Ifraax anigu horay umaan arag oo maalinkii aan Garoonka diyaaradaha ka soo degay ee aan eedayasanayaasha isha marinayay ayuun baa iigu horaysay. Haddaan tilmaan ka bixiyo qaab dhismeedkeeda, waxay ahayd gabar dhuuban oo Cas, waxay lahayd ilko cas-cas iyo indho Cad-cad, waxayna ahayd qof ay diintu ka muuqato oo xijaaban. Markii ay qolka baarista soo gashayba, salaanta islaamka ayay igu salaantay iyada oo cod dabacsan isticmaaleysa.
Aniga:- Ifraax, magacaygu waa Ismaaciil, Waxaan ahay sargaal ciidanka dambibaarista ah, waxaana u xil saarnahay in aan baaro kiiska dilka ibraahim. Waxaan rabaa in aan kuu cadeeyo, in aadan marna cabsan. Haddii aadan kiiskaan geysan, cidina dembi dusha kaa saari meyso. Kaliya waxaad iska ilaalisaa in aad wax been ah sheegtid. Haddaad been sheegtid adiga oo aan kiiska geysan xitaa waxaa macquul ah in kiisku adiga dushaada noqdo. Ma isla fahannay intaas?.
Ifraax baa tiri:- Haah.
Aniga:- Waa tahay. Habeenka ay taariikhdu ahayd 21kii luulyo, haveenkii Arbacada, ma is aragteen Ibraahin ?.
Ifraax:- Haah waan is aragnay. Salaadii Maqrib markii laga soo baxay ka dib, ayuu Ibraahim ii sheegay inuu caawa i soo maraayo si aynu isku aragno. Waxaa ii wada yimid isaga iyo Cimraan oo wada socda, maadaama uu Ibraahim gaarigiisa iska iibiyay, Cimraan ayaa soo qaaday oo ii keenay, ka dibna waxaynu wada joognay ilaa ku dhawaad 08:00 fiidnimo, Cimraan ayaa u soo laabtay, weyna israaceen.
Aniga:- Waxaan soo daabacay Taleefanada uu wacay ibraahim habeenkii dhimashadiisa. laga soo bilaabo bacdal maqrib, ilaa laga gaarayay 01:23 habeenimo, Ibraahim wuxuu lambarkaaga wacay in ka badan 41 jeer. 40 jeer oo ka mid ah kama aad qaban taleefanka, markii u dambay ee 41aad ayaad qabatay. Taas waxa sababay ma ii sheegi kartaa?.
Ifraax:- Haa, ibraahim iyo anigu labo Taleefoon oo isku eg beynu isticmaalnaa. Habeenkii markii uu ii yimid Ibraahim, ayaa labadayada taleefoon isku khaldameen. Ibraahim wuxuu qaatay taleefoonkaygii, kiisana wuu iga tagay. Sidaas awgeed, qofka 4-da jeer wax wacay aniga ayuu ahaa, ee maahayn Isaga. Taleefoonkiisa ayaan keyga ka wacay, maadaama uu taleefoonkayga codku ka xirnaana (Silent mode), ibraahim ma uusan maqal codka dhicitaanka taleefoonka. Markuu iga qabtay oo ahayd markii u dambaysay, ayaan u sheegay inuu taleefonkayga qaatay, sidaas awgeedna uu beri subax ii soo celiyo.
Aniga:- Wax micno ah maleh labo taleefoon oo kala badalmay, 41jeerna wax la isku waco maaha. Hal sabab ayaa keeni karta in aad intaas oo jeer wacdid, waana in ay jiraan wax aad ka qarinaysay Ibraahim oo talefankaaga ku jiray. Ma saxnahay mise waan Qaldanahay?
Ifraax:- Maya, ma eysan jirin wax aan Ibraahim ka qarinaayo oo waad ku khaldan tahay taas. Hase ahaatee, anigu Jaamacad ayaan dhigtaa, casharo la ii soo diray oo aan ka shaqaynayay, beri subax oo kalena la iga rabo inaan geeyo ayaa ku jiray taleefoonkeyga, midaas ayaana kaliftay inaan intaas oo jeer waco.
Aniga:- Waan fahmay, markuu taleefoonka kaa qabtay Ibraahim, ka dibmaxaad is dhaafsaten oo aad kuwada hadasheen?.
Ifraax:- Waxaan ka codsaday talefankeyga in uu bari subax xilli hore ii keeno si aan casharada uga shaqeeyo.
Aniga:- Intaas ayuun baad is dhaafsateen sow mahaa? Oo waad hubtaa.
Ifraax:- Haah. Waan hubaa.
Aniga:- Haddaba halkaan waxaan uga jeedaa in aad wada hadleyseen 21 daqiiqo ka badan. Ma 21 daqiiqo ayay qaadatay in aad intaas uun is dhaafsataan?.
Ifraax oo naxsan ayaa tiri:- Maya. Ee labo qof oo xiriir leh baa nahay waan sheekeysanay.
Aniga:- Sow adigii hada ilahaa in aynu intaas uun is dhaafsanay waan hubaa! Maxaa hadalkaaga is khilaafsiiyay?.
Ifraax wey aamustay weyna ka jawaabi weyday su’aashaasi. Ka dibna Axmed ayaan u yeeray, waxaana faray inuu xabsiga ku celiyo Ifraax, oo markan ii soo xareeyo Aadam oo ahaa qofkii u dambeeyay ee nolol ku arka Ibraahim.
Aadam ayaa ii soo galay. Haddii aan tilmaan ka bixiyo qaab dhismeedkiisa, Aadam wuxuu ahaa nin Ibraahim da’ ahaan ka wayn, waxaa wejigiisa ka muuqday daal badan, waadna dareemeysaa in ninkani uu yahay nin balwada aad u isticmaala. Axmed ayaan ku amray inuu baakad Sigaar ah u keeno Aadam, maadaama uu dhowr Beri xirnaa oo uu cabbin wax Sigaar ah, xaraarada sigaarkuna ay aad u heyso. Inta uuna wada hadalkayaga bilaaban, ayuu Aadam labo xabo oo sigaar ah si isku xigta oo shitay. Sidaan ayuuna wada hadalkeenu u dhacay:-
Aniga:- Aadam, ma Nafistay?.
Aadam:- Haa mudane, waad mahadsan tahay.
Aniga:- Adiga ayaa mudan. Aadam, iiga sheekee habeenkii 21da Luulyo, adiga iyo Ibraahim miyaad i aragteen?
Aadam:- Haah, weynu is aragnay. Abaaro 08:30 habeenimo, ayuu inoo yimid Ibraahim isaga oo Cimraan la socda, waxey inoogu yimaadeen meel aynu ku caweyn jirnay oo la yiraahdo Cawayska Aliyoona, halkaas oo aynu ku ciyaari jirnay ciyaaro kala duwan oo Maaweelo ah, habeen kastana aynu waqti ku wada qaadan jirnay. Sidaas markey Ivraahim iyo Cimraan gaariga uga soo wada dageenba, wey isku bilaabeen. Dagaal adag ayaa ku dhex maray gaariga Cimraan agtiisa. Dumar qayladood ayaynu maqalnay, waana ku soo yaacnay si aan u kala celino. Aniga Ibraahim ayaan soo kaxeeyay, Cumar iyo Sadiiqna waxay kaxeeyeen Cimraan. Habeenkii oo dhan ayaan waydiinayay Ibraahim waxa ay isku dagaaleen isaga iyo Cimraan, wuuse ii diiday inuu ii sheego. Cimraana sidoo kale, wuu diiday inuu u sheego Cumar iyo Sadiiq sababta dagaalka keentay. Ibraahim gees ayuu naga fariistay, ka dibna Talefoonka ayuu isticmaalay. 2 saac markuu dhinac naga fogaaba, wuxuu kusoo orday Cimraan, markaas ayuu hadana feer ku bilaabay. Waynu kala celinay misna, markii ayaana go’aan ku gaaray in aan Ibraahim ka kaxeeyo meesha. Saacadu markii ay 10;00 ku dhawaad ayay ahayd markii aan xaafadiisa geeyay, ka dibna aan ka tagay. Sadiiq oo gaariga Cimraan la socday ayeyna isku mar guriga wada galeen. Sidaas ayaa aragtida Ibraahim iigu dambaysay.
Aniga:- Ma hubtaa in adiga iyo Cimraan intaas uun idiin dhex martay?.
Aadam:- Haah waan hubaa.
Aniga:- Warqada aan hayo waxay sheegaysaa in saacadu markii ay ahayd ku dhawaad 12:00 habeenimo, adiga iyo Ibraahim aad joogteen buundada hoosteeda, halkaas oo aad Xashiish ka gadanayseen adiga iyo isaga oo wada socda. Waxaa isna xiran Ninka xashiishka idinka iibinayay oo cadeeyay xogtaan, sidaas awgeed ha isku dayin in aad inkirtid. Haddaad 10:00 oo fiidnimo geysay Ibraahim gurigiisa, sidee ayaad Saqda dhexe buundada oo ah halka Maydka Ibraahim laga helay u joogteen?.
Aadam wuu aamusay oo indhaha ayuu taagay. Axmed ayaan u yeeray, ka dibna waxaan ku amray in uu xabsiga ku celiyo. Ka dib waxaan codsaday in la ii soo xareeyo Sadiiq. Sadiiq waa Sayga (Ninka qaba) walaashey ilhaan. Waa seedigeen aniga iyo Ibraahimba, hase ahaatee maadaama uu kamid ahaa dadkii arkay Ibraahim habeenkaas, inaan wareysano waynu ku khasbanayn.
Aniga:- Sadiiq, waraaqdaan waxaa ku qoran in markuu Ibraahin guriga tagay in aad asaga iyo adigu isku mar hooyateen. Ilhaamna ay idinka furtay Albaabka, maxaad ka tiri arinkaas?.
Sadiiq:-Wax haba yaraatee ka jira arinkaas ma jiro, Ibraahim-na ma soo hooyan, xataa waad weydiin kartaa, ninkaas Aadam ayaa habeenkii oo dhan la socday, isaga ayaana dilay” ayuu inta ku jawaabay, ayuu Oohin iyo Baroor qabsaday. Wuxuu ii sii raaciyay “ Ibraahim walaalkay oo kale ayuu ahaa, in kiiskiisa la iiga shakiyana uma qalmo, ninkaas Aadam baa dilay ee isaga haloo toogto” waana uu sii baroortay.
Axmed ayaan u yeeray, waxaana ku amray in uu xabsiga ku celiyo, ka dibna uu Cumar ii soo xareeyo.
Cumar, wuxuu ahaa nin ay kalsooni badani ka muuqato oo wax cabsi ah ku jirin, wuxuuna ka mid ahaa dabeecad ahaan dadka ayna waxba dhibin oo wax walba fudaydka u qaata, nin iska dhoolacadeeya mar walbana waa lagu tilmaami jiray.
Aniga:- Cumar, halkaan waxaa ku qoran in aad ahayd qofkii ugu dambeeyay ee ay is wacaan Ibraahim. Maxaa kalifay inaad xiligaas wacdo?
Cumar:- Taliye, waxaan kala hadlayay oo aan xal u raadinayay dagaalka isaga iyo Cimraan dhex maray. Hase ahaatee, markii aan wacay isaga taleefoonka ma uu iga qaban, ee waxaa iga qabtay Sadiiq, ka dibna igu yiri Suuliga ayuu ku jiraa! Mar dambena ma aan wicin.
Cumar sida uu sheegayay sax ayay ahayd, 1 daqiiqo ka yar ayaana dhexmaray wada hadalka asaga lambarkiisa iyo Ibraahim taleefoonka uu watay ee ay Ifraax lahayd.
Axmed ayaan ku amray inuu isagana xabsiga ku celiyo, oo uu markaan ii soo xareeyo Cimraan, oo aniga ka Shakhsi ahaantayda tuhunka ugu badani uu dhankiisa iiga jiray.
Cimraan wuxuu ahaa sida aan xogtiisa ku hayo, nin xaasid ah oo ruufyaan ah, ragga iyo dumarkana ukala warqaada. Balse sidaas si la mid ah, Cimraan wuxuu ahaa fulay caan ah oo hooskiisa xitaa ka cabsada, taasina waxay adkaynaysay inuu ku dhiirado inuu geysto kiis dil ah.
Aniga:- Cimraan, adiga iyo Ibraahim maalin markii aad gaariga kasoo wada baxdeen maxaa kalifay dagaalkiina?, Maxaad asxaabtiina uga qariseen waxa sababay dagaalka idin dhex maray? Markii aad kala tagteen, adiga iyo Ifraax oo wadatay talefoonka Ibraahim, waxaa idiin dhex maray taleefoono gaaraya 13. 6 ka mid ah wey kugu mashquulisay taleefoonka, 6 ka mid ahna waa ay kugu dhageysatay, hal taleefoona waxaad wada hadasheen 1saac iyo 23 daqiiqo, iyo 41 sikin. Maxaa kalifay in aad dumaashidaa intaas wada hadashaan? Maxaase kalifay in aad intaas oo mar ay kugu mashquuliso taleefoonka, marna ay kaa qaban waydo?.
Cimraan:- Taliye, markaan Ibraahim ka soo qaaday Ifraax, anaga oo wada socona ayaanu murannay. Murankii ayaa meel adag nala gaaray, ka dibna inta aan is ilaaway, ayaan iri “Aabahaa ruufyaan dawladda dhabarka ka jabiyay ayaa uu ahaa”. Ibraahim intii ayuu ka xanaaqay, sidaas ayuuna dagaalku inagu dhexmaray. Sababta aan u qarinayay waxa kalifay dagaalkayagana, waan ogaa in aan khaldanahay oo aan Ibraahim dhinaca Aabihiis laga marin, haddii aan saaxiibaday u sheegi lahaa hadalka aan ku iri Ibraahim, iyaga ayaa idili lahaa xitaa, xiriirkana wey ii jari lahaayeen. Sababta aan Ifraax u wacayna waxay ahayd in ay aniga iyo Ibraahim xal inaga dhex raadiso, maadaama markuu xanaaqo iyada uun ay dejin kartay. Markii aan u sheegay Ifraax waxa kalifay dagaalkayaga aniga iyo Ibraahim, way xanaaqday sidaas ayayna mar iigu mashquulinaysay, marna iigu dhagaysanaysay taleefoonka.
Aniga qudheydu, waan ka carooday hadalka uu Cimraan ku yiri Ibraahim, inyar ayaana isku celiyay in aan gacan qaado, maadaama tababarkaygu yahay inaan xakameeyo shucuurtayda, waan is dajiyay oo waan is qaboojiyay. Axmed ayaan u yeeray, waxaana ku amray in uu Cimraan xabsiga ku celiyo.
Waan ka soo baxay xaruntii dembibaarista, waxaan u soo dhaqaaqay dhanka guriga Ibraahim si aan alaabaha iyo dharka Ibraahim u sadaqeeyo, ilhaam-na aan xaalkeeda u soo dajiyo. Gurigii ayaan imid, ilhaan ayaana i soo dhawaysay. Waan garanayaa gurigaan, waa gurigii uu Aabe jaamac ii kaxeeyay aniga iyo Gaduudow maalinkii aynu ilhaan ciyaalka ka difaacnay. Xasuuso fiican iyo kuwo dhaawac ii geystayba wuu leeyahay gurigu. Waxaan isha ku dhuftay, Ifraax oo bir gaari ka jabtay, kuna garaacaysa Xawaajigii ay qadada ku karin lahayd, markii aan waydiiyay aaway Kashii (garaacihii) Mooyaha loogu tala galayna, waxay iigu jawaabtay in ay ka jabtay, kana mashquushay in ay mid cusub soo gadato. “Xoogii ayaa kaa batay haddaad Kal bir ah jabisay” ayaan si kaftan ah ugu iri.
Barsada ayaan imid, ka dibna waxaan arkay derbiga oo Rinjigu kasoo daatay. Waan weydiiyay cidda jabisay, waxayna ii sheegtay in ciyaal xaafada tuuryeeya dhagaxoodu uu sidaas u galay Derbiga. “Oo goorma ayay xaafadu ciyaal yeelatay waaba Aag dawladeed?” ayaan waydiiyay.
“Sidaas ayay waayahaan iska ahayd” ayey iigu jawaabtay. Waan la qadeeyay maalintaas, Dharkii iyo Alaabihii Ibraahim ayaynu wada Sadaqeynay, waana ka soo tagay.
Waxaan amar ku bixiyay, in la sii daayo cid kasta oo eedaysane ku ahayd kiiska dilka Ibraahim, balse ayna magaalada ka bixi karin. Waxaan qabsaday Waqti 7 beri ah, in aan keenayo, cidda dishayna hubaal ayaan ka dhigay. Sababta aan eedaysanayaasha u sii daayay xeelad dambi baaris ayey ahayd, si dhow ayaana ula socday dhaq-dhaqaaqa 5ta eedaysane iyo mid kasta waxa uu samaynayo 7-daas beri.
Ifraax waxey ka Been sheegtay wicitaanka Ibraahim, Aadam wuxuu ka been sheegay in uu Ibraahim la socday ilaa xilli dambe, Sadiiq waxa uu ka been sheegay inuu habeenkaas uu Ibraahim guriga ku hoyday, Cumar Ibraahim ayuu xilli dambe wacay, Cimraanna Ifraax ayuu la hadlayay ilaa xilli dambe, Ibraahimna wuu la dagaalamay.
( La soco Qeybta Xigta).




