Bashiir sida ay Bushra u timid wuxuu wax ka cunaayay banaanka intuu guriga kula noolaa, ama delivery ayuu dalban jiray oo guriga ayaa loogu keeni jiray, laakiin hooyo iyo inanta yar waxaa cuntada u karin jirtay Bushra.
Guriga waa guri weyn waxaana ka shaqeeyo shaqaale nadaafadda qaabilsan, Bushra shaqada guriga waxey qaban jirtay cunto karinta, alaab dhaqidda, dharka iyo nadiifinta jikada, shaqaalaha kalana howshoodu waxey aheyd maalmo kooban, sida iney rusheeyaan jardiimada, iney tirtiraan qolalka oo dhan iyo darbiyada iyo daaqadaha guriga, lkn howshi Bushra gabadha cusub ayaa sameyneysa maanta ka dib.
Usbuuc ka dib Bushra waa ay nasatay lugtii waa ay u fiicnaatay intaasna erey ismey dhaafsanin ayada iyo Bashiir.
Waxaa la gaaray maalintuu Bashiir bixi lahaa si uu u soo dhameysto sanadka uga harsan waxbarashada, Inantiisa yar waa 2 jir oo waa inan ordeysa oo aad u jecel asaga, Bushra iyo hooyo Bishaaro.
Bashiir oo u diyaar garoobaya safarkiisa oo boorsadii dharka diyaarsanaya ayaa waxaa u soo gashay inantiisa Firdowsa oo gacanta ku sidata buug yaroo qurxoon, buugii ayuu ka qaaday wuxuuna saaray sariirtiisa, wuxuuna inantiisi u waday dukaan guriga u dhaw si uu ugu soo iibiyo alaabaha ilamaha ku cayaaraan iyo hadiyado ay ku faraxdo maadaama uu ka maqnaan doono muddo sanad ah.
Hooyo Bishaaro baa soo gashay qolka Bashiir iyada oo u soo diyaarisay macmacaano uu jecel yahay iyo hadiyado ay ku jiraan sawirada inantiisa. Boorsada ayeu macmacaankii iyo hadiyaddi yareyd u gelisay, waxayna aragtay dharkii Bashiir oo qaarkii sariirta saaranyahay oo aan boorsada lagu xareyn. Dharkii dhinaa ayey u gelisay boorsada, waxayna aragtay buug saaran sariirta, oo buugiina waxay ugu xareysay jeebka kore ee boorsada.
Bashiir iyo inantiisi wey soo laabteen waxaana la gaaray xiliguu aadi lahaa madaarka, Bashiir wuxuu albaabka guriga ku sagootiyay hooyadii iyo inantiisa, Bushrana qolkeeda kama aysan soo bixin oo danba kameysan laheyn bixitaankiisa iyo joogistiisaba, waxayna u diyaar garooweysay imtixaanadii jaamacadda.
Saacado kadib wuu Bashiir wuu Safray, waxa uuna aaday halkii uu degenaa si uu ugu nasto, maalmo ka dibna u bilaabo waxbarashadiisa.
Bashiir markuu tagay halkuu degenaa wuuba iska seexday oo nin daalan buu ahaa, maalintii xigtay ayuu furay boorsadii dharka si uu uga bixiyo dharka, ka dibna wuxuu arkay Buuggi inantiisa yar siday oo boorsada ku jira, Buugii meel ayuu saaray oo wuu degdegsanaa kama uusan gaarin aqrintiisa.
Saddex maalmood ka dib ayaa wuxuu arkay buuggii, ka dibna wuxuu fiiriyay waxa ku qoran, wuxuuna ogaaday inuu yahay xusuus qoraha Bushra, wuxuuna soo xasuustay sida ay u naxsaneyd Bushra markuu ugu galay qolkeeda iyadoo lugteedu dhiigeyso wuxuuna dareemay inuu ka galay qalad weyn.
Buugii ayuu iska sii watay aqrintiisa, waxaana ku qornaa, Taatiikhda 16/01/2015 maanta waxaan imaaday Magaalada si aan jaamacad u galo oo aan wax u barto, Riyadeyda waa in aan ganacsiga barto oo ganacsi ii gaar ah aan sameysto si aan u noqdo qof isku filan oo fikradaheyga aan ka dhabeeyo.
Maanta waa 10/8/2015 waxaan bilaabay jaamacadda qeybta ganacsiga (Bisiness adminsration), Maanta waa 11/04/2016 waxay ii tahay maalin murugo oo waxaa geeriyootay walaashey habaryartey dhashay oo aanan wali la kulmin sidii an Magaalada u imaaday.
Maanta waa 24/05/2016 waxaan u soo wareegay guriga walaashey Barni Allah ha u naxariisto, maadaama ay hooyo Bishaaro iga codsatay inaan inanta walaashey la haayo.
Maanta waa 05/06/2016 waxaa nolosheyda qabsaday wax aanan fileynin.
Hooyo Bishaaro waxey ii sheegtay in ay la dardaarantay walaashey Barni inta aysan geeriyoonin ka hor, waxayna ku dhahday Bushra iyo Bashiir isu guuri si ay gabadheyda hooyo ugu noqoto maadama ay soo aragtay dhibka hooyo la’aanta ay leedahay si ay u fahamto gabadheyda oo ay iigu koriso sida hooyadeed oo kale, Waan naxsanahay wax aan sameeyo ma aqaano, Guur diyaar uma ahi qaasatan ninka walaashey qaba lagama yaabo inaan guursado, Dardaaranka walaashey miyaan fuliyaa mise nolosheyda iyo riyadeyda ayaan doortaa, Hooyo Bishaaro wax aan ugu jawaabo ma aqaano, tolow maxaan sameeyaa Allow jidkuu kheyrka iigu jiro i mari.
Bashiir intaa markuu aqriyay intuu naxay ayuu mobilka la soo booday oo durbadiiba wuxuu wacay hooyadiis, waxaana dhex maray:-
Hooyo: See tahay wiilkeyga?
Bashiir: Hooyo adiga sow iguma dhihin Bushra guurkaaga raali ayey ka tahay, maxaa beenta iigu sheegtay.
Hooyo: Haa hooyo laakiin maxaa kugu dhacay oo la Ooyneesaa ?.
Bashiir: Hooyo maxaa iigu sheegi waysay in ay Barni kula dardaarantay oo ay kugu dhahday Bushra guriga keen?.
Hooyo intey isku naxday ayey ugu jawaabtay, Hooyo Barni ayaa iga codsatay inaan kuu sheegin waayo meysan rabin inuu guurkaagu kaa halaabo oo uu kaa noqonin dardaaran fulis oo kaliya ee waxay rabtay inaad Bushra si dhab ah isku guursataan oo inanta yari aysan cidloon, adigana aadan cidloon.
( La soco Qeybta Xigta).
Sheekada qaybtaan waa mid xamaasad badan. Bashiir wuu shalaayay markuu ogaaday xaqiiqada Bushra, qalad weyn buu dareemay inuu galay.
Sheekada qaybtaan waa mid xamaasad badan. Bashiir wuu shalaayay markuu ogaaday xaqiiqada Bushra, qalad weyn buu dareemay inuu galay.
Wow! Sidii Bashiir u helay xusuus qoraha Bushra way naxdin lahayd. Waxa uu ogaaday dardaarankii Barni, taasoo muujineysa culayska nolosha.
Waa qiso qiiro leh! Bashiir hadda ayuu fahmay dhibka Bushra. Wuxuu ku soo dhacay qalad uu moodayay mid kale.
Waa sheeko murugo leh oo runtii ku tuseysa muhiimadda dardaaranka iyo in la fahmo dareenka dadka kalena.
Muuqaalkii xusuus qorka Bushra waa mid niyad-jab leh. Waan la yaabay sida Bashiir ugu shalaayay markii uu aqriyay!
Bashiir oo ka helay buugii gabadheeda ayaa runtii ah muuqaal aan la ilaawi karin. Wuxuu noqday mid naxsan oo garowsaday khaladkiisa
Runtii xusuus qoraha Bushra ayaa bedelay wax walba. Waxaan filayay inuu wax ka duwan yahay ilaa intaanan qaybtaan aqrin.
Bashiir wuu ku qaldamay Bushra. Xaqiiqada markuu ogaaday waa la dareemi karaa xanuunka uu la kulmay.
Ma filaynin in sheekada sidan u sii adkaan doonto! Waxay noqotay mid qiiro iyo xamaasad ka buuxda.
Shekadani waxbadan ayay na baraysa farinta ay sidana waa inanad wax dulmin si aad hadhaw uga shalayso