Bushra wey naxday markuu yiri xaaskeyga ayaan u hambalyeynayaa ayaa ciil dartii go’aansatay in ay ka baxdo hoolka xafladda, lakiin isla markii waxay ogaatay in haddey istaagto la fahmayo in ay ayada tahay macalinka xaaskiisa oo wey iska joogtay,meelna uma bixin, ardaydii oo dhanna waxey bilaabeen iney is weydiiyaan waatuma gabadhaas uu macalinkooda qabo, sowtii ay xaaskiisa geeriyootay, ma gabar jaamacadda nala dhigato buu guursaday, waa tee gabadhaas iwm.
Hooyo Bishaaro iyo Firdowsa yariiseey ayaa qudbadaha ka dib imaaday goobtii xafladda, waxay arkeen Bushra, waxayna ku tiri mabruuk hooyo xafladda iyo qudbadaheeda mobilka ayaan kala socday intaan gaariga soo saarnaa, Bashiir aaway?.
Bushra ayaa ku tiri Hooyo ardayda yeysan ku maqlin aniga inaan ahay iney ogaadaan ma rabo, Isla markiiba Bashiir oo labis aad u qurxoon sita ayaa ka soo baxay hortooda wuxuuna soo aaday dhankooda.
Wuxuu arkay Bushra, waxayna la ahayd inuu arkayo markii ugu horeysay oo salaan ayuu ku bilaabay, laakiin iyada wax ahmiyad ah ma siin oo salaanta ayey ka qaaday ayada oo ku mashquulsan mobilkeeda, waxayna isla markiiba tiri: Hooyo waan soo laabanayaa.
Bashiir oo is dhahaya wey soo daahday waxay aheyd inaan sawiro wada galno, wuxuuna rabay inay sawirada ka dib ka soo qadeeyaan Hoteel, xaflad yarna dhigtaan si uu uga farxiyo Bushra.
Bushra oo islaheyd haba soo laabanin ayaa soo laabatay maadaama ay hooyo Bishaaro iyo inanteedi yareyd sawiro wada gelin oo ay darteed u soo baxeen.
Waxay sawiro wada galeen dhamaantood laakiin sawirada badankood waxey la gashay hooyo iyo inanta yar ee ay habaryarta u tahay, waxayna ku galeen meel khaas ah oo dabaqa kore ee hoteelka xafladda lagu dhigaayo ah.
Bashiir baa ku yiri ina keena hoteel baan ku soo nasaneynaa maanta oo aan xaflad yar ku dhiganeynaa, laakiin Bushra ayaa ku tiri aniga waan daalanahay meel aan guriga ahayn ma aadi karo iga raali noqda ma idin raaci karo, Ugu dambeyn waxaa la yimi gurigii Bushrana waxay toos u aadday qolkeedii ka dib markey inanteedii yareyd Caano iyo Cunto siisay.
Bashiir wuxuu aaday dhanka gaariga wuxuuna soo qaatay boorsadii uu watay, wuxuu tagay qolkiisa, wuxuuna boorsadii ka soo saaray Bokis uu ku jiro Sad dahab ah oo aad u qurux badan iyo Bokis kale oo dhar cadaan iyo dahabi ah ku jiro.
Wuxuu go’aansaday inuu u geeyo hadiyadaha wuxuuna aaday qolkeedi hurdada, albaabka ayuu garaacay kadibna Bushra baa ku tiri soo gal oo waxay moodeysay hooyo Bishaaro, Bashiir hadiyadihii wuxuu ula jeestay dhankii ay fadhisay Bushra, wuxuuna ku yiri waa hadiyad yar oo aan kuugu soo talagalay ee iga hoo.
Bushra ayaa intey istaagtay ku tiri Sorry waad isa soo dhibtay hadiyad kaagama baahni walaal waana bixi kartaa albaabka, wuu furan yahay, Bashiir baa ku yiri waxaan rajeynayaa inay ku cajabiso, wuxuuna u saaray Sariirta dhinaceeda wuuna sii baxay.
Bushra ayaa labada gacan ku soo qabatay hadiyaddii kaartoonka weyn uu ku keenay oo intey ka daba timid ayey qolkiisa hortiisa dhigtay, waxayna ku tiri adiga ayey wax kuu tareysaaye heyso hadiyadda aad sheegeyso, weyna ka soo tagtay.
Bashiir wuu filaayay iney taas ku dhici doonto, waxa uu isia dhigay hadiyaddii qolkiisa oo kumuu qasbin Bushra waxeysan dooneyn, wuuna filayay ineysan sahal raali ku noqoneyn oo uu sugayo intuu marsiiyay iyo in ka badan.
Bashiir saddaxdii maalmood ee uu joogay waxey u ahayeen farxad madaama uu arkayo xaaskiisa oo uu hal meel la joogo, ma aysan wada hadal asaga iyo Bushra, waxeyna u muuqataa ineysan saamixi doonin, waayo wuxuu ogyahay inuu Saddex sano oo buuxda uu dhibayay oo uu ka dhigay shaqaalaha guriga,iyada oo gabadhiisa yar korineysa oo waxbaraneysa, oo waliba hadal qalafsan iyo canaan joogto ah ugu dari jiray intaa, wuxuuna ku soo laabtay magaaladiisii markey u soo dhamaadeen fasaxii Saddexdii maalmood.
Bashiir wuxuu dhameystay bilooyinkii yaraa ee uga dhinnaa waxbarashada oo asagana isla sanadkaa ayuu qalin jabiyay, lkn jaamacadda ayaa isla intuusan imaanin ka codsatay inuu qeyb ka bixiyo tababaro iyo mashaariic ay leedahay jaamacadda oo soconaaya 8 bilood, laakiin hadafkiisa wuxuu ahaa in uu Bushra qalbigeeda kasbado oo uu badbaadiyo xiriirkan muddadiisu ku egtahay dhamaadka sanadkan.
Bashiir wuxuu ku qasbanaaday inuu ka qeyb galo mashaariicdii jaamacadda ee ay ka wadday turkiga, wuxuuna helay usbuuc fasax ah 4 bilood oo maqnaansho ah, ka dib wuxuu soo booqaday reerkiisa.
Bashiir wuxuu go’aansaday inuu Bushra kala hadlo mowduuca guurkooda iyo in uu ka laabanaayo heshiiskii ay galeen bilawgii guurkan, Bushra waxay ogeyd in waxa harayba ay iska yar yihiin, isagana si walbuu iskugu dayo inuu heshiiskii wax ka beddelona aysan u suurto galeyn. Isaga waxaa u soo dhamaaday shaqadii iyo tababaradii uu ku bixinayay dalka turkiga oo wuxuu ugu dambeyn ku soo laabtay Dalka iyo reerkiisi, Maalinkii labaad ayaa waxa uu la fadhiistay Bushra, wuxuuna ka bixiyay raali gelin dhaqamadii uu kula dhaqmay oo dhan, wuxuuna kala hadlay mowduuci guurka, balse iyada ayaa ku tiri heshiis mar dhacay ka laabasho malahan.
Bushra aniga mustaqbal ayaan leeyahay waxaana rabaa inaan mashruuceyga bilaabo oo aan shaqeysto, waxaan intan u sameeyay waa walaashey Barni darteed, inta awodayna waan sameeyay, waa sax Firdowsa waa inanteyda oo kale, walina waa yar tahay oo xanaano wey u baahan tahay, waxaan kireysanaa guri u dhaw xaafaddan si aan mar walba uga warqabo oo aysan i tabin, laakiin guurkan waan inaan soo afjarno waxa dhiman waa 2 usbuuc, waxaana rajeynaa in aadan igu dhibin hadal kale.
Bashiir wuxuu isku dayay inuu warka si walba uga dhaadhiciyo, balse iyada weyy ka diiday, Hooyo Bishaaro ayuu u sheegay waxa jira iyo inuu jecelyahay xaaskiisa, qaladna uu ka galay oo uu ka codsaday iney cafiso balse ay diiday, dooneysana iney kala tagaan.
Hooyo Bishaaro ayaa xal u waysay labadooda lakiin waxey Bashiir kula talisay in uu horay u raaco Bushra oo dooneysa iney soo salaanto waalidkeeda iyo reerkii ay ka dhalatay oo uu la safro lana soo kulmo Aabaheed, walaalaheed iyo eedadeed, una soo sheego waxa dhacay iyo sababta ay isku guursadeen.
( La soco Qeybta Xigta).
[…] Bushra iyo inanta wey iska ag dhawaayeen dhirir ahaan iyo midab ahaan, Bushrana waxa ay wadatay xijaabkii inanta la baadi goobayay, Nimankii hubeysnaa ayaa isla markiiba gadaal ka soo maray Bushra oo afka intey maro ka saareen gaari buurta dhinaceeda u yaalay saarteen. […]