Qof kasta wuxuu yiraahdaa Jaceyl ayaa dhaawac iga soo gaaray, laakiin taasi Run ma aha. Kelinimada, Waayida Qof, Quusashada, Diidmada, Naceybka, Murugada iyo Welwelka badan ayaa dhaawac keena intaana Dad baa sameeya. Qof kasta wuxuu ku Qaldaa kuwan Jaceyl, laakiin Xaqiiqadii Jaceylku waa waxa keliya ee Dabooli kara Xanuun oo dhan, una keeni kara Qofka Nolol, Nabad iyo Nuur.

Sidaa darteed, Jaceylku Been ma sheego, Jaceylku kuuma diidin Cunto, Jaceylku ma sameeyo Qiyaano, Jaceylku kuuma keeno Niyad-jab iyo Murugo, Jaceylku ma aha wax Maalin keliya loo Dabaaldego, Jaceylku ma aha wax la jilo ee waa Ficil, waxaana lagu muujiyaa Ficil.

Sidoo kale, Romance ma aha oo keliya Hab isa siin, Heeso dhageysi iyo Shumac Shidasho, ee waa in Qofku gartaa in Nolol cusub u Bilaabatay, Mas’uuliyad Culus Fuushay, Qofku waa inuu Dabeecadihii hore joojiyaa, daryeelaa Lamaanihiisa, Dadaal badan sameeyaa, si Adag u Ahaqeeyaa. Ogow haddii hadhow Kiro guri & Biil koronto la soo Dallaco Hab baan ku siinayaa oo Romance baan ahay kaa bixin meyso.

Ogoow Haddii Qof Jaceyl idinka dhaxeeyay kala hartaan micnaheedu ma aha, in Jaceylkii kaa Dhamaaday ee waa in Xiriirkii aad Qofkaa keliya la lahayd joogsaday. Si la mid ah Haddii qof aad Jeclayd kaa tago ma aha in aad tiraahdo Qof dambe ma Aamini karo ama Dad oo dhan aad u Nacdid Hal Qof dartiis markaa waxaad Hilmaansan tahay in Aduunka ay ku Nool yihiin in ka badan Todoba Bilyan oo Qof.

Haddaba, Ha eedeyn Jaceyl haddii uu Dhaawac ku soo gaaray, Cambaar Xun dusha uga Tuur Naftaada ama Qofkii magac Jaceyl kugu wax yeelay, Ka dibna Noloshaada horay u sii wado.

Abdulkadir Uukow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

The reCAPTCHA verification period has expired. Please reload the page.