Ka dib markaan amar ku bixiyay in la sii daayo eedaysanayaasha, ayaan guri ka kireystay magaalada banaankeeda. Meel bilaa shanqar ah oo dhawaaqa shimbiraha oo kaliya laga maqlaayo ayaan deegaan u noqday, si aan maskaxda u dejiyo oo aan maskaxdayda isugu geeyo kiiskaan. Waxaan Ruushka kala imid sigaarka Kuubiyaanka la yiraahdo, isagii ayaan shitay, kadibna banaanka guriga ayaan soo fariistay. Shanqar yarida awgeed, waxaad maqlaysaa garaaca wadnahaaga. Waxaan galay xasuustii dilkii Aabe Jaamac.
Ibraahim markuu ii sheegay inuu ogaaday cida Aabe dishay, baan ka codsaday inuu ii sheego wuxuu ka og yahay, wuxuuna ii sheegay in dilka Aabe Jaamac ka hor Saddex maalmood, uu Ibraahim maqlay Aabe Jaamac oo taleefan ku hadlayay, oo uu Aabe Jaamac uu si kulul ula hadlayay qof khadka talefanka ugu jiray, oo uu kulahaa “Way inoo cadahay cida dishay Hebel, haddii aan bulshada u cadeynna, aniga iyo adiga ayuu nadilaa qofkaas. Waa in aan si dagdag ah banaanka ugu soo saarno wejiga dhabta ah ee ninkaan ina maamulaya.”
Waan sii wareystay Ibraahim, waxaan kaloo waydiiyay in ay jiraan wax kale oo uu maqlay. Ibraahim wuxuu ii sheegay inuu sidoo kale maqlay Aabe Jaamac oo leh “Waan ogahay in aynu lacag ku qaadanay ineynu ka aamusno xaaladaan, laakiin waan soo celinayaa lacagta haddii aad u diyaar garowdaan inaan wajigiisa dhabta ah soo saarno Ninkaan. Lacagtaani waa middii aynu ku Qabri tagi lahayn, 12 Milyan awgeed u dhiman maayo anigu, awlaad baan leeyahay, sharaf baan leeyahay, damiirna waan leeyahay. Anigu usbuucaan gudihiisa ayaan xogta banaanka dhigayaa, Ciqaab kastana dusha ayaan u dhiganayaa”. ayuu ku lahaa qofka uu markaas khadka taleefanka uu kula hadlaayay.
Markii aan Ibraahim intaas ka dhagaystay, ayaan ka codsaday inuusan xogtaas cid kale la wadaagin, oo iga war sugo aniga. 16 jir ayaan ahay, meel aan wax ka bilaabo magaranayo, waanse ku khasbanaa inaan wax uun sameeyo haba yaraatee. Nasiib wanaag wuu iga aqbalay, laakiin shardi ayuu iiga dhigay in wax kasta oo aan ogaado aan isaga la soo socodsiiyo. Waxaan raadiyay cid kiiskaan iga caawisa oo aan ku kalsoonaan karo, hal qof ayaana u doortay.
Bashiir wuxuu ahaa ninka tababaray saaxiibkey Gaduudow, waana nin in badan daacad u ah Dalkiisa iyo Diintiisa. Sheekooyinka aan ka hayo, ee ah inuu in badan diiday Musuqa iyo laaluushka, ayaa igu kalifay in aan isaga doorto. Waan u imid Bashiir, waxaana u sheegay intii uu Ibraahim ii sheegay oo dhan. Sidaan ayayna jawaabtiisu noqotay:-
“Adeer adiga iyo Ibraahinba aabihiin nin igu qaaliya ayuu ahaa, nin aynu aad isugu dhownahayna wuu ahaa. Hase ahaatee, anigu tababare ayaan ahay. Malihi darajada iyo awood aan ku codsan karo in aan kiis baaro, waliba kiis sida midkaan oo kale xasaasi u ah, shaqadaydana maaha taasi. Hase ahaatee, waxaan ku dadaalayaa in aan caawimaada kale ee aad iiga soo baahataan aan idinka caawiyo.”
Isla markiiba waxaan ka codsaday in uu imariyo imtixaanka tijaabada ah ee la yiraahda WIR. WIR, waa imtixaan ay maraan cid kasta oo soo codsata in ay ka mid noqdaan ciidanka dambi baarista, haddii ay ku guulaystaana, waxaa loo bilaaba tababarka. Haddii aad kuguulaysatid imtixaanka WIR, adiga oo aan tababarka marinba waxaad ka mid tahay oo aad ku jirtaa ciidanka dembi baarista dalka. Aniga dantaydu waxay ahayd, imtixaanka in aan maro, si markaan ku guulaysto aan ugu kuurgalo kiiska Aabe Jaamac, aniga oo aan tababarka bilaabin weli. Sharciga u yaala hay’ada dambi baaristana wuu banaynayaa qof bilaa tababar ah hadii uu kuguuleysto imtixaanka WIR, in uu awood u leeyahay baarista kiis si Madax banaan.
Haddii aan idinkaga sheekeyo Imtixaanka WIR, waxaan oran karaa imtixaanka Aakhiro uun baa ka adag. Jirkaaga oo dhan xubin xubin ayaa loo baarayaa, gudo iyo banaan. Hadduu cilad yar leeyahay, imtixaanka waad ku dhacday. Waxaa lagu marinayaa imtixaan aad u adag, sidoo kale waxaad mareysaa tijaabo nafeed. Waxaa la tijaabinayaa in ay Maskaxdaadu ay tahay mid caafimaad qabta, oo aadna ahayn qof maskaxiyan buuq ugu furan yahay. Dhowr jeer ayeuna imtixaan iga qaadeen, markii dambe waxey igu yiraahdeen:- Hal imtixaan ayaa kuu haray, haddii aad ku guulaysatid waxaad ka mid noqonaysaa ciidanka dembi baarista qaranka.
Waan ku farxay hadalkaas, ka dibna waxaan weydiiyay wuxuu imtixaanku yahay. Bistoolad ayuu ii dhiibay, ka dibna wuxuu yiri “Gaduudow dil oo ka takhalus”. Haddii aad xasuusataan, aniga iyo Gaduudow waxeynu isu nahay waan soo sheegay. Inuu tababaruhu igu yiraahdo Gaduudow dil, waxay iila mid ahayd asaga oo yiri naftaada dil oo is toogo. Isla markiiba waan ka diiday. Aniga oo aan hadalkii dhamayn, ayaan dhawaaq rasaaseed maqlay. Ka dib ayaan waydiiyay: Waa kuma?. Wuxuu igu yiri:- Waa Maxamuudkii tababarka kugula jiray oo inta walaalkiis loo keenay lagu yiri lug xabad uga dhufo. Waxay ila tahay adiga wuu ka xaninyo waynaaday, wixii loo dirayna wuu sameeyay.
Tababare Bashiir bistooladii ayuu ii dhiibay, ka dibna wuxuu igu amray in aan ku dhufto Gaduudow. Waxaan waydiiyay danta laga leeyahay imtixaankaan waxa ay tahay, Ka dib ayuu iigu jawaabay “Sida aad amarka ugu hogaansamaysid ayaan tijaabineynaa”. Waxaan ka codsaday inuu amar kale i siiyo si kastaba ha u adkaadee, oo uu kan iga khafiifiyo. Wuu iga diiday. Aniga oo aan hadal kale ku celin, ayaan bistoolada Gaduudow ku jeediyay, ka dibna Xabad ayaan ku riday aniga oo dhinaca kale fiirinaya oo ka sii jeesanaaya. Waan maqlay dhawaaqa rasaasta, waan soo jeestay, mise waa kan, tababare Bashiir oo dhoola cadaynaaya iyo Gaduudow oo caafimaad qaba. Xabada bistoolada ku jirtay dheemish ayey ahayd.
Haddii aan idiin sheegi sababta aan Gaduudow xabada ugu riday waxay tahay, waxaan anigu ku ciyaari jiray rasaasta dheemishka ah intii aan joogay xerada oo ahayd halkii aan ku barbaaray. Sida ay u dhawaaqdana waan xifdisanaa. Markii aan maqlay dhawaaqa rasaastii hore ee Maxmuud ayaan dareemay inay xabada dheemish tahay wuxuna ay tijaabo tahay. Intaas ka dib, waxaan jilay inaan ka xumahay dilka Gaduudow aniga oo og inay rasaastu dheemish tahay. Haddaan jilniinkaas sameeyeen, tababare Bashiir wuxuu igu celin lahaa imtixaan kale maadaama kan aan qishkiisa helay.
Intaasi waxay ahayd in yar oo ka mid ah maalmihii imtixaanka WIR, nasiib wanaag, waan ku soo baxay waxaana la igu daray liiska ciidanka dembi baarista qaranka. Markaas ayaan u kuur gakay kiiskii Aabe Jaamac.
( La soco Qeybta Xigta).




