Bushra waxey ku soo laabatay magaaladeed, waxayna ku degtay gurigii ay awal degeneyd oo waxaa u yaalay shaqooyin fara badan oo shirkadda ah.

Bushra ayaa maalinkii xigayna aaday shaqadii waxeyna aad ugu hamineysay in ay la kulanto gabadheedii ay soo korineysay muddo 4 sano ah, waxeyna soo xasuusaneysay mar walba sida ay Hooyo Bishaaro u aheyd hooyo fiixan, oo ay mar walba u garab istaagi jirtay.

Bushra ayaa laba maalin oo ay magaalada joogtay fursad u waysay in ay reerka soo booqato, waayo kulamadii ay dib u dhigtay bey labadaa maalin ku soo gaba-gabeneysay, maantaba 4saac waxey aadday gurigii Bashiir, waxaana albaabka ka furtay hooyo Bishaaro.

Bushra oo dhoola cadeyneysa oo leh, hooyo macaan Alla maxaan kuu xiisay ayaa ku booday oo laabta gelisay, labadoodana illin farxadeed ayaa ka timid, waxeyna wada fadhiisteen qolka fadhiga oo xiiso dartii iloobeen inta saacadood ay sheekeynayeen, waxaana la gaaray duhur.

Bushra ayaa gashay qolkii u ijaarnaa oo ay guriga ka degeneyd, balse waaba qolkii ay 6sano ka hor degeneyd, waxeyna ku soo xasuusatay waqtiyadii adkaa oo ay ku soo qaadatay dhexdiisa iyo inta jeer oo ay dhexdiisa ku soo Oysay, waxay heshay buugaagtii ay wax ku baraneysay iyo sawiradii qalin jabinteeda, ka dibna waxa ay u kacday salaaddii duhur ka dibna eey gama’day.

Waxaa iskuulka ka timid Firdowsa, waxeyna aragtay boorsadii Jamiila oo fadhiga taalla, waxeyna u carartay qolka Jamiila si ay u aragto.

Firdowsa ayaa qolka u soo gashay Bushra, waxeyna aragtay in ay hurdeyso, ka dibna wey iska laabatay, balse Bushra oo maqleysay dhawaaqa furitaanka albaabka ayaa aragtay Firdowsa oo ka baxeysa albaabka, Bushra ayaa intey istaagtay soo qabatay Gacanteeda Firdowsa oo sii socota oo intay soo jeedisay laabta gelisay, oo intey sariirta soo fadhiisisay la hadashay oo u sheegtay iney habaryarteed tahay, Bushra oo ay xasuustu ka maqneyd laakiin hadda ay wax waliba xasuusato taasna ay uga mahadcelineyso maadaama ay iyada guriga keentay.

Intaas ka dib Firdowsa ayaa aad u faraxday oo mar kale laabta gelisay Bushra una sheegtay ineysan cidleyn mar kale oo ay la joogeyso.

Bushra ayaa u balan qaaday Firdowsa ineysan mar dambe cidleyn doonin, balse aysan Aabo Bashiir u sheegin iney Bushra tahay oo ay dooneyso iney u sheegto maalin kale oo ay rabto inry kedis uga dhigto, weyna ka yeeshay.

Waxaa la gaaray Maqrib, waxana yimid Bashiir oo waxaa soo dhaweysay gabadhiisa waxa ayna u sheegtay iney habo Jamiila timid, Bashiir dan ma uusan ka galin imaanshaha Jamiila, wuxuuna aaday qolkiisa si uu u nasto.

Jamiila waxey fadhisay dabaqa kore dushiisa meel kuraas fadhi ah ay yaalaan si ay hawo fiican u qaadato oy u nafisto, maadaama xusuusaha tirada badan ay qolkii uga soo baxday.

Waxaa la gaaray xilligii cashada, balse Bushra casho dhanba nafis uma hayn oo waxey hooyo Bishaaro u sheegtay iney casho u soo degeyn oo ay baahaneyn.

Bashiir kuma arkin Jamiila miiska cashada, mana oga iney Bushra uu raadinayay ee uu ku khaldaayay tahay.

Bushra waxey iska seexatay kuraastii fadhiga aheyd oo waxay ka cabsatay hadey hoos usoo degto iney is arkaan Bashiir, isagana waxa uu fadhiyay dabaqa hoose wuxuuna sugaayay in uu arko Jamiila maadaama uu laba bilood ku dhawaad uu muuqeeda arkin.

Ugu dambeyn Bashiir wuxuu aaday kor si uu u soo arko xaaladda Jamiila iyo sababta ay cashada ugu soo degi weyday, balse waxa uu ugu tagay ayada oo hurdeysa, oo wuxuu ku fadhiistay kursi horteeda yaalay, wuxuuna ka fikirayay sida ay ugu ektahay xaaskiisii Bushra, wuxuuna eegayay wejigeeda aad moodo ilmo yar oo hurdaaya.

Ka dib wuu istaagay wuxuuna isku dayay inuu ka kiciyo Bushra oo uu ku yiraahdo soo xaroo gudaha soo gal, waxey naftiisa u sawirtay inuu qaado Jamiila oo uu qolkeeda geeyo kana soo tago, balse intuu sii istaagayay ayey Bushra indhaha kala qaaday oo aragtay ninkan soo istaagaya oo horteeda taagan balse uu miisku u dhexeeyo.

Bushra ayaa soo fadhiisatay oo istaagtay una jiheysatay dhanka dabaqa hoose waxeyna aaday qolkeedii.

Waxaa la gaaray subixii, waxeyna Bashiir iyo Bushra kala aadeen shaqooyinkoodii iyagoon is arag.

( La soco Qeybta Xigta).

Abdulkadir Uukow

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

The reCAPTCHA verification period has expired. Please reload the page.