Bushra waxay riyadeeda aheyd jaamacadda iney ka Qalin jabiso oo ay Saddex sano uga dhiman tahay, ka dibna ganacsi furato, lakiin guur kumeysan tala jirin.
Maamo Bishaaro ayaa Bashiir u sheegtay iney dooneyso iney u guuriso Bushra, ayada oo ka qarisay in ay Barni sidaas dooneysay, laakiin wuxuu ku yiri hadeyba sidaa tahay waxba yey nala joogin aniga ayaa korsanaayo inanteyda.
Hooyo Bishaaro kamey daalin in ay la hadasho wiilkeeda oo ay ku waaniso in inanta yar ay la qabsatay Bushra oo ay hooyo ka dhigatay, kana maarmin xanaanadeeda, iyo in ay wanaagsaneyn wiil iyo gabar Qjnabi kala ah guri kuwada noolaadaan, Hal canugna wada koriyaan qaraabada korana ay si kale u fahmi karto Bushrana ay ogoshahay guurka oo ay la soo hadashay diyaarna tahay.
Bashiir aad buu uga xanaaqay kalimada ah Bushra waa diyaar, Oo ma gabadhii habaryarteed dhashay ayey booskeedii iney beddesho rabtaa ma Ninkii iyo Noloshii walaasheed ayaa hunguri ka soo galay?, Bashiir ayaa isweydiiyay su’aalahaas, waxaana sii kordhay ciilka iyo carada uu u Qabo Bushra.
Ugu dambeyn Hooyo Bishaaro waxay hal meel isugu keentay labadooda si ay isku fahamaan maadaama muddo Laba bilood ah aysan weli Salaan xataa dhex marin oo Bashiir aad u neceb yahay oo uu ka tago goobta ay joogto kana fogaado mar walba.
Waxey daqiiqado yar aamusnaadaan ayaa Bashiir hadlay oo uu Bushra ku yiri:- Guurkaan waxa igu kalifaaya waa hooyadey, lakiin waxaa ogaataa inaan waligey raali ka noqon doonin, kana soo qaad inuu yahay heshiis aan kala saxiixaneyno, waxa jaamacadda kaaga dhiman waa 3 sano, 3 sano + 1 sano waa 4 sano, 4 taas sano ayuu ku egyahahay guurkan been-beenta ah intaasna gabadheyda waxaa u korineysaa sida boqorad oo kale, hadduu qalad yar kaa dhacana dembigiisa adiga ayaa leh, jaamacadda markey kuu dhamaato shaqo raaraadso halkaas sano, ka dibna waan kala tageynaa oo nin walba jidkiisa ayuu raacayaa.
Bushra oo ayadaba guurkan lagu qasbaayay oo sida Bashiir oo kale diidaneyd, balse dardaarankii walaasheed dartii ay u ogolaatay guurkan ayaa ogolaatay oo durbadiiba intey faraxday oo tiri Alxamdulillaah, hadaanba mushkiladan ka bixi doono ninkan wajigiisana aan hortiisa dhaafi doono maalin un.
Arooskii ayaa dhacay Busha iyo Bashiir waxay noqdeen dad isneceb oo hal guri ku wada nool, Bashior wuxuu noqday mid ku qeyliya oo aad u kontoroolo, markey habeenkii isku diyaarineyso imtixaanka jaamacadda oo ay inanta u dhiibto hooyo Bishaaro, oo ku dhaha qabo inanta yar maxaa qabanee iyo wixii la mid ah.
Bushra aad ayey u dhibsatay Bashiir, wuxuuna shaqada ka saaray gabadhii shaqaalaha aheyd, wuxuuna Bushra ku xujeeyay in ay gurigan weyn shaqadiisa dhamaan ay iyada masuul ka tahay, waxaana u sii dheer korinta gabadha yar iyo waxbarashadii.
Hooyo Bishaaro waa iska waayeel oo ma saacidi karto, mana qaban karto howlaha guriga, isagana wuu ka diiday inuu maqlo hadalkeeda oo markey Bushra difaacdaba wuxuu dhahaa aniga miyaa ku qasbay guurka, sow raali kameysan noqon iyada.
Waxaan ka dhiibaa Qarashka jaamacadda, hadaba waa iney qabataa wax walba oo aan ku amro hadeysan raali ka ahaynna Albaabka wuu furan yahay.
Bashiir asaga ma oga in gabadhan ay intaan oo dhan u mareyso xaaskiisa darteed oo ay guurka raali ka aheyn, wuxuu u haystaa in ay raali ka tahay oo ay isleedahay ninkan waqti sii isagaa ku jeclaan doona Hadduu ogaan lahaa maba uu dhibi laheyn, maamadana waxaa u diiday Barni iney u sheegto dardaaranka si uu ayada u hilmaamo oo uu go’aanka kaligii u gaaro si noloshiisa iyo xaaskiisa uu raali uga ahaado, laakiin caksigeedi ayaa dhacay.
Maalma yar kadib Bashiir wuxuu aaday dalka Turkiga, wuxuu soo diyaarinayay shahaadada BHD, labo sano, balse sanad markuu maqnaa ayuu fasax yar soo helay si uu inantiisa yar iyo hooyadii u soo arko.
Bushra iyo hooyadiis waxey aadeen Airboorka si ay isaga u soo dhaweeyaan.
Hooyo Bishaaro waxay aad uga shaqeyn jirtay sidey u heshiisiin laheyd wiilkeeda iyo Bushra oo ay isugu soo dhaweyn laheyd, sidaa awged ayey ugu qasabtay Bushra iney la soo dhaweyso Bashiir.
Hooyo Bishaaro ayaa ubaxyo u dhiibtay Bushra oo ku tiri anigaa xambaarayo inanta yar ee adigu ubaxyadan qoorta u geli Bashiir, markuu inoo soo dhawaado.
Bushra oo ciil iyo xanaaq meel ay isgeyso la’ ayaa Bashiir horteeda ka soo baxay oo waxay is tiri u geli qoorta ubaxyadan laakiin Bashiir, uma aysan muuqanin Bushra oo inuu salaamo iska daaye maba uu fiirinin muuqeeda, waxa uuna durbadiiba u rucleeyay dhanka Hooyadii iyo inantiisa yar. Bushra waxey garan waysay wax ay sameyso oo maxaa ku soo waday ayey ka gaartay.
Soo dhaweyn ka dib waxey yimaadeen guriga oo hooyo Bishaaro waxey horay u sii dalabtay qado, waayo Bashiir marnaba ma cuno cunto ay Bushra karisay.
Bashiir wuxuu joogayaa 30cisho, Bushra iyadana waxaa u socota waxbarashadeedii waxeyna weli ku nooshahay xabsigii iyo mas’uuliyaddii aadka u cusleyd oo waxay raacdaa awaamirta uu bixiyo Bashiir.
Bushra malahan saaxiib, cidna lama hadasho, cidna ma oga inuu macalinka jaamacada u dhigo sanadkii la soo dhaafay. Bashiir intuu macalinka ka ahaa qeybta Bushra uu iyada baraha u ahaa marnaba ma uusan qaadin iyada, maadaama uu gaarigiisa jaamacadda ku aado, oo wuu ka tegi jiray, sidoo kale maanta wuxuu go’aansaday inuu ka tago, maadaama uu inantiisa yar iyo hooyadii u wadaayo Dalxiis yar oo Xeebta ah.
Bushra kaligeed ayaa guriga cidlada ah looga tagay, hooyo Bishaaro oo dooneysay in ay Bushra horay u wadaan ayaa ugu dambeyn yeeshay kuna qanacday hadalka oo ah in ay xanuunsan tahay, meelna aadi karin ayada oo fahamsan iney been ka tahay laakiin dooneysa ineysan dhibin.
Isbuuc marka uu ka dhiman yahay bixitaanka ayaa hooyo Bishaaro waxay qorsheysay iney inanta yar oo 2jir ah horay u kaxeysato oo ay booqato walaasheed, oo muqdisho degen, Darawalka guriga ayay ku tiri na qaad.
( La soco Qeybta Xigta).
Lasoo dhaqso Qaybta kale ee sheekada
waa sheeko xiiso leh wlh
Sheeko murugo leh! Waxaan aad uga naxay sida Bushra lagu qasbay guurka, waxay ahayd inay nolosheeda xor ka noqoto oo aan la qasbin.
Maamo Bishaaro runtii waxay ahayd hooyo fiican, laakiin waxaan u maleynayaa inaysan si fiican uga fikirin sida ay nolosha Bashiir iyo Bushra isugu dhex gali lahayd.
Bashiir aad buu uga falceliyay si xun! Waa inuu fahmaa in Bushra aysan dooran xaaladdan, waxaana ka murugooday sida uu ula dhaqmay.
Waxaa ka sii xun Bushra waxay maraysaa labo culeys; mid ka yimid guurka khasabka ah iyo mid ka yimid nolosha cusub ee mas’uuliyadda culus leh. Way ka bixi doontaa mise?
Waxaan rajeynayaa in Bashiir ugu dambeyn uu Bushra fahmo, oo uu joojiyo inuu si xun ula dhaqmo. Maalin ayuu ogaandoonaa kalgacalka ay gabadha yar u hayso.
[…] Bashiir wuu soo laabtay wuxuuna arkay miiskii qadada oo ay saaran yihiin cuntooyinkii ay xaaskiisa u diyaarin jirtay iyo saxamadii qurxoonaa ay xaaskiisa soo iibisay. […]