Jacaylku waa janno looga nasto qaxarka iyo dhibaatada adduunka bay dhahaan. Waxa ay dhalinyaradu, isku maaweeliyaan in si kasta oo noloshu kuugu adag tahay, haddii aad haysato qof ku jecel, aysan nolosha waxba kaa dhinnayn.

Dhalinyaradaas Bilaal ka mid maaha. Wuxuu si adag u aaminsan yahay in Lacagta iyo Quruxdu tahay furaha dunida. In aysan waxba kaa dhinnayn haddaad labadaas Midkood hesho. Kaba wanaagsan haddii aad isku hesho. Wuxuu caqligiisa ka dhaadhiciyay isaga oo aad u da’ yar in dunida uusan waayi karin wax uu u baahday. Lacagtii faraha badnayd ee Aabbihiis uga dhintay ayaa sabab u ah inuu nolol noocaas ah ku barbaaro ayaa la oran karaa. Dadku waxa ay badanaa is xasuusiyaan inuusan jiri karin qof dhammays ah. Bilaal markaad aragtose arrintaas waad beenaysanaysaa. Magicii hooyadiis ugu walqashay ayaa saadaal wacan u noqday ayaa la oran karaa.

Xilli ay casar liiq tahay, ayuu isaga oo galabta hurdada ku daahay gaarigiisii soo qaatay. Heeso qaraami ah ayaa u shidnaa, jawigiisuna wuu qurux badnaa. Saaxiibtiis Barwaaqo oo caawa la ballansanayd ayuu farriin gaaban u qoray: Gacaliso, Caawa waa ballanteenii, mase awoodo oo hawl baa igu soo baxday. Taleefankiisii ayuu xiray. Maba uu sugin jawaabteeda wuu ogyahay ineysan oranayn wax aan ahayn, “Waayahay Mcn”

Isagu ma yaqaan sababta uu u joojiyay kulankeeda caawa. Qorshe gooni ah ma uu laha. Waxa uu gaarigii xoogaa magaalada ku dhex wareegaba wuxuu tagay xarun Goob wax akhris oo uu galbaha qaar booqdo. Kursi bannaan ayuu fariistay inta uu gaarigiisa kala soo baxay buug shirka hore u saarnaa. Koob qaxwe ah ayuu dalbaday. Waxa uu galay jawi uusan waayahaan gemlin. Xasuuso ayaa qalbigiisa is jiiray. Waxa uu dib u daawaday gabdho badan oo uusan maanta meel ay dunida ka joogaan uusan aqoon markii uu jacaylkooda ku dhacayay. Sidii uu waqti u galiyay in ay dhankiisa noqdaan iyo sidii uu cidlo ugaga dhaqaaqay. Wuu isku qoslay marna isla yaabay. Wax uu naftiisa ku tilmaamo ayuu garan waayay. Maxaa kaa khaldan ayuu dhawr jeer is waydiiyay. In uu isbeddel u baahan yahay buu is xasuusiyay. Maxaan beddelaa ayuu is waydiiyay. Waxa uu haysto wax uu ku qanacsan yahay in aysan jirin buu is xasuusiyay. In uu kaco ayuu u holladay. Buuggii ayuu isku laabay. Hortiisa markuu eegay mise Bushra ayaa buug caafimaad ku saabsan hortiisa la fadhida. Wuu yaabay oo is yiri sidee aydan markii hore u arag. Waxa uu damcay in uu u tago oo uu wada hadal la furo. Kibirkiisa ayaa u diiday. Markii uu kacayay ayuu si ku talo gal ah buugiisii dhulka ugu tuuray. Ujeedku waxa uu ahaa in ay soo eegto. Nasiib xumo ma ay soo eegin oo waxey u muuqatay in aysan dan ka lahayn. Isaga oo dareemaya in uu markii koowaad dareemay daciifnimo ah in uusan hadafkiisa gaari karin ayuu gaarigiisii soo galay.

Dhanka kale Bushra oo daawanaysay illaa iyo markuu soo galay, hoosta kala socotay buuga uu akhrinayo iyo qaxwaha uu dalbaday noociisa ayaa qalbigeeda kula faqday.” Bushra maxaa kaa khaldan? Maxaa indhahaaga u mooddaa maanta kuwo meel khaldan eegaya.” Markuu sii kacayay ayay nafta u sheegtay ma eegtaa dhankiisa oo ma u qososhaa si hadal yari uga furmo meesha, haddana isla waynida ay nafteeda ku ababisay ayaa u diiday. Ayada oo maqlaysa shanqarta bixitaankiisa ayay is moogaysiisay. Marka ay ka yaabtay sida maskaxdeedu ninkaan ugu maqan tahay ayay nafta ku cadaadisay in ay xasuusato in ay xiriir dhammays ah leedahay. In uu jiro wiil dunida kaligeed ka eegta. Nin ay boqorad u tahay oo agtiisa aysan maalinna ku dareemin in wax ka dhiman yihiin. Waxey si adag ugu doodday in ay dembi wayn tahay in ayada oo haysata jacayl barakaysan dhib iyo qaxar ka fog ay u hanqal taagto nin ay ogtahay in uu haysto naag ka qurux badan, ka labbis fiican kana haybad wanaagsan.

Labadoodiiba isaga oo mid walbaa dhankiisa nafta ula dagaalamayo ayay guryahoodii u kala hoydeen. Bushra hadafkeeda koowaad waa in ay nafteeda ku qancisaa jacaylka dhameyska ah ee ay haysato kana ilaaliso dhaawac soo gaara. Bilaal hadafkiisu waa in uu is beddelo, waa in uu helo gabar uu jecel yahay oo ku dego. In uu iska daayo istustuska iyo faanka aan macnaha ugu fadhin. In uu Quruxda, Caqliga iyo maalka ilaahay siiyay uu uga faa’iidaysto sida ugu habboon. Wuxuu ku celcelinayay in la gaaray waqtigii uu heli lahaa nolol xasiloon oo uu ku nasto.

Barwaaqo ayadu waxa ay rajaynaysaa in uu dhawaan guur u soo bandhigi doono. Lacag la’aani ma hayso oo wey ogtahay. Shaqo fiican buu hayaa oo waa xilligii ugu habboonaa uu guursan lahaa ayay nafta kula sheekaysataa. Maalin walba waxey aaddaa Saloon waxey soo marsataa Cillaan qurux badan ayada oo is leh isnaashnaashkaagu bal farriin ha u noqdo. Go’aan bay meel dhigatay. Bil gudahood haddii uusan guur igu waydiisan aniga ayaa waydiisanaya ayay hoosta ka xarriiqday.

Burhaan habeen iyo maalin wuu shaqeeyaa. Hadafkiisa koowaad waa in uu helo lacag ku filan oo uu Bushra ku doonto meelna ku dejiyo. Weli guur ma waydiisan wuxuuse ku hanwayn yahay in aysan diidi doonin haddii uu isagu dhaqaale ahaan diyaar noqdo. Jacayl xadka dhaafay ayuu u hayaa ayada, oo waxa uu xilli walba ka walwalaa armaa lagaaga hormaraa oo nin diyaar u ahi guur u bandhigaa adiguna aad sidaas ku hungowdaa.

( La soco Qeybta Xigta).

Abdulkadir Uukow

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

The reCAPTCHA verification period has expired. Please reload the page.