Waa maalin Sabti ah, waxaan ku suganahay dalka Ruushka oo aan u joogo tababarkeygii Sarkaalnimo ee Dembi baarista. Waxaan ugu soo kacay taleefankayga 50 Messege Call, wax ka badan, waxaana badankood lahayd Walaashey ilhaan. Waan argagaxay oo waan dareemay in ay wax dhaceen, hase ahaatee tababarkeygii ayaan xasuustay, ka dibna waan is yara dejiyay. Waxaan dib ugu celiya ilhaan, ka dibna wey iga qabatay. Sidaan ayuuna wada hadalkeenii u dhacay:-
“Ismaaciiloow” ayay i tiri iyadoo aad moodid in ay Naxsan tahay, neeftana labo rideysa oo aad moodid iney ilintu indhaheeda ka dhamaatay.
“Hee abaayo ilhaan, Maxaa ku helay? Ila hadal oo ii jawaab”
Cabaar ayey aamusnayd sidii qof Cabsanaayo, ka dib ayay cod hoose oo ay Oohin weheliso igu tiri “Ibraahim waa la dilay oo Meydkiisa ayaa laga helay Meel Tog hoostiisa ah. Cid dishayna ilaa hadda la garan maayo”.
Waan naxay, hase ahaatee tababarkayga ayaa ahaa in aan la macaamilo shucuur kasta oo gudahayga ka dhex guuxaysa. Waan is dajiyay, ka dibna waxaan ugu jawaabay “Booliiska ma Ogeysiisay?”.
Ilhaan:- Haah, laakiin weli Meydkii lama qaadin oo meeshii ayuu yaalaa.
Aniga:- Abaayo is deji, Qaybta dambibaarista ayaan wacayaa, inta aan maydka la qaadin ka horna iyaga ayaa baaraya, si loo ogaado waxa kalifay dilkiisa, cida lagu tuhmi karo, iyo qaabka loo dilay intaba. Isug waan kugu soo celinayaa’e”.
Waxaan wacay Axmed oo ah Askari kuwa aan maamulo ka mid ah oo ka shaqeeya Xarunta dambibaarista, ka dibna waxaan ku amray in uu maydka dul tago oo uu iiga soo waramo wax kasta oo ku saabsan, waxna in uusan ilaawin oo uu u hubiyo sida gaari celis ah oo uu iibsanayo oo kale, ayaan ku amray iyana.
Intii uu Axmed ku maqnaa hubinta maydka iyo raadinta cadaymaha, ayaan Suuliga galay si aan u Mayrto. Waxaana dib u galay xasuus, iyo waxa ay ii yihiin Ibraahim iyo Ilhaan.
Waxaan jiraa 7 sano, waxaan ahay Agoon iyo rajay ay waalidiintiis dhinteen, sidoo kale waxaan ahay barakace aan joogin dhulkii uu ku dhashay. Waxaan ka soo jeedaa mid ka mid ah beelaha la Hayb sooco ee aan dalkaan iyo dadkaanba xuquuq ku lahayn. Maalin Axad ah aniga oo Derbi jiifa oo uu i ag hurdo saaxiibkey Gaduudow oo ahaa Eey aynu ku walaalownay Derbi jiifnimada, oo aan isla qaraaban jirnay, is difaaci jirnay, sidoo kalena aan is wehlin jirnay, ayaa waxaan meel fog ka arkay ciyaalka baalashka (Caseeyayaasha ah) oo gabar iskuuleey ah khash-khashaadaya. Waxaan u dhaqaaqay dhinaca ciyaalka, si aan uga difaaco gabadhaas yar ee ay dhibaayaan, Nasiib wanaagse kuwo aynu is garaneyno ayay noqdeen. Ka dib markii ay i arkeen, ayay ordeen, inantii yaraydna sidaas ayay ku badbaaday oo ay gurigeedii ku tagtay.
3 saacadood ka dibna Aniga iyo Gaduudow oo halkeenii Hurda, ayaa waxaa ii yimid inantii yarayd oo uu la socdo qof kale. Markii aad aragtid Ninkaas, ayaad ogaaneysaa in makhluuqaani uu yahay mid aan la mid ahayn kuwa caadiga ah. Wuxuu ahaa Nin dheer oo xooggan, Gar aad u weyn ayuu lahaa.
Wey noo yimaadeen, kadibna wada hadalkaan ayaa ina dhex maray:-
Ninka:- Adeer magacaa ?.
Aniga:- Ismaaciil, Eygaan isna waxaa la dhahaa Gaduudow. Adigu magacaa Adeer?.
Ninka:- Adeer, aniga waxaa la i yiraahdaa Jaamac, tanina waa gabadheyda Ilhaan.
Aniga oo halkaas maraaya, ayaa taleefoonku igu soo dhacay, ka dibna Suuliga ayaan ka soo baxay si aan u qabto, wuxuuna ahaa Axmed oo riboodkii ii wada.
Axmed:- Taliye waxaan gacanta ku hayaa 5 qof oo aan ku tuhmayo iney dileen Ibraahim, cadaymihii maydkana waan hayaa, ee sideen yeelaa, teeda kale, odayaashii Ibraahim Reerkiisa ahaa ayaa ku doodaaya in maydka si dhakhso ah loo Aaso, markii aan ku iraahday walaalkiis ayaa igu amray in aan baarana, waxay iigu jawaabayaan Nin la soo korsaday walaal ma noqdo, ee sidee yeelaa taliye ?. Waxaan ugu jawaabay “Hadii aad maydka xogtiisa haysid, eedeysanayaashiina aad haysid, iska sii ha aastaan maydkee. Balse inta aan anigu ka imaanayo, cidna eedeysanayaashaas ma arki karto, cidina lama kulmi karto. Xataa haddii uu yahay Madaxwaynaha Dalka, arintaani saacaan laga bilaabo waa Kiis u yaal.
(La soco Qeybta Xigta ).







Part two lasoo dhaqso zhb
Qataada