Bashiir waa Macalin Jaamacadeed, wuxuuna soo bartay Dhaqaalaha, waa wiil Qurux badan, noloshiisa waa Heer Sare, wuxuuna deggen yahay guri aad u Qurux badan.
Barni iyaduna waa gabar qurxoon, aa aad u deggen, aadna u xishood badan ninkeedana jecel, sodohdeedana sidii hooyadeed oo kale ula dhaqanta oo u ixtiraamta, Hooyo Bishaaro waa Bashiir hooyadii, waxay la nooshahay wiilkeeda Bashiir iyo xaaskiisa oo Barni oo xaamilo ah ayey wehel u tahay.
Maanta waxaa foolaneysa Bashiir xaaskiisa Barni, wuxuuna u waday Hosbitalka, hooyo Bishaarana wey la socotaa, saacado ka dib waxey dhashay gabar, waana lagu qalay, balse caafimaadkeedu ma ahayn mid wanaagsan oo waxaa hayay Qandho fara badan, tabar daro iyo xanuun.
Bashiir aad ayuu u naxsanaa oo shaqadiisi ma uusan aadin, wuuna murugeysnaa, Reerkiisa iyo Reerka Barni waxey ka wal-walsan yihiin xaaladda gabadhooda, Barni waxey u yeertay Soddoheeda Bishaaro si ay ula hadasho, Maalinkii labaad xaalada Barni aad ayey u sii darsatay, waana ay geeriyootay.
Bashiir wuxuu waayay xaaskiisi uu dunida ugu jeclaa, oo xaaladiisa geeri iyo nolol ayey u dhexeysaa naxdin iyo murugo daran ayaa soo wajahday, Reerkii Barni ayagana wey wada Oynayaan oo tacsidi ayey joogaan.
Gabadhiisii yareyd waxey waysay hooyadeed oo 24 ka saac wey ooyeysaa, waxaana haaya hooyadii iyo Barni walaalaheed, Hooyada Bashiir ayaa kaligeed meel ku ooyeysa oo waxay soo xasuusatay hadalkii ay Barni ku tiri habeenkii ugu dambeeyay ay dhimaneysay, kaasi oo ahaa:- Hooyo waxaan dareemayaa inaan anigu sii noolaan doonin, gabadheyda yadiga ayaan kugu ogahay, hadaan noolaado Alxamdu lilaah, haddii kalana ii balan qaad in aad ii fulin doonto dalabkan, waxaa jirta gabar iga yar oo Kismaayo ku nool, waxaan rabay in ay mar noo timaado lakiin magaalada makala taqaano sanadkan ayaa jaamacadda ugu horeysa, waxay igu tiri waxaan kuu imaanayaa markaad dhasho.
Hooyadeed ayada oo yar ayey geeriyootay, waa qofka kaliya oo fahmaya gabadheyda oo sidi hooyadeed oo kale u korineysa hadey aniga i weyso, waayo ayadaa soo aragtay dhibka ay leedahay hooyo la’aanta, waxan kaa codsanaa hooyo inaad gabdhaas Bashiir u guuriso si ay gabadheyda Hooyo ugu noqoto.
Bashiir ha u sheegin inaa aniga kaa codsaday ee ku dheh inaad adiga ka heshay oo taqaanay gabadhan, waayo ma rabo in uu iga xanaaqo oo uu ka murugoodo go’aankeyga go’aanna ku gaaro inuu kaligii noolaado, Ma rabo hooyo in nolosha gabadheyda iyo nolosha Bashiir ay mugdi ahaato.
Bashiir aad ayuu ii jecelyahay xaas kalana ma yeelayo gadaashey, laakiin noloshiisa sidaa kuma hagaageyso, Bashiir kaligiis ma noolaan karo gabadheydana hooyo ayey u baahan tahay, waxaan sidan u sameynayaa waa gabadheyda yar darteeda, Fadlan hooyo ii balan qaad waa ku baryaa please.
Hooyo Bishaaro oo yaaban oo Ooyneysa ayaa ku tiri Barni, hooyo waxaas ha ku fikirin dhib arki meysid, waana caafimaadeysaa ee niyada kheyr u sheeg.
Lkn Barni waey ku celcelisay hadalka oo waxa ay tiri ii balan qaad marka hore, hooyadana wey u balan qaaday iyada oo yaaban, Xasuus ka dib hooyo Bishaaro, waxay ogaatay in Barni dareenkeeda ah inrysan sii noolaan doonin uu run ahaa.
Waxay aragtay in wiilkeeda uusan ku dhex jirin dadka tacsida jooga oo waxay ka soo raadisay qolka, waxayna aragtay wiilkeeda oo qolka ku dhex Ooynaya oo aan dadka ku dhex jirin ee sawirada xaaskiisa un daawanaya, gabadhiisa yarna ay aktiisa jiifto.
Usbuuc ka dib, Hooyo Bishaaro waxey go’aan ku gaartay iney la hadasho reerkii Barni oo ay dhahdo gabadhiina ayan rabaa iney inaga nala joogto oo ay gabadha yar ila heyso. Reerka Bushra waxey degenaayeen magaalo gobol ku taal oo waxey la joogtaa reer qaraabo yihiin.
Bushra waxaa dhashay Barni habaryarteed, Barni gabdhaha la dhashay waxey leeyihiin reer oo ilmaha la dhashay ayada ayaa ugu yareed.
Hooyo Bishaaro idin (Ogolaasho) ka qaadatay reerkii dhalay iyo reerkii Barni si inanta yar ay ula koriso oo wey ogolaadeen, waxayna la soo hadleen Bushra si ay gurigan xagiisa ugu soo wareegto oo ay Waxbarashadeeda ku sii wadato maamadana ku saacido korinta inanta yar ee Bashiir.
Bashiir raali ma uusan ka aheyn in inantiisa ay koriso gabar uusan aqoonin, laakiin hooyadii ugu dambeyn wey ku qancisay.
Bushra waxey timid xaafaddii Bashiir, waxa ayna la kulantay gabadhii walaasheed Barni ay dhashay, waxayna aheyd mid ka murugeysan waayitaanka ay weyday Barni iyo in ay is arki waayeen intey magaalada joogtay.
Hal bil oo murugo badaneyd, ka dib Bashiir wuxuu ku laabtay shaqadiisii macalinnimada aheyd, oo wuxuu go’aan ku gaaray in uu gabadhiisa mustaqbalkeeda darteeda u shaqeeyo oo uu nolol fiican siiyo, cidna aysan wax uga baahanin.
Bushra waxay aheyd inan si fiican u taqaana ilmo korinta oo waxay ka baratay eedadeeda aabaheed qabo waxayna si kalgaceyal badan u haysay inantii yareed ee Barni oo loo bixiyay Fardowsa, maamo Bishaaro ayaa haysay gabadha yar intey jaamacadda ku maqan tahay Bushra.
Laba bilood markey ka soo wareegtay geeridii Barni, waxey hooyo Bishaaro go’aansatay in ay si toos ah ula hadasho Bushra oo ay u sheegto balantii ay ka qaaday Barni oo ahayd iney u guuriso, si ay gabadheeda ugu koriso intey ka weynaaneyso, Bashiirna uusan u cidloon.
Markii Bushra ogaatay dardaaranka Barni aad bey u naxday oo wax ay sameyso wey garan waysay. Hooyo Bishaaro waxay awooday iney Bushra u ogolaato in ay inanta koriso ayada oon guur dhicin, laakiin dardaarankii Barni ee ahaa iney u guuriso Bashiir ayey oofisay.
( La soco Qeybta Xigta).
[…] Bushra aad ayey u dhibsatay Bashiir, wuxuuna shaqada ka saaray gabadhii shaqaalaha aheyd, wuxuuna Bushra ku xujeeyay in ay gurigan weyn shaqadiisa dhamaan ay iyada masuul ka tahay, waxaana u sii dheer korinta gabadha yar iyo waxbarashadii. […]
[…] Bashiir ayaa markiiba isku dayay inuu la hadlo Bushra, wuxuuna la kulmay iyadoo weli ku jirtay xaalad caafimaad oo la xiriirta shilkii hore. Wuxuu sameeyay isku dayo badan oo uu ku dejinayo, wuxuuna ugu dambeyn helay fursad ay si wanaagsan uga wada hadlaan wixii dhacay. Waxay isku laabeen sheekadii hore ee jaceylkooda iyo waqtiyadii murugada badnaa ee ay soo mareen. Inkastoo waqtigii kala maqnaanshahooda uu ahaa mid ay la kulmeen caqabado badan, haddana waxay heleen rajo cusub oo ku saabsan inay dib ugu laabtaan nolosha jaceylka iyo inay dib u dhistaan xiriirkooda. […]