Marwa Intay Cabaar yara Aamustay ayay ku tiri Hooyo Adigu Sharaftaada anoo kor u qaadaya waxaad go’aansatay kama hor iman karo, mana rabo inaan ku niyad jabiyo, waana Aqbalayaa waxaad ila timado, waana kaa Gudoomay ee Niyada khayr u sheeg.

Hooyadii intay illin farxaadeed ka timid, ayay ku tiri Weligaaba Duco qaabto ayaad ahayd, waana ku faraxsanay inan Arooskaaga, arko dad ku jecel, oo ehelkaga ahna aad u dhaxdo Iminkana Hawshada ayaan galaynaa.

Hooyadii iyado faraxsan ayay u timid islaantii kale, waxeyna u sheegtay inay Aqbashay Guurka, oo arinku dhag yahay, Asad hooyadii ayaa tiri Waa Mahad illahay, Bari Hawsha meherka aan dhameyno, oo xaflad aan isku diyaarino Maamoyinkii farxad, Asad oo marka guriga soo galay ayay hooyadii ku tiri kaalay wiilkaygiyow Beri inaad caruus tahay mala socotaa, markas ayuu dhahay Hooyo sidee Qureysha miya ogolatay, markaas ayay tiri May ee Marwa ayaa ogolaatay, waana inanta kugu soo baxaysa, markaas ayuu dhahay Hooyo makaa run baa, imika inaan Marwa guursan doono ?, Haa ayay tiri.

Kadib qolkiisa intuu soo xiray ayuu daaqada is taagay, isagaoo ku faraxsan inuu Marwa helay isaga oo soo xasuusanaya iyada quruxdeeda, iyo Dadnimada ay leedahay, Marwa ayuu wacay wey ka qabatay markaas ayuu dhahay macquul ma tahay inaan ku arko Haa ayay ku tiri, dhib male haye igu iaalay dusha sare ee guriga, Okay ayay dhahday, weyna u tagtay markaas ayuu dhahay Caawa arin farxad leh ayaan maqlay ee maxaa ka jira, markaas ayay ku tiri waxaad maqashay wey jiraan, waana run. Markaas ayuu dhahay mala socotaa inaan ku jeclahay, intay wax ay ku hadasho wayday ayay Mar dambe u jawaabtay, markaas ayay ku tiri Ilaa Xilimaa ayuu ahaa jaceylkaagu markaas ayuu dhahay xilli aan ku jeclaaday kuuma tilmaami karo, oo ma aqaani laakiin waxaan hubaa inaan ku jeclahay, waxaanse kugu sheegan waayay madaama leygu dhahay Qureysha ayaa lagu siinaya meel aan kuu soo maro ayaan waayay, oo ceeb ayay igu noqotay.

Markaas ayay ku tiri Aniga xataa dareen waan kuu hayaa, oo isma lahayn sidan ayay wax u dhacayaan naftayda ayaan ku caananan jiray ma wiilka walaasha la siin rabo ayaad dareen u qaday Wlhi Inaan khalad wayn sameeyay ayay ila ahayd. Markaas ayuu dhahay Caawa ma rumeysan kartaa inaan mid noqoneyno, Markaas ayay titi Haa, oo weyba dhacday.

iyaga sidiu u wada sheekeysanaya ayaa waxay arkeen baabuur Guriga soo hor istaagay waxaana ka soo dagtay Qureysha oo dhoola cadeenaysa, ka dib Marwa ayaa tiri, qolkayga ayaan tagayaa markay qolkeeda timid ayaa Qureysha u soo gashay iyadoo ku leh, waan kuu xiisay Walaashey, Hab ayayna isa siiyeen Ka dib Marwa ku tiri waad faraxsan tahee maxaa jira, ka dib ayay tiri Waxaa jira inaan hantiyay Wiilkaan jeclaa ee Qaasim.

Marwa ayaa ku tiri “waxaad ka cararto maku Carartay ?”, intay Qososhay ayay tiri, “Jaceylka si kasta, oo looga cararo kama baxsan kartid ugu dambeyn jaceylkii ayaan gacantiisa galay, laakiin arin baa i heysta”, markaas ayay Marwa tiri, muxuu yahay boqoradayda waxaa dhibaya markas ayay tiri Wiilkan Asad ee lay siin rabo, maxaan ku sameeyaa, hooyana go’aankeeda ayay igu khasbeysaa ee talo i sii, Marwa ayaa qosol u dhacday, ka dib Qureysha ku tiri igu qosol kuma dhihinee ee xaadi ila hadal, markaas ayay tiri Wiilkaas waa Dumashigaa Wixii caawa ka dambeeya, Qireysha yaab Naa maxaad i tiri wax i fahansii. Markaas ayay Marwa ku tiri intaad maqnayd ayay wax walba is beddeleen ee Wax jaceylkaaga kaa hor istaagay ma jirto, Asadna arinkiisa iminka kuma hortaagna xor ayaad tahay qalidaydii.

Qureysha ilaa hada waxba may fahmin, kolba waxay leedahay ani kuma fahmin ee wax ii sheeg walaal, markaas ayay ku tiri Aniga iyo Asad Berito waa meherkeena. Qureysha Yaah! Arin yaaba ayuu ku noqday, waxay tiri waxaad ii sheegaysaa iminka run miyaa, oo Asad ayaa ku guursanaaya.

Marwa Haa ayay tiri, kadib ayay Qureysha tiri adi raali maka tahay, mise hooyo ku qasabtay markaas ayay dhahday: May, raali waan ka ahay, oo hoosta ayaan iska rabnay hhhh, Qureysha aad ayay ugu faraxday markaas ayay ku tiri Alf mabruuk walaashyay Wlhi aad ugu faraxsanahay hadaad raali ka tahay, waa inaan aniga ku diyaariyo Beri.

Qureysha waxayba la dilaaci rabtaa Farxad, waayo walasheedii yareed ayaa Aroos ah, marna Culeys heystay ayaa laga furtay, iyada halka ka badbaaday, Habenkii farxad ayaa lagu wada seexday.

Subaxdii xili aore ayaa la kacay guriga ayaa la Qurxiyay, Ilaa 8:00 waa Xilligii Meherka Marwa Iyada 6:00 ayaa loo yeeray si loo soo qurxiyo, oo Make upka iyo buufiska loogu soo mariyo Hawshu weyba is wadataa.

Asad hooyadiis ayaa diyaarinaysa, Raggii iyo Odayashii ayay is raaceen,goobtii Meherka ayaa la tagay Halkii ayuu Neherku ka dhacay, Aabaha dhalay Marwa ayaa soo wacay markaas ayuu ku dhahay Aabo waan ku Mehriyay, hawshiina si nabad ah ayay noogu dhamaatay, Alle Reerkaaga hakuu barakeeyo Aamiin Aabo ayay tiri, sameecada ayaa mobeilka u dalacnayd, oo Maamooyinkii iyo Hablihi ehelka iyo Asxaabtii ayaa la jooga, markaas ayay Mashraxad ku dhufteen.

Qureysha oo u xireysa walaalshed Silsilad ayaa ku tiri maanta waan rumaysan kari la’ahay yariistaydii oo Caruusad ah, ka dib Hooyadii ayaa u soo gashay, iyadoo Marwa la qurxiyay ayay tiri Maasha Allaah, Inantaydii ilaah ayaa Mahad leh, oo igu simay maalintan Quruxda badan, Hooyadii iyo labadeedii Hablood ayaa Hab isa siiyay, markaas ayay hooyadii dhahday Soo baxa Hoolka ayaa laynagu sugayaaye. Marwa ayaa tiri Hooyo waxaas oo dad ah miyaan hor tagaa. Markas ayay tiri, Haa Adiga ayayba ku sugayaan soo bax.

Hooyadii iyo labadeedii Hablood, oo aad moodo Dayax, oo aad u qurux badan ayaa jaranjarada ka soo degay, Marwa kursi qurux badan ayaa la fadhiisiyay, Maamooyinkii Arooska ka soo qeyb galay ayaa duco iyo amaan Afka furtay, Cabaar ka dib waxaa yimid Wiilkii Caruuska iyo Walaaladii iyo wiilashii ehelka ahaa, Marwa ayuu la fadhistay, Markas ayuu si Hoos ah ugu yiri quruxdaadu Indhaha xataa wey ka power badan yihiin, oo waxayba iga heysaa inaan iska kaa daawado, waayo indhaha ayay Dawo u yihiin, oo lama qiyaasi karo Quruxdaada.

Markaas ayay ku tiri iyada oo hadalka hoos u dhigeysa Aamus xiligan lama hadlee, sababta oo ah Marwa aad ayay u xishoonaysaa, waxaan meesha ka maqnayn Qaasim oo Qureysha ayaa ku soo casuumtay Xaflada Arooska. Mahdiya Way Shaqaynaysaa, oo Mamulka ayay hooyaded la wadaa Iyada, oo Kijada agteeda taagan oo shaqalaha ku leh Dadka Macmacanka iyo sharabka u geeya, ayuu Qaasim yimid, markaas ayuu ku dhahay Maanta adaa aroosad lagu moodaa, Mida kale Ragga goobta jooga Quruxdaada mey ila arkayaan waanba Maseyrsanahee hh, ma aragtaan mid walba tiisa ayaa dad ugu Qurux badan.

Waxay ku tiri ii banee mashquul ayaan ahay waad ujeeda waxaas hadhow ayaan ka wada hadliye, waxay is tiri dhaqaaq, isagoo gacanta qabtay oo leh Xageed iga cararaysaa Ila yar joog dee, ayaa waxaa halkaa ka soo baxday Asad hooyadii, markaasey Qureysha aragtay, oo iyada ka il horaysay maamada Asad dhashay, Markaas ayay tiri Qaasim i sii daa Maamadan yaanay ina arkine, ka dib gacanta ayuu sii daayay Goobtii xaflada ayay tagtay.

( La soco Qeybta Xigta).

Abdulkadir Uukow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

The reCAPTCHA verification period has expired. Please reload the page.