Markuu hubsaday in hadalka buuga ku qoran uu sax yahay ayuu mobilkii demiyay wuxuuna bilaabay inuu Ooyo, inuu qeyliyo, iyo inuu ka shallaayo wixii dhibaato iyo qeylo ahaa ee uu ku soo sameeyay Bushra, wuxuuna ku fikirayay sida ay u tahay qof dulqaad badan iyo sida ay u qarisay oy daacadda ugu aheyd dardaarankii walaasheed oo ay uga doorbiday nolosheedii iyo riyadeedi kaliya si ay u koriso inantiisa yar.

Bushra waxaa u bilawday sanadkii 4aad ee jaamacadda, waxaana u bilawday buug qoristii oo aad bey mashquul u tahay.

Bashiir wuxuu markii ugu horeysay 2 sano ka dib mobilkiisa ku save gareystay lambarkii tilifoonka Bushra oo uu hooyadiisa ka soo qaatay, wuxuu markii ugu horeysay mobilkiisa ku qoray magaca Bushra.

Wuxuu maskaxdiisa ka raadiyay wejiga Bushra balse maba soo xasuusanayo wejigeeda, waayo indhihiisa maba uusan siin jirin oo maba uusan eegi jirin inta badan.

Waxa uu isku dayay in uu ka waco mobilkii ay gabadhiisa kala hadashiin jirtay, waa ay ka qabatay, laakiin sidi caadada aheyd wajigeeda kuma jeeddo kaamirada, waayo asaga ayaa hadda ka hor ku qeyliyay oo yiri gabadheyda inaan arko ayaan u soo wactamay gabdheyda un ku aadi mobilka oo kaamirada gadaal fur wejigaaga dhanba iga qari.

Gabadhiisa ayey tusisay oo ay u dhiibtay mobilka si uu ula sheekeysto, laakiin Bashiir gabdhiisa umuu soo wactamin maanta, ee wuxuu rabay inuu arko Bushra.

Bushra u gee mobilka ayuu ku yiri inantiisii yareyd, markey u geysay ayey wajigeeda ka leexisay, waxayna furtay kaamirada gadaal, balse isaga ayaa weydiiyay markii ugu horeysay xaaladeeda oo ku yiri, Sidee tahay?

Amiira waxa ay u fahamtay in uu la hadlayo gabadhiisa oo waxay ku dhahday wey fiican tahay wax dhib ah ma jiraan, waxayna u dhiibtay mobilka inanta yar, Bashiir ayaa ku soo celiyay, sidee tahay adiga ayaan kula hadlayaa Bushra.

(Waa markii ugu horeysay uu magaceeda Afkiisa ka soo baxo oo dib buu u fikiray wuxu is yiri goormaa magaceeda ugu wici jirtay waa yaabe).

Bushra weyba dhaqaajisay oo maba aysan maqlin hadalkaa oo waxay aaday jikada si ay qado ugu keento hooyo Bishaaro.

Bashiir markuu arkay in inantiisa yar oo kaliya la hadleyso ayuu weydiiyay habaryar aaway, Waxay ku tiri wey baxday jikada ayey aaday hooyo ayey isla qadeynayaan.

Bashiir wuu ka baxay Video callkii oo wax yar ka dib wuxuu Video call ka soo wacay hooyo hooyo Bishaaro, waxayna wada qadeynayeen Bushra iyo inantiisi Firdowsa, Isaga hadafkiisu wuxuu ahaa in uu Bushra arko, Hooyadii ayaa ka qabatay mobilka oo ay cabaar wada hadleen iyada oo fadhisa miiska qadada, Bashiir ayaa weydiiyay hooyadii Bushra xaaladeeda waana markii ugu horeysay oo uu ka wareysanaayo xaaladeeda, ka dib muddo 2 sano ah.

Hooyo Bishaaro ayaa fahamtay in inankeedu isbedelay oo uu doonayo inuu wax ka ogaado axwaasha Bushra, oo isla markiiba waxay mobilka u soo dhiibtay Bushra oo horteeda cunto ku cuneysa oo maqleysay hadalkiisa, Bushra wax ay sheegto ayey garan waysay oo aamusnaan ayaa ka soo hartay, halka isagana uu markuu arkay muuqaalkeeda bilaabay iney illini indhahiisa ku soo istaagto, balse wuu is dejiyay oo ma rabin in ay Bushra ogaato inuu ogyahay wax walba.

Aamusnaan yar kadib Bashiir ayaa weydiiyay Bushra jaamacada iyo waxbarashada halka ay u marayaan iyo hadey bilawday buug qoristii, Bushra ayaa ugu jawaabtay in ay wax walba meel fiican marayaan wax dhib ahna jirin, Bashiir ayaa wuxuu soo xasuustay in uusan hal sawir ka haysanin Bushra, oo wuxuu video callka ka qaatay laba sawir oo screenshot ah si uu ugu haysto xasuus ahaan.

Intaas ka dib Bushra waxay ku tiri hadda qado ayaan cunayaa ee macasalaama, waxayna mobilkii u dhiibtay hooyo Bishaaro, Bushra ma fahmin sababta uu Bashiir ula hadlay maanta, mana ay isku mashquulinin, illaa ay maalmo ka dib weysay buuggii ay xasuusta ku qoran jirtay oo ku jiray armaajada dharka qolkeeda.

Buugii ayey meel walba ka raadisay weyna waysay, waxeyna soo xasuusatay in maalin dhaweyd uu Bashiir si wanaagsan ula hadlay asagoon waligii taleefon kala hadal, Hooyo Bishaaro ayey weydiisay haddey aragtay buug gaduudan oo ay ayada leedahay, Hooyo Bishaaro ayaa u sheegtay wixii dhacay iyo in buuga uu Bashiir aktiisa jiro, wax walbana uu ogaaday.

Bushra ciil ayaa qabtay oo waxay ogaatay in uusan la hadli laheyn Bashiir waligeed haddii uusan buugaas arki laheyn, waxey ogaatay in uu waligiis abaal uga hayn laheyn korinta iyo xanaanada ay siineyso inantiisa, waxeyna go’an ku gaartay in ay la hadlin mar dambe iyo ineysan hilmamin dhaqankii xumaa iyo dhibkii uu soo marsiiyay iyo dhiigii uu ka galay intaba.

Bashiir wuxuu Bushra soo wacaba iyadu kama eysan qaban jirin mobilka oo marnaba uma eysan ogolaanin inuu wajigeeda arko maalin kale, taas oo Bashiir murugo ku abuurtay kana dhigtay inuu ku duceysto waxbarshadan mar un mey kuu dhamaato aad laabatide, Bilooyin ka dib wuxuu Bashiir wehel ka dhigto labadii sawir ee Bushra, waxaa la gaaray maalintii Qalinjabinteeda.

Jaamacadda ayuu ka ogaaday in ay maalmo ka dhiman yihiin qalinjabinta dufcaddii ay ku jirtay Bushra, wuxuuna go’aansaday inuu fasax soo qaato 3Maalin, oo 2ka mid ah ay khamiis iyo jimco yihiin, wuxuuna isku soo beegay maalintii qalinjabinta, Bushra waxa ay isku diyaarisay xafladii oo waxay xiratay dharkii qalinjabinta hooyo Bishaaro iyo inantii yareyd iyaguna waxa ay soo baxayaan marka ay qudbadaha dhamaadaan si ay sawiro ula galaan Bushra oo ay garabkeeda u joogaan maalinta farxadeeda.

Bashiir ayaa asna diyaaraddiisii timid Xilli ay xafladda meel dhexe mareysay, maamulka jamacaddana wuu soo ogeysiiyay in uu ka qeyb galaayo xafladda, maadaama uu u shaqeeyo jaamacadda oo ay u dirtay inuu soo diyaariyo BHD.

Wuxuu dhinac ka joogay xafladda oo waxaa socday qudbadaha, lkn Bushra waxba kama eysan ogeen imaanshiyaha Bashiir, Qudbadihi markey dhamaadeen ayuu Bashiir istaagay si uu hadal yar u yiraahdo, wuxuuna ku bilaabay:-

Waxaa sharaf weyn ii ah in aan ka soo qeyb galo xafladan qiimaha badan, waxaana ku imid safar si aan idiin la qeybsado farxadiina gaar ahaana farxada ula qeybsado xaaskeyga aan jeclahay oo ka tirsan dufcadda maanta ka qalin jabineysa jaamacadda, waxaan leeyahay aad bey farxad iigu tahay qalin jabintaada, aad ayaan kuugu faanayaa, waxaan uga mahad celinayaa sida aad u muujisay kartida iyo dulqaadkaaga oo aad ugu dhabar adeygtay culeyskii badnaa eed soo martay, Hambalyo xaaskeyga.

( La soco Qeybta Xigta).

Abdulkadir Uukow

7 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

The reCAPTCHA verification period has expired. Please reload the page.