abaal darniyaa, Gabadhii ifka Aniga iigu jecleyd oo Walaasheed oo kale iigula dhaqmeysa, waxey Nafteeda la jeceshahay Anigana iila jecleyd inaan sidaas u galo, waxey ii tahay sumcad xumo, maantana waxa i heysta waa Xaqeeda, ileen Aniga ayaa ka Abaal dhacay, maanta waxa Cidla ciirsiga aan la fadhiyo waa Warsan Xaqeeda, iyaduna waxa Guusha ay gaartay ugu wacan waa Qalbi furnaanta iyo daacadnimada, Alla markaan Balaayafa Warsame baranaayay, maxaan uga fiirsan waayay, caqligeyga markaas xaguu jiray, Alla Sheydaabku muxuu Waddo xun wax iga tusay, muxuu Sheydaanku Sharafteyda ku ciyaaray, oo muxuu Sumcadeyda dilay, Alloow ii dembi dhaaf yaa Rabbi.

Warsame hooyadiisa hadba waxey u raadisaa gabar uu Wiilkeeda ku iloobo Warsan, xaafada dhamaan wixii gabdho deggenaa, wey u raadiday oo meel walba Madaxa ayey gelisay sidii ay Wiilkeeda Warsan Lamaane ugu nolosha la wadaagta ugu sameyn laheyd, isaguna uu ku dego. Waxey meel kasta madaxa ka gasho oo ay dhowr Hablood ay soo diidaanba, ugu dambeyn waxey u raadisay gabar ay dhashay islaan ay Saaxiibo yihiin oo la yiraahdo Canab gabadheeda oo la yiraahdo Wafaa, wada hadal dheer ka dib waa loo soo Oggolaaday, iyadoo Cabsina ay jirto, oo waxaa lagu soo xiray Shuruud ah Haddii gabadhaas uu Ninkaan Waalan wax soo gaarsiiyo, iney Waalidkiisa ay ka masuul yihiin oo iyaga loo raacan doono dhibkii soo gaara, waana la kala soo Saxiixday.

Warsame hooyadiis intaas dadaal ay heyso waxey u galeysaa, Wiilkaagu yeysan Arooska kaga hormarin Warsan, maadaama ay maqashay in la soo doontay, Arooskeedana uu dhow yahay, waxey is leedahay Wiilkaaga yuusan ciishoon, maadaama ay iyadu la jecleyd Wiilkeedu inuu Warsan ku noqdo, balse ay iyada si kastoo loo baryay ay soo diiday Warsame, sidaasi darteed Hooyada intaas ayey ka gubaneysay oo ay Wiilkeedu Gabar ugu raadineysay.

Warsame hooyadiis waxey qof kasta ka wareysato Xilliga uu dhici doono, maantana waxaa loo sheegay inuu Warsan Arooskeeda uu ku beegan yahay Habeen dambe, loona kireeyay Hool aad u weyn, Arooskana lagu marti geliyay dad you aad u fara badan, uuna ka dhici doono Aroos aad iyo aad loo soo Abaabulay. 

Intaas ka dib Warsame hooyadiis iyada waxa ay balan qaaday iney Wiilkeedu u dhigi doonto Aroos ay Umaddu la yaabi doonaan, waxey Hal ku dhig ka dhigatay:- Intuu Warsame Ooyi lahaa, Lacagta ha Oyso. Waxey Wacad ku martay Arooska Wiilkeeda inuu ka Qiimo iyo Qurux badanaado Arooska Warsan, Lacag kasta oo uga baxana ay diyaar la tahay. Waxaa labadii Reer dhexdooda ka bilowday Tartan iyo xifaaltan ah, mid walba inuu yiraahdo yaan lagaa badin.

Warsan waxey aad ugu faraxsan tahay mar hadduu ilaaheey Luqunteeda uga bixiyay Warsame, Murugadii xad dhaafka aheyd ee ka heysatay dhanka Warsame iyo Weris oo uu ilaaheey dhaafiyay, Warsan markaan waxaa u soo noqotay Nolosheedii hore iyo Farxadeedii. Gabadheeda yarta ayey iska korsataa, lama soo koobi karo farxadda iyo Reyn-reynta wejigeeda laga dareemi karo, waayo Oohdintii ku taagneyd ayaa ilaaheey dhaafiyay, waxeyna hadda gashay jawi deggen oo farxadeed, waxeyna ku jirtaa hadda u diyaar garowga Xafladda Arooskeeda oo habeen dambe ku beegan, Bulshada oo dhamina ay wada sugaayaan Wacdarada ka dhici doona.

Waa Xilli Aroornimo, waa Maalin Khamiis, waa maalin lagu wada balansan yahay inuu dhaco Meherkii Warsan iyo Wahbi, tabaabusho dheer ka dib maanta wax kasta waa diyaar, Meherka waxaa loo qorsheeyay inuu ka dhaco Masjidka Salaadda Duhur ka dib, si halkaasi loogu wada duceeyo, isla markaasna loo wada Qadeeyo, Xafladda iyo Baashaalkana waa Caawa oo Hoolki wrynaa ee la kireeyay.

Markii la gaaray Xilligii Salaadda Duhur waxaa buux dhaafiyay Masaajidkii, oo meel lugaha la kala dhigo ayaa la waayay, Warqadihii la bixiyay ee loogu tala galay in ka badan ayaa goobta soo xaadirtay, iyadoo yaasi ay jirto ayaa haddana markii horeba looga soo tabaabusheystay Xafladda Meherka, oo mar hore ayaa lagu soo cisaabtamay maadaama uu Meherku ka dhacaayo Beytkii Alle (Masjid), waa lagu soo xisaabtamay iney imaan doonaan, Dadyow fara badan oo aan xisaabta ku jirin, si kastooy ahaataba, waa la wada Qanciyay dhammaan Shacabkii ka soo qeyb galay Qado Sharafta Arooska, Meherkiina si Wanaagsan ayuu u dhacay, loona wada duceeyay.

Dhanka kale Warsame hooyadiisa daqiiqad kasta waxey raadineysaa wax ka soo warama Arooska Warsan iyo sida loo dhigay. daqiiqad kasta waxey la xiriirtaa dadyow fara badan oo ay is leedahay, waad ku kalsoonaan kartaa wixii ay soo sheegaan. Waa loo soo waramay oo waxaa looga soo waramay Xafladda loo sameeyey Meherkii Warsan iyo Wahbi, iyo in dhammaan Dadkii ka soo qeyb galay si habsami ah loo soo Qanciyay, Meherkana uu si Wanaagsan u dhacay, Caawana uu dhici doono Xafladdii weyneyd, lana kireeyay Hool aad u weyn, lana wada sugaayo Caawa waxa ka dhici doona Fagaarahaasi.

Warsame hooyadiis iyadana waxey go’aan ku soo gaartay in Wiilkeedana Arooskiisa uu dhici doono laba Maalin ka dib, iyadoo durbadiiba ay soo fiyaarisay Warqadihii Xafladda looga soo qeyb geli lahaa, Maamada Waxey xoogga saareysaa in Arooska Wiilkeeda uusan ka liidan kii Warsan, waayo waxey is leedahay Warsan Arooskaan waxey ugu talo gashat in ay Wiilkeyga iyo Anagana ay nagu xumeyso, laakin waxey leedahay taasi dhici meyso onto aan Anigu noolahay.

Dhinaca kale Gabadhii Weris aheyd labada Aroosba waa loo soo sheegay kii Warsan iyo kii Warsame, oo Weris labada dhinac ayey ka gubaneysaa, waayo mid waa tii ay xumeysay Saaxiibadeed oo Adduunka ugu jeclayd, midna waa kii ay soo xumeysay Gacaliyeheeda iyo hooyadiisa. Waxey ku calaacaleysaa: Alla hadii aan Saaxiibadeey aan xumeyn laheyn Caawa Xafladaasi Aniga ayaa Maamuli lahaa oo aan ka noqon lahaa Hawl wadeenada Xafladda, laakin Nasiib darro aad ayaan uga xumahay.

Isla habeennimadii waxaa leyska soo wada Xaadiray Hoolka Arooskii Caruur iyo Ciroole, dhamaan Dhalinyar iyo Waayeelba, Cid maqan ma jirto Caruur iyo Cirooleba, waa loo wada dhan yahay Caawa Xaflada Warsan iyo Wahbi, Dhammaan ka soo qeybgalayaasha wejigooda waxaa ka wada muuqda Farxad iyo Reyn reyn, daqiiqado ka dib waxaa bilowday Muusigii iyo Heesihii loogu tala galay Xafladda, iyagoo ay heesuhu dhex socdaan waxaa mar qura ka soo galay Albaabka Arooska iyo Aroosadda, mar qara waxaa is qabsaday meesha Mashxarad, Warsan oo aad moodid Caawa, hablihii uu Axmed Cali Cigaal uu lahaa:- Mey dhiman Suleeqo, Dhulkeen ayey ku nooshahay, tii ka dhaxay Quruxda, Nabi yuusuf dhalayee, Hanaan loo dhameeyay iyo Wahbi oo isna aad u Lebisan.

Si diiran ayaa loo soo dhaweeyay, ka dibna waxaa la geeyay goobtii loogu talo galay Arooska iyo Arooska, ka dib waxaa mar kale Dib loo bilaabay Muusigii iyo heesihii Xaflada, in yar ka dib Waxaa soo istaagay Arooska iyo Aroosadda si ay u Ciyaaraan, si Heer Sarena wey u Ciyaareen, Gunaanadkii Xafladana waxey ku soo Gabagabowday si farxad leh oo Dadweynihii ka soo qeyn ay u Riyaaqeen.

Intaas ka dib Warsan iyo Seygeeda Wahbi si qurux badan ayey Hoy galeen iyagoo midba midka kale ku faraxsan, isuna dhoola cadeynaayo.

Balse Arooskii Warsame ee Turkiga, maxaa ku soo kordhay Arrimihiisa ? Waan arki doonaa.

(La soco Qeybta Xigta).

Abdulkadir Uukow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

The reCAPTCHA verification period has expired. Please reload the page.