Waxaan soo koray diyaarad Alaab u waday ciidanka dembi-baarista oo ku wajahnayd dalkii, ka dibna, aniga oo aan is ogaynba, waxaan dib u galay xasuusaheygii.
Habeenkaas aniga iyo gaduudow waxaynu seexanay hurdo aad u macaan, oo aynu ku dareenay xasilooni. Hase ahaatee, riyada oo kale ayuu ahaa, riyaduna si kasta oo ay u wacan tahay wey dhamaataa. Markeynu soo kacnay subixii, ayaan la quraacanay qoyskii, ka dibna, aniga iyo Gaduudow ayaa uu adeer Jaamac inagu amray in aan gaarigiisa la raacno. Ibraahim iyo ilhaan waxa ay ii mac-salaameeyeen si diiran. Ibraahim ayaa dhagtayda intuu u soo dhawaaday, ayuu si tartiib ah iigu yiri:- Meeshii aad ciyaal xaafada uga difaacaysay ilhaan isugu kaaya keen Beri duhurkii iskuulka markaan ka soo baxo, ka dibna wuu iga sii dhaqaaqay.
Adeer Jaamac wuxuu u shaqayn jiray dawladda, gaar ahaan, wuxuu ahaa Madaxa waaxda Dembi baarista ee dalka oo dhan. Waxa uu i keenay xeradii ciidanka, ka dibna waxa uu uyeeray askari aan is iri xerada gudaheeda ayuu xil ka hayaa, ka dibna wuxuu ku amray in uu xerada i dejiyo, sidoo kalena wuxuu ku amray inuu shaqo iga siiyo xerada, waxay doontaba ha noqotee.
Intaas wixii ka dambeeyay, waxaan noqday shaqaale ka tirsan waaxda dambi -baarista oo markaan awood ballaaran ku leh dalka. Waxaan u toli jiray Kabaha ciidanka ee ka googo’a, waxaan qrybin jiray cuntada, waxaan wax ka meyri jiray Dharka ciidanka, sidoo kale, waxaan hagaajin jiray xafiiska adeer Jaamac subax kasta. Waxaan mushaar ahaan u heli jiray lacag yar oo aan badneyn, hase ahaatee maadaama aan cuno, hooy iyo hu’, midna aan ka fakarayn, lacagtaas yar meel ayaan dhigan jiray. Sidii balantu ahayd, duhur kasta markuu iskuulka ka soo baxo Ibraahim waxaan ku sugi jiray Iskuulka hortiisa. Iskuulka iyo xeradu waxay isku jiraan ku dhawaad 4km, aniguna waxaan xerada fursad ka haystay muddo 1 saac ah. 11:30 ayaa shaqadayda galinka hore dhammaan jirtay, 12:30 ayaa teyda galinka dambe bilaaban jirtay. Sidaas awgeed, maalin kasta, labo jeer ayaan sii ordi jiray, soo ordi jiray, masaafo dhan 3km iyo jajab. Waxaan ku dadaali jiray in aniga iyo Ibraahim aynu waqti fiican wada qaadano, waayo, Ibraahim wuxuu bilaabay inuu i baro, maalin walba waxa uu cashar ahaan uga soo qaato iskuulka. Maalin kasta 1 xiiso ayuu i siin jiray oo uu ii qori jiray, si bal wax uun u barto. Oo labadayaduba 8 jiro ayaan nahay markaan Waxaa iyana xusid mudan, in laga bilaabo gelinka dambe ee maalinka Khamiista ah, ilaa subaxa sabtida aynu fasax ka ahayn xerada, taas oo ii sahleysay in aan adeer Jaamac xaafadiisa u raaco, si bal aan Ibraahim, Amaal iyo ilhaan wakhti ula qaato, oo aan u dareemo in qoys aan heysto, hadey doonto beenba ha ahaatee.
6 sano ka dib, 14 jiro ayaan nahay, markaan weynu qaangaarnay, noloshuna sidii hore maaha. Waxaan bilaabay in aan ku qanci waayo shaqadii aan hayay mudadii 7-da sano ahayd, in aan u qalmin ayaan gudaha ka dareemay. Taas aniga oo kaliya igama soo go’in, ee dhegta ayuu Ibraahim iigu sheegaa in aan dalacsiin mudanahay. Dhinaca kale, ciidanku Gaduudow ayay waxay u tababareen askari ahaan, oo Eydu waxay ka qaybqaataan dembibaarista. Shaqada joogtada ah ee uu Gaduudow hayo, ayaa kaliftay in is aragayagu yaraado, taas oo iyana kaliftay in aan isku arko qof bilaa faa’iido ah, oo uu xayawaanku ka faa’ido badan yahay. Waxaan go’aan ku gaaray in aan adeer Jaamac ka codsado in la igu daro ciidanka dembi baarista, oo aan ahay mid awood u leh in uu shaqadaas ka soo baxo. Xafiiskiisa ayaan tagay si aan ugu soo bandhigo waxa aan doonayo. Markii aan xafiiskii furayba, mise Adeer Jaamac oo Mayd ah ayaa xafiiska dhexyaal. 3 rasaasood, labo wadnaha ay tahay, midna madaxa ay tahay ayaa lagu dhuftay. Sida caadada ah, ciidanka Sirdoonka dalka ayaa sidaas wax u dila oo lagu tababaraa, waana tababar uu bixiyo maraykanka, oo la yiraahdo Triple Shot (Xabada Saddex geesoodka ah). Isla markiiba, Alarmiga xafiiska ayaan taabtay si aan ugu yeero Ciidanka oo Xerada jambigeeda kale jooga.
Diyaaradii ayaa soo degtay, 21 bilood ka dibna dalkii hooyo ayaan dib u soo cago-dhigtay. Axmed ayaa igu sugaayay Garoonka, isaga ayaana i soo qaaday. Waxaan ku amray inta uuna hoteel i geyn, inuu i geeyo halka ay ku xiran yihiin eedaysanayaasha, sidii ayuuna yeelay. Mid mid ayaan u soo arkay wajiyadooda, ka dibna waxaan ku amray Axmed in uu i geeyo hoteelkii si aan u seexdo, maadaama ay gabbal dhac sii ahayd.
Hoteelkii ayaan imid, ka dibna yaab iyo tacajub badan ayaan meel la fariistay. Dadka aan soo arkay oo dhan, midna waan ku tuhmi waayay dilka Ibraahim. Markii aad tababarka dembi baarista mareysid, waxyaalaha ugu horeeya ee lagu baraaya ayaa ah in aad qofka Akhrisid adigoo aan la hadlin ka hor, oo aad qiimaysid ficilada uu jirkoodu bixinayo. Markaad sidaas samaysid, ayaa wax uun gudahaaga ah kugu oranayaan, qof hebel ayey u badan tahay inuu kiiskaas geystay. Markaas, ayaad yeelaneysaa yool aad si gaar ah isha ugu haysid. Dhalinyarada aan soo arkay, iyaga oo dhan markaan akhriyay, ma jirin Hal mid oo aan gudaha ka dareemay inuu kiiskaas geysan karo.
Yeelkadoode, xasuustii oo aan Sakhrad ku hayo markasta oo aan ka fakarana aan dhiiri gelin ka qaadayo inaan baaro kiiska Ibraahim ayaan dib u galay.
Markaan arkay Maydka adeer Jaamac, waxay ahayd maalin Arbaco ah 5tii galabnimo. Isla maalinkii khamiista ahaana waynu aasnay. Maalinkaas aaska aynu joogno, ilhaan waxey u Ooyaysay sida ay u ooyaysay maalinka dilka Ibraahim. Aniguna, aniga oo aan wax dhawaaq ah samayn ayay Ilmadu indhahayga ka qubanaysay, waxase cajiibka igu noqday ayaa waxay ahayd, in Ibraahim uuna wax dhawaaq ah samayn, dhibic biyo ahna ayna indhiisa ka quban, Aniga iyo asaga ayaa iilka dhignay adeer Jaamac, markuu aasku dhamaadayna wuu iska dhaqaaqay Ibraahim isaga oo bilaa baabuur ah. 3beri ayaynu waynay meel uu jaan iyo cirib dhigay, ka dibna 4 maalmood aaskii adeer Jaamac, ayaa uu xerada iigu yimid isaga oo diif iyo dhafari ay ka muuqato. Sidaas markaan u arkayba, wuxuu igu yiri:- Waan garanayaa cida dishay Aabe Jaamac. Ee waan aarsanayaaye, makaa helayaa caawinaad ?. Anigu waan ku naxay hadalkaas, waxaana ugu jawaabay:- Ibraahim midkeenna askari maaha, 14 jiro aabahood dhintay ayaynu nahay, cidna kama aarsan karno, sidoo kale, cidina hadalkeena wax kama soo qaadeyso. Waa lagu jiraa kiiska Aabe Jaamac, ee aan dambibaarista ka war sugno. Inta uu Dadka dilay ayaa kiiskiisa baaraya, igu yiri, ayuu iga sii dhaqaaqay.
Waan ka daba cararay, ka dibna waxaan ku iri:- Ii sheeg. Maxaad ogtahay?, waan kula qiimeynayaa, sida loo xalin karana aniga ayaa kula qorsheynaya maadaama aan in mudo ah ku dhex jiray dembi baarista, kiisaska noocaan oo kale ahna aan ahay mid mar walba ka war hayn jiray xalkooda.
Waan ku hurdooday xasuustii, oo maskaxdii ayaa energy badan u isticmaashay qaybteeda hore ee midigta xigta ee qaabilsan xasuusaha, sidaas awgeed, habeenkaasi waan iska seexday, ka dibna Subixii ayaan u dhaqaaqay si aan ugu shaqo galo baarista kiiska dilka Ibraahim.
Ifraax oo ahayd gabadha uu Ibraahim haasaawe wadaaga ahaayeen inta uu dhiman ka hor, ayaan amray iney noqoto qofka ugu horeeya oo la iigu soo xareynayo qolka dembi baarista. Sidaan ayaana waraysigeenu u dhacay:-
( La soco Qeybta Xigta).





[…] Aniga qudheydu, waan ka carooday hadalka uu Cimraan ku yiri Ibraahim, inyar ayaana isku celiyay in aan gacan qaado, maadaama tababarkaygu yahay inaan xakameeyo shucuurtayda, waan is dajiyay oo waan is qaboojiyay. Axmed ayaan u yeeray, waxaana ku amray in uu Cimraan xabsiga ku celiyo. […]