Warsame xanuunkii in yar wuu ka fiicnaaday, welise meesha lama furin oo sideeda ayey u duuban tahay, isagoo qolkiisa isaga jira ayaa hooyadiisa u soo gashay oo ku tiri:- Warsame hooyo maanta xanuunka see ka tahay?, wuxuu ugu jawaabay:- Hooyo Xalay Warsan ayaa ii timid oo meesha iga Daaweysay kkkk.

Hooyadiisa intey xanaaqday ayey ku tiri:- Weli ma tii baad igu wadaa Magaceeda, walee wixii Warda Madaxa kaaga jebisay waa Runt, war heedhe taas wey ku sixratay, oo hadal kale maba taqaanid miyaa aan iyada aheyn, War Xaas wey kuu joogtaa ee Xaaskaaga ku ekow, hadda Uur bey kuu leedahay ee Warda ilaasho.

Warsame ayaa la soo booday:- Maasha Alaah Hooyo waa ii farxad, haddeey Warsan Uur ii leedahay ?, soo bax gurigooda i gee aan soo Salaamee.

Hooyadii oo wax ay sheegto garan la’ ayaa ku tiri:- Balaayo ku raacday, iga tag Waxyahoow falan.

Warda iyada Warsame wey jeceshahay, laakin waxey Karaahsatay Magaca Warsan ee isaga ka daba wado, iyadana magacaan ayaa ku noqday Wadno qabad, waana runteed maxaa yeelay Ninkaaga oo aad jeceshahay, isagana kaa daba wado Magaca Naag ay kala tageen, run ahaantii waad damqaneysaa Qofta.

Wuxuu Waqtigu is guraba, waxaa lasoo gaaray Bishii Sagaalaad Uurka Warda, waxey aheyd Xilli Barqonimo, Warda Xanuun ayey dareentay isla markiiba Hooyadeed ayaa fahamtay iney Warda Xilligeedii Foosha ay tahay, isla markii waxaa loo keenay Taksi oo waxaa loola orday Dhaqtarka, Dhaqtarkiina durba wuu fahmay iney Warda ay Foosheedu aad u dhowdahay, Dhowr daqiiqado ka dibna waxaa loo gudbiyay qolkii Dhalitaanka, Muddo gaaban ka dibna wey dhashay Warda, oo waxey dhashay Gabar, waxaana loo bixiyay Ugbaad.

Warsame hooyadiis oo gurigeeda iska joogta ayaa waxaa Taleefan u soo dirtay Warda hooyadeed, waxeyna u sheegtay Warda iney Umushay Gabar. Warsame hooyadiisa aad bey ugu faraxday, iyadana waxey u hambalyeysay oo u sheegtay dhammaam Caruurteeda iyo Warsame.

Warsame oo iska maqan qalbigiisa ayaa mar kasta,waxey jeceshahay Hooyadiisa iney mar kasta u sheegto wixii soo kordho, isagana waxey kaga dheggen tahay Warsan, wax kasta oo loo soo sheego Dhegihiisa ma maqlaan oo wax kasta oo loo sheegaayo Warsan ayuu u maleeyaa in looga sheekeynaayo, Hooyadiisa durbadiiba Wiilkeeda Warsame waxey ugu hambalyeysay in loo dhalay Gabar, loona bixiyay Ugbaad, isagana wuxuu ku leeyahay hooyadiis Hooyo ma Warsan baa dhashay Gabar ?, iyadana magaca Warsan hadey maqasho Xasaasiyo bey ka qaadaa oo dhiigga ayaa ku karo.

Warsame cudurkiisa daawo maleh, weli sidii ayuu u waalan yahay, mar waxey is dagaalaan Xaaskiisa, marna Hooyadiisa, waayo hooyada waxey jeceshahay iney Wanaag ay ku wada noolaadaan isaga iyo Xaaskiisa, isagana Carabkiisa ma karo wax aan Warsan aheyn, taasi darteeda ayuu Reerkiisa u Burburi rabaa, Warsame marmarka qaar hooyadiisa waxey ka Qoomameysaa Gabadha Masaakiinta ah ee lagu daray, oo Qalbiga waxey iska dhahdaa Kan haddaan ogaan lahaa inuu sidaan yahay Naagba kuma dareen.

Alxamdulilaah hadda Xaaskiisa wey dhashay, oo Gabar ayaa loo dhalay, Warda iyadana wey fiicneyd oo Buuqa iyo dagaalkana waxa keenay wuxuu ahaa oo keliya Walaca, hadda iyada wey degtay oo Waalida wey ku ogtahay isaga waxna dhihi meyso, oo Gabadheeda ayey ku faraxsan tahay iyo sidey u Korsan laheyd.

Warsan iyadana Wiilkeeda iyo Gabadheeda ayey korsaneysaa, oo waxba kama maqna, niyadeeduna wey u deggentahay, oo Reerka Buuq iyo Rabshadihii wey ka dhamaadeen, Nabad iyo Xasilooni ayaa lagu noolyahay.

(Qisadan waxey aheyd Part 1, waxaase xigta Part 2, oo ah jaceyl dhex mari doona Amiin oo ah Warsan Wiilkeeda iyo Ugbaad oo Gabadha Warda ah, waxaan bilaabi doonaa Maalmaha soo Socda Insha Allaah).

Wixii Aad ka faaidey Commentska noogu reeb Mahadsanid 

Abdulkadir Uukow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

The reCAPTCHA verification period has expired. Please reload the page.