Mararka qaar safarradu ma aha oo keliya socdaal meel loo socdo, balse waxay noqdaan bilowga xusuus aan si fudud qalbiga uga bixin. Qoraalkan wuxuu ka warramayaa kulan lama filaan ah oo ka dhacay safar, kulan si tartiib ah u beddelay dareenkii iyo fikirkii qofka sheekada ka warramaya.
Aniguse, qoraalkaasi wuxuu iila noqday soo dhawayn; soo dhawayn iga qaaday xasilloonidii, heer aan illoobay sadaradii aan akhrinayey.
Markii aan eegay dhinacayga midig, waxaan dareemay saqraan la mid ah qofka cabbay khamriga jacaylka. Waxaa dhinacayga si kedis ah usoo fariistay wiil dhalinyaro ah. Markay indhahaygu ku dhaceen ayaan si naxdin leh uga soo jeestay, buuggaygiina ku booday sidii qof degdegsiimo ku furan tahay, balse aqriskii ayaan kari waayey.
Si kedis ah ayuu ii yidhi:
“Waxaa kaa dhiman oo keliya coffee-ga ee makuu dalbaa, Boqraney?”
Talow yaa u sheegay in aan jeclahay in laygu yeero Boqran?
Anigoo kaftan iska baaraya ayaan iri:
“Aqriska haddaan ku daro coffee, baska ayaa ila tagaya meeshii aan tagi lahaana waan dhaafi.”
Wuxuu iigu warceliyey:
“Sidaa oo dhan miyaad coffee-ga u jeceshahay ilaa uu ku dhaafiyo meeshii aad u socotay?”
Niyaddayda ayaa jawaab degdeg ah bixisay:
“Sidoo kale ag fadhigaaga xitaa wuu i dhaafin lahaa meeshaan u socday.”
Afkana waxaan ka iri, anigoo qajilaad badan iga muuqato:
“Waa sidaa, wllo.”
Wuxuu mar kale yiri:
“Talow markaan ku soo ag fadhiisanayey daqiiqado maadan i dareemin? Buugga dareenkaaga sidaan oo dhan miyuu ula falgalay heer aadan dareemin in lagu ag fadhiyo?”
Si niyadaa mar kale u iri:
“Allow nin aan wax ogeyn ha cadaabin. Maba oga in aqriskii hakad iga galay, sadaradiina kala taguna ila noqdeen soo dhawayn.”
“Haa, wllo, buugga ayaa igu khasbay inaanan dareemin ag fadhigaaga.”
“Haye, aan is baranno. Magacaygu waa Muhanad.”
“Aniguna Calwa ayaa lay yidhaa.”
“Haye, halkaad ku socotay, Calway? Waa macquul sidaan isku kursi u nahay inaan isku waddo nahaye.”
“Waa macquul, Muhanadow. Waxaan ku socdaa dhulkaas iyo Boosaaso.”
“Sow inaga isku midkaa? Aniguna Boosaaso ayaan u sii socdaa, inkastoo Qardho ku sii aadanahay.”
“Haa, anigu maalmo ayaan ku nagaanayaa Boosaaso, waxaana ka sii aadi doonaa Eyl.”
“Calway, safarkaagu waa safar dalxiis baan u malaynayaa?”
“Haa, Muhanadow, maalmo ayaan rabaa inaan soo dalxiiso.”
Intaan is dhaafsanaynay warbixintaas, gabalkii ayaa dhacay. Baskiina baakin ayaa la geliyey. Qof kastaana meel ayuu alaabtiisii dhigtay.
Muhanad wuxuu yiri:
“Calwa, aniga iyo adiga aan isku meel fariisanno. Waxaan rabaa inaad buugta wax badan iiga faa’iidaysid.”
Habeen ayay sii noqotay, dabna waa la shiday. Aniga iyo Muhanadna isku meel ayaan alaabtii dhiganay si aan sheekooyin badan isku dhaafsanno.
Sidii ayaan ku bilawnay inaan sheekooyin badan wadaagno, Muhanadna uu in badan aqriska iga waraysto. Markuu su’aalo badan i weydiiyey ayaan iri:
“Muhanadow, si aad ah ayaad u xiisaynaysaa aqriska ee maad ku soo biirtid?”
Intuu yara dhoolla-caddeeyey ayuu yiri:
“Sanado ayaan aqriste ahaa. Su’aalaha faraha badan waxaan kuu weydiinayey si aan u ogaado fikirka aad ka qabto aqriska.”
Markaan xoogaa yara kaftannay ayuu yiri:
“Aan noo keeno shaah sheekadeenna wehliya. Kolay meeshaan joogno waa tuulee, coffee-gii aad jeclayd lama helayee.”
Sidii ayuu shaah noogu doonay.
Intuu maqnaa, niyaddayda ayaa aad uga fikiraysay wiilkan dabciga wanaagsan, xitaa aan isiinayn jaanis aan ku nasto.
Wuxuu noo keenay shaah iyo buskud. Waxaan sii wadnay sheekadeennnii.
Habeenkii ayaa kala barmay, anigana waan hurdooday. Muhanad ayaa boorsadiisa ka soo bixiyey buste yar oo fudud, iguna saaciday.
Dhulka ayaan madaxa dhigay si aan u indho-guduudsado.
Maxaan yara seexdaa, soo aniga ku mashquulsana haybaddan naxariista badan ee i ag fadhida?
Habeenkayga oo dhan ayuu hantiyey. Kama fikirayo hurdo la’aanta, balse waxaa walwal igu haya inuu inyar niyaddayda ka baxo.
Habeenkaas waxaan dareemay nolol ka duwan nolosha aan ku noolaa. Daryeel iyo koolkoolin fara badan ayuu ii muujiyey. Intaan qiyaasayey ka badan ayuuba ahaa.
Si kedis ah ayuu waagu u baryey, waxaana ku soo kacay:
“Calwa, ka kac hurdada oo quraacda noo samee.”
Alla maxay ahayd riyo qurux badan! Waxaan jeclaan lahaa in riyadaas dabadeed aanan arag riyo kale si aan taas u xifdiyo.
Waa sidaan jeclaan lahaa in uu safarkayga ahaado, Boqorna uu i wehlinayo.
















