Amiin markuu Akhriyay Warqaddii, dubadiiba indhihiisa waxaa soo buux dhaafiyay illintii jaceylka, dhaqso waxaad dareemeysaa inuu isagaba sidaas oo kale uu u jeclaa, balse uu Xishood u diidanaa inuu Afka furto.
Amiin isla markiiba wuxuu soo qaatay Qalin iyo Warqad wuxuuna dhaqso ka bilaabay qorista jawaabtii Ugbaad, wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay, sida tan:-
KA:- Naf Dartaada u Haraadan.
KU:- Ugbaad
Waxaan hawada kuu soo marinayaa Salaan kaaga timid Qalbi u Nugul Rabitaankaaga, in mudana Baadigoob ugu jiray Hanashadaada, waxaan aad ugu faraxsanahay inaan Anigana kula wadaago Xanuunka aad dareemeysid, horaan Anigaba u qabay dhawacaas, balse waxa keliya i heystay waxey aheyd Afkii baa Juuqda gabay oo ii diiday inaan Ooda kaaga, waase ilaah mahadiis hadduu dhankaagana jiro Xanuunka aad i daashaday ee aad Adiga Daawada u tahay.
Haddaba, waxaan ku leeyahay Dhib iyo dheef inaan kula qeybsado Farxadda Nolosha diyaar baan u ahay, dhankaagana Xariga ka qabo oo Adkee, Noloshu waa Ayaamo waxaana qurxiya waa Lamaane isku Xushay Daacadnimo iyo Kalgacal, Niyadoodana mideeya, Meel keliyana wax ka wada arka.
Sidaas darteed, sidaad Adigu ii jeclaatay si ka daran anaa kuu jecel, oo ku baagan inaan wada gurano Miraha jaceylka ee maanta na hor yaal, waa ii farxad inaan Nolol wadaagno, waa ii farxad inaan meel qura wax ka wada aragno, waana ii farxad inaan wada beerno Ubixii jaceylka.
Qore:- Naf u baahidaada ku weyn Amiin.
Intaas ka dib Amiin Warqadii wuxuu ku dhex riday Boorsadiisa, bal si uu berito Ugbaad ugu ugu gudbiyo jawaabta ay ka sugeyso isaga.
Subaxdii xigtay Amiin wuxuu isku diyaariyay tegista iskuulka, daqiiqado ka dib ayuu guriga ka soo dhaqaaqay isaga oo iskuulka xagiisa ku sii socda, wuxuu soo socdaba wuu soo gaaray iskuulkii, ka dibna fasaladii ayaa la galay.
Ugbaad iyadu Wejigeeda Saaka waxaa ka muuqda Xishood oo Qalbigeeda ayaa waxaa ka dhex guuxaayo maxaad kala kulmi doontaa jawaabta Amiin ?, ma mid aad ku faraxdaa mise waa Dhaawacaaga ?.
Xiisadihii hore marka la qaatay ee la gaaray Xilligii Nasashada ee Quraacda, oo dhamaan Ardaydii ay ka wada baxeen fasalkii, waxaa isugu soo haray Lamaanaha Cusub ee u furmay Buugga jaceylka, waxaase jira maanta mid walba inuu ka Xishoonaayo midka kale, waayo Qof wuxuu is leeyahay jawaabta aad heli doonto tollow maxey noqon, Qofka kalena wuxuu is leeyahay bal jawaabta dib ugu dhig oo idinkoo sada fadhiya ha soo bandhigin oo sidey iyadu sameysay Xilliga bixitaanka marka soo dhowaado Buuggeeda ugu dhex tuur, si ay iyadana guriga ugu aragto jawaabteeda.
Dhinaca kale Warsame hooyadiis ayaa waxey maanta u soo martisay Guriga Warsan Hooyadeed, soo dhaweyn aan Qalbiga jirin ayaa lagu soo dhoweeyay, dhoola cadeyn aan Qalbiga ka soo go’in ayey dareemeysaa islaanta, waxey weji Beddelan ka arkeysaa Warsan hooyadeed, Qolkii fadhiga ayaa la fadhiisiyay, waxaana wada fadhiha Hooyada Warsane, Asma iyo Warsan hooyadeed. in yar ka dib Warsan hooyadeed iyadoo wejigeeda veddelan ayey Qolka ka soo baxday oo ay qolkeeda aaday, waxaana isku soo haray Asma iyo Warsame Hooyadiis, waxaane dhex maray doodaan:-
Warsame hooyadiis:- Asma Hooyo maanta maxaa ku dhacay Wejigeeda ma fiicnee ,?
Asma:- Haa Eedo waa Runtaada Hooyo wey Xanuunsan tahay maanta, Saaka ayey ku soo toostay Madax xanuun.
Warsame hooyadiis:- Haa Waan dareemay maanta Wejigeeda Caadi ma aheyn, ee ilaah ha Caafiyo, Madax xsnuunkaas wuu iska jiraa beryahaan Anigaba Saraad sidaas ayuu ii xanuunaayay Madaxa.
Asma:- Aamiin Eedo ilaah ha Caafiyo Hooyo.
Warsame hooyadiis:- Gabadheyda Marwa ma jaamacaddii bey jirtaa ?
Asma:- Haa Eeddo, weli lama gaarin Xilligii soo bixidda, Labada duhurnimo ayey ka soo baxaan.
Warsame hooyadiis:- Haa Maasha Allaah, gabadheyda markaan wey weynaatay, Xilligii Guurka ugu fiicnaa ayey joogtaa, waxaan ku dareynaa Wiilkeyga Axmed Wiklkiisa ayaan ku dareynaa waa isku da’.
Warsan hooyadeed:- Oo hadalkaas Qolkeeda ka maqleysay ayaa intey soo booday orod ku soo baxday iyadoo leh:-
Weli ma idinkaaba na daba taagan?, haddii Cirka iyo Dhulka isku dhegaan Gabadheyda guursan meysaan, dhaawicii hore aad na gaarsiiseen ha idinku ekaato, Shartiina nagala0 taga, ilaahery meel dambe naguma kulmiyo Anaga iyo idinka.
Warsame hooyadiis oo yaaban ayaa tiri:- Oo weli ma Cuqdadii baad Qalbiga inoogu heysaa, ma aragtid miyaa Wiilkeyga Warsame waxa ku dhacay Jaceylka uu Warsan u qabo dartiisa.
Warsan hooyadeed:- Waa Been warkaas jaceyl uu Warsan u qabo maaha waxa hayo, ee Xaqii Warsan ayaa sidaas u galay, Kow dheh ee mar kale warkaas Agteena haku soo qaadin, Dhiiga baa nagu karaayee.
Warsame hooyadiis oo aad u yaaban maanta ayaa Afkeeda iska xiratay oo hadalkeeda dhan gadaal u laqday, dhowr daqiiqadood ka dibna wey soo Macsalaameysay Reerka, iyadoo wax ay ku hadasho garan la’ ayey iska soo baxday.
Markii la gaaray Xilligii soo bixitaanka iskuulka ee uu Jarasku ku dhacay, ayey Amiin iyo Ugbaad soo baxeen, iyagoo wadajira, kolkaas ayey Ugbaad oo is celin la’ ayey Amiin ku tiri:-
Amiin Shalay Fariinteyda maku soo gaartay ?.
Amiin ayaa ugu jawaabay:- Haa waan arkay, waana fahmay si fiican.
Ugbaad ayaa hadana ku tiri:- Haye maxaad Aqbaar ah oo aad iiga heysaa Arrintaas ?
Amiin baa ku yiri:- Halkii aad iigu soo dirtay ka eeg waad ka arki doontaa jawaabta.
Ugbaad oo fahamtay ayaa ku tiri:- Waa yahay Mahadsanid Gacaliye.
Intaas ka dib, waxey ku balameen iney Galabta isugu yimaadaan sidii Caadada aheyd Guriga Amiin, kolkaas ayey Ugbaad si Kaftan ah ugu tiri Amiin:- Haddii Jawaabtaadu ay noqoto mid i farxad gelisa waan imaanaa, haddii kalena Ciil ayaan la Seexanaa Ogoow.
Amiin intuu qoslay ayuu ku yiri:- Qalbiga kheyr u sheeg, dhib ma jiri doono.
Kolkaas ayey ku tiri:- Hadeey sidaas tahay waan kuu imaanaa Gacaliye.
Wey kala tageen oo qof kasta gurigiisa ayuu su toos ah u aaday.
Ugbaad markey Albaabka gurigooda ay soo gashayba, waxey Sugi weysaneed Warqadda inta ay ka arkeyso jawaabta Gacaliyeheeda Amiin, sidee u soo socotay waxey gashay Qolkeeda, durba Boorsadeedii ayey ka soo saartay Buugaagteedii mid mid ayey u baartay, ugu dambeyn waxey heshay Warqaddii ku Qorneyd Farxadda Nolosheeda, taasoo ay uga timid Gacaliyeheeda Amiin.
Ugbaad wey furtay Warqaddii, waxeyna durbo bilowday Akhrinteeda, Ugbaad intey Warqada Akhrineysay indhaheeda waxa ka socday, illin farxadeed iyo dhoolacadeyn aan la soo koobi karin, Wejigeeda waxaad moodaa farxadda ka muuqata awgii in Albaabada Janada loo furay.
Intaas ka dib Ugbaad dharkii iskuulka ayey iska beddeshay, oo soo yara Qubeysatay, ka dibna dhankii jikada ayay u sii gudubtay, oo Qadadii ayey soo garatay, ka dibna Qolkii fadhiga ayey la aaday. Ugbaad Qadada inta ay ka dhameeneyso ayey dhibsaneysay, waayo waxey rabtaa iney dhaqsi aado Guriga Amiin si ay Farxada ula qeybsato Gacaliyaheda Cusub ee Nolosheeda ku soo biiray.
Ugbaad markey Qadadii dhameysay iyadoon Hawl kale qaban, isla daqiiqadiiba waxey hore ka bilowday Lebis iyo diyaar garow ay isku doyaarineyso kulankii Waxbarashada iyada iyo Amiin iyo Kii Farxadda Oggolaanshaha Codsigeeda, lebiska ka dibna si dhaqsi ayey uga soo baxday Albaabka Gurigooda, waxeyna Afka soo aadisay, dhankaa iyo guriga Amiin.
Ugbaad Albaabkii Guriga Amiin ayey soo garaacday, durba waxaa ka furay Amoon oo isna diyaar ku ahaa Agagaarka Albaabka si uu uga furo Gacalisadiisa Cusub ee Noloshiisa ku soo biirtay, isagaba intaas wuxuu niyadda iska lahaa Aaway Ugbaad wey soo daahday, oo qalbigiisa dhan ayey qabatay Ugbaad, isagoo aad ugu faraxsan Heshiiska jaceyl ee dhex maray labadooda.
Ugbaad Albaabkii markii Amiin ka furay, isla markiiba iyadoon wax hubsan farxad awgeed ayey intey Hab siisay Bushimaha Dhunkasho kala dhacday, waxaa meel iyaga ku aadan ka Arkeysay Hooyadiisa Warsan. Hooyo Warsan waxey aad ula dhacday sida ay isugu kalsoon yihiin Amiin iyo Ugbaad, farxadda ay isku hayaan iyo side isku jecel yihiin, balse iyadu weli waxey moodaa inuu jaceylkoodu yahay kii hore ee ahaa Walaaltinimada, ileen warba uma heyso isbeddelkaan meesha ka dhacay.
Dhinaca kale Ugbaad hooyadeed markaan waxey rabtaa iney Gabadheeda Ugbaad ay u dirto Amiin Aabihiisa si ay iyada ugu casuunto guriga, maadaama ay gabadheeda hore ugu sheegtay inuu Amiin Aabihiisa uu u yahay Aabaheeda oo kale oo uu iyada iyo wiilkiisa dhan kasta ka wada simo, hadduu Wiilkiisa Haddiyad u keeno, Ugbaadna uu u keenaayo mid la mid ah tii Wiilkiisa uu u keenay, sidaasi darteed ayey Hooyo Warda u jeclaatay iney Casumaad u fidiso, maadaama uu Gabadheedu aad u jecel yahay.
Warsame hooyadiis oo wax ay ku hadasho garan la’, oo weli maskaxdeeda ka guuxaayo hadaladii ay Warsan hooyadeed ku soo tiri ayaa waxey ku soo laabatay gurigeeda, Warsame hooyadiisa waxey maanta ka dheregsan tahay Cuqdada ay u qabaan Reerka Warsan, gaar ahaan Warsan Hooyadeed, waxa ay uga wada sheekeysay Caruurteeda oo dhan, una sheegtay iney iska ilaaliyaan Islaantaas Warsan dhashay, iyadoo weliba ku wargelisay ama ku tiri:- Haddeey islaantaasi fursad ay idinku dilinkarto ufin hesho wey idin dileysaaye iska ilaaliya Islaantaasi, Cuqdad xun ayey idin qabtaa.
Warsame isaga Maskiinka Xaalkiisu waa iska sudiisii oo weli wax isbeddel kuma dhicin, weli Maskaxdiisa ma deggena, waxaanse u rajeeneynaa Caafimaad.
( La soco Qeybta Xigta).