Waa markii 3aad oo ay is arkayaan ayaga oo aan ballamin. Malaha qaddarka ayaaba isla doonaya labadooda oo raalli ku ah burburka qalbiyo faro badan. Maya qaddartu shuqul kuma laha kulankaan ee waxaa qorsheeyay Bilaal, wuuna ogaa in ay isbitaalka kalkaaliso ka tahay. Waxa uu u yimid in uu dhiig shubo. Nasiib wanaag ayada ayaa joogtay qeybta uu yimid. Baaritaan yar ayey ku samaysay, ka dib ayay dhiigii ka shubtay.

Intii ay dhiigga ka qaadaysay oo dhan ayada ayuu daawanaayay waxey la ahayd sidii uu markii koowaad arkayo wax indhihiisa sidaas oo dhan u soo jiita. Xoogaa daal ah baa ka muuqda wajigeeda quruxdeedase ma uu qarin. Markii ay u dhammaatay shaqadii ayay ka dhaqaaq maagtay. Hadda wuu dhiiraday si cad buu ula hadlay oo u yiri:- Bushra muxuu ahaa lambarkaagii ?” Ma tiraahdaa maxaa kaa galay lambarkayga ayay niyadda ka tiri, Haddana waxey isu sheegtay in sidaasi ay ceeb tahay. Gacanta ayay u soo taagtay. Taleefanka ii dhiib in ay ka waddo wuu gartay. Lambarkeedii ayay u qortay. Bushra ayay ugu save garaysay. Labo gabdhood oo iyaguna Kalkaaliyayaal ka ah isbitaalka ayaa meel u dhow ka daawanaya waxa meesha ka dhacaaya. Hadal ayada oo aan u celin ayay ka dhaqaaqday. Gaarigiisii ayuu soo galay. Lambarkeedii ayuu dhawr jeer eegay isaga oo aad moodid in uu soo xaqiijiyay hadaf aad u weyn.

Dhanka kale Barwaaqo waxa ay u diyaar garoobeysaa kulan ay caawa gacaliyaheeda la leedahay. Waxa ay wadnaha farta uga heysaa in uu caawana uga baxo oo uu yiraahdo ma kulmi karno. Go’aan bay meel dhigatay. “Caawa haddii uu ka baxo si cad ula hadal u qeex dareenkaaga waydiina sababta uu kaaga meermeerayo muddooyinkaan.”

Salaaddii maqribka marka laga baxay ayaa taleefankeedii soo dhacay. Barwaaqo ayada oo ka walwalsan in uu baajiyo ballanta ayay qabatay. Wixii ay ka baqeysay ayaa dhacay.

Wuxuu hadal uga bilaabay. “Gacaliso, Waan ka xumahay saaxiibkay oo magaalada yimid ayaan galabta si kedis ah ku kulanay ilamana qurxoona in aan ka soo tago. Waqti qurxoon waan wada qaadan doonaa.” Naagtii ku tashatay in ay si kulul ula hadasho hadalkeedii wuxuu ku soo aruuray ” Waayahay Qaali” Kursi daaradda yaalay ayay fariisatay. Cabbaar ayay is waydiisay waxa helay. Wuxuu isku beddelay oo uu uga meeraysanayo kulankeeda. Waxa ay dib u gocatay xasuuso hore. Waxey dhex tagtay sidii ay isku barteen. Sidii ay noqotay maalinkii koowaad ee ay ogaatay in uu gabar xiriir la leeyahay. Waxa ay xasuusatay sidii ay go’aan ugu gaartay in ay dhinaceeda soo mariso oo aysan uga harin xiriir buu leeyahay.

Niyadeeda ayaa dhawr jeer la hadashay. Afarta jiho baa looga dhawaaqay. Sidii aad ku heshay, ayaa adigana lagaaga qaadayaa. Maya ma dhici karto ayay ku doodday. Maxaa diidaya ayaa loogu warceliyay. Sababta oo ah aniga wuu i jecel yahay ayay ku celcelisay. In jacaylku isbeddelo ayaa dhawr jeer la xasuusiyay. Isku buuq dheer ka dib inta ay shaydaanka iska naartay ayay nafta ballan kula gashay in marxaladda soo korortay ay ka salgaari doonto, Bilaalna ay ayada oo keli ahi lahaan doonto.

Burhaan farxadda qalbigiisa ka buuxda waxa aad moodaa in nolosha loogu bishaareeyay in la siin doono furayaasha jannada. Waxa uu ku hanweyn yahay in uu caawa seexan doono isaga oo guur la qorsheeyay tan uu qalbigiisa u xiray. Gaarigii ayay soo gashay Bushra. Waxa ay u socdaan meel lagu nasto, cunto macaana laga cuno oo magaalada bannaankeeda ah. Heeso xasilooni muujinaya ayaa gaariga ka daaran. Isaga waxey la tahay maanta inuusan magaalada uusan joogin nin isaga ka farxad badan.

Bushra waxey isku canaananeysaa maxaan lambarkayga u siiyay? Tolow khalad miyaan galay?, sow lama rabin inaan u diido. Markey jawaab weysay ayay nafta ku xasilinaysaa muhiim maaha in aan lambarkayga siiyay ee waxaa muhiim ah in aanan la hadlin markuu ila soo hadlo. Gaarigii ayaa soo istaagay afaafkii makhaayadda. Iftiin yaryar ayaa ka baxaaya illinka laga galo. Gaarigii ayuu baarkinka dhigay. Intii aysan dagan ayuu inta gacanta soo qabtay ku yiri “Gacaliso, Waxaad tahay noloshayda waxa ugu qaalisan. Waxaan doonayaa cimrigayga inta ka dhiman in aan adiga kula qaato. Noloshayda maalinkaad soo gashay ayay wax walbaa rajo yeesheen. Waxa aan rabaa in aan ku guursado.” Intuu hadlayay wey maqnayd. Maskaxdeedu waxa ay jirtay maanta iyo dhiig shubistii. Waxaa horteeda yaallay gacantiisii xididada badnayd awoodda faraha badanina ka muuqatay. Waxa ay is waydiinaysay sababta uu Lambarkeeda u qaatay. Muxuu ii sheegi doonaa ayay jawaab in laga siiyo jecleysatay.

Burhaan oo yaaban ayaa yiri “Gacaliso, ma aadan maqlin miyaa waxaan ku iri?”, Ayada oo aan jawaabin baa taleefankii soo gariiray.

“Ugaaso waxaan rajaynayaa in aan wax ka barto xirfadahaaga ka baxsan bukaanka dhayidiisa.” Way iska qiyaastay in uu Bilaal yahay ayada oo aan jawaabin ayay taleefankii xirtay. Waxey isku dayday in ay u soo jeensato jacaylkeeda baladu sii jiidanayso. Wuuba ka degay gaariga oo banaanka ayuu ku sugayaa. Iyada oo khajilaad dareemaysa ayay soo degatay. Gudaha ayay galeen oo ay wada casheeyeen cashadii koowaad ee ay dareemayeen in dhexdooda balo soo gali doonto.

( La soco Qeybta Xigta).

Abdulkadir Uukow

1 COMMENT

  1. […] Burhaan waxay la noqotay wax aan la aqbali karin in ay Bushra jawaabta aan Haa ahayn siisay. Dayntii uu bangiga ka qaatay, gurigii uu qorshaynayay inuu kiraysto xataa diyaar buu u ahaa oo mulkiilaha wuu la hadlay. Isaga qudhiisu ma yaqaan waxa sidaa u dadajiyay. Waxa ku kallifay inuu halmar gaaro go’aan guur. Loogama horeyn wada hadalkii Bilaal baqdin buu dareemay isaga oo aan garanayn halka laga soo weerarayo. Qaadan waaga ka sokow isaga waxaa khasab la ahayd in uu ogaado sababta dhabta ah ee ka dambaysa diiditaankeeda. Sow ma aha qoftii oran jirtay wax walba weynu wada qeybsan, xasiig hadday noqoto xataa waynu ku wada seexan. Jacayloow xaalkaa ba’ isbedbeddel badnidaa maxaa sugnaanshaha kuu diiday?. […]

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

The reCAPTCHA verification period has expired. Please reload the page.