Waxey Arrintu sidaa ahaataba Warsame hooyadiis markaan aad ayuu Qalbigeeda u degaay maadaama ay Wiilkeeda u heshay gabar ay u guuriso oo Diyaar ah, durba waxey bilowday iney Howl gasho oo ay soo dedejiso Arooska Wiilkeeda, inta ay Gabadhan diyaarka u tahay ama aan hadal xun loo soo sheegin oo kala fogeynaayo iyada iyo Warsame.
Werisna wey daashay sidii ay taleefan ugu soo direysay Warsan hooyadiis, oo Weris maba oga in mar hore laga tashaday oo Warsame gabar loo guurin rabo, intaa waxey is leedahay Weris, Mar haddaan ka bixi lahaa Ciriirigan waxaan noqon lahaa garab Sharaf leh oo Reer leh, waxey mar walba ka Qoomameysaa sida ay Sharafteeda iyo Sumcadeeda ugu ciyaartay, waxey nafteeda mar walba ku Canaanataa, Alla haddii aan Gurigeyga, si Sharaf u dhaqan lahaa oo aan ixtiraami lahaa Sodohdeyda, maanta waxaan ahaan lahaa Marwo Sharaf iyo Reer leh oo lagu soo hirto, maanta waa kan waxaan is fariisiyay Cidlo Ciirsi, Reerkii aan ka dhashayna na heysto, Reerkeygana ma heysto, waxaan Maciin bidayaa Hablahaan dhamaan Reerkooda ku soo Caasiyeen ee Balwada la walaaloobay. Foolxumo ka weyn tan ma jirtee ilaahoow Albaab kheyr qaba ii fur oo aan Nolosheyda iyo farxadeyda ku soo ceshado.
Warsan wax kastoo meesha ka socdo waa loo soo tebiyaa, Fadhigeeda ayey ugu yimaadaan wax kasta oo Reerka Warsame ku soo kordho, dadka warkoodana Dheg jalaq uma siiso oo howlaheeda kale ayaaba ka badan, waxey isku Mashquulisaa Dhaqashada Reerkeeda, dad lama sheekeysato oo wey ka Amin baxday Bini’aadan oo dhan, wixii ka dambeeyay Jackie ay u geysatay Saaxiibadeedii ay ifka ugu jeclayd ee Weris. Sidaas darteed war kasta oo looga keeno Warsame iyo Reerkiisa waxba kuma darsato, ileen bini’aadanku waa hadal raadis, Warsan waxey mar kasta is leedahay yaan war lagaa qaadin.
Wuxuu waqtigu is guroba waxaa bilaabatay u diyaar garowga Xafladda Arooska ee Warda iyo Warsame, Warqadihii ka soo qeybgalka Xafladda ayaa la dalbay, waxaa la diyaariyay Hoolkii lagu dhigi lahaa Arooska, waxaa la go’aamiyay in habeenka Jimcaha soo galeyso, ay Xafladdu dhacdo, Meherkana Maalinta Khamiista.
Warda aad bey ugu hanweyn tahay iney loo guuriyo Ina Adeerked Warsame, waayo waxey aad uga dhii-dhisay sida foosha xun ee galay iyo sida ay Gabar kasta iyo Reerkeeda ay ugu jeesjeeseen Warsame iyo Hooyadiis, sidaas darteed ayey u Oggolaatay Guurka Warsame iyadoo og inuusan Caafimaadkiisu buuxin.
Warsame hooyadiis aad ayey xooga u saartay Wiilkeeda iney u dhigto Xaflad ka qurux badan tii Warsan loo dhigay, waxey mar kastaba ku hamineysay inuusan Wiilkeeda u jebin Warsan iyo Reerkeeda.
Haddaba waxey Arrintu sidaas ahaataba waxa la soo gaaray Maalintii Khamiista ee loo wada balansanaa iney dhacdo Xafladdii Arooska ee Warsame iyo Warda, Xilligii Salaadda Subax marka laga baxo Salaadda ayaa lagu balamay inuu Masjidka dhexdiisa ka dhaco Meherkii Warsame iyo Warda, Xilligaas oo ay dadka badankiisu hurdaan, balse Subaxdaasi waxa isa soo dhibay Dadyow fara badan oo aan, weligooda Xilligaas u soo kicin Salaadda Subax,balse aan Subaxdaas moodid iney Raashinka soo doonteen.
Waxba yaan hadal kugu daaline Meherkii wuu dhacay, si wanaagsana waa loo habeeyay, oo farxad leh ayuu ku soo dhamaaday, dadkana wey u wada Duceeyeen Arooska iyo Aroosada.
Caawa waxaa lagu balansan yahay Hoolka oo ay ka dhici doonto Xafladdii Arooska oo ay Dhalinyaro fara badan isku diyaariyeen iney Xafladda ka qeyb galaan, ileen dhalinyar meel Muusik iyo Xaflad ka jirta iyagoon loo wacan waa tii ay imaan jireene, Caawa aad ayaa loo buux dhaafiyay, dadka waxey isugu jireen Qaar is leh Walaalihiina Farxadda la qeybsada iyo is leh Warsame waa kii Waalnaaye bal Caawa muxuu sameyn doonaa ?, oo waxey u soo xaadireen iney Daawadaan Ninkaan waalan ee Warsame ah muxuu sameyn doonaa oo waxey u soo doonteen Maadeys iyo Majaajilo ahaan.
Dhowr daqiiqad ka dib waxaa Albaabka ka soo galay Arooska iyo Aroosadda, oo Gacmaha is heysta, Dadka badankood waxey indhaha ku hayaan Warsame oo waxey is leeyihiin, Bal muxuu sameyn doonaa Caawa Warsame, waa iyaga Nin Waalan la Shir tegay, kolkii Kursiga soo fariisteen Arooska iyo Aroosadda, ayaa wuxuu Warsame hoosta ka leeyahay gabadha: Warsan ii waran?, Ma ii fiican tahay Mcn?, ma Ogtahay inaan Aniga weli ku jeclahay?, wixii dhacay ka raali noqo oo Aniga aad ayaan kuu jeclahay (Isagoo weliba dadka hortooda uu ku bilaabay Dhunkasho, oo ay Dadkii u yimid iney ka Majaajileystaan uu Qosolkodu baxaayo).
Warda iyada wey Ogtahay inuu Warsan ku waashay, iyo inuusay fayoobeyn Warsame, sidaas darteed waxaan ku sameynaayo Dheg uma dhigeynin oo waxey u muujineysay Weji farxadeed, ilaa ay Xafladdu ka soo dhamaato.
Arooskii Warsame iyo Warda markuu soo dhamaaday xalay ayaa waxaa warkii loo geeyay Weris oo weli aqbaar ka sugeesay Warsame hooyadiisa, waxaana loo soo sheegay inuu Warsame Xalay Guursaday oo Gabar Ina Adeertiisa loo guuriyay, Weris Madaxeeda wuu geli waayay Warkaasi, oo waxey u wacday Islaantii Warsame hooyadiis aheyd, iyagoo dhex maray, hadaladan:-
Weris:- Hello Hooyo see tahay ?
Warsame hooyadiis:- Hooyo Nabad, yaa waaye Adiga.
Weris:- Hooyo waa Aniga Weris, Arrintii aan isku ogeyn maxaad ka heysaa, Aniga ilaa hada Adiga ayaan kaa war sugaayay ?
Warsame hooyadiis:- Hooyo ma Arrintii Warsame baad sheegeysaa ?.
Weris:- Haa Hooyo.
Warsame hooyadiis:- Hooyo Arrintaas wey dhamaatay, Warsame waxaa lagu daray gabar Adeerkiisa dhalay, xalay ayaana loo guuriyay.
Weris:- Haa Hooyo waan gartay dhib maleh ee waxaan islahaa, qof weyn ayaad balan ka qaadaye, bal Arrinta wax ka weydii.
Warsame hooyadiis:- Maya Hooyo waad mahadsan tahay, Aniga Balanta kaagama bixin ee isaga ayaa keensaday Ina Adeertiis.
Weris sidaas ayaa lagu qanciyay, iyadoo aad ugu Han weyneyd Guurka Warsame, maxaa yeelay waxaa ka muuqatay Duruuf xumo, waxeyna ku nooleyd Nolol Silac iyo Rafaad ah, oo waxry ka taagneyd mar un yaa Madaxa meel kuu geliyo, aad ka baxdide Noloshaan foosha xun.
Warsan iyadana warkii Saaka waa loola soo kalahay, Siddeeda subaxnimo markey aheyd ayaa waxaa si weyn loogu soo Hambalyeeyay Arooska Warsame, balse iyadu Warkaas waxba uma arkeynin, waayo iyada dantii ay lahryd wey gaartay, oo Farxad ayey ku Naalooneysaa, iyada iyo Xaajigeeda Wahbi kama qasna oo waxaa u shidan Shumacii jaceylka maxaa yeelay iyaga keliya ayaa isku Mashquulsan, War iyo wixii la sheegaba Dan kama laha.
Warsan ma jecla inuu Xaajigeda ka dhaqaaqo hoosteeda, Har iyo Habeen, waxey jilaan Flim jaceyl oo jaceylka ay isku qabaan ma ahan wax la qiyaasi karo, muddo ka dibna Warsan wey Xanuunsatay, dabadeed waxaa la geeyay Dhaqtar, Fiisito iyo Baaritaan dheer ka dib waxaa la soo sheegay iney Xaamilo tahay oo ay Uur leedahay.
Warsame iyo Xaaskiisana waxaa u bilowday film kale, oo Gabadhii Ina Adeertiisa aheyd ayaa siduu mar walba u lahaa Warsan, Warsan ayaa Ereygaasi waxey ka qaaday Hinaaso, ereyga Warsan hadeey maqasho, Xasaasiyo ayaa qabato, waxaa u bilowday iney gabadhu ay markey maqasho eyeyga Warsan ay u Carooto Gurigooda, waayo Sabarkii iyo Adkeysigii ayaa ka lumay gabadhu, waayo har iyo Habeen Warsame qof Dumar hadduu arko wuxuu ugu yeeraa Warsan, iyaduna hadeey si walba wax u fahamsiisay, wey ku kari weyday inuu isa saxo, ilaa markii damve ay u sheegtay ama ay uga dacwootay Hooyadiis.
Gabadhii Warda aheyd ee laheyd Ina Adeerkey Naag xun sidee u diidi kartaa Anaa u Nool oo guursanaayo, maanta waxey taagan tahay Waxaan Waalan yaa iga furo Doqonka, waayo Warda iyadu isma Oga, balse waxa nacsiiyay Warsame waa Wallac, goor dambe ayaase la Ogaan doonaa.
Warsame hooyadiis markey aragtay gabadhii Warda oo nacday Ninkii Warsame ahaa, aad ayey u murugootay oo waxey u qaadatay iney Waalida ku nacday, maadaama ay waalidiisu hadda ay sidii hore dhaanto, balse aan Afkiisa laga reebi karin ereyga Warsan, sababtoo ah Dumar oo dhan Magacooda wuxuu u yaqaan Warsan, Xaaskiisa Ereygaas ayaa Wadno qabad ku noqday.
Warsan intey Wallaca ay tahay waxaa Hiil iyo Hooba garab istaagtay Walaasheeda Asma, oo Howl maalmeedka iyo dhan kastaba ka saacideysay, gabadheedii yareedna markan wey u kortay waa Shan jir, Warsan dhib kasta waxey u soo dulqaadato maanta waa taas ilaaheey wuxuu ugu Abaalguday Zowj Wanaagsan oo sidii Caruurtii u Koolkooliya, Farxad, Weji furnaan iyo Dhoola cadeyn joogto ah ku heysata Agtiisa. Warsan hadda waxey dhadhamisay Nolosha Macaanteeda, xataa Zowjkeeda wuxuu isku dayay inuu Guriga u soo dejiyo Hooyadeed, Walaasheed iyo Gabadheeda yar, balse Warsan ayaa ka diiday, waayo Warsan waa gabar Xishood badan, isla markaasna aan Oggoleyn waxyaabaha qaar, oo waxey is leedahay Ninkaan Adiga ayuu ku qabaa, ee Reerkaaga haku dhibin, taas awgeed ayey uga diiday in Reerkeeda lala soo dejiyo Guriga, ileen waa gabar Sharafteeda ilaashaneysa.
( La soco Qeybta Xigta).