Waxaa is bartay labo qalbi oo la qalbi jabiyay, miyay is dhayi doonaan mise way aarsan doonaan, sidaa marka ay u dhaqaaqeen ayaa waxaa makhaayadda irridkeeda soo istaagay gaarigii Bilaal. Bushra oo qosolkeeda xaafad shanaad laga maqlayo ayaa ka soo dagatay.
Miyay ku waari doontaa barwaaqada?, mise wadada qayrkeed ayay mari doontaa?, Farxad aan la suurayn karin baa labadoodaba ka muuqata. weliba dhanka Bushra ayay u badan tahay. Ayada qalbigeeda wey ka baxday iney cid kale jeclaan jirtay, in masuuliyadi saarnayd oo ay xiriir lahayd. Isagase xoogaa marka uu joogaba Barwaaqo ayaa soo hormarta ineysan u qalmin inuu sii daayo buu dareemaa, hadana juhdi ma geliyo xajinteeda ee la qosolka Bushra ayuu doorbidaa.
Burhaan sariirtiisii marka uu tagay waxaa wajigiisa soo hormarayay oo uu qaadan waa u arkaayay, in cidda Bushra kala wareegtay ay tahay Bilaalkii uu yaqaanay ee naagaha shan shanta u beddeli jiray. In uu ka xumaaday in Xaaskiisii mustaqbalka laga dhacay waxaa uga darnayd in cidda dhacday aysan ahayn gacan aamin ah, gacan berri cidlo uga tagi doonta dabadeed ay soo noqon doonto isaga oo ka qalbi jabay, oo aan diyaar u ahayn in uu dib ula midoobo, ama iney meelahaa ku silci doonto naftii cuddoonayd ee gacalisadiisu.
Waxa uu ka fakaray waddo walba oo uu ku dareensiin karo xumaanta Bilaal iyo inuusan ahayn qof u qalma iney jacayl aamin ah dartiis uga baxdo. Haddana wuxuu iswaydiiyay waxa ku wata inuu sidaa oo dhan ugu mashquulo arrimaheeda, inuu bahdilo naftiisa oo uu is hoos dhigo, naag arki weyday siduu meel sare u geeyay. Wuxuu nafta ku yiri: Uma qalanto ka walwalid, haddii iyaduba ilbiriqsiyo ku raacday nin kale iyadoon ka fakarin tacabkey galiyeen cishqigooda.
Maalmuhu way seeto dheerayn badan yihiin, Kumana sii jirto marka qalbi jab darani kugu soo wajahan yahay. Waxaa lagu siinayaa jaanis walba oo aad si xun ugu khaldami karto, heer aad gaarto meel aadan ka soo noqon karin, meel aadan ka oran karin waan khaldamaye hala ii cudurdaaro.
Bushra doontu waxey ula sii durkaysay dhanka badwaynta, hallaabitaankeeda iyo in jihadu ka luntana ma foga, Shaqadeeda iyo u bogidda jacaylkaan khaladka ku bilawday ayay u dhaxeysaa. Iyadu go’aankeeda weyba gaartay. Waxey ku dhawdahay iney tiraahdo waan kuu go’ay. Xalay ayay Si cad Burhaan ugu tiri kuma rabo nin kale baan jeclaaday. Inta uu qoslay buu yiri “Ma Bilaal baa?” Way yaxyaxday oo isla yaabtay. Haddana Dan kama ay galine ciddii uu doono ha noqdo nin aan adiga ahayn baan jeclahay xiriirkaana waa iga Bes ayay ku tiri. Waayahay laakin marka uu cidlo kaaga dhaqaaqo lambarkayga iyo gurigayga labadaba waad taqaanaa ayuu si hubanti leh u yiri. Isaga waxaad moodaa inuu hubo iney la kulmayso wuxuu u saadinayo. Warkiisa inuu run noqon karo ayada oo aan aaminin ayay ka dhaqaaqday kobtii ay jacaylkeedii jirridda adag lahaa ku kala siibtay.
Barwaaqo iyo Burhaan waxaa u socda xiriir asxaabtinimo ah. Ujeedka Burhaan waa in uu Barwaaqo runta u sheego isaga oo aan ka bajin. Si deganaansho iyo akhlaaq leh ayuu uga dhaadhiciyay in ay laf cad toobin ku hayso isaga iyo ayaduna isku qaddar yihiin. Qaadan waa lama ay noqon oo waa ay ogayd in isbaddalkiisu uusan cidlo ka dhalan. Jacaylkii xad dhaafka ahaa ee ay u haysan aayar aayar ayuu u yaraanayay intii ay sugeysay soo noqoshadiisa. Habeen kasta oo ay gama’do ayada oo wicitaankiisa sugaysa waxa ay soo toosaysay ayada oo riyada uga soo dhex tagtay qeyb jacaylkiisa kamid ah. Maalinkii ay ogaatay inuu Bushra raacay, waxey la ahayd sidii naag loo sheegay inuu guursaday ninkii ay 10 sano ka hor iska furtay.
Barwaaqo waxa ay wacday Bilaal, Kuma ay qeylin, ma ay oran maxaad ii khiyaantay, ma ay dareensiin jileec iyo in naag laga tagay tahay ee waxey tiri “Waxaan rabaa inaan xiriirkaan ka baxo?”, Waayo marka uu waydiiyay waxey u sababaysay in ay wiil kale oo waqti u haya jeclaatay. Wuu gaduutay oo dhididay. Wuu kacay marna fariistay. Bilaal waxa ay ku dhex noolaysiisay xanuunkii uu marsiiyay Burhaan. Waxa ay ku nuux-nuuxsatay dhawr jeer in ay guursan doonto mardhaw ugu dambayna ay ku noolaan doonto noloshii riyadeeda ahayd. Markii ay sii baxeysay ayuu isaga oo baryootamaya inta faraqa qabsaday waydiiyay ninkaas nasiibka leh. “Waa Burhaankii aad Bushra ka xadday” ayay si jees jees ah u tiri.
( La soco Qeybta Xigta ).
[…] Laabta ayuu geliyay. In uu ka dhaqi doono wax walba oo aan u qalmin oo korkeeda taabtay ayuu ugu bishaareeyay, yadana iney ka ilaalin doonto dhaawac qalbigiisa gaara ayay ugu niyad qaboojisay, Intaan ka badan […]