Bushrana waxay ku tiri Bashiir waa wiil qalbi wanaagsan, waxa uu ka argagaxay geeridii xaaskiisa oo lama filaan ku noqotay, waxaan rabaa inaad is fahamtaan oo khilaafkaan soo gabagabeysaan.

Sharaxaad badan ka dib Bushra raali ayey ka noqotay in ay Bashiir la heshiiso, maadaama arooskoodu yahay heshiis oo waqti ku xiran yahay ma ahan in ay intaas kula joogto Bashiir qeylo iyo isfaham daro.

Hooyada ayaa Bushra ka codsatay iney Bashiir u kariso cuntooyinka uu jecel yahay ee ay xaaskiisa u karin jirtay oo ku tiri cuntooyinkan sidan u kari oo ugu sii diyaari Miiska qadada, ka dibna si tartiib ah ula hadal waa intaasuu ku fahmaaye.

Bushra ayaa qaadatay dhamaan warkii hooyo Bishaaro, waxayna ka codsatay iney qadada la diyaariso, si ay ugu sheegsheegto qaabka loo karinayo, waxayna u diyaariyeen Bashiir qado aad u wanaagsan.

Hooyo Bishaaro ayaa baxday inta uu Bashiir imaanin sababta oo ah asaga oo gabadhiisa la jooga lagama yaabo in uu daqiiqad yar siiyo Bushra.

Bashiir wuu soo laabtay wuxuuna arkay miiskii qadada oo ay saaran yihiin cuntooyinkii ay xaaskiisa u diyaarin jirtay iyo saxamadii qurxoonaa ay xaaskiisa soo iibisay.

Asagoo yaaban oo weli qolalka kale aadin oo is dhahaya tolow qofkan cuntadan diyaariyay ma hooyo baa oo jikada fiiri is dhahaya ayuu ugu soo galay Bushra oo gacmaha ku sidda saxan ay saaran yihiin galaasyo dhalo ah si loogu cabbo cabitaanka.

Bashiir durbadiiba wuxuu ogaaday iney ayada diyaarisay waxaan oo dhan, wuxuuna asgoo xanaaqsan weydiiyay aaway hooyo.

Waxay ku tiri: Hooyo iyo fardowsaba waa ay baxeen oo ani kaliyaa joogo, waxayna u sii jiheysatay dhankii Bashiir iyo miiskii qadada, ka dib baa wuxuu weydiiyay yaa qadadan u diyaarineysaa, waxayna ugu jawaabtay, Aniga.

Bashiir baa intuu aad u xanaaqay gacanta ku dhuftay saxankii iyo galaasyadii ay waday, oo waxaa dhulka ku jajabay galaasyadii dhalada ahaa, wuxuuna aaday miiskii qadada oo wuxuu qabtay maradii miiska saarneyd, wuxuuna, dhankeeda ku daadiyay saxamadii dhalada ahaa iyo qadadi diyaarsaneyd iyo wax Alle wixii miiska saarnaa.

Bushra naxdin darteed ayey afka qabsatay, isagana qolkiisii jiifka ayuu galay albaabkana xoog u soo xiray.

Bashiir markuu qolkiisa aaday, Amiira waxaey fiirisay lugteeda oo waxaa ku mudnaa dhalo ka soo faniintay koobabkii dhalada ahaa oo ay siday oo uu Bashiir sida xooga ugu tuuray dhulka. Waxey ka siibtay lugteeda dhaladii ayada oo Ooyeysa, balse waxaa soo booday dhiig badan oo waxay u carartay qolkeeda si ay lugteeda maro ugu xirto, waxeyna lugta ku xirtay marooyin, laakin dhiigi wuu joogsan waayay.

Bashiir oo intuu dharka iska soo bedelay is dhahaaya magaalada aad oo gabadhan akteeda ha sii joogin, hooyana horay u soo mar ayaa wuxuu ka soo baxay qolkiisa, balse markuu jaranjarada guriga ka soo degaayay ayaa wuxuu arkay dhiig, wuxuu u degay dhanka qolkii qadada oo qofna ma joogin, laakiin inta u dhaxeysa qolka qadada iyo jaranjarada guriga waxaa ku yaalay raad dhiig ah, wuxuu ku soo laabtay jaranjarada oo wuxuu raacay raadkii dhiiga asaga oo walwalsan, wuxuuna raadkii geeyay qolka Bushra.

Qolkii albaabkiisa ayuu garaacay, lkn Bushra kama aysan furin, wuxuu isku dayay in uu jabiyo albaabka oo ugu dambeyn wuu u furmay, Markuu qolka galay ayaa wuxuu arkay Bushra oo aad u ooyneysa oo lugteeda duuduubeysa gacmageedana ay wada dhiig yihiin.

Intuu aad u naxay ayuu ku yiri, maxaa kugu dhacay?, Bushra uma aysan jawaabin, Isaga ayaa durmadiiba eegay lugteeda, oo waxaa ku yaalay dhaawac dhiiguna wuu ka qulqulayay, wuxuu isla markiiba u soo qaaday dhankaa iyo gaariga, wuxuuna u kaxeeyay isbitaalka ugu dhaw ee magaalada ku yaala.

Waxey tageen isbitaalka oo dhaawicii Bushra waa la tolay daawo iyo fitamiinana waa loo soo qoray, maadaama uu dhiigeedi naaqusay oo uu dhiig badani ka baxay.

Hooyo Bishaaro ayaa xaafada ku soo laabatay waayo inanta yar caanaheedii ayaa ka go’ay, hurdana wey diiday oo wey ka soo laabateen reerkii qadada ka dib. Hooyo Bishaaro waxey u soo gashay gurigii oo isku dhex yaacsan, raashinkii oo dhulka ku daadsan, alaabtii oo jajaban iyo dhiig dhulka yaala. Inteey aad u naxday ayey wacday inankeeda wuxuuna ku yiri, Hooyo waan soo soconaa dhibna ma jiro ee is deji anagaa wax walba ku fahamsiin doonee.

In yar ka dib guriga ayey yimaadeen, Bushra waxey ku taagsaneysay hal lug oo socodka wuu dhibayay, Hooyadi baa iyadoo fajacsan ku tiri war maxaa ku dhacay inanta?

Isaga ayaa ugu jawaabay Hooyo lugta ayaa firirka alaabta ka soo gaaray, ka dib markaan dhulka ku dhuftay alaabtii miiska saarneyd.

Amiira ayaa dejisay hooyada oo ku tiri waa dhaawac yar, ku talagalna ma uusan u sameyn ee is deji Hooyo, waana fiicanahay.

Hooyo ayaa aad ugu qeylisay Bashiir oo ka quusatay dhaqamada inankeeda, waxayna gashay qolkeeda ayada oo xanaaq iyo ciil indhaheeda ka muuqdaan inantii yareedna uga soo tagtay qolka Bushra, maadaama ay inanta yar aad u jeceshahay habaryar Bushra.

Bashiir qolkiisi ayuu iska galay isagoo yaaban oo ka shalaaysan wuxuu sameeyay, Bushrana weyba daalaneyd oo wey iska huruday markii ay inantii yareyd seexisay, Bashiir wuxuu la hadlay xafiiska gabdhaha laga shaqaaleysiiyo wuxuuna dalbaday gabar shaqaale ah oo cuntada karisa maadaama ay Bushra lug xanuuneyso.

( La soco Qeybta Xigta).


Abdulkadir Uukow

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

The reCAPTCHA verification period has expired. Please reload the page.