Kiiska Aabe Jaamac wuxuu ahaa mid uu madmadow badani ku jiro oo la doonayay in la raad tiro. Xagga kale, aniguna waxaan ahaa qof aan waayo aragnimo iyo tababar ku filan haysan, oo iskadaa inaan kiis la qarinayo aan baaree, xataa mid muuqda ayaa igu adkayd in aan soo saaro. Ibraahim ayaan u laabtay, ka dibna waxaan u sheegay in la igu daray ciidanka oo aan ahay askari rasmi ah, sidaas awgeedna aan anigu gacanta ku qabanaayo kiiska Aabe Jaamac. Wuu igu dhiiri galiyay, dhabarka ayuuna iga dharbaaxay. Waxaan u imid Sargaalkii lagu badalay booska Aabe Jaamac oo ahaa Taliyaha ciidanka dambi baarista dalka. Waxaan ka codsaday inuu ii magacaabo dambi baaraha kiiska Aabe Jaamac, ama ugu yaraan uu igu daro kooxda ciidanka ah ee baaraysa kiiska. Sidii aan sheekada bilowgeeda ku soo sheegayba, lama ogola qof ay shucuuri hogaaminayso inuu baaro kiis. Askariga ama Sargaalka loo xilsaarayo kiiska, waa inuusan aqoon u lahayn cidda kiiska geysatay iyo cida loo geystay intaba. Sargaalku wuu iga diiday, maadaama ay shucuuri i wado oo la dilaha (Victim) uu yahay mid aynu aad isugu dhaweyn.
Waan ka soo baxay xafiiska, ka dibna waxaan go’aansaday inaan si iskay ah u soo xaqiijiyo kiiskaan, waliba si qarsoodi ah. In aan sidaas sameeyo waxay ahayd dambi qaran oo ciqaabteedu yahay Cayrin (Rukhso) iyo xabsi muddo dheer ah. aniguse nin waxaas oo dhanba u muuqdeen ma ahayn.
Wax uunbaa iiga bilownaa dambi baarista haba yaraatee. Markaad baaraysid kiis, waxaa marka koowaad la eegaa cida gaysatay kiiskaan waxa ku kalifay, cida loo gaystayna sababta loogu gaystay.
Waxaas oo idil markii aan qiimeeyay, waxay isugu biyo shubteen dhacdadii Dr. Qaasim. Sidey shacabku u fiiriyeen si ka duwan ayaan anigu u eegay kiiska Dr. Qaasim. Waxaan u eegay in uu dilkaani shirqool ahaa, oo ay lug ku lahaayeen Hay’ada sirdoonku. Ilaa aan kiiska Dr. Qaasim cida gaysatay aan soo saarona, ayna suurto gal ahayn in aan kiiska dilka Aabe Jaamac soo saaro. Muddo 4bilood ayaan ku soo saaray cida dishay Dr. Qaasim iyo Aabe Jaamac. Waxaan dajiyay qorshe kala horeeya, oo aan si kala horeeya u baaray. Waxaan is waydiiyay dhowr su’aalood, baarista jawaabtooda ayaana ku helay caddeymaha kiiska.
1)Haddii ay sirdoonku dileen Dr. Qaasim, waa kuma cida u fududeyn kartay dilkaas?.
2)Halkee ayuu ka ogaaday kiiskaas Aabe Jaamac?.
3)Yaa ku faaiiday dilka xildhibaan Qaasim?
4) Waa kuma cida baahida badan u haysay inuu dhinto Dr. Qaasim?.
5) Yaa dadka jahwareeriyay oo kasii jeediyay sirdoonka, kuna jeediyay dhinaca dadkii la xasuuqay ee qaxootiga ahaa?.
Su’aalahaan oo dhan jawaabtooda markaan helay, ayaan xaqiiqsaday cidda dhabta ah ee labada kiisba gashay.
Intaas ka dibna waxaan Live, ka soo galay barta aan ku leeyahay Facebook-ga, anigoo weliba si weyn ugu Caddeeyay Qofka ka dambeeyay Kiiskaas ee Dembiilaha ah iyo qofka uu yahay.
Intaas ayaan uga baxay live-ka. Isla markiiba, caalamka oo dhan ayuu ku gaaray ilbiriqsiyo muuqaalkaasi. Dalkii oo dhan ayaa isla kacay, dadka dhamaan ayaa wada qeyliyay. Qorshe dheer ayaa la maray si loo xaqiijiyo kiiska, Ugu dambayn, cadaynteydii mid Saxan ayay noqotay.
Anigu, inta kiiska labaarayo baadiye cidlo ah ayaan joogay. Reero reer guuraa ah ayaan la daganaa, waayo xisbigii talada hayay ayaan kiiska Madaxa u saaray, dhinaca kalena Aabahay i soo korsaday ayaan ku tilmaamay inuu dalkiisa lacag ku badashay, xeradiina kuma laaban karo oo kiis aan la ii xil saarin ayaan baaray, cadaymo aan shuqul ku lahayn in shacabka la ogaysiiyana waan faafiyay. Waxaan la kulmay isla sheekeysi tiro badan, shalaay iyo caanan ayaana ila qaybsaday maalmahayga. Marna ma suurto galaynin inaan cadeeyo kiiska Aabe Jaamac aniga oo qarinaaya inuu khiyaamo sameeyay. Labo daran mid dooro ayay ahayd. In aan qariyo kiiska dilka Aabe Jaamac si aan sharaftiisa u ilaaliyo, iyo inaan cadeeyo kiiskiisa si Dadka iyo, Dalkaba uga badbaadaan khiyaamada Dowlada iyo sidoo kale si ay u soo baxdo iney labadayda Waalid si xaqdarro ah loo dilay.
Lix bilood ka dib ayaan dib ugu laabtay magaaladii, iyadoo wax badan dalka laga beddelay. Cadaymahaygii ayaa la muujiyay in ay dhab yihiin. Sidii aan usii socday, ayaan tagay xerada Ciidanka Dambi baarista, si aan isugu dhiibo oo la ii maxkamadeeyo. Sidii aan filayayba, Ciqaab ayaa la i mariyay. Waxaa la igu xukumay Laba sano oo xarig ah, liiska ciidankana waa leyga saaray.
Laba Sano ka dib xabsigii ayaan ka soo baxay, dib ayaana mar labaad ciidankii dambi baarista u qortay. Imtixaankii ayaan dib u maray, nasiib wanaag waan ku guuleystay sidii ayaana tababar Ruushka ah la iigu qaaday. Tababarkii ayaan ku soo baxay, ka dibna dalka ayaan shaqo badan ka qabtay. Dib ayaa Ruushka la iigu celiyay si aan u soo maro tababarkii Sarkaalnimo, kadibna aniga oo labo xidigood wata ayaan soo laabtay. Markaan aan sheekadaan ka sheekeynayo oo hadeer ah Saddex xidigle ayaan ahay. Mudadaas oo dhan Ibraahim iyo Ilhaan midkoodna ma arag, oo xitaa wada hadal ma uusan dhex marin. Iyada oo ay sidaas tahay, ayaa uu dhacay kiiska dilka Ibraahim.
Markii aan xasuusta ka baxay, ayaan xaqiiqsaday in ay kiiskaan ay gaysan karaan cid ka baxsan 5ta eedaysane. Sidii caadada ii ahaydba, qorshe kala horeeya ayaan dejiyay in aan baaro, su’aalaha aan iswaydiiyay jawaabtooda ayaana ii fududeeyay inaan helo cida dhabta ah ee dishay Ibraahim.
1) Yaa faa’ido kuqaba dilka Ibraahim?.
2) Dadka kiiska u xiran, yaa baahida u badan qaba inuu Ibraahim dhinto?.
3) Ma jirtaa cid ka baxsan oo habeenkaas Ibraahim la kulmay?.
4) Aniga naftaydu, ma si shucuur kujirto ayaan u baarayaa kiiska?.
Iyo su’aalo kale oo arintaan la xiriirta.
Ogaanshaha jawaabaha su’aalahaan, ayaa ii fududeeyay inaan cida dhabta ah ee gaysatay kiiska aan banaanka u soo saaro. 7dii beri ee aan qabsaday ayaan ku soo saaray kiiska, ka dibna waxaan isugu yeeray eedayasanaayshii oo ay weheliyaan Saddex qof oo kale, kuwaas oo kala ah:- Ilhaan, Ninkii xashiishka ka iibiyay Aadam, iyo Axmed. Ka dibna sidaan ayaan ku soo bandhigay cida dishay Ibraahim.
( La soco Qeybta Xigta).




